Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

Bari: Kallumeysto ka niyad jabay shaqadooda markii maraakiib shisheeye ay qalabkii ka burburiyeen

Jibril Osman by Jibril Osman
January 30, 2024
in Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Bari: Kallumeysto ka niyad jabay shaqadooda markii maraakiib shisheeye ay qalabkii ka burburiyeen

Kaydka Ergo/sawir hore

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Nuur Cabdiraxmaan Maxamed wuxuu wajahaya shaqo la’aan, taasi oo saameeyn ku yeelatay maareeynta nolosha qoyskiisa. Xeebaha gobolka Bari oo uu ka soo kalluumeysan jiray ayuu ka haray, markii uu dhibaato kala kulmay maraakiib shisheye oo si sharci darro ah halkaa uga kalluumeysanaydo.

Ninkan oo ah aabbaha toddobo carruur ah ayaa sheegay in shaqada kalluumeysiga ay ahayd isha keliya ee uu dhaqaale ka soo galaayay. Lix iyo toban sano ah ayuu tilmaamay inuu ku shaqeysanayay xirfadaan.

“Hadda shaqadayda waxaa saameeyay maraakiibta jariifka. Aniga hadda aan kula taaganahay, shaqo ma haayo. Baddaa ayaan ka shaqeeysanayay, iyadiina waan ka caajisay. Qalab ayaan gaday oo aan geeystay, si aan ugu kalluumeysto. Waxaa qalabka qaatay maraakiibta jariifka.”

Nuur oo ah 61 jir waxaa labo mar oo kala duwan maraakiibta jariifka ka qaateen qalab isugu jiray shamaag, saxiimad iyo matoorkeeda oo uu dayn ku soo qaatey. Wuxuu sheegay in guud ahaan ay ka gashay labo kun siddeedan iyo sagaal doolaar. Lacagtan ayuu xusay in weli lagu leeyahay. Agabkii ugu dambeeyay ayaa laga qaatay bishii September ee 2023.

Ninkan ayaa sheegay in badda uu hadda isaga haray bishii Nofeembar ee 2023, maaddaama ay sii badanayso dhibaatada ka soo gaareeysa maraakiibta sida sharci darrada ah uga kalluumeysanaya xeebaha gobolka Bari.

Afar ka mid ah carruurtiisa ayuu xusay inay waxbarashada ka hareen, markii ay shaqo la’aanta soo foodsaartey. Carruurta ayaa kala dhiganaysay fasalada saddexaad, afaraad, lixaad iyo toddobaad ee dugsiga hoose, dhexe ee Nawaawi ee magaalada Boosaaso. Waxaa bishii laga qaadaayay isku darkooda $100.

Nuur ayaa hadda ka walacsanyahay kirada guriga uu deggan yahay oo bishii ah $50. Saddex bil ayuu sheegay inuu san bixin oo lagu leeyahay. Kalluunka oo ay hooyadiisa suuqa ku iibin jirtay ayuu sheegay in kirada uu ka soo saari jiray. Wuxuu tilmaamay in hoyadiisa ay sidoo kale shaqo la’aan noqotay, tan iyo intii uu joojiyay kalluumeeysiga.

“Shaqo kale oo aan ka shaqeeysto ma aqaani oo baddaasi ayaa nolol ii ahayd. Kiradii guriga waa la igu leeyahay. Puntland waan ku soo caano maalnay oo waan ku soo kornay. Amni iyo nabad waan ku haysannaa. Lakiin dhinaca badda dhibaato wayn ayaa ka taagan.”

Raashin min shan iyo labaatan kiilo ah oo isugu jira bur, bariis iyo sonkor oo uu dayn uga soo qaatay qof ay qaraabo yihiin ayuu tilmaamay in hadda ay qoyskiisa hal waqti ka karsadaan. Lacagta raashinka oo ah $49 ayuu sheegay in lagu leeyahay.

Nuur wuxuu ka mid yahay labo kun iyo shan boqol oo kalluumaysato ah oo ka shaqeeysan jiray xeebaha gobolka Bari oo ay hadda shaqo la’aan soo food saartey.

Muuse Saalax Guuleed oo ah aabbaha qoys ka kooban siddeed qof ayaa sidoo kale isaga haray kalluumeysiga. Wuxuu sheegay in bishii Nofeembar ee sanadkii la soo dhaafey ay maraakiibta jariifka ka qaaten qalab uu ku kalluumeysanaayay oo uu badda uga soo tagay. Wuxuu sidoo kale sheegay inay ka burburiyeen doon uu isaga leeyahay.

“Carruurta baddaas ayaan ku soo koriyay. Qaar ayaa hadda guryo leh, kuwa na waa guur doon. Aniga ayaa toos badda uga soo kalluumeysan jiray. Cid uma shaqeeyn jirin oo aniga ayaa doonta la galaayay. Wixii aan soo qabto, xeebta marka aan keeno ayaa la iga iibsan jiray. Dadkii iga iibsan jiray iyo aniga wax la’aan ayaan isla nahay.”

Muuse oo 70 jir ah ayaa shaqadan ku maareeyn jiray nolosha qoyskiisa. Inkastoo uu ka haray kalluumeysiga, wuxuu haddana subax walbo yimaadaa xeebta Boosaaso. Wuxuu kor ka daawadaa badda.

Ninkan oo 12 sano ku jiray kalluumeeysiga ayaa Raadiyow Ergo u sheegay inuu san garanayn shaqo kale oo uu nolol maalmeedka kala soo baxo. Wuxuu tilmaamay in hadda uu qoyskiisa dabka shito maalinkii hal waqti. Dukaan u dhow ayuu sheegay inuu ka qaato raashin dayn ah.

“Wax aan manta isku furan karno oo aan leenahay berri ama saa dambe waad ku meel mari kartaan ma haysanno. Wixii aanu haysannay waa waxaa nalaga qaatay.”

Muuse ayaa sheegay in maraakiibta jariifka ay ka qaateen qalab ka kooban shamaag iyo matoorka saxiimadiisa. Wuxuu tilmaamay in agabkan uu ku soo qaatay dayn. Lacagta uu ku soo qaatay oo ah $2,800 ayuu xusay in weli lagu leeyahay, uusan garanayn sida uu isaga gudi doono.

Guddoomiyaha iskaashatada kalluumaysatada Boosaaso Muuse Cali Muuse ayaa ka dayriyay wax soo saarka badda. Wuxuu xusay in dadkii ka shaqeeysan jiray kalluumeysiga ay badankooda hadda shaqo la’aan yihiin.

Kalluumeysatada qaar oo weli badda aada ayuu sheegay inay soo laabtaan iyagoo faro maran, maaddaama aysan ka fogaan xeebta, cabsi ay ka qabaan maraakiibta jariifka ah awgeed.

Muuse ayaa tilmaamay in iskaashato ahaan ay is caawiyaan. Qofkii ay xaalad culus ku timaado ayuu sheegay inay ka caawiyaan, wixii awoodooda ah, inkastoo aysan isdhaamin. Wuxuu ka digay in arrintan ay saameeyn ku yeelan karto dakhliga guud ee Puntland, haddii aan wax laga qaban.

Guddoomiyaha ayaa xusay in cabashadooda ay u gudbiyeen wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee Puntland.

“Dadkan kalluumeysatada ah waa dad badda yaqaanna oo noloshooda halkaa kala soo baxa. Waxaa dhici karta in burcad badeed ka dhalato, shaqo la’aantooda. Hadda ayaa la joogaa waqtigii laga hortagi lahaa.”

Guddoomiyaha ayaa sheegay in waxa hadda ugu badan ay la kulmaan kalluumeysatada ay tahay doomo si sharci darro ah u qaadanaaya ukunta kalluunka. Wuxuu tilmaamay in qaarkood ay xabad la dhacaan doomaha ay leeyihiin kalluumeysatada gobolka.

Previous Post

Bay: Dad ku cayroobay abaarta oo fursad shaqo ka hellay beero ku yaalla Baydhabo

Next Post

Dhadhaab: Carruurta la nool xanuunka Albino oo faquuq ka la kulma xarumaha waxbarashada

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Dhadhaab: Carruurta la nool xanuunka Albino oo faquuq ka la kulma xarumaha waxbarashada

Dhadhaab: Carruurta la nool xanuunka Albino oo faquuq ka la kulma xarumaha waxbarashada

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo