Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

Hargaysa: Boqollaal haween ah oo suuqayada iskaga baxay khudaar yari darteed

Jibril Osman by Jibril Osman
February 29, 2024
in Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Hargaysa: Boqollaal haween ah oo suuqayada iskaga baxay khudaar yari darteed

Kaydka Ergo/sawir hore

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Saynab Maxamed Axmed oo ganacsato ahayd muddo 30 sano ah ayaa noqotay guri-joog. Waxaa ka xirmay miis ay ku lahayd suuqa Hargaysa, kaas oo ay ku iibinaysay noocyada ka la duwan ee khudaarta.

Arrintan oo haysatay tan iyo bartamihii bishii 11 ee sanadkii hore ayaa dhaxal siisay hoy xumo iyo cunno yari. Waxaa laga raray guri labo qol ah 20 bishii Janaayo ee sanadkan, markii ay iska bixin waysay kiradiisa oo bishii ah $100.

Qoyskeeda ayaa u wareegay guri aqal-soomaali ah, kaas oo ay ka dhistay boos uu ku caawiyay qof ay ehello yihiin. Waxay ka cabanaysaa ciriiriga ka jira halka qol oo aan ku filnayn qoyskeeda oo toban ah.

Xaaladdan waxaa u dheer cunno yari. Waxay ku nool yihiin raashin aan joogto ahayn oo ay helaan hal waqti oo ka mid ah maalintii. Waxaa u soo dhiciya curadka Saynab, kaas oo u xoogsi taga suuqyada.

“Ku yar oo aan dhalay baa meelahaas iska tagtaga. Wuxuu noo helo ee ilaahay nooga soo qaado ayaa haddii wakhti la karsado wakhtiga kale lagu gaadhaa. Wiilku huudhay yar buu meel ku iibiyaa, taasi oo maalinna uu helo maalinna uu waayo.”

Waxay ka mid tahay Saynab boqollaal haween ah oo suuqa iskaga baxay, kuwaas oo ka ganacsan jiray khudaar uga imaan jirtay gobollada koonfureed ee Soomaaliya. Waddada xariirisa Laascaanood iyo Hargaysa oo ku xirantay colaadda ayaa caqabad ku noqtay ganacsigooda.

Saynab waxay muddo sanad ah ku dhabar adaygaysay si aysan u xirmin meheraddeeda. Khudaarta ka soo go’da beero ku yaalla Soomaaliland ayuu ku tiirsanaa miiskeeda, taas oo waxbadan ka yar middii uga imaanaysay koonfurta.

Waxay sheegtay in lagu yeeshay lacag dhan $400 ah oo iskugu jirta kirada booska ay ka deggan tahay suuqa Waaheen iyo khudaar u gadmi waysay oo ganacsatadii ay ka soo qaadday ay ku yeesheen lacagteeda.

“Meherada waxa aan u xidhay, markii aan fara-qabsi ka waayey. Cid aan wax ka amaahdana waayey, wax kastaana ay qaali noqdeen. suuqii oo looga cararayo sicir-barar ayaan iskaga tagay oo markaa xaafadaan iska fadhiyaa.”

Saynab oo konton jir ah ayaa sheegtay in ganacsiga ka istaagay ay bishii ka heli jirtay ugu yaraan $300 ah. Lacagtan ayaa ku filnayd nolosha qoyskeeda iyo waxbarashada 6 caruurteeda ah.

Afar ka mid ah ayaa hadda si bilaash ah wax ku barta, markii maamulka iskuulka ay dhigtaan ay Saynab la wadaagtay duruufta dhaqaale ee la soo gudboonaatay, Labada kale lacagta ay ku dhigtaan dugsiga waxay la kaashataa bixinteeda dad ay ehello yihiin.

Hinda Aadan Cawil 23 jir ah waxay ka mid tahay dadka awoodi waayay in ay suuqa ku sii jiraan. Waxay lahayd gaari-gacan ay ku wareejin jirtay khudaar. Waxay sheegtay in markii ay istaagtay khudraddii laga keeni jiray koonfurta ay adkaatay in ay iibsadaan tan ka soo go’da beeraha Soomaaliland.

Waxay u sababaysay qiima koror ku yimid khudaarta, taas oo keentay in ay wax faa’iido ah ka wayso. Ganacsigeeda oo ka xirmay bishii tobanaad ee sanadkii hore ayay ka biili jirtay shan carruur ah oo la dhashay.

Waxay sheegtay in masuuliyadda korintooda ay dusha uridatay, markii hooyadood ay dhimatay, aabbahoodna uu soo ritay xanuunka macaanka saddex sano ka hor. Si ay u sii dabarto nolol-maalmeedkooda waxay billowday nadiifinta guryaha oo lacag bille ah ay ka hesho.

“Bishii haddii ay u badato $80 waxaan dhamayn baa iga soo gala. Kirada iyo waxbarashada carruurta ma kaafin karto. Sidaas oo ay tahay waan iska dhaqmaynaa. Waxaan isku celcelsanaa wixii aan bisha qaato.”

Mushaharka yare e ay hesho waxay u qaybisaa cunnada qoyskeeda iyo waxbarashada labo ilmood oo la dhashay, kuwaas oo iskuulka ku dhigta $18 bishii.

Hinda ayaa sheegtay in ay awoodi la’dahay bixinta kirada hal qol oo qoyskeedu dagan yahay, kaas oo ugu kiraysan $50. Ka hor inta ganacsigeedu istaagin qoyskeedu waxay ku noolaayeen labo qol.

Haweenaydan waxay ku jirtay dadkii ku hanti beellay dabkii ka kacay suuqa Waaheen sanadkii 2022. Waxaa ka gubtay dukaan ay ku iibinaysay khudaar. Waxay sheegay in ay ku waysay lacag $500 ah.

Waxay ku dadaalaysay sidii ay uga soo kaban lahayd qasaaraha hantiyadeed ee soo gaaray. Waxaa se cuuryaamiyay mar kale colaadda Laascanood oo xanibtay isku socodkii gaadiidka. Arrintaas oo quus bidday.

“Inkastoo aan jeclaa in aan ganacsigaygi hore ku laabto. Laakiin se iima suurto galeyso. Ilaahey tiisa mooyaane meel kale oo markan aan wax ka sugayno ma jirto.”

Ganacsatada khudaarta ee weli aan ka bixin suuqa ayaa iibiya basal ka timaadda dalka Itoobiya, taasi oo qiimahoodu aad u sarreeyo sida uu sheegay Cabdifataax Axmed Muxumed oo ah guddoomiyaha ururka Iidaan oo ay ku midoobeen in ka badan 2,400 oo ah ganacsatada khudaarta ee Soomaaliland.

Wuxuu xusay in ganacsatad danyarta ah ay isku biirsadeen sanado isxigxigay sicir-barar, gubasho ku timid ganacsigooda iyo khudaar la’aan, arrintaas oo keentay in ay ku sii jiri waayaan suuqa khudradda lagu iibiyo.

Ururka uu madaxda u yahay ayuu sheegay in uu qorshaynayo sidii dib loogu noolayn lahaa ganacsiyadii ka xirmay dadka suuqa iskaga baxay. Marka ay dowladdu xal u hesho khudrad yarida ka jirta Soomaaliland.

“Waxaanu tari karnaa marka koowaad in aanu dhiiri-galino, marka labaadna qorshe ayaa nooga yaala iyaga haddii ay tahay qaar aanu maal-galin yar u samayno, oo wax la sii amaahiyo iyo haddii ay tahay cid wax loo ururiyo oo hawshaas la gala qayb-qaato. Intaba insha allaahu tacaalaa diyaar-baanu u nahay in hawshaas wixii karaankayaga ah aanu qabano, qorshahana wey noogu jirtaa.”

Ganacsiyada xirmay ayaa sidoo kale saamayn taban ku yeeshay xoogsato u soo shaqo tagi jiray maalin walba suuqa Waaheen ee magaalada Hargaysa, kuwaas oo gadiidka ka dajin jiray khudaarta si ay nolol-maalmeedka qoysaskooda u helaan.

Previous Post

Baydhabo: Qoysas ku jira xeryo barakac oo ka faa’iideystay fursad ganacsi oo loo abuuray

Next Post

Marka: Beeraley dib u billaabay tacabka beeraha oo fatahaaddu ay quus-goysay

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
Next Post
Marka: Beeraley dib u billaabay tacabka beeraha oo fatahaaddu ay quus-goysay

Marka: Beeraley dib u billaabay tacabka beeraha oo fatahaaddu ay quus-goysay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 20-APR-2026

IDAACADDA 20-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 20-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo