(ERGO) – Sahro Cabduqaadir Kulmiye oo ah hoyada sagaal carruur ah waxay wajahaysaa cunno yari. Raashin aan badnayn oo ay kala soo barakacday gurigeeda, markii uu webiga soo fatahay ayaa labo toddobaad ka hor ka dhammaaday.
Haweeneydan oo ku nool iskuul ay biyaha fatahaadda afarta dhinac ka hareereyeen ayaa xustay in dadka deriska la ah ay caawiyaan. Waxay sidoo kale tilmaantay in biyaha fatahaadda ay cabaan, maaddaama ay biyo yari jirto.
“Raashin aniga ma haysto. Dadka meesha ila joogo oo magaalada u gudbo oo biyaha dhex dabaasho wixii ay habeenkii karsadaan ayaa baaquli na loogu soo dhiiba. Aabaha carruurta waan kala tagnay oo carruurta waa la igu dayacay. Aniga waan iska xanuunsanahy – burada kansarka ah ayaa igu taalla, meeshaan ayaan isaga rafaadsanahay.”
Sahro waxaa dhuunta uga taala buro, taasi oo ay sheegtay inay ka hor istaagayso inay biyaha dhex marto oo ay magaalada ka soo qaraabato. Waxay xustay in biyaha ay dhuunta u gaarayaan meelaha qaar.
Waxay xustay inay geedo ay dhulka ku sureen ay sariirta dul saarteen, si ay kor ugu qaadaan joogeeda. Carruurta ayay ku ilaalisaa sarriirta korkeeda.
Iskuulka ay ku jiraan oo ku yaala xaafadda Buunda-weyn ee magaalada Beledweyne ayay tilmaantay in mar walbo oo ay fatahaad dhacdo ay u soo barakici jireen. Balse, sanadkan biyaha ayaa sidoo kale soo gaaray iskuulka.
Markii ugu dambeeysay ay halkan u soo barakacdo ayaa ahayd bishii Maayo ee sanadkan, xilligaasi oo uu webiga biyo keenay. Carruurta ayay tilmaantay inay sariirto ku hayso maalinkii oo dhan.
“Gabar ayaa aniga biyaha iga dhacday maalin hore. Ilmaha in sariirtaas lagu haayo oo lagu waardiyeeyo ayey u baahan yihiin. Wiil yar oo waddadaa ku dabaalanaayo ayaa i qabtay. Aniga oo maryo waraayo ayay i soo dabo kacday, biyaha ayaa ka tan badiyay. Biyaha aad ayay u liiq-liiqday. Caloosha ayaan ka riixnay, waa matagtay.”
Iskuulka ay go’doonka ku tahay ayay sheegtay inuu san lahayn xaruun caafimaad. Tani ayay xustay inay ku hayso walwal gaar ah, maaddaama ay carruurta qaar la jiifaan xanuunka koolba-aariyada.
Biyaha fatahaadda ayaa go’doon galiyay xaafadaha Kooshin, Buunda-weyn iyo Howl-wadaag. Xafadahaaan ayaa ahaa kuwa ay dadka u soo barakici jireen marka uu webiga biyo keeno.
Cabuqaadir Xassan Dhoore wuxuu ku go’doonsanyaha Laanta Doon Subagle ee xaafadda Buunda-weyn. Nolol-maalmeedka qoyskiisa ayuu uga soo dhicin jiray shaqo muruq maal ah oo uu ka soo qaban jiray guryaha la dhisaayo. Fatahaadda ayuu xusay inay meesha ka saartey shaqadiisa saddexdii toddobaad ee la soo dhaafey.
“Cuno ma jirto, subixii biyaha ayaan soo jiiraa oo magaalada ayaan soo aadaa. Koombo bariis ah gurigeeyga ma taalo. Dayn ayaan raadiyaaa, wixii aan soo helo ayaan hal mar dabka ku shubtaa. Wixii ii yaalay biyaha ayaa qaaday.”
Guriga uu deggan yahay oo ka kooban labo qol ayuu xusay in biyaha fatahaadda ay galeen. Wuxuu tilmaamay in biyo sidaan u badan uusan arag tobankii sano ee ugu dambeeyay. Halka uu gurigiisa ku yaalo ayuu sheegay inay tahay meeshii ay dadka webiga Shabeele u dhow ay u soo barakici jireen, marka uu biyo keeno.
Raadiyow Ergo ayuu u sheegay in dadkii ay deriska ahayeen ay u barakaceen dhulka taagga ah ee bannaanka magaalada.
“Ninkii maal ama dhaqaalo haystay magaalada waa ka baxay oo meel dalcad ah ayuu raadsaday. Ninkii aan wax haysan oo wixii uu maalinkii soo shaqeeysto ilmaha ku biilanayay ma bixi karaa? Dhaqaalo aan ku guuro ayaan waayay $50 ayuu gaariga dhahay, mana awoodo.”
Cabduqaadir oo ah aabaha 10 carruur ah ayaa tilmaamay in habeenkii ay mugdi ku baryaan, maaddaama korontadii ay biyaha jareen.
Biyo la’aanta jirto awgeed, qoyskiisa ayaa isticmaala biyaha fatahaadda. Ku dhowaad bil ayuu sheegay inay go’doon yihiin.
Maamulka degmada Baledweyne ayaa sheegay in qoysaskii ku haray magaalada ay wajahayaan cunno yari.
Gudoomiyaha degmada Baladweyne Cumar Cismaan Calasoow ayaa xusay in dadkii ugu badnaa ay ka barakaceen guryahooda fatahaadda ka hor. Dadka hadda go’doonka ku jiro ayuu tilmaamay inay yihiin kuwii degannaa xaafadihii loo soo barakici jiray ee biyaha soo gaari jirin.
“Dadkaasi waxaan ku wacyi galinayaa in kuwa bixi karo ay bannaanka magaalada tagaan. Alxamdulilaah, maalin walba dad ayaa baxaayo oo doomaha raacaayo. Inta aanan bixi karin, waxaa inoo qorsheeysan in lagu bilaabo raashinkii gargaarka ah ee na soo gaaray. Dad badan oo aan biyaha gaari jirin ayay sanadkan galeen.”
Fatahaadda wabiga Shabeelle ayaa saameeyn ku yeeshay guud ahaan dadkii ku noolaa magaalada Baladweyne.