(ERGO) – Dadka qaba xanuunka jirka wada caddeeya ee Albino ee deggan xerada Dhagaxley ee Xeryaha Dhadhaab ayaa takoor kala kulma dadka qaar ee xeryaha la deggan.
Waxay tiradoodu gaarayso 25 qof. Waxay da’doodu u dhaxeysaa hal sano jir iyo ilaa 37 jir. Waxay sheegeen in lagu dhibo helista adeegyada bulshada sida meelaha biyaha laga cabo, xarumaha laga qaato raashinka, iskuullada, isbitaallada iyo suuqyada.
Sacdiya Saalim Imbeerwa oo ah 18 jir ka mid ah dadka qaba albiinada waxay si joogta ah ardayda iyo dadka kale uga la kulantaa takoor ku saabsan midabkeeda, taas oo keentay inay saameyso nolosheeda.
Sacdiya waxay tilmaanatay hab-dhaqanka liita ee lagu liidayo muuqaalkeeda guud uu yahay wax ay u aragto in si ku talo-gal loogu dhibaateynayo. Waxay dhaxalsiisay inay ku dhiiran weyso kaligeed inay iskuulka aaddo.
“Waraabe ayaa la ii dhahayaa ama ey baa soo socda. Dadkii oo dhanba annaga ayay nala yaaban yihiin. Ilmaha markii iskuulka laga boxo nin walba dhagax ayuu gacanta ku haystaa waa ku dabagelayaan, wayna ku tuuryaynayaan. Rafaadkaa ayaan qabnaa oo aanaan halkan ku joogi Karin.”
Sacdiya oo dhigata fasalka saddexaad ee dugsiga hoose dhexe ee Ilyaas ee xerada Dhagaxley waxaa geysa kana soo ka xeysa hooyadeed Rooney Mukhtaar Cabdiqaadir, sababtuna waa cabsi ay ka qabto in la dhibaateeyo.
Sacdiya kuma koobna kaligeed dhibaatada takoorka oo waxaa jira saddex kale oo walaalaheeda ah, kuwaas oo jira 13, 11 iyo hal sano jir qaba Albiinada oo ay ku dhasheen. Waxay tilmaamtay in si la mid ah iyada ay walaalaheeda kala kulmaan iskuulka faquuq uga imaanaya ardayda kale.
Dhacdadii u dambeysay ee iskuulkooda ay kala kulmeen Xaliimo iyo Qaasim waxay ahayd bishii Juun ee sannadkii hore 2023 markii dhagaxyo lagu tuuray uu ku dhaawacmay Qaasim.
Sacdiya iyo qoyskeeda waxay arrintaas ku reebtay uur ku-taallo saameysay la noolaanshiyaha dadka kale ee ay wadaagaan deegaanka iyo waxbarashada.
Cimilada kulul ee Dhadhaab ka jirta ayaa ka mid ah xaaladaha adeg ee ay u adkeysan la’dahay sida ay Sacdiyo u sheegtay Raadiyow Ergo.
Waxay xustay in duruufta ay ku qasabtay inay ku noolaato xeryaha qoxootiga, laakiin caafimaad ahaan ayay tilmaamtay inay dhibaato ku qabto mar walba oo uu sarreeyo heer kulka cimilada.
“Madaxa dhan baa i xanuunaya. Shanle biyaha ah baa qaataa isku shubaa, isla marka biyuhu iga qalalaana sidii lee waaye. qandho ayaan dareemaa korka dhana waxaan ka dareemaa kulayl.”
Qoyska Sacdiya waxay bishii Janaayo ee sannadkii hore ee 2023 ka soo qaxeen deegaanka Mugaanbow oo ka tirsan degmada Jamaame ee Jubbada Hoose.
Rooney Mukhtaar Cabdiqaadir oo ah hooyada Sacdiya ayaa sheegtay in deegaankeeda dadka ku nool ay ahaayeen beeraley ku tiirsanaa wax-soosaarka beerahooda.
Waxay sheegtay in beer ay ku lahayd deegaanka ay awoodi weysay inay beerato sabab ay ku sheegtay inay isku keeni weysay shaqada beerta iyo la socodka xaaladda carruurteeda, maaddaama ay daryeel u baahan yihiin.
Haweeneydaan oo ay kala tageen aabaha carruurtan, waa qofka kaliya ee u dhaq dhaqaaqa nolosha qoyskaan oo ka kooban lix qof. Waxay xusatay inay ku tiirsan yihiin kaarka qoxootiga ee ay gunnada ku helaan iyo shaqo dhar dhaqis ah oo ay u aado xaafadaha xerada.
“Nolosheena markii aan inta imaanay ilaa maanta waxay ku tiirsan tahay raashiinka hay’adaha gargaarka ay bixiyaan iyo wixii aan ka soo helo shaqada xoogsiga oo aan goosaar ilmaha u siisto. Haddii aan iska joogo waxba ma u helaayi ilmaha oo shaax uma awoodo dhib lee waaye. Marka saas lee waaye nolosheena oo aan ku joognaa.”
Muxubo Cabdicasiis Cabdow oo ah hooyada Suldaano Cumar Cabdulqaadir oo ah 2 sano jir oo la nool xanuunka Albiinada waxay sheegtay in marka ay ka maqan tahay guriga gabadheeda lagu soo tuur-yeeyo gurigeeda.
Waxay sheegtay inaysan gabadheeda yar iska celin karin carruurta kale ee xerada la deggan ee shiidaya mar walba oo ay bannaanka guriga ku ciyaareyso.
Haweeneydaan ayaa tilmaantay inay layaab ku noqotay in gabadh sidaas u da’ yar in lagu dhibaateeyo muuqa midabkeeda oo kaliya.
Muxubo oo ah hooyada lix carruur ah ayaa sheegtay in carruurteeda kale aysan qabin Albiinada marka laga reebo gabadheeda ugu yar qoyska.
Waxay xustay inaysan isku keeni karin inay gabdheeda ka ilaaliso dadka dhagaxyeynaya, maaddaama ay u shaqo tagto xaafadaha xerada, si ay dharka ugu soo dhaqdo.
“Guriga ayaan ku kusii xiraa. Gurigii aan ku xiray docda ayaa laga gelaa. Dadka daris ah baa iiga reeba oo yiraahda war gabadha yar hooyadeed ma joogtee iska dhaafa. Maxaad sidaa u yeelaysaan?.”
Albinism-ku waa xaalad lagu dhasho oo ah maqnaanshaha midabka maqaarka, timaha, iyo indhaha. Waa xaaladdo la iska hidda-raaci karo qoys ahaan, taas oo ay carruurtu ku qaadi karaan haddii labadooda waalid ay qabaan.
Albiinadu ma ahan wax la kala qaado, taas oo oo macnaheedu uu yahay in qofka qaba uusan u gudbin karin qof kale sida uu Raadiyow Ergo u sheegay dhaqtar Maxamed Cabdi Ibraahim oo ku takhasusay cudurrada guud.
Dhaqtar Maxamed oo ka howlgala xarunta caafimaadka ee Al-baqra oo xerada Xagardheer ku taalla wuxuu soo jeediyay in la sameeyo wacyigalin la xiriirta xaaladda caafimaad ee dadkaasi oo dhibaato badan la galiyay, maaddama aan bulshada loo sharraxin in takoorka ay keenayso inay dhaawacdo dareenka dadka la nool Albiinada.
“Qofka Albiino qaba dadka kale cuntada ayuu la cuni karaa, wuu la jiifan karaa, dharka ayuu la wadaagi karaa, hal joodari ayaa lagula seexan karaa. Markaa bushada waxaan ka codsanayaa in dadka Albiinada qaba la xushmeeyo aan la midab takoorin , si wacan loola dhaqmo sida dadka kale loola dhaqmayo in loola dhaqmo ayaa muhiim ah.”
Waalidiinta carruurtoodu ay la nool yihiin Albiinada ee xeryaha ku sugan waxay u tahay halgan adag inay maareeyaan nolosha qoysaskooda sidookalena ay si dhow oo taxadar leh ula socdaan bad-qabka jireed iyo kan maskaxeed ee carruurtooda.