(ERGO) – Cismaan Warfaa Cali oo ah aabbaha 12 carruur ah ayaa wajahaya xaalad cunno xumo iyo biyo yari. Waxaa ka dhamaadday saddex toddobaad ka hor kiilooyin raashin ah oo uu ka la soo barakacay Baladwayne 14 bishii Nofeemar ee sanadkan.
Wuxuu ku tiirsan yahay cunno bisil oo 24 saacba mar uu ka hello qoysas la deggan. Xaaladdan waxay ku haystaa deegaanka Ceel-jaalleee duleedka Baladwayne, halkaas oo uu maciin biday ayuu ka dhistay aqal cooshad ah.
Qoyskiisa ayaa isticmaala biyo midab doorsoomay oo ku jira war u dhow oo daad ka soo rogmaday Baladwayne uu galay. Wuxuu xusay in ay ku qasbanaadeen cabdidda biyahan, maaddama uusan haysan kuwa nadiif ah.
“Aniga hada kula hadlayo qoyskayga saddax Habeen dab ma shidan. Marka dhibaatadaas ayaa jirto. Wax aan u shido ayaan waayay. culays ayaa jiro iyo shaqo la’aan. Xaaladdu waa adag tahay. Waxba uma hayo carruurta. Waa kuwan hadda horteeyda fadhiya waxbana uma haayo.”
Ninkan ayaa sheegay in nolosha qoyskiisa uu ku maarayn jiray shaqo xoogsi oo subax walba uu u kalihi jiray. Wuxuu gaadiidka ka dajin jiray raashinka la keeno Baladwayne. Wuxuu ka heli jiray maalintii lacag u dhaxaysa $5-$10.
Dhaqaalahan oo qoyskiisa labo waqti ama ka badan ay dabka ku shidan jireen ayaa meesha ka baxay bil ka hor, markii isaga iyo qoyskiisa ay badbaado u raadsadeen deegaanka Ceel-jaalle si ay uga samata-baxaan fatahaadda.
Wuxuu dedaal ugu jiraa Cismaan sidii uu uga heli lahaa deegaanka uu u barakacay shaqo muruq-maal ah, balse wuxuu xusay in ay ku adkaatay heliddeeda.
“Ceel-jaalle wax shaqo ah oo nolol-maalmeedka laga soo saaran karo ka majirto. Haddii aad shaqo u tagto Ceel-jaale maanta dhan saad u raadinayso ayaa Habeenkii ka soo tagaysaa. Wax shaqo ah majirto runtii. Wax aan caruurta u hayo majirto.”
Ninkan ayaa sidoo kale ka cabanaya biyo yari haysa qoyskiisa. Wuxuu u adkaysan la’yahay biyaha aan nadiifka ahayn ee qoyskiisu ay ka dhaan sadaan war u dhow. Wuxuu xusay in uusan iibsan karin biyo iib ah oo booyaduhu geeyaan Ceel-jaalle.
Dadka deegaanka ayaa laga siiyaa Fuustada biyaha ah $3. Cismaan iyo qaar badan oo ka mid ah dadka fatahaadda ka barakacay ma awoodaan in ay iibsadaan. Wuxuu sheegay in uu isku dayay helidda lacag dayn ah si xal uu ugu helo xaaladda uu wajahayo.
“Qof kasto oo aad u tagtid oo dhahdid dayn isii. Wuxuu ku leeyahay; waxaan cadeeyn ayaan ku soo qaaday. Wax aan caddayn ku soo qaadayna dayn kuma bixin karo. Hay’adahii wax bixin jiray lama arkaayo. Oon ayaa loo dhiman rabaa, waa taas fuustadii waa ebar.”
Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in 400,000 oo qoys ay ka barakaceeyn Xaafadaha Magaalada Baladweyne, kuwaas oo deegaansaday Ceeljaale, Hiiraan bile, Faarax Caafi iyo deegaanka Ceelgaal oo dhamaantood Baladweyne hoos yimaado, dadkan ayaana ka barakacay Xaafadaha Kooshin, Xaawo, taako, Buunda-weyn iyo howl-wadaag
Dadka kale ee wajahaya saamaynta ka dhalatay fatahaadda waxaa kamid ah faarax Cali Galeyr. Wuxuu ka barakaacay xaafadda Kooshin ee magaalada Baladweyne, taas oo xudun u noqotay goobaha biyaha fatahaaddu ay fariisteen.
Wuxuu xusay in qal cooshad ka samaysan oo roobka aan celin karin, balse ay qorraxda iska xijiyaan uu ka dhistay duleedka Ceel-jaalle, halkaas oo muddo ku dhow bil uu ku sugan qoyskiisa oo 13 qof ah.
Waxay ka soo barakaceen gurigooda oo Faarax uu ii sheegay in daadku dumiyay. Waxay sidoo kale la tageen dhamaan agabkii cunnada, kuwii jiifka iyo gaari uu ku xoogsanayay.
Waxaa u dheer intaas xoolo uu ku dhaqanayay magaalada Baladwayne oo fatahaaddu ay ka qaadday.
“Fatahaadda saameyn gaar ah ayey ii geeysatay. Lix neef oo ari ah biyaha ayaa iga qaaday. Gaari dameerkii aan haystay biyaha ayaa la tagay. Waxii yaraa ee aan ilmaha ku karsanayay biyaha ayaa la tagay. Meehan waxaan ku imaaday yaa Allaah iyo ilmahii aniga oo madaxa ku wado. Dadki ugu dambeeyay ee biyaha ka soo baxay ayaan ku jirnay.”
Faarax wuxuu u soo joogay dhowr fatahaad oo barakac galiyay qoyskiisa, balse tani way uga duwan tahay. Wuxuu sheegay in aysan arkin dowlad iyo hay’ad caawisa. Fatahaadihii hore ayuu xusay in uu heli jiray qoyskiisa gurmad cunno iyo mid biyo oo labadii toddobaadba mar loo samayn jiray.
Wuxuu ka cabanayaa ciriiri ka haysta dhinaca cunnada, hoyga iyo biyaha oo isku biirsaday. Wuxuu ku tiirsan yahay cunno maalin dhaaf ah oo qoyskiisa uu u kariyo. Wuxuu ka helaa qoysas deggan Ceel-jaalle.
“Dadka daris ah ayaa waxii ay nagu dhaaman nasiiya iyo markii aan magaalka aado oo shaxaad iska soo helo. Sidaas ayaan ku maareeya nolosha qoyska.”
Wuxuu tilmaamay Faarax in uusan rajo badan ka qabin dib ugu laabashada Baladwayne bilaha soo socda, maaddama ay fadhiyaan biyo ka badan kuwii horay uu u arki jiray.
Wuxuu ka walaacsan yahay shaqo muruq maal ah oo nolol-maalmeedka qoyskiisa uu ka soo saran jiray, Waxay ahayd kaxaynta gaari dameer uu ku wareejin jiray biyo iib ah. Wuxuu sheegay in dameerkii iyo gaarigii ku xariisanaa ay biyuhu la tageen.
Maalintii $10 ayuu ka heli jiray shaqdiisa ka hor fatahaadda ka dhacday Baladwayne, taasi oo nolol xumo badday carruurtiisa. Maamulka degmada Baladweyne ayaa ka dayriyay nolosha ku haystay daafaha magaalada dadka ka barakacay fatahaadda.
Gudoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada Degmada Baladweyne Caabdullahi Saalax Sheekhayaa sheegay in ka maamul ahaan aysan awoodin in ay ka jawaaban dhamaan baahida xiligan haysato dadkii ka barakacay Fatahaada wabiga shabeelle ee Baladweyne.
“Dadkaas noloshooda waxaa lagu qiyaasi karaa meeshii ugu darneed, maxaa yeellay qofka hadii uu barakacay oo gurigiisa bannana uu dagay wax kaga horreeyo uusan jirin, isla markaana aysan jirin dowlad iyo hay’ado u gurmaday waa xaalad khatar ah.”