Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

Doomo fududeeyay isku socodka dadka ay fatahaaddu saameysay oo ka shaqo billaabay Afmadow

Jibril Osman by Jibril Osman
December 25, 2023
in Masiibooyinka, Wararkii u Danbeeyay
0
Doomo fududeeyay isku socodka dadka ay fatahaaddu saameysay oo ka shaqo billaabay Afmadow

Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Dadka deggan dagmada Afmadow oo xanibaad ay galiyeen biyaha ka dhasha roobka ayaa ka faa’iideysanaya saddex doon oo ay ka heleen maamulka dagmada, kuwaas oo u fududeeyay isku socodka.

Doomahan oo shaqo billaabay 25 bishii Nofeemabar ayaa dadka ku qaada si bilaash ah. Waxay ku tagaan suuqyada, isbitaallada iyo waxbarashada. Helidda adeegyadan ayaa ku adkaa ka hor gaadiidkan.

Sucaad Aadan Nuur oo siddeeddii bishan Deseembar dhashay Labo mataano ah waxaa caawisay mid ka mid ah doomahan. Waxaa lagu geeyay isbitaalka Afmadow, kaddib saddex maalin oo ay foolanaysay.

Haweenaydan oo 30 jir ah ah iyo labadeeda ilmood ayaa xaaladduudu fiican tahay. Waxaan lagu hayaa isbitaalka Afmadow oo ay ku umushay. Waxay rajaynaysaa in ay dib ugu celiso doonta gurigeeda marka ay dhameysto daawaynta u socota.

“Maalinkii sidaan ahayn iyo markii doonta na loo keenay sidaan noqonay labo ka la wayn bay ahayd. Aad bay noo kaafisay doonta. Ilaa hadda baan ku adeegganaa. Dadka giddigaas naga deggan baan raashinka iyo alaabaha ugu dhiibnaa. In aan aniguna ku gudbaan rabaa marka daawada ii socota ay ii dhamaato.”

Waxay tilmaamtay in isbitaalka oo u jira wax ka yar 1 km ay baabuurtu awoodi waysay in ay geeyaan, markii biyo ay gooyeen waddadii loo marayay, balse cabashadeeda ayaa la gaarsiiyay howl-wadeennada doomahan oo ka gudbiyay biyaha.

Doonta lagu soo qaaday Sucaad, markii ay foolanaysay waxaa si gaar ah u isticmaalla shaqaale caafimaad oo ka tirsan hay’adda (Waamo Relief  and Rehabilitation Services), kuwaas oo u gurmada dadka ku wajaha Afmadow xaaladda caafimaaddaro si loo geeyo xarumo lagu dabiibo.

Shaqaalaha doontan ayaa ugu tagay Sucaad xerada lagu barakacay ee Ruun oo muddo 6 sano ah ay ku jirto. Saygeeda ayaa xiriir la sameeyay kooxdan caafimaad, markii ay adkaatay in ay ku dhasho gurigeeda.

Waxaa lagu qalay labada ilmood ee mataanaha ah. Waxay xustay in dhakhaatiirta isbitaalka ay ku war-galiyeen ehelladeeda in aysan caadi u dhali karin.

“Aad iyo aad ayaan ugu rafaaday foosha. Cisbitaalka aniga oo tabcaan ah ayaan imid. Ma foollan karto ayaa la dhahay gabadhan hala saxiixo. Dhibaatada badan ee nahaysatay waxaa ay ahayd jid xidhan. Meel lagu soo maraayo malahan magaaladana wax uma doonan kartid.”

Qoyskeeda oo ka kooban 5 carruur ah iyo aabbahood ayaa sidoo kale doomahan ay ka caawiyeen in ay helaan waxay cunaan, kaddib afar toddobaad oo ay ku jireen xaalad cunno xumo oo go’doonka ka dhashay.

Saygeeda oo shaqo la’aan ahaa muddo bil iyo bar ah ayaa dib u billaabay shaqadiisa oo muruq-maal ah. Wuxuu ka howl-galaa suaqa Afamdow, kaas oo loo raray duleedka magaalada, kolkii ay biyo galeen halkii uu ku yaallay.

Wuxuu si maalinle ah u shaqaystaa lacag u dhaxaysa $3-$4. Wuxuu ku iibsadaa kiilooyin raashin ah, kuwaas oo galinka danbe ee maalintii uu la raaco doonta u gudbisa dhinaca kale magaalada oo ay ku taallo xerada uu ku jiro.

Sucaad ayaa sheegtay in dhaqaalaha soo gala saygeeda uu hoos u dhacay. Wuxuu heli jiray ka hor roobka ugu yaraan $10 maalintii. Waxaa ku yaraaday suuqa macaamiishii uu u qaadi jiray alaabaha, maaddama loo raray dhul bannaan ah oo ka baxsan magaalada.

Qoyska Xasan Ibraahim Cali 11 qof ah waxay ka mid yihiin dadka ka faa’iideysanaya doomahan ka dhex-shaqeeya Afmadow. Muddo ka badan bil oo ay go’doon ku jireen waxaa u suurto gashay in ay helaan raashin iyo gaadiid ay ku safraan.

Xasan ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in tobankii bishan uu ku soo qaatay doon uu ku safray 75 kiilo oo iskugu jira bur, bariis iyo sonkor. Waxaa wehliyay caagad saliid ah. Raashinkan ayuu ka soo dayntay nin ku ganacsada suuqa Afamdow. Wuxuu xusay in aysan heli lahayn cunnadan, la’aanta doomahan oo ka saaciday dib u soo kabashadooda.

“Waan ku soo danaystay si wanaagsan baan  ku gudbay Alxamdulillaah hadana si wanaagsan baan ku soo gudbay. Gurigayga ku imaaday. Maalin kasta in aad soo adeegato ayaa la rabaa. Adeega ayaaba cidhiidhi ku jiray.”

Qoyska Xasan wuxuu ka mid yahay 300 oo qoys oo deggan dhul taag ah oo ku yaalla banaanka dagmada Afmadow. Halkan ayay maciin bideen shanti bishan. Waxay ka barakaceen xerada Saakow oo daadku uu galay.

Aqal cooshad ka sameysan oo qoraxda, qabowga iyo dhibicda roobka aan celin karin ayuu gabaad ka dhigta qoyska Xasan. Ninkan wuxuu sidoo kale ku waayay daadka shaqada qoryo guridda oo nolol-maalmeedka uu ka la soo bixi jiray.

“Shaqo ma jirto. Asalkaygii hore qoryeele  iska ahaa. Barrigii kale  wuu xidhan yahay oo dhulka roob baa  da’ay. Kareetana ma dhaqaaqayso anagana waan iska jog joognaa. Laakiin se haddii aad magaalada u baahato waa lagu soo dhawaynayaa oo sifiican ayaad u gubi kartaa.”

Ninkan oo ku xamaalanayay gaari dameer wuxuu rajaynayaa in uu dib u billaabo shaqadiisa marka biyaha ku jira magaalada iyo waddooyinkii uu isticmaali jiray ay guraan. Waxaa se uu ka cabsi qabaa ka hor in uu ka dhamaado raashinka uu soo dayntay.

Maamulka dagmada Afmadow oo howl-galiyay doomaha u adeegga dadka ayaa sheegay in ay sameeyeen boosteejoojin laga raaco. Gaadiidkan ayaa shaqeeya labada galin ee maalintii sida uu sheegay Yuusuf Muxumed Macalin oo ah gudoomiyaha arimaha bulshada ah  ee Afmadow.

Maamulkiisa ayuu xusay in uu bixiyo lacagta ku baxday shidaalka ay isticmaalaan doomahan. Intaas wuxuu ku daray in la’aantood ay ka dhici lahayd Afmadow xaalad bini’aadannimo oo daran.

“Xaalad khatar ah oo dhimasho sababi lahay ayaa dhici lahayd. Sababtoo ah Afar wiil oo biyaha qaadeeen maalintii doonyaha la keenay iyagaa u gurmaday oo biyihii ka soo saaray afartii wiil waliba iyagoo nabad qaba oo geed saran. Xaalad daran baa la gali lahaa haddii aan doomaha la helin lahayn.”

Daadadka harqiyay Afmadow iyo deegaannada ku dhow ayaa si guud u saameyay dadka magaalada, xoolo-dhaqatada iyo beeraleyda, kuwaas oo qaarkood ay wajahaya saameyn ka dhalatay go’doonka biyuhu ay galiyeen.

Previous Post

Hiiraan: Qoysas danyar ah oo ku go’doonsan xaafado ay u barakaceen markii ay biyaha uga dabo yimaadeen

Next Post

Hargaysa: Boqollaal haween ah oo suuqa iskaga baxay khudaar yari darteed

Related Posts

Qoysas ku nool Shabeellooyinka oo helay il-dhaqaale markii la siiyay xoolo iyo beero
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas ku nool Shabeellooyinka oo helay il-dhaqaale markii la siiyay xoolo iyo beero

April 24, 2026
Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 24, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 24, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Next Post
Hargaysa: Boqollaal haween ah oo suuqa iskaga baxay khudaar yari darteed

Hargaysa: Boqollaal haween ah oo suuqa iskaga baxay khudaar yari darteed

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 24-APR-2026

IDAACADDA 24-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 24-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-APR-2026
April 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-APR-2026
April 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo