(ERGO) – Xaliimo Yuusuf Shire oo ku nool xerada Xagardheer ee qaxootiga Dhadhaab, waxaa murug iyo walbahaar ku haaya xirnaashaha wiilkeeda oo 24 jir ah. Bishii Oktoobar ee sanadkii la soo dhaafey ayuu gacanta u galay kooxaha dadka tahriibiya ee dalka Liibiya.
Haweeneydan oo danyar ah ayaa lagu amray inay bixiso $18,000 oo madax furasho ah. Lacagtan ayaa ah mid aysan awoodin inay bixiso oo waxaa ku adag helidda biilka qoyska. Waxay ku tiirsantahay raashin deeq ah oo ay bixiso hay’adda WFP.
Waxay xustay in dhowr jeer ay u soo direen kooxda wiilkeeda haysta muuqaal ay ka soo duubeen, iyagoo garacaaya.
“Wiilka mar walba waa u soo cabanayaa. Muqaalkii ugu dambeeyay wuxuu ahaa mid gacanta laga jibiyay oo la qaracaayo. Labo saac ka hor ayuu i soo wacay oo igu oynayay. Afarta bilood waxaa uu xiran yahay waa wax la’aan. Lacagtii ayay naga rabaan in la bixiyo. Ma sii daynayno ayay dheheen oo waxay igu yiraahdeen waan dilaynaa, wax naxriis ah uma hayno,” ayay tiri.
Xaliimo waxay la xanuunsantahay cudurka dhiig karka. Waxay tilmaantay in walwalka haaya ay saameeyn ku yeelatay xaaladeeda caafimaad. Lugta ayay sheegtay inay xanuunayso oo ay ka socon la’dahay. Xanuunka dhiig karka ayay uga shakisan tahay inuu sababay.
Seygeeda oo sidoo kale la nool xanuunka sonkorta iyo dhiig karka ayay sheegtay inuu ku aruursaday sariir. Waxay tilmaantay in horay uu xanuunka lug uga naafooway.
“Aad ayaan u xanuunsanahay. Daawo ayaan iska qaataa, dhiigaygu wuxuu gaaray 400, Ilaahay un ayaan baryaa oo iga dejin kara. Lugta waa i xanuunaysaa oo waan jiidayaa, dhiig karka iyo walbahaarka i haysta ayaan u maleeyay inuu sababay,” ayay tiri.
Xaliimo ayaa sheegtay in wiilkeeda Yaasiin uu iskuulka uga haray fasalka 7-aad ee dugsiga dhexe, si uu qoyska ugu shaqeeyo. Labo sano ayuu kirishbooy ka ahaa gaari ka shaqeeya xerada dhexdeeda.
Wuxuu maalinkii ka helayay gaariga labo ilaa iyo saddex doolaar. Waxay xustay in dhaqaalaha yar ee ka soo gala shaqada uu ku biili jiray qoyska.
Haweeneydan ayaa tilmaantay in marna uusan soo hadal qaadin inuu damac ka qabo tahriib.
“Yaasiin duruuf ayaa ku kalliftay, reerkaaga amaad dhibaatada ka saartaa ayuu isdhahay, sida aan u maleeyo. Noloshaanaga, haddii aan hal maalin wax karsanno, labo beri ayaa laga yaabaa inaan qadno. Markaa sidaa darted ayuu u tahriibay,” ayay tiri.
Xaliimo oo ah hoyada sagaal carruur ah waxay 2010 ka soo qaxday magaalada Kismaayo.
Walidiinta qaar ayaa laga bixiyay lacagtii la soo waydistay. Balse, weli carruurtooda looma soo celin.
Maryan Ciise Rooble oo degan xerada Xagardheer waxaa wiilkeed Ismaaciil Abuukar Aadan oo 16-jir ahaa iyo 16-wiil kale oo ay isku xaafad yihiin laga kexeeyay xeryaha qaxootiga.Waxay sheegtay in shan maalmood oo ay la’ahayd wiilkeeda kadib laga soo wacay meel ka mid ah dalka Tanzania. waxay xustay in kooxaha wiilkeeda tahriibiyay ay u sheegeen in ay ka rabaan lacag dhan 2500 $ si ay u geeyaan dalka koofurta Afrika. Maryan oo ah danyar qaxooti ahi ma awoodin in lacagtaa bixiso.
Waxay sheegtay in Magafayaashu u sheegeen in haddii ay bixiso lacag 1000$ in ay wiilkeeda ugu soo celinayan magalada Nairoi. doon doon badan kadib Maryan kooxaha Tahriibiyay wiilkeeda waxay u diray lacag dhan 92000-Ksho oo dhiganta 600$. Mayan ayaa xustay in si ay lacagtaa u hesho ay rahan u dhigtay kaarkii ay ku qaadan jiray raashinka deeqda ah iyo laftii (simcardkii ) ay ugu dhici jirtay lacagta koosarta ah.
“Qof aan u dhiibay kaarka iyo jakuulada Ksh. 77500 ayuu isoo siiyay. Gabar aan deris nahay ayaa igu dartay Ksh. 15000. Waxay i tiri, walaalay haddii wiilkaagii la garaacayo markii aad hesho ii keen. Intaa ayaa sameeyay awood kale oo aan sameeyo waan waayay – Dibad la iima jiro, dal la iima jiro, cunugaa ayaan soo korsaday, hooyo ayaan ahay,” ayay tiri.
Maryan waxay sheegtay in wiilkeeda tahriibay uu dhaxal siiyay in aanay bishan Janaayo qaadan wax raashin ah iyo guno lacageed ah midna oo hadda ay la’dahay waxay dabka u saarto qoyskeeda oo ka kooban 11-qof , sagaal caruur ah oo ay dhashay iyada iyo saygeeda oo shaqo la’aan ah. ma hubto sida uu sii noqon doono xaalka qoyskeeda oo aan wax raashin iyo lacag ah heli doonin 9-sagaal bilood ee socda xiligaa uu ku eg marka ay lacag daynta ahi ka dhamanayso.
“Qoyska noloshiisa culays saayid ah ayuu noqday markii hore digirta ayaa la qaadan jiray , bariiska ayaa la qaadan jiray saliid baa la qaadan jirey, Chakulada ciyaalka bur baa loogu soo qaadi jiray , qoyska iyo ilmaha ilaahay baa nolosha haye laakiin noloshooda aad ayay u liidataa. Wax kale iskadaayee saliid aan ku dalacan lahaa haddii muslinku kiilo bariis ah i siiyaan aanan haysanin dhib aduun w waa jiraa, laakiin ilaahay aakhiro nooguma daro. Caawa oo aad ila joogto caruurta yaryar dab looma shidayo, wixii ilaahau hadda u keeno waa gooni laakii hadda dabkoodaa dansan ba “.
Maryan waxay sheegtay in 20-maalmood kadib Ismaaciil lagu soo celiyay magaalada Nairobi, hadana ay doon doon ugu jirto 7000-Ksho ah oo uu jidka kusooo maro. waxay xustay wiilkeedu uu sanadkii 2022-kii baxay iskuul hoose/dhexe ee Bii dii ee Xagardheer. 2023-kii wuxuu iskuul sare oo boodhin ah oo ay bixinaysay hay’adda UNHCR uu dhiganayay magaalada Saangur oo ka tirsan Ismaamulka Gaarissa, fasaxii 2023-kii oo uu soo gaaray qoyskooda waxaa la soo kulmay hooyadii oo xanuunsan iyo duruufta nololeed oo qoyskooda oo liidata, waana sababta ay maryan u malaynayso in ay wiilkeeda ku riixday in uu tahriibo.
Sanadkii ina Dhaafay ee 2023-dii waxaa xeryaha ka baxay dhalinyaro kor u dhaafeysa 100, sida uu Raadiyow Ergo u sheegay, guddoomiyaha dalladda ururada dhalinyarada ee Xagardheer Maxamed Cabdullaahi Jimcaale.
Jimcaale waxaa uu sheegay in shaqo la’aanta xeryaha oo aad u koradhay, goobii lagu baran jirey farsamada gacanta oo dhamaantood xirmay iyo fursadihii dib u dejinta oo aad u yaraaday ay sababayaan in dhalinyaradu ay naftooda ku biimeeyaan safarada tahriibka ah ee halista badan.
“Hadda wax iskuul farsamo xeryaha kama furna, waxayna qeyb ka tahay waxyaabaha keenaya in dhallinyarada ay tahriibaan. Hay’addaha markii aan waydiinay waxa sabab u ah in barnaamijyadii dhalinayaradu u baahnaayeen ay istaagaan waxay noo sheegayaan in dhaqaale daro ay jirto oo deeq-bixiyayaashii ay ka waayeen dhaqaalihii ay siin jireen oo aduunka meelo badan ay dagaalo ka dheceen, sidaa darteed na diiradda la saarey meelahaa kale, maadaama qaxootiga Dhadhaab uu muddo 33-sano meeshan deganaa,” ayuu yiri.
Culaysyada ka dhashay qoysaska qaxootiga ah oo ay dhalinyaradoodii duufsadeen kooxaha wax tahriibiya ayaa aad looga dareemay xeryaha qaxootiga. Waxaana socda dedaalo wada jir ah oo ay iska kaashanayaa qaybaha kala duwan ee bulshada oo dhalinyada xeryaha looga wacy-gelinayo khatarta tahriibka, sida uu sheegay gudoomiye Maxamed Cabdullaahi Jimcaale.