(ERGO) – Maanta oo ay tahay 13 February waxaa dunida laga xusaa maalinta raadiyaha adduunka. Hay’adda Qaramada Midoobey ee tacliinta iyo hiddaha ee UNESCO ayaa u asteysay maalinta maamuuska raadiyaha.
Raadiyow Ergo wuxuu uga dhigan yahay dadka Soomaaliyeed iyo tebin tiisu waxay soo kordhisay waxaa inoo faahfaahineysa Leyla Cabdi Maxamed oo ah tifaftiraha raadiyaha. Waxay u warantay Xuseen Yuusuf oo ka mid ah soo saarayaasha. Ugu horeyn wuxuu weydiiyay waa maxay kaalinta Raadiyow Ergo?
Leyla: Raadiyow Ergo wuxuu maalin walba u baahiyaa bulshada ku hadasha Af-Soomaaliga ee ku nool gobolka Geeska Afrika warar sugan oo la xariira arimaha bani’adamnimada iyo bulshada. Waxaan isticmaalnaa mawjadda gaaban iyo idaacaaha ku yaala gudaha dalka, inagoo gaarna dalka oo dhan si ka ballaaran idaacadaha kale oo ku yaala dalka.
Ujeedada baahinta u sameyno maalin walba waa inaan bulshada gaarsiino warar tayo leh oo ku saabsan nolosha maalinlaha ah ee dadka soomalida gaar ahaan kuwa miyaga ku nool, ha u badnaadaan xoolo dhaqatada iyo beeraleyda.
Waxaan hawada u marinaa wacyigelnino la xiriira arimaha caafimaadka, iyadoo aan ognahay in deegaano badan oo soomaaliya ah aysan lahayn xurumo caafimaad. Waxaan isleeyahay Raadiyow Ergo wuxuu buuxiyey kaalin weyn oo bannaan marka ay timaado warbaahinta ku hadasho Afka Soomaaliga.
Warbaahinada kale sidaan wada ogsoonahay waxay xoogga saaran arimaha siyaasadda iyo waxyaabaha nolosha dadka aan wax ku soo kordhinayn, laakin si taas ka duwan Raadiyow Ergo wuxuu maalin walba hal saac bulshada u baahiyaa warar iyaga wax ku soo kordhinaya.
Su’aal: Leyla aad baad u mahadsantahay mar haddii Raadiyow Ergo qaabkaas uu u shaqeeyo sidee ku ogaadaa in baahintiisu ay waxtar u leedahay dadka?
Leyla: Baahinteena waxaan ku ogaanaa in bulshada waxtar u leedahay marka aan qiimayno dadka naga soo waca number gaaban oo idaacaddu leedahay oo dadka jooga Soomaaliya ay naga soo wacaan, kaas oo bilaash ah.
Warbin, barnaamij ama wareysi walba oo idaacadda ka baxa dad ayaa ka soo hadla oo aragtidooda ka soo dhiibta ama in deegaankooda baahida aan ka hadalnay ay ka jirto ka soo hadla, taas marka waxay noo muujisaa in maalin walbo baahinteenu ay gaarto dad malaayiin ah sida aan qiyaasnay, sidoo kalana dadku ay ku kalsoonyihiin wararka aan u deyno ayagoo ka soo falceliya ama na soo weydaiya su’aalo dheeraad ah oo ay rabaan inay ka ogaadaan xaaladda markaas aan ka waranay.
Barnaamijyo toddobo ah ayaan leenahay oo idaacadda ka baxa, barnaamijyadaas mid walba waxaan uga hadalnaa baahi taagan oo toddobaadle ah. Xogaha aan markaas ku baahino barnaamij-yadaas waxaan la kaashanaa dadka xirfadda ama khibradda u leh wax yaabaha aan ka hadlayno, taas oo muujinaysa in dadku baahdida ay qabaan aan mar walba ka jawaabayno.
Su’aal: Sanad markuu dhammaado oo sanad kale dhasho maxaa isbaddallo ah oo dhaca?
Leyla: Isbaddaladu waxay ku xiranyihiin marba baahida jirta, sanadkan marka loo fiirayo saddexdii sano ee la soo dhaafay isbaddlo badan baan samaynay oo dhanka barnaamijyada ah. Tabinteenna guud ee halka saac ah waxaan ku baahinaa wax yaabo kala duwan oo tusaale deegaano kala duwan aan ka sheegno. Hal deegaan warbixin kama qaadano, waraysina kama qaadano ama labo qodob oo idaacadda markaas ku jira kama qaadano, sababtana waxaa waaye in qof kasta deegaanka uu joogo uu ka maqlo waxa ka jira, marka haddii aan hal deegaan ku ekaano waxay muujinaysa inaan hal dhinc u jan-jeerno.
Sanadkan waxaan soo kordhinay labo barnaamij oo aan is niri bulshadU baahi weyn ayey u qabtaa. midka ugu horeeyo waxaa waaye barnaamij ka hadlaayo caafimaadKA dhimirka oo an daah furnay October sandkii hore. Bishaan sababta aan ugu aadinay waxaa waaye in sanad walbo marka la gaaro October toban keeda loo dabaal dago ama la xuso ama dadka wacyi galinta la xiriirta caafimaadka loo jeediyo adduunka oo dhan.
Barnaamijkaas aan daah furnay ujeedkiisa wuxuu ahaa in maadaama warbaahinta kale ee dalka aysan barnaamijyadaas oo kale tabinin, bulshadana laga yaabo in baahida ay u qabaan wararka caadiga ah ay mid ka badan u qabaan inaan baahino barnaamijkaas, anaga oo kaa shanayna dadka soo bartay caafimaadka dhimirka iyo khabiirada ku taqasusay ee jooga soomaliya iyo adduunka oo dhan.
Barnaamijkaas hadda si fiican buu ku socdaa, dadku waa ay la qabsadeen waxay naga soo wacaan numberka gaaban si la mid ah barnaamijyada kale. Waxay na soo waydiiyaan su’aalo ku socda dadka barnaamijka aan ku caSuuno ama khabiirada ah iyaga oo waydiinaya xaalad markaas haysata oo la xariirta caafimaadka dhimirka.
Barnaamijka markii hore oo aan billaabaynay waxaan is lahayn dadku sidaas uguma dhiiran karaan in ay su’aalo soo waydiiyaan. Waxaan ku bilowny qaab fudud ama waxyaabo fudud oo an is leenahay dadka ugu yaraan wacyi galin marka hore ha u noqdaan, sida inaan ka sheekayno calaamadaha lagu arko qofka caafimaadka dhimirka u baahan in xaaladdiisa uu wax iskaga gaaro, muhiimadda caafimaadka dhimirka uu leeyahay, takoorka lagu sameeyo dadka caafimaadka dhimirka qaba, dhibaatooyinka dhimirka dadka ay soo gaaran iyo waxyaabaha ay bulshada kala kulmaan.
Wax yaabo waxaa jira aan qarsoonayn oo bulshadu wada ogtahay oo ka jira dalka oo dhan iyo meelaha soomalida oo dhan ay ku noo shahay, laakiin hadana dadku ay iska indho tiraan ama ay u arkaan haddii ay ka hadlaan caafimaadka dhimirka ay ayaga caqabad la kulmi doonaan, marka wax yaabahaas oo kale ayaan isku dayeynay inaan bilowgii ka hadalno, laakiin hadda markii ay dadku la qabsadeen waxaan isku daynaa mowduucyo aan is leenahay toddobaadkaas ama bishaas si guud dadka way u anfacayaan inaan soo galino oo barnaamijka aan uga hadalno.
Barnaamijka labaad ee aan samaynay sanadkan wuxuu ahaa barnaamij ka hadlaya arimaha dadka baahiyaha gaarka ah qaba, barnaamijkaas baahidiisu waa ay taagantahay mar walba. sidaan ognahay dadka baahiyaha gaarka ah qaba caqabado badan baa iska haysta.
Raadiyuhu wuxuu sameeyaa warbixino la xariira dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo caqabadaha ay la kulmaan, shaqooyinka ay helaan iyo xaaladaha kale ee ku gadaaman. Barnaamijkan iyaga ayuu gaar u yahay. Barnaamijka iyagaa lagu waraystaa, xaaladdooda looga hadlaa, fursadaha ay heli karaan baa looga hadlaa, caqabadaha haystaa looga hadlaa, sidoo kalana guulaha ay gaareen ayaanu ku soo bandhignaa si dadka kale ee baahiyaha gaarka ah qaba ay ugu dhiiradaan oo ayaguna ay kaalintooda uga qaatan oo nolosha aysan u malaynin dadka lixaadkoodu uu dhamaystiranyahay kaliya ay noloshu anfacayso, marka labadaas barnaamij ayaanu soo kordhinay sanadkii.
Waxaan rajaynaynaa inaan meel fiican uga soo baxnay dhagays tayaasheenNa iyo dadka gaarka ah ee aan ugu talo galnay barnaamijyadan aan soo kordhinay.
Su’aal: Barnaamijyadaas aad xustay iyo kuwa la midka ahba marka la soo kordhinayo maxaa lagu xushaa?
Leyla: Barnaamijyada dhowr arimood oo kala duwan ayaan ku xulanaa inaan soo kordhino, mid waxaa waaye in baahidu ay jirto, midda kale waxaa waaye in baahida aan ka maqalno dadka na dhageysta ama aan isticmaalno numbarka gaaban ama si kale aan ula xiriirnee.
Sanadkii hore dhexdiisii waxaan samaynay xog uruurin ku saabsan dhagaystayaasha idaacadda oo deegaano kala duwan aan ka samaynay oo ay ku jirto Galmudug iyo sidoo kale magaalada Muqdisho iyo maamulka Jubbalaan. Xog uruurinadaas dadkii lagu waraystay oo dhan waxay sheegayeen inay rabaan in idaacaddu ay soo kordhiso barnaamijyo hor leh, gaar ahaan waxay tilmaameen barnaamijkan caafimaadka dhimirka aan uga hadalno, marka inagoo ay nagu jirto fikradda ayaa hadana waxaa sii xoojisay in dadku ay si deg-deg ah ugu baahanyihiin, marka taasaa soo dadajisay inaan barnaamijka xilli horaba bilowno qorshihiisa. Wuxuu socday sidaan sheegay October oo aan idaacadda ka sii daynay, laakiin wuxuu socday illaa bisha seddaxaad ee March sanadkii hore.
Taasna waxay muujinaysaa inaan anaga lafteena waqti badan galinay oo aynaan barnaamijkii iska bilaabine aan waqti siinno dadk aan heli karno ee khabiirada, aan sidoo kalana ogaano dadku siday ugu baahan yihiin barnaamij noocaan ah.
Su’aal: Sanadkii tagay ee 2023 maxaa nooga sheegi kartaa waxa uu xoogga saaray Raadiyow Ergo?
Leyla: Waxaan xoogga saaraynay sanadkii hore wax yaabaha aan is leenahay waxay u baahanyihiin in laga hadlo, tusaale ahaan bilowgii sanadkan waxaa billaabatay in laga digo El-nino oo ahayd dhibaato dad badan saamaysay oo roobabkii da’ay ay oo aad u badanaayeen dadkii ka barakacay, malaayiin qof ay ku guri beeshay, sidoo kalana xaalado caafimaad ay ka dhasheen
Waxaan isku daynay inaan inta karaamkeena ah dadka xogta gaarsiino, ama dadka ay saameynta gaartay xogta aan ka soo qaadno aan u gudbino hay’adaha ku shaqada leh oo ay sidaas uga warhayaan xaalad walba iyo meesha ay ka jirto. Waxaan ku bilownay digniin inaan sii samayno oo dadka uga digno dhibaatadaas ayaa soo socota halaga feejignaado, anagoo kaa shanayna dadka khubarada ah iyo hay’adaha ka shaqeeyo sida hay’adda SWALIM iyo hay’adaha kale. Dowladaha hoose, dowladda faderaalka ah iyo kuwa maamul goboleedyada.
Anagoo taas ka amba qaadayno waxaan hadana si dhow ula soconay xaaladaha ka jira deegaanada. Weriyeyaal ayaan ku leennahay magaalo kasta ama gobol kasta. Wariyaashaas oo soddon kor u dhaafaya oo deegaan walba oo Soomaaliya ah jooga ayaa soo tabinayay xogaha maalin laha ah ee deegaan walba ka jira.
Qaarkood waxaan u isticmaaleynay inaan si maalinla ah u tabino, waxaan kaloo sidoo kale isku daynay in dadka meelaha ay u barakaceen caqabadaha ka jira sida caafimaad darrada, kaneecada iyo cudurada ka dhasha biyaha wasaqeysan inaan sidoo kale uga digno inagoo isticmalayna ama kaa shanayna dhaqaatiirta, marka sidaas ayaan El-nino dhibaatadii ka dhalatay wacyi galinteeda qeyb uga qaadanay, mana u malaynaayo warbihin ka jirta Soomaliya oo kaalintaas qaadatay sanadkii tagay iyo kuwii ka horeeyeyba inay jirtay .
idaacadda dadku waxay ku yaqaanaan inay u Ergayso dadka dhibaatooyinka ay heystaan, marka waxaan samaynay barnaamijyo ama warbixino ku saabsan dadka qaba HIV AIDS, dhibaatooyinka ay la kulmeen oo oo bulshada kale la wadaagno inagoo magac yadooda qaraninayna, sidoo kale dadka Al-biinada la nool ayagana aan soo gudbino caqabadaha haysta.
Waxaa u danbaysay warbixin bishii hore idaacadda ka baxday oo ku saab saneyd dad xeryaha Qaxootiga ku nool inay caqabado ka haystaan takoor bulshada ay la noolyihiin uga imaanaya, sidoo kale dhibaatooyin caafimaad oo qoraxda aysan u adkaysan Karin ah ayey wajahayeen. Waxaa ka horraysay warbixin aan ka samaynay dhallinyaro iyo dad albiiniyada la nool oo magaalada Muqdisho ku nool oo xataa deeganadoodi ka soo haajiray in magaaladaas ay maciin-bideen, hadana caqabad ay soo wajahaayeen.
Warbixinadaas uma baahin kaliya inaan dhibaatada sheegno ee waxaan la wadaagnaa hay’adaha ka shaqeeya arrimaha caawinta dadka. Waxaan xusi karnaa in dadkaas qaarkood ay shaqooyin heleen markii aan ka baahinay idaacadda, sidoo kalana webka aan ku qornay iyagoo Soomaali iyo English ah.
Arrimaha haweenka oo kale mar walba xoogaan saarnaa. Barnaamij ayaan leenahay haweenka gooni u ah oo toddobaad kasta baxa, taas marka laga tago waxaa jirta tabinteena oo dhan inaan laga tagin wax yaabaha ku saabsan arimaha haweenka oo ah ubucda wax yaabaha aan tabinayno maadama ay ka mid yihiin dadka nugul ee caqabadaha ay soo wajahaan.
Barnaamijkaas waxaan sidoo kale uga hadalnaa guulaha ay gaaraan haweenku iyo caqabadaha ay la kulmaan, tusaale ganacsiyada haweenka haweenka carruurta lagu furo, caafimaadkii iyo waxbarashadii, caqabadaha ay kala kulmaan gudniinka fircooniga, kufsiga loo geystay gabdhaha yaryar iyo haweenka taas oo baryahii danbe soo badanaysay.
Warbixinadaas waxay horseedaan sidaan qaar keenba wada ognahay in dadka aan u qareenno oo aan u noqono codkii u hadli lahaa. Wax yaabaha kale ee warbaahinta aan uga duwanahay waxaa waaye in aynaan dadka xogtooda qaar sheegin, qaarna ka tagin.
Mar walba waxaan isku daynaa, waqti badanna uu nooga baxaa inaan helno xogta qof kasta oo aan sheeko ka samaynayno si dadka ay u fahmaan waxa jira iyo sida mararka qaar ay ugu dayan karaan dadka guulaysta.