Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolaha la geeyo sayladda Ceerigaabo oo dayn lagu ka la qaato suuq xumo awgeed

Jibril Osman by Jibril Osman
February 5, 2024
in Beeraha Iyo Xoolaha, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Xoolaha la geeyo sayladda Ceerigaabo oo dayn lagu ka la qaato suuq xumo awgeed

Mohamud Osman oo sugaya dayn uu ku bixiyay xoolo uu sayladda geeyay/Ilyas Abdi/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO – Yuusuf Xasan Ismaaciil oo ah xoolo-dhaqato reer Sanaag ah wuxuu lug uga yimid deegaankiisa Goof oo  magaalada Ceerigaabo u jira 75 KM isaga oo seyladda xoolaha Ceerigaabo keenay bishii hore afer neef oo geel ah si looga iibsado.

Yusuf wuxuu dib ugu laabtay gurigiisa isaga oo laga iibsaday afartii neef ee uu keenay suuqa. Laakiin ma helin wax lacag ah, sababtoo ah qaab amaah ah ayay noqotay kala iibsashada suuqa ka jirta. Tani waxay ku noqotay xaalad adag, maaddaama uu baahi u qabay helitaanka lacagtiisa.

“Arrintaas waa arrin aad iyo aad u xun. Waxay noqonaysaa in aan reeraha macrifada ah ee Magaalada deggan aad tidhaahdo taloow reerka ayaa iga qadaya.”

Hoos u dhaca ku yimid dhaqaaliha Somaliland ayaa saamayn weyn ku yeeshay suuqyada xoolaha iyo dhaq dhaqaaqyada kale ee nolosha.

Yusuf oo ah aabaha siddeed carruur ah wuxuu sheegay inuu yahay reer miyi xoolo-dhaqato ah oo noloshooda ay ku tiirsan tahay nacfiga xoolaha laga helo.

Arrinta caadada ka noqotay seyladda Ceerigaabo ayuu xusay inay halis ku tahay jiritaanka nolosha dad badan oo uu isaga ka mid yahay.

Wuxuu tilmaamay in xaaladdaan labadii sano ee u dambeysay suuqa ka jirtay ay tahay wax ay hishiis ku yihiin daaliinta suuqa iyo ganacsatada hilibka ee maagalada.

“Cidda ay qusayso si deg-deg ah wax uga beddesho xaaladdani oo dalaalliinta amar ha siiso dadkaani xoolo-dhaqatada ah waa dad masaakiin ah.”

Yusuf ayaa tilmaamay in bil walba raashiinka qoyskiisa uu karsado inuu ku soo beddesho neef ari ah oo mehradaha magaalada uu geeyo. Wuxuu ka soo qaataa dukaanka 25 kiilo oo iskugu jira bur, bariis, sonkor iyo 20 liitar oo saliid ah.

Ninkaan wuxuu ka walwalsan yahay in siddeed carruur ah oo uu aabbe u yahay inay isaga hareen waxbarashada iskuulka, markii uu awoodi waayay bixinta lacagtooda oo isku darkeedu ahayd $225.

Qoyska Yusuf waxay ka mid yihiin xoolo-dhaqatada gobolka Sanaag ee badi xoolahooda ay uga badbaadeen abaarihii saameeyay

Xoolo-dhaqatada xoolahooda iibka u keena iyo ganacsatada magaalada waxaa u dhaxeeya oo isku xire u ah dalaalliinta suuqa ka shaqaysa iyaga qudhooda arrintani waxay ku tahay caqabad xoogan sida uu qabo Xuseen Warsame Faarax oo ka mid ah dallaaliinta seyladda Ceerigaabo.

Xuseen wuxuu ku doodayaa in lacag yarida magaalada ka jirta ay keentay in la iibsan waayo xoolaha taasina ay sabab u noqotay inay amaah ku siiyaan ganacsatada.

“Magaaladayaduna magaalo wayn oo camiran maaha oo gobolada waa ugu yaryahay, dekadana maleh. Madaar (garoon) dadka ka soo dagaan oo yimaadaan maleh. Lacagta howl yar laguma helo.”

Xoolo-dhaqato badan duruufo jira dartood oo soo wajahay ayaa ku qasba inay xoolohooda seyladda u iib keenaan, si ay culeysyadaas u xaliyaan. Laakiin, amaahdu waxay ku noqtay sibir qaraar.

Ganacsatada hilibka ee magaalada Ceerigaabo waxay Raadiyow Ergo u sheegeen inuu hooseeyo heerka iibka hilibka ee magaalada, taasina ka ganacsato ahaan ay ku qasabtay inay amah ku siiyaan qoysaska macaamiilka u ah.

Sihaam Cawil Ismaaciil oo ka mid ah ganacsatada hilibka waxay xustay in caqabadda dhaqaale helista ay qof walba meeshiisa ku saameeysay. Haweeneydaan waxay arrintaan u sababeysay lacagta magaalada oo yar darteed inay taasi keentay inuu yaraado dhaqdhaqaaqii guud.

“Qaar baa iga amaahda ama bil ku la xisaabtamayaa. Bishaas sooba qaban waayaa labo bilood lacagtu noqotaa. Marka adduunku dadka isku jaub ma ahan. Maxay ahaydoo Wallaahi aad bey u howlo badan tahay.”

Sihaam waxay sheegtay xaaladdaan inay ka dhex aragtay masruufka nolosha sagaal carruur oo ay dhashay.

Xoolo-dhaqato badan wey ku soo dhiiran la’yihiin inay aqbalaan xaaladda seyladda Ceerigaabo ee kala amaahashada isku rogtay xiligaan.

Inkastoo reer miyiga xoolo-dhaqatada Soomaalida lagu garanayo lex jeclo badan oo ay xoolaha u qabaan, haddana mararka qaar duruufaha degdegga ah ayaa ku qasba inay iibiyaan xoolaha qaar.

Previous Post

Mudug: Qoysas danyar ah oo ku guryo beellay qarax la la eegtay madaxda Galmudug

Next Post

Berdaale: Qoysas ay fatahaad iskugu dartay hanti la’aan iyo barakac oo ku nool dawarsi

Related Posts

Kulaylka cimilada iyo biyo yari isbiirsaday oo nolol adag galiyay reer-guuraaga Galgaduud
Beeraha Iyo Xoolaha

Kulaylka cimilada iyo biyo yari isbiirsaday oo nolol adag galiyay reer-guuraaga Galgaduud

August 21, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas laga raray xero barakac oo duleedka Garowe ku wajahaya dhibaato nolol xumo

August 21, 2026
Ganacsiga malabka oo bog cusub oo nololeed u furay danyar ku nool Shabeellaha hoose
Wararkii u Danbeeyay

Ganacsiga malabka oo bog cusub oo nololeed u furay danyar ku nool Shabeellaha hoose

August 20, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Dhallinyaro Hargaysa ka hirgaliyay waxbarasho dadka loogu geeyo guryahooda

August 17, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Reer-guuraa Galgaduud oo ka cabanaya cudur ka dilaya xoolaha oo il-dhaqaale u ah

August 14, 2026
Qoysas danyar ah oo soo kabasho ganacsi ka helay waddo cusub oo laga dhisay Badhan
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas danyar ah oo soo kabasho ganacsi ka helay waddo cusub oo laga dhisay Badhan

August 12, 2026
Next Post
Berdaale: Qoysas ay fatahaad iskugu dartay hanti la’aan iyo barakac oo ku nool dawarsi

Berdaale: Qoysas ay fatahaad iskugu dartay hanti la’aan iyo barakac oo ku nool dawarsi

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 21-AUG-2026

IDAACADDA 21-AUG-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 21-AUG-2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-AUG-2026
August 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-AUG-2026
August 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-AUG-2026
August 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-AUG-2026
August 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-AUG-2026
August 17, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo