Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Baydhabo: Qoysas ku jira xeryo barakac oo ka faa’iideystay fursad ganacsi oo loo abuuray

Jibril Osman by Jibril Osman
February 28, 2024
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Baydhabo: Qoysas ku jira xeryo barakac oo ka faa’iideystay fursad ganacsi oo loo abuuray

Kaydka Ergo/ sawir hore

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Khadiijo Cabdi Xasan waxay ku farax santahay inay hesho shaqo ay ka maareyso nolol maalmeedka qoyska. Waxay ka mid tahay boqol qof oo la baray tolidda dharka, kadibna la siiyay harqaan ay ku shaqeystaan.

Waxay ku nool yihiin xeryaha lagu barakacay ee magaalada Baydhabo. Khadiijo oo kaligeed u shaqeysa reerkeeda ayaa xustay in arintan ay ka caawisay inay helaan cunto ku filan oo saddexda waqti ah.

Harqaanka oo guriga u yaalla waxay ku toshaa dharka ragga iyo dumarka. Shaqadan ayay sheegtay in maalinkii ay ka hesho $7 illaa $10. Raadiyow Ergo ayay u sheegtay in nolosha qoyskeedu uu isbeddelay.

“Qof dhergan iyo qof baahan isku mid ma ahan. Xoogaa Canbuulo ah oo labo galaas ah ayaan soo gadan jirey waan karsaneyney. Saliid malahan, xoogaa caleen shaah ah ayaa loo karinayey carruurta oo aan caano laheyn, Markii hore mugdi ku jiray hadda iftiin ku jiraa.”

Khadiijo oo ah 39 jir dhaqaalaha ay hesho ayaa u suurta galiyay in 23 January ay waxbarasho geyso saddex carruur ah. Waxay dhigtaan dugsi Qur’aan. Bishii ayay ka dhiibtaa lacag isku darkeedu yahay $12.

Waxay tilmaantay inay jecleyd in carruurtu wax u bartaan, balse dhaqaale darro ay ka hor taagneyd.

Muddo bil ah oo ay waddo howshan waxay sheegtay inay keydsatay lacag soddon Doollar ah. Qorshaheeda ayaa ah in ganacsigeeda ay sii ballaariso, si ay uga hesho dhaqaale badan oo noloshooda badala.

“Shaqadan hadii illaah idmo waxaan rajeynayaa inaan heer sare aan ka gaaro. Hadda buush ayaan deganahay. Guri inaan ka gato oo aan ka dhisto shaqadan oo aan carruurteyda aan ka maaresto ayay fikradeyda tahay. Insha Allaah mustaqbalka aan gaaro meel sare ayaan rabaa.”

Khadiijo oo kaligeed korisa shan carruur ah oo lagu furay ayaa tilmaantay in markii hore nolosha ay ka maareyn jirtay xaabada iyo cowska oo ay ka soo guri jirtay hareeraha magaalada, kadibna gadi jirtay.

Shaqadaas ayay xustay inay dhib badneyd oo haraad iyo daal badneyd, dhaqaala heeduna yaraa. Waxay sheegtay in masaafo dhan lix Km ay ka dooni jirtay. In ka badan Shan saac ayay ku qaadan jirtay gurista iyo keenista magaalada. Waxay bishii ka heli jirtay illaa $40.

“Dhib Saa’id ah ayaan ku jiray. Laakiin hadda farxadeyda lama soo koobi karo. Niyadeyda aad ayey ufaraxsan tahay. Wax labo Doollar ah camal meel ayaan ka dhigtaa oo harqaan keyga. Waxaan ku sameestaa markuu cilad yeesho. Anigoo rafaadsan oo galab ay tahay ayaa ley arkay iyadoo kaamka dad laga qorayo, sidaas ayaa leygu qoray anigana.”

Waxay aheyd xoolo dhaqato ku nool deegaanka Buur-heleda oo 90km u jira Baydhabo. Danta ayaa ku qasabtay inay barakacdo markii abaar ku dhufutay sanadkii 2017 ay uga la’deen ari 25 ah iyo lo’ soddon ah oo noloshoodu ku tiirsaneyd.

Dadka shaqadan loo abuuray ayaa saddex bil la baray sida loogu shaqeeyo harqaanka. Bishii January billowgeeda ayaa hay’adda GAREEDO waxay qof kasta siisay harqaan uu noloshiisa ka dabaro.

Taageeradan ka hor qoyska Faadumo Xasan Buule ma laheyn il dhaqaale, balse hadda iyada ayaa nolosha reerka ka maareysa dhaqaale si maalinle ah uga soo gala harqaanka.

Bil ay ku shaqeyneyso waxay sheegtay inay ka heshay lacag gaareysa $195. Arintan waxay ka caawisay inay helaan cunto ku filan. Markii hore hal waqti ayay dabka ku shidan jireen raashiin bisil ama ceyriin oo ay ku caawin jireen dadka dariskeeda ah.

“Hada horumaraan gaaray. Wey fiican yihiin carrruurta dabka loo shidayo kama walwalno. Markii hore islaamka wax noo soo qaraamaan ayaan iska cuni jirney.”

Haaweeneydan oo 42 jir ah Labo sano iyo bar ayay deggan tahay xerada Shabeelle oo ay ku nool yihiin 170 qoys. Qorshaheeda ayaa ah inay hesho guri ay leedahay oo u badala aqal cooshad ah oo hadda ay ku nool yihiin iyo inay ka baxaan nolosha barakaca ah.

“Rajadeyda hada waxay tahay wax aan dhul ku gato oo aan ka dhisto misana hor mar aan ka gaaro. Dadaalkeeda ayaan ku jiraa.”

Faadumo ayaa sanadkii 2021 waxay ka soo barakacday tuulda Buur-helida markii abaar ay uga la’deen xoolo ay dhaqanayeen oo tiradoodu aheyd 20 neef oo ari ah.

Soddon iyo shan qof ayaa dumar ah boqolka qof ee fursadan helay. Waxay u badan yihiin dhallinyaro lagu xushay duruufta nololeed ee ay wajahayaan darteed.

Dadka ku nool xeryaha lagu barakacay inta badan ma helaan shaqooyin ay ka maareeyaan noloshooda. Dhaqaale xumada ayaa ku riixday in ay iskaga jiraan xeryaha lagu barakacay iyagoo naawilaya gargaarka hay’aduhu bixiyaan.

Previous Post

Muqdisho: Qoysas ku cusub xeryaha oo ku nool dawarsi ay u dheertahay hoy xumo

Next Post

Hargaysa: Boqollaal haween ah oo suuqayada iskaga baxay khudaar yari darteed

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
Next Post
Hargaysa: Boqollaal haween ah oo suuqayada iskaga baxay khudaar yari darteed

Hargaysa: Boqollaal haween ah oo suuqayada iskaga baxay khudaar yari darteed

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 21-APR-2026

IDAACADDA 21-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 21-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo