Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Warbixin ay baahisay Ergo oo sababtay in ay waxbarashada ku laabtaan boqollaal carruur ah

Jibril Osman by Jibril Osman
February 9, 2024
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Warbixin ay baahisay Ergo oo sababtay in ay waxbarashada ku laabtaan boqollaal carruur ah

Kaydka Ergo/sawir hore

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cali Cabdullaahi Muxiyadiin wuxuu dib u billaabay waxbarashadiisa, kaddib seddex bil oo uu guri joog ahaa. Bishii Septeember ee sannadkan waxaa ka xirmay iskuulka Bar ee ku yiilay xerada Baarliin ee deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho, kaasi oo uu si bilaash ah ku dhiganayay.

Waxbarashadiisa waxaa saameyn ku yeeshay, markii uu geeriyooday nin ganacsade ah oo maalgelinayay iskuulkaas. Waalidkiisa oo danyar ah ayaa u awoodi waayay inay ku daraan iskuullo lagu dhigto $15.

Raadiyow Ergo ayaa baahiyay saameynta ay arrintaan ku yeelan karto isaga 230 arday oo isugu jira carruur iyo dad waawayn, kuwaas oo ka soo jeeda qoysas ka soo barakacay colaad iyo abaar saameysay noloshooda.

Cali oo kulansaday danyar iyo agoonimo waxaa u suurtagashay inuu halkeedii ka sii wado heerkiisa waxbarasho ee fasalka afaraad oo uu ahaa markii ay waxbarashada hakadka ay ka gashay.

Ururka Horumarinta da’da yarta Soomaaliyeed ee magacooda loo soo gaabiyo DOSYO ayaa bishii Nofeembar dib u howl-galiyay iskuulkan bilaashka ah.

“Aad baan ugu faraxsanahay in aan waxbarashadii dib u helay. Intuu iskuulka xirnaa waxaan dareemayay welwel badan, balse hadda waxaan la mid ahay ardayda ee sita buugaagta iyo qalimaanta”

Cali oo ah 13 jir waa da’da ugu weyn qoyskiisa. Wuxuu xusay in farxadiisa aysan dhameeystirnayn. Wuxuu tilmaamay in afar walaalihiisa aysan waxbarasho haysan oo ay guri joog yihiin. Hooyadiisa oo ah xoogsato ayuu sheegay inaysan u wada iibin karin qalimaanta iyo buuggaagta iskuulka.

Maalinkii ayuu xusay inay shaqo dhar-dhaqid ah ay ka soo hesho $5, taas oo ay ku maarayso nolosha qoyska. Inkasta Cali ay billow u tahay geeddiga waxbarashada, waa nin leh han sare oo u diyaar garoobaya buuxinta kaalinta aabbihiisa oo geeriyooday sannadkii 2019.

Qoyska Cali waxay ku xoolo beeleen abaartii SIMA ee sannadkii 2017, waxay ku waayeen 90 ari ah. Lix sanno ka hor ayay ka soo barakaceen gobolka Bakool. Waxay ku nool yihiin xerada barakac ee Baarliin ee deegaanka Garasbaaley.

Labadii bishii Septeember ee sanadkaan ayay aheyd, markii uu Raadiyow Ergo baahiyay in Cali iyo arday kale oo dan yar uu ka xirmay iskuul ay dhiganayeen dhaqaale xumo dartiis. Labadii bishii hore ee Nofeember ayaa dib loo howlgaliyay iskuulkaan oo markale ardaydii dhigan jirtay iyo kuwa cusub ay si isku mid ah uga faa’iidaysanayaan.

Iskuulka waxaa dib u howlgaliyaya Ururka DOSYO oo ka shaqeeya waxbarashada iyo caafimaadka xeryaha barakaca iyaga oo ka jawaabaya baahinta Ergo ee la xiriirtay dhibaatada waxbarasho ee xeryaha ka jirtay.

Gudoomiyaha Ururka DOSYO Abuukar Shuute Xuseen ayaa sheegay in muddo laba bil ah ay ku jireen sidii ay u howlgalin lahaayeen iskuulka, islamarkaana ugu dambeyntii ay ku guuleysteen. Iskuulka ayaa ka kooban saddex fasal oo ardeyda ay dhigtaan subax iyo galab.

Dhulka iskuulka maahan mid kiro laga rabo sannadkii ama bishii. Dadka iska leh ayaa u oggolaaday in carruurta wax lagu baro, halka dhismaha ay bixiyeen shirkado iyo dad qurba-joog ah oo kaashaday ururka DOSYO.

“Baahidaasi waxaa ka maqalnay Raadiyow Ergo, markii ay baahisay in meesha ay dhibaato ka jirto anaga aan ka shaqeyno arrimaha Humanitarian-ka (Biniaadantinimada) oo ay ugu horreeyaan waxbarashada, kaddib waxaan u dirnay koox soo baarta gaar ahaan qeybta waxbarashada”

Kooxdaan dhallinyarada waxay rejo ka qabaan hirgalinta iskuulkan inuu wax badan ka taro baahida waxbarasho ee ka jirta xeryaha, sidookalena uu xoojiyo baraarugga da’yarta la daalaa dhacaya dufuuraha isu-biirsaday ee dhanka nolosha ah.

“Hirgalintaan iskuulkaani waxay timid markaan aragnay inay baahiyo badan oo waxbarashado ah ay meesha ka jirto. Waa mid kaabaaya carruurta dadka ku nool xeryaha barakaca ama kaamamka”

Qoysas badan oo ay ku adkayd inay carruurtooda ka bixiyaan waxbarashada ayaa tan iyo markii dib loo howlgaliyay iskuulkaan u arka rejo sugan oo qayb ka ah badbaadada mustaqbalka carruurtooda.

Nasro Nuunow Maxamed waxay ku faraxsan tahay in labo wiil oo ay dhashay ay dib ugu laabtaan iskuulka. Nasro waxay sheegtay in murugo ay ku haysay waxbarasho la’aanta carruurteeda soo wajahaday tan iyo markii uu iskuulka xirmay.

Haweeneydaan oo ah hooyada 6 carruur ah waxay sheegtay intii uu xirnaa iskuulka ay u dhiganayeen ay tagtay xarumo kale oo waxbarasho oo gaar loo leeyahay, balse ay ka heli weysay fursad caawisa carruurteeda.

Nasra iskuulka ugu dhow ee lacag la’aanta ah wuxuu ku yaalaa degmada Dayniile. Laakiin caqabaddu waa inaysan u heli Karin $6 oo gaari raac ah maalinkii.

“Ilmahaan markii hore waxbarasho la’aan ayay ahaayeen oo waxay noo heysteen ma leh. Waa la iska tabareysan yahay. Lacagtii oo dugsiga ma awoodi kari. Iskuulkii waa sidaas oo isagana lama awoodo. Hadda markii halkaan na loo bilaabay wax dhib ah oo na heystaa ma jirto”

Nasro waxay ku tiirsan tahay shaqo nadaafad oo ay bishii ka hesho $80. Tan iyo bishii Juun ee sannadkaan ayay shaqadaan si joogta ah uga shaqayneysaa. Waxay sheegtay in aysan wada dabooli karin lacagtan cunnada iyo waxbarashada ubadkeeda.

Qoyskeeda hoy u ah guri cooshad ah oo ku yaalla xerada Wanlawayn ee deegaanka Garasbaaley. Waxay xustay in ilmaha aabbahood ay kala tageen sanadkii 2020. Sida ay sheegtay ma jirto wax taageero dhaqaale  oo ay ka hesho.

Sanadkii 2019 ayaa abaar ka dishay 25 ari ah iyo 35 lo’ ah. Waxay ka soo barakacday miyiga Wanlawayn ee goboka Shabeellaha hoose afar sano ka hor. Barakaceeda waxaa u sabab ahaa abaar iyo colaad isbiirsaday.

 

Previous Post

Berdaale: Qoysas ay fatahaad iskugu dartay hanti la’aan iyo barakac oo ku nool dawarsi

Next Post

Dhalinyarada xeryaha Dhadhaab oo wajahaya xaalado adag kadib markii ay tahriib galeen

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Dhalinyarada xeryaha Dhadhaab oo wajahaya xaalado adag kadib markii ay tahriib galeen

Dhalinyarada xeryaha Dhadhaab oo wajahaya xaalado adag kadib markii ay tahriib galeen

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo