Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Qoysas danyar ah oo ku guryo beellay qarax la la eegtay madaxda Galmudug

Jibril Osman by Jibril Osman
February 1, 2024
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Mudug: Qoysas danyar ah oo ku guryo beellay qarax la la eegtay madaxda Galmudug

Kaydka Ergo/sawir hore

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cabdi Maxamed Xasan oo aabbe u ah lix carruur ah ayaa hoy la’aan ku wajahaya deegaanka Laasgacamey ee gobolka Mudug, markii qarax ka dhacay uu burburiyey gurigiisa oo ka koobnaa labo qof iyo dayd bishii Sebteembar ee sanadkii hore.

Carruurta Cabdi waxaa gabaad u ah bacda roobka oo ay dulsaarteen geed qurac ah oo ku yaalla duleedka deegaanka Laasgacamey ee koonfurta Mudug. Waxay ka mid yahiin boqollaal qoys oo ku hoy iyo waxbarasho beellay qaraxa.

Wuxuu sheegay Cabdi in carruurtiisa ay dhibaato ku hayso dabeysha diraacda oo ku heshay dhul bannaan ah.

“Buushkaas ayaan ku noolahay. Qaboowga iyo roobka intaba waa qabnaa. qof hoy lahaa oo guri la’aan noqotay waa dareemi kartaa xaaladdeeda.’’

Cabdi ayaa sheegay qoyskiisa inuu awoodin helidda cunno ku filan hal waqti maalintii. Arrintan waxaa u sabab ah dayn uu ku yeeshay nin leh dukaan uu ka qaadan jiray raashin, kaas oo looga yeeshay lacag dhan $700.

Milkiilaha dukaanka ayaa ku war-galiyay labadii bishan jannaayo Cabdi in la xiray buuggiisii xisaabta, maaddaama uu bixin waayay lacagtii hore. Xalaaddan ayaa walaac hor leh ku abuurtay.

Cabdi ayaa sheegay inay filayeen gargaar ka helaan Maamulka Galmudug iyo hay’adaha gargaarka, kaas oo ay ku hungoobeen.

Toddobo neef oo ari ah oo uga badbaaday abaarta ayuu sheegay inuu carruurta u maalo, si aysan gaajo u dareemin, maaddama aysan joogto u heli karin raashin ay karsadaan.

“Guriga dhaqaalo la’aan baa naga hor taagan in aan dhisano. Dhaqaalihii aan ku hagaajin lahayn baanan heyn. Hooy xumo waa qabnaa, Banii’aadanna wax waa qaban waa oo Ilaahayaa loo sheegtaa.”

Cabdi wuxuu ka mid ahaa dadkii abaarta markii ay dhacday baadiyaha ka soo tagay seddex sano ka hor oo ku soo xaroodey deegaanka Laasgacmeey, halkaas oo guri kaga dhistay lacag  $8,000 oo uu ka helay shan neef oo geel ah oo ka hartay xoolihiisii.

Wuxuu xusay in qaraxa uu sidoo kale saameeyay iskuulkii deegaanka, kaas oo ahaa hoose iyo dhexe ka kooban shan qol. Saddex carruurtiisa ah oo wax ka baran jiray waxay ka mid yihiin arday toddobaadkii saddex maalin duruusta ku qaata geed hoostiisa.

Qoyska Cabdi waxay inta badan noloshooda ku soo qaateen miyiga deegaanka Laasgacamey, halkaas oo ugu danbeyn sanadkii 2020 abaar ay uga dishay 150 ari ah.

Qaraxa burburiyay guriga Cabdi ayaa saameeyay in ka badan 100 guri oo ku yaallay deegaanka Laasgacamey. Waxaa la la beegsaday masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Galmudug oo halkaas u joogay howl-gal ka dhan ah Alshabaab.

Qaraxa oo ay ku dhinteen 15 qof ayay Galmudug ku eedeesay Alshabaab, kuwaas oo ku la dagaallamaya ciidamada dowladda miyiga deegaanka Laasgacamey iyo tuulooyinka hoostaga.

Cabdullaahi Maxamuud oo ah aabbaha afar caruur ah, waxaa isagana hoy u ah qoyskiisa ulo uu isku xiray iyo bacda roobka oo uu ka soo deynsaday dukaan ku yaallay deegaankiisa.

Ma awoodo inuu mar kale dib u dhisto hoygiisa, sababo la xariira dhaqaale la’aan. Qaraxa wuxuu ka burburiyey guri ka koobnaa labo qol oo uu sheegay inuu ku dhistay lacag $4,000 oo qaraabadiisa ay ku kaalmeeyen.

Wuxuu ka cabanayaa dhaxanta daran iyo xaaladda hoy la’aanta ah ee haysta qoyskiisa.

“Hadde markaan diraac weeye. Qabow saa’id ahna wuu jiraa habeenkii. Qorrax waa jirtaa. Dabayshu waa iska socotaa.’’

Cabdullaahi ayaa sheegay inuu marar badan isku dayey inuu shaqo tago, balse ay u suurgeli wayday, maaddama xaaskiisa ay tahay qof  lug iyo gacan ay dabeel ka curyaamisay, sidaas daraadeedna reerka uu ciidan kaga bahaan yahay.

Qoyskiisa ayuu xusay isku dayeen inay raadiyaan reer ay si ku meel gaar ah dulsaar ugu noqdan inta ay guri ka helayaan, balse way u suurogeli wayday. Waxaa isugu darsamey qabowga iyo  qarraxda oo ay u sii dheertahay cunno xumo.

Waxay dabka saartaan 12 kiilo oo raashin ah, kuwaas oo iskugu jira bur, bariis iyo sonkor. Waxaa ku caawiyay toddobaad ka hor qoys ay ehello yihiin oo deggan deegaanka Laasgacamey. Raashinka gabaabsiga ka ah qoyskiisa ayuu xusay inay walaac ku hayso.

Cabdullaahi ayaa sheegay in qaraxa uu u horseeday qoysaska deegaanka dhaqaale xumo saameysay markii ay waayeen adeegyadii aasaasiga ahaa.

“Culeeska ugu weyn ee hadda qoyskeena heystaa wixii aan dadka kala mid nahay ma ogiye guryahaas baa noogu daran. Dhaqaalo yaro baa noogu daran.Wixii aan dadka kala mid nahay waa biyo la’aan, caafimaad la’aan. Ninkii bac iyo barkad wax ugu jiraan ma ahane magaaladu matoor ma leh. Caafimaad ma laheyn, iskool rasmi ah ma leh  oo guryihii lagu dhigan jiray waxaa baa,ba’shay qaraxa.’’

Guddoomiyaha Deegaanka laasgacameey Xuseen Diiriye Xirsi ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in ay dedaal ugu jiraan sidii dadka uu saameeyay qaraxa ay ugu heli lahaayeen kaalmo bini’aadannimo.

Wuxuu xusay in Galmudug ay la wadaageen duruufta cunno xumo iyo hoy la’aan ee ku haysa qoysaska u barakacay duleedka deegaanka, markii guryahoodii ay ku waayeen qaraxa.

Isku day  caawin oo uu sameeyey  ayuu sheegay inaysan gaarin qoysaska dhammaantood.

“Maamulku waxuu qaaday inuu u dhiso meelo yar yar oo aan gaarin guryahii dumay oo ay ku sii dhaqmaan. Xaafadaha sida loo sii kala liitay tilaabooyinka noocaas ah aan qaadnay. hadda culeesyana waa na hayeen waa ku jirnay  culeysyo waa nahayeen. Abaaran kaso kabanay oo kaalmo alle baan helnay lakiin kaalmo biniaadan maana helin talaabooyin nuucaas ah baan qaadnay”

In ka badan 1,500 oo qoys ayuu sheegay in qaraxa uu baab’iyay guryahooda, kuwaas oo bannaan yaal u ah qoraxda iyo qabowga. Xaaladda binidaannimo ee ka dhalatay ayuu xusay in xalkeeda uusan awood dhaqaale u lahayn maamulkiisa.

Hoy la’aanta iyo nolol-xumada ka dhalatay waxaa u dheer cabsi ay ka qabaan in saameyn ay ku yeeshaan dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo Alshabaab, kuwaas oo muddo ku dhow sanad isku hor fadhiya tuulooyin u dhow Laasgacamey.

Previous Post

Dhadhaab: Carruurta la nool xanuunka Albino oo faquuq ka la kulma xarumaha waxbarashada

Next Post

Xoolaha la geeyo sayladda Ceerigaabo oo dayn lagu ka la qaato suuq xumo awgeed

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
Xoolaha la geeyo sayladda Ceerigaabo oo dayn lagu ka la qaato suuq xumo awgeed

Xoolaha la geeyo sayladda Ceerigaabo oo dayn lagu ka la qaato suuq xumo awgeed

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 11-MAY-2026

IDAACADDA 11-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 11-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-MAY-2026
May 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-MAY-2026
May 7, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo