Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Bay: Dad ku cayroobay abaarta oo fursad shaqo ka hellay beero ku yaalla Baydhabo

Jibril Osman by Jibril Osman
January 29, 2024
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Bay: Dad ku cayroobay abaarta oo fursad shaqo ka hellay beero ku yaalla Baydhabo

Kaydka Ergo/sawir hore

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Ibraahim lugbuur Aadan wuxuu ku filnaaday maaraynta nolosha qoyskiisa oo ka kooban 9 qof. Wuxuu ka shaqo billaabay beer ku taalla magaalada Baydhabo bishii Oktoobar ee sanadkii hore.

Wuxuu ka mid yahay 110 rag ah oo loo qaatay tacbidda beero ku yalla duleedka magaalada. Raggan oo ka soo jeeda qoysas ku nool xeryaha lagu barakacay ayaa arrintan u noqotay fursad ay nololshooda ku beddeleen.

Ibraahim oo beer saddex hektar ah u qaabilsan abuurista dalagga, falista iyo ka ilaalinta xoolaha ayaa sheegay in dhaqaalaha uu ka helo uu meesha ka saaray cunno-xumo ay reerkiisu wajahayeen muddo labo sano ah oo ay barakac yihiin.

“Shan dollar ayaan maalinti ku shaqeeya way igu filantahay. Shaqada aan haayo aad ayaan ugu faraxsanahay, maaddama seddexda waqti aan wax ka helaayo. Shaqo kale xataa kuma doorsanaayo.’’

Ibraahim ka hor shaqadan wuxuu tilmaamay in qoyskiisa ku tiirsanaayeen raashin bisil oo ay ka soo dawarsan jireen dadka xerada kula nool iyo caawinaad aan joogto ahayn oo laga bixin jiray xeryaha barakaca.

Qoyska ninkan ayaa  xerada Buula-dooy ee duleedka Baydhabo soo gaaray sanadkii 202, xilligaas oo ay abaar uga dhamaadeen 200 oo ari ah iyo soddon geel ah oo ay ku dhaqanayeen miyiga deegaanka Awdhiigle ee gobolka Baay.

Wuxuu sheegay in shaqadaan ay noqotay wixii ugu horreeyay ee uu qabtay muddada uu xerada joogay. Waxaa ku adkaatay in uu  magaalada uu shaqo ka helo maaddaama uusan lahayn wax xirfad ah.

Ibraahim beer falista oo uu yaraantiisii aqoon jiray ayuu tilmaamay in markii uu ogaaday in dad loo qaadanayo uu codsaday. Waxaa lagu qaatay markii la qiimeeyay aqoonta uu u leeyahay beeraha shaqada laga rabay.

Ninkan oo shaqeeya  maalin kasta toban saacadood oo xiriir ah ayaa xusay in ay kala badan tahay shaqada uu qanto iyo lacagta uu qaato, balse uu uga qanco markuu arko waxa iska beddelay nololsha reerka.

“Nolol ahaan wax badan ayaan kororsaday ciyaalkayga. Baahi wajigooda kama muuqato sidii hore hadda ayay ka fiican yihiin.’’

Ninkan lacagta uu ka helo shaqadan wuxuu u kala qaybiyaa in uu ku maareeyo qoyska iyo in uu meel u dhigto kayd ahaan. Wuxuu iska guday dayn gaaraysay $50 oo ay ku lahaayeen dad suuq leey ah, kuwaas oo uu raashin uga qaatay intuu shaqo la’aanta ahaa.

Axmed Yuusuf Maxamed waxay qoykiisa oo  siddeeed qof ah ka soo kabsadeen xaalad nolol-xumo ah, markii uu ka shaqo billaabay beeraha bishii Diseembar ee sanadkii hore. Tan iyo waqtigaas waxay awood u yeesheen in ay saddex waqti dabka shitaan.

Ninkan oo horay qoyskiisu uusan u haysan il dhaqaale ayaa hadda ka maareeya lacagta uu ka helo beer uu waraabiyo oo maalintii u dhaxaysa $4 ilaa $5. Wuxuu sheegay in ay meesha ka baxday welwelkii uu ka qabay cunno helidda carruurtiida.

‘‘Nolosheyda way fiicantahay hadda biil ayaan helay. Waxaan la hoydo ayaa la i kariyaa nolosha way ii fiicnaatay. Shaqada aad ayeey u fiicantahay in la ii kordhiyo ayaan rajeynayaa shaqada beerta waa mid aad u fiican.’’

Axmed oo kaligiis uu ku tiirsanaa reerku ayaa xusay in shaqadan cusub uu kaga maarmay xoogsi uu u aadi jiray magaalada Baydhabo. Wuxuu maalinkii ka heli jiray lacag u shaxaysa $2 ilaa 3 halka maalmaha qaarna uu soo laaban jiray isaga oo faro maran. maalmaha uu soo waayo ayuu xusay in ay ku qasbanaayeen in ay qadaan maaddaama aysan kayd lahayn.

Axmed ayaa qoyskiisa la soo miciin biday xeradan Deg-umurku ee duleedka Baydhabo sanadkii 2017 markaas oo daaq la’aan ay ku dhaafeen 96 neef oo lo’ ah oo ay ku dhaqanayeen degmada Diinsoor. Sidoo kale abaartii sanadkaas waxaa  uga wax soo sar beeshay beer saddex hektar ah oo uu tacban jiray.

Ninkan wuxuu qorshaynayaa in sanadkaan cusub inta lagu jiro uu iskuul ku daro labo ka mid ah carruurtiisa oo gaaray da’da waxbarashada iyo in uu iska gudo dayn gaaraysa $460 oo uu ku leeyahay bakhaar uu ka adeegan jiray,

Mustaf Maxamed Isxaaq wuxuu ka mid yahay dadka leh beeraha laga shaqeeyo. Wuxuu sheegay in labo beerood oo min 4 hektar ah oo uu ku leeyahay duleedka magaalada uu ka hawl galiyay 8 shaqaale ah. Wuxuu xusay in beerihiisa oo daadku ay ka qaaday dhamaan wixii uu saaray uu go’aan saday in  uu shaqaale ka howl galiyo si mar labaad uu degdeg ugu saaro abuurka.

Dhanka kale wuxuu xusay in raggan shaqaalaha ay u qaateen ay  yihiin dad ku sugnaa xeryaha lagu barakacay. Wuxuu sheegay in sababta ugu wayn ee ay ku doorteen ay ahayd in ay shaqa abuur u sameeyaan maaddaama ay ka war hayeen xaalkooda.

“Dadkan maadaama abaaro iyo colaado galeen xoolihiina ku dhamaadeen markaas ayaan in aan shaqo u samayno oo beero samayno oo aan ka shaqaalaysiino si ay noloshooda u maareeyaan ayaan ku talo galnay, waana ku guulaysannay inkasta oo  sanadkan qasaare jiray oo dallaggii naga go’ay haddana roobka ayaa da’au anaguna sidii umaddaas u noolaan lahayd ayaan ku talo galnay. ”

Dadka barakacay ayaa fursadaha noocan ah u yihiin mid ay nololshooda waxbadan uga beddelaan. waxay awood u yeeshaan in ay hellaan cunno ku filan iyo in ay carruurtooda waxbarasho u heleen.

Previous Post

Mudug: Labo boqol oo qoys oo hoy iyo cunno xumo wajahaya markii guryahooda uu bacaad aasay

Next Post

Bari: Kallumeysto ka niyad jabay shaqadooda markii maraakiib shisheeye ay qalabkii ka burburiyeen

Related Posts

blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 4, 2026
Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 2, 2026
Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

May 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
Next Post
Bari: Kallumeysto ka niyad jabay shaqadooda markii maraakiib shisheeye ay qalabkii ka burburiyeen

Bari: Kallumeysto ka niyad jabay shaqadooda markii maraakiib shisheeye ay qalabkii ka burburiyeen

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-JUN-2026

IDAACADDA 04-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-JUN-2026
June 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-JUN-2026
June 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 31-MAY-2026
May 31, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo