(ERGO) – Maxamed Cali Maxamed wuxuu wajahaya hubanti la’aan dhanka nolosha ah, taas oo ka dhalatay khasaare ka soo gaarey biyo ku soo fatahay beertiisa. Bishii Janaayo ee sanadkan ayuu abuurtay dalag isugu jira sisin, yaanyo, bocor, digir iyo qajaar.
Kanaal beerta u waraabin jiray ayaa ku soo fatahay lixdii bishan Febraayo xilli habeen ah. Biyaha ayaa ka qaaday dhammaan dalaggii u saarnaa beerta. Maxamed wuxuu ka mid yahay 150 beeraleey ah oo ku nool deegaanka Buufow Bacaad ee duleedka Marka oo beerahooda biyahu ay ka qaadeen.
Wuxuu xusay in uu awoodi la’ yahay maareeynta nolosha qoyskiisa. Wuxuu sheegay in lacag yar oo ay soo shaqayso xaaskiisa in hal waqti cunno loogu kariyo qoyska.
“Dabka waxaa lagu shidaa cows iyo xaabo ay xaaska suuqa geyso. Sidaa ayaa carruurta lagu korinayaa, lacagta aan beerta ku abuuray iyo wixii ay carruurta biilanayeen, waxaa dayn looga soo qaaday dukaan. Beerta marka ay soo go’do ayaan qorsheeynaayay inaan iska bixiyo.”
Maxamed oo ah aabbaha siddeed carruur ah ayaa sheegay in beerta ay biyaha ka galeen ay tahay hal hektar iyo bar. Wuxuu filaayay inuu goosto dhammaadka bisha Maarso. Afar boqol oo doolaar oo dayn ah ayuu tilmaamay inay ka gashay beerta. Walwelkiisa ugu wayn hadda ayuu xusay inuu yahay sidii uu ku gudi lahaa daynta.
Maxamed ayaa sheegay in kanaalka biyaha keenay aan labo sano la dayactirin. Iskaashato ay ku mideeysnaayeen beeraleeyda deegaanka oo lacago iska aruurin jiray ayaa dayactiri jire, balse qudhooda ayaa meesha ka baxay.
Dhaqaale yari soo food saartey oo ka dhalatay abaarta ayuu sheegay inay keentay in beeraleeyda ay awoodi waayeen lacagahii ay bixin jireen.
Kanaalkii oo aan la hagaajin ayuu sheegay in biyo lagu soo fasaxay, taasi na ay keenay khasaaraha ay hadda ku sugan yihiin. Beertiisa oo meel godan ku taalo ayuu tilmaamay inaysan waxbo ka badbaadin oo dalagii u saarnaa oo dhan ay biyaha ka qaadeen.
“Wixii lacag aan haynay iyada ayaan gelinnay oo kharash kale hadda uma hayno. Aniga tan iyo burburkii beeraleey ayaan soo ahaa. Wax kale ma aqaanno oo aan beer ahayn. Iskuul ma soo dhigan oo wax kale la ima soo barin. Badda ma aqaano sida wax looga raadsado. Waligay beeraleey ayaan soo ahaa.”
Maxamed wuxuu tilmaamay inuu qorsheeynaayay in waxbarashada uu ku daro carruurtiisa oo aan waligood aan iskuul la geyn, marka ay beerta u soo go’do. Biyaha ku soo fatahay beertiisa ayuu sheegay inay meesha ka saartey qorshihiisa.
Dhanka kale beeraleeyda qaar ee biyaha uga fataheen beerahooda ayaa isu diyaarinaayay inay goostaan dalag u baxayay. Isxaaq Cabdulle Yabaroow oo ah aabbaha shan carruur ah waxay fatahaadda kanaalka ka qaadey beer hal hektar iyo rubac ah. Bishii Oktoobar ee 2023 ayuu ku abuurtay sisin.
Ninkan oo beerta dalag saarey markii ugu horreysay, toban sano oo uu barakac ahaa kaddib, ayaa sheegay inuu rajeynaayay inay u soo go’do 15 bishan Febraayo. Wuxuu xusay inuu geliyay $700 oo $500 oo ka mid ah dayn uu ku soo qaatay.
“Mudo 10 sano ah deegaankan waan ka maqnaa. Duleedka Muqdisho ayaan barakac ku ahaa. Maaddaama meeshan aan amni iyo kala dambeyn ka dareemay, dib ayaan ugu soo noqday. Beertii waalidkey tacbi jireen ayaan dib u billaabay inaan tabco. Beerta magaalada waa ay ka fogtahay. Meesha ay ku taalo maahan meel amnigeeda uu sugan yahay. Maalintii un ayaa la aadi karaa, biyahana xilli habeen ah oo aysan cid joogin ayay soo galeen.”
Isxaaq ayaa sheegay in qoyskiisa ay hadda ku tiirsan yihiin $70 oo ay bishii ka helaan hay’ad maxalli ah oo u gargaarta dadka la hayb sooco. Wuxuu tilmaamay in beerta uu rajo wayn ka qabay oo uu filaayay inuu ka maarmo lacagta gargaarka ah.
“Khasaarahaan aad u jeedo waxaa sababay kanaalkan oo nagu soo fatahay. Meel aan hadda talo ka billawno ma hayno. Dalaggii sidaan ayuu nooga go’an yahay. Ilaahay ka sokow na cid aan gacanta u taaganno ma hayno. Qofkii wax noo qaban karo waxaan codsanaynaa inay na soo garab istaagaan.”
Xuseen Cabdi oo ka mid ah odayaaasha deegaanka ayaa sheegay in biyaha beeraha ku soo fatahay ay uga yimaadeen Janaale. Webiga Shabeelle ayuu xusay inuu biyo keenay.
Dadka beeraleeyda ah ee khasaaraha soo gaaray ayuu tilmaamay inay isugu jiraan kuwa deegaanka dib ugu soo laabtay oo markii ugu horreysay beerahooda tacbay iyo kuwa horay u beeran jiray oo ay abaarta hakad gelisay.
Xuseen ayaa xusay in khasaaraha beerahooda soo gaarey ay saameeyn wayn ku leedahay wax soo saarka deegaanka, maaddaama in muddo ah aan wax la beerin, abaartii soo martay awgeed. Wuxuu xusay inay cabashadooda gaarsiyeen qofka maamula kanaalka biyaha soo sii daayay.
“Maalin haddii ay ahaan lahayd biyaha waan iska moosi lahayn. Laakiin meeshaan habeen lama imaan karo. Waxaan u sheegnay cabashadeena qofka biyaha soo daaya, isaga ayaa maamulka xiriir la leh. Wuxuu na dhahay aniga biyaha ma celin karo oo waa ay bateen.”
Beeraleeyda deegaanka Buufow Bacaad ayuu sheegay inaysan wax beeran doonin inta la hagaajinayo kanaalka, cabsi ay ka qabaan inuu mar kale khasaariyo awgeed.