Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Baydhabo: Haween ku filnaaday nolosha carruurteeda oo agoon ah markii loo maal-galiyay ganacsi

Radio Ergo by Radio Ergo
January 8, 2024
in Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Baydhabo: Haween ku filnaaday nolosha carruurteeda oo agoon ah markii loo maal-galiyay ganacsi

Shariifo Ibraahim oo dhex-fadhisa dukaan keeda/Shukri Ismacil/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Wiilo Xasan Abuukar ayaa awoodday in ay dib ugu celisay saddex ka mid ah carruurteeda waxbarashada, Markii dukaan lagu iibiyo dharka, bagaashka iyo raashinka loo furay bishii Oktoobar ee sanadkan.

Waxay isku gayn carruurteeda ka dhiibtaa $36 bil walba. Waxay sheegtay in aysan culays badan kala kulmin oo ay meheradda ka hesho dhaqaalo ku filan.Carruurta waxbarashada dib u helay ayaa ka haray iskuulkooda sanad ka hor.

Waxay ka mid tahay boqol iyo siddeetan haween ah oo hay’adda IOM ay dukaanno yar-yar ugu furtay gudaha xeryaha Barwaaqo, Xanaano, Tabaarak iyo IDC oo ku yaalla duleedka magaalada Baydhabo oo ay ku nool yihiin.

Qol jiingad ah oo dhabarka dambe ee buushkeeda ah ayay ku iibisaa dharka carruurtaa, maacuunta, bagaash iyo raashin. dhaqaalaha ka soo gala maalintii oo u dhexeeya $8 ilaa 10 ayay sheegtay in ay ku filnaadeen nolosha carruurteeda oo sagaal ah.

“Ganacsigay ayaa ii kala socda hadda suuq-yaraha ayaa wax ku iibinayaa sandaqad ayaa ii furan ijaar ah $20 ayaa bishii ku bixiyaa. Hay’adda ayaa bagaashka iisoo dhigtay. Qarashka aan ka helo waxna keyd ayaa ka dhigaa waxana tukaankaa ugu soo adeegaa caruurtana seddaxda waqtia ayaa dadka loo shidaa.”

Wiilo inta aysan ganacsigaan billaabi waxay xustay in nolosha qoyskeeda ay ka maarayn jirtay xaabo ay ka soo guri jirtay miyiga oo ay magaalada Baydhabo u iib-gayn jirtay. Xaabadaas oo in ay suuqa gayso ay ku qaadan jirtay labo maalin ayay sheegtay in laga siin jiray $3. Lacagtaas ayaan u goyn jirin wax ay hal mar cunaan.

Saygeeda oo aan qaban wax shaqo ah ayaa ka saacida iibinta tukaanka galinka hore ee maalinta inta ay carruurta dabka u shidayso, halka galabkiina ay iyadu gaddo. Waxay ka soo kabsadeen welwel badan oo ay ka qabeen maaraynta noloshooda.

“Markii hore qof danyar oo aan waxba heysan ayaan ahaa oo dadka ka liita.  meelaha aadi jiray cagaarka beeraha ka baxa soo guri jiray  xerada ku dhax iibi jiray. Mar banaanka u bixi jiray dhar soo dhaq ama kaamka joog oo hay’ adaha iska sug sidaas Ayaan ahaa, 30 ama 40 shilin Soomaaliya intaas ayaa ka heli jiray kuwaas oo aan nolol ahayn ayaan heli jirnay.”

Qoyska haweenaydan ayaa xerada Tabaarak oo ay degen yihiin soo gaaray sanadkii 2020, markaas oo ay abaar tarteed u nacfi beeshay beer saddex hiktar ah oo ay ku lahaayeen  tuulata Tuguli oo hoos tagta degmada Buur-xakaba. Waxay xusta in tan iyo waqtigas ay hadda ku jiraan noloshii ugu wanaagsaneed.

Shariifo Ibraahim Cali waxay ka mid tahay haweenka helay fursadda maalgelinta. Xerada xanaanu ayaa oo ay deggan tahay ayaa looga furay dukaan ay ku iibiso dhar bagaash iyo raashin. Waxay awood u yeelatay in ay ku filnaato nolosha qoyskeeda oo ka kooban 8 qof.

Shariifo oo horay qoyskeedu uusan u haysan il dhaqaale ayaa hadda ka maaraysa lacagta ay ka hesho dukaankeeda oo maalintii u dhaxaysa $10 ilaa $15 oo faa’iido ah. Waxay sheegtay in ay meesha ka baxday welwelkii ay ka qabtay cunno helidda carruurteeda.

“Sokorta, saliida bagaashka, dharka, kabaha wax kastaan iibiyaa tukaankayga qarashka hadda ku jiraa qiyaas ahaan waa $1,000. Bil iyo bar ayuuna ii furan yahay.”

Shariifo oo kaligeed u shaqayn jirtay reerka ayaa xustay in ganacsigeeda cusub ay uga maarantay dhar-dhaqis ay u  aadi  jiratay magaalada Baydhabo. Waxay tilmaantay in ay maalintii soo heli jirtay lacag u dhexaysa $2-3 halka maalmaha qaarna ay soo laaban jirtay iyada oo faro-maran. Qoyskeeda maadaama uusan wax kayd ah lahayn waxay ku qasbanaayeen in ay maalinkaas qadaan.

Aabbaha reerka ayay sheegtay in uu yahay waayeel sariir-yaal ah oo aan kaalin ka qaadan maaraynta nolosha qoyskaa. Tan iyo markay billowday shaqadan ayay tilmaantay in ay carruurteedu helaan cunno saddex waqti ah.

Waxay qorshaynaysaa in sanadkan soo socda ay qoyskeeda ka saarto xerada oo ay dejiso magaalada Baydhabo, maaddaama ay aaminsan tahay in ay awood u yeesheen ku noolaan shaheeda.

Ujeedka ay magaalada ugu guurayso ayaa ah in ay ganacsigeeda u hesho macaamiil intaan dhaafsan iyo in ay carruurteeda saddexda ugu waawayn oo gaaray da’da waxbarashada ay ku darto iskuul, maaddaama ay aaminsan tahay in ay hadda awood u leedahay in  ay ka dhiibto qarashka waxbarashada.

“Dareenkeyga maasha allah waaye haddii sidan iigu kordho ganacsigaan waxaan karajeyna in guri dhisto oo hadda buushley ayaa nahaye in aan dhul iibsano dhisano oo aan degnoo reer Baydhabo noqono ayaa rabnaa. Xitaa ayuuto ayaan ku jiraa ayuutada $100 $200 wixii iisoo go’ada tukaanka ku buuxsanaa noloshana waa ku maareynsanaa saasaa ka rabaa haddii Alle idmo.”

Shariifo ayaa sheegtay in marka laga tago in dukaanka loo maal-geliyay ay sidoo kale qaadatay tababar maanta u suura gelisayay sida ay aaminsan tahay inuu ganacsiyeeda soo saaro dhaqaale hab nololeedka qoyskeeda beddelay.

Qoyska haweenaydan ayaa ka soo barakacay deegaanka Dooy oo hoos taga magaalada Baydhabo sanadkii 2017 xiligaas oo ay Shabaab u diideen shidista dhuxusha oo ay ku tiirsanaayeen.  Reerka oo aan lahayn il kale oo dhaqaale ayaa dantu ku qasabtay in ay miciin bidaan xeryaha lagu barakacay.

Haweenka shaqo abuurka loo sameeyaay ayaa lagu xushay daruufaha ay ku jiraan qoysaskooda iyo fahamka ay ka hadtaan ganacsiga iyo hal-abuurka ay leeyihiin, sida uu sheegay Maxamed Isaaq Cali oo ka mid ah guddi loo xilsaaray oo ka kala socday xeryaha.

Maxamed ayaa sheegay in barnaamijkan ujeedka laha leeyahay uu yahay sidii haweenka ka soo jeeda qoysaska saboolka ah  shaqo abuuri ay uga soo kabtaan saamayntii soo gaartay ay uga soo kabtaan loogu samayn lahaa. Wuxuu intaas ku daray in tirada oo yareed ay keentay inay haraan haween badan oo mudnaa caawintan.

“Dadka xeryaha degdan waxay ku haminayaan mar idinkana sidan goormee heleysaan? Sida la ogyahay anaga gudiga xeryaha ayaa nahay gudi haddii la dhahana waxbadan ayuu fiiriyaa in kuwa wax la siyey guriga dhigteen cunayaa ama ay ku ganacsanayaan waa fiirinay dabagal ayaa ku  sameynay ayaga dhan dhaqdhaqaaqooda wey socdaan.”

Dukaanadan ayaa noqday ganacsigii ugu horreeyay ee xeryaha laga hirgaliyo. Waxay sidoo kale dadka xeryaha deggan ee aan haysan dhaqaalo ay wax ku iibsadaan siiyaan raashin dayn ah oo ay markaas dabka saartaan .

Haweenka ku sugan xeyaha ayaa inta badan fursad u helin shaqo abuur balse inta yar ee ka faa’iidaysata ayaa u aaya mustaqbalkooda. Waxay ka helaan dhaqaalo ku filan noloshooda halka qaarna ayba kaga baxaan xeraha barakaca markay isku filnaadaan.

Previous Post

Hargaysa: Boqollaal haween ah oo suuqa iskaga baxay khudaar yari darteed

Next Post

Hiiraan: Dadkii fatahaaddu ka barakicisay Baladwayne oo ka cabanayay nolol-xumo

Related Posts

Qoysas ku nool Shabeellooyinka oo helay il-dhaqaale markii la siiyay xoolo iyo beero
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas ku nool Shabeellooyinka oo helay il-dhaqaale markii la siiyay xoolo iyo beero

April 24, 2026
Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 24, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 24, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Next Post
Hiiraan: Dadkii fatahaaddu ka barakicisay Baladwayne oo ka cabanayay nolol-xumo

Hiiraan: Dadkii fatahaaddu ka barakicisay Baladwayne oo ka cabanayay nolol-xumo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 24-APR-2026

IDAACADDA 24-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 24-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-APR-2026
April 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-APR-2026
April 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo