Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Hiiraan: Qoysas danyar ah oo ku go’doonsan xaafado ay u barakaceen markii ay biyaha uga dabo yimaadeen

Jibril Osman by Jibril Osman
December 23, 2023
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Masiibooyinka, Wararkii u Danbeeyay
0
blank

Iskuulka Sheekh Maxamed oo ay fatahaadda saamaysay/File Photo/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Sahro Cabduqaadir Kulmiye oo ah hoyada sagaal carruur ah waxay wajahaysaa cunno yari. Raashin aan badnayn oo ay kala soo barakacday gurigeeda, markii uu webiga soo fatahay ayaa labo toddobaad ka hor ka dhammaaday.

Haweeneydan oo ku nool iskuul ay biyaha fatahaadda afarta dhinac ka hareereyeen ayaa xustay in dadka deriska la ah ay caawiyaan. Waxay sidoo kale tilmaantay in biyaha fatahaadda ay cabaan, maaddaama ay biyo yari jirto.

“Raashin aniga ma haysto. Dadka meesha ila joogo oo magaalada u gudbo oo biyaha dhex dabaasho wixii ay habeenkii karsadaan ayaa baaquli na loogu soo dhiiba. Aabaha carruurta waan kala tagnay oo carruurta waa la igu dayacay. Aniga waan iska xanuunsanahy – burada kansarka ah ayaa igu taalla, meeshaan ayaan isaga rafaadsanahay.”

Sahro waxaa dhuunta uga taala buro, taasi oo ay sheegtay inay ka hor istaagayso inay biyaha dhex marto oo ay magaalada ka soo qaraabato. Waxay xustay in biyaha ay dhuunta u gaarayaan meelaha qaar.

Waxay xustay inay geedo ay dhulka ku sureen ay sariirta dul saarteen, si ay kor ugu qaadaan joogeeda. Carruurta ayay ku ilaalisaa sarriirta korkeeda.

Iskuulka ay ku jiraan oo ku yaala xaafadda Buunda-weyn ee magaalada Beledweyne ayay tilmaantay in mar walbo oo ay fatahaad dhacdo ay u soo barakici jireen. Balse, sanadkan biyaha ayaa sidoo kale soo gaaray iskuulka.

Markii ugu dambeeysay ay halkan u soo barakacdo ayaa ahayd bishii Maayo ee sanadkan, xilligaasi oo uu webiga biyo keenay. Carruurta ayay tilmaantay inay sariirto ku hayso maalinkii oo dhan.

“Gabar ayaa aniga biyaha iga dhacday maalin hore. Ilmaha in sariirtaas lagu haayo oo lagu waardiyeeyo ayey u baahan yihiin. Wiil yar oo waddadaa ku dabaalanaayo ayaa i qabtay. Aniga oo maryo waraayo ayay i soo dabo kacday, biyaha ayaa ka tan badiyay. Biyaha aad ayay u liiq-liiqday. Caloosha ayaan ka riixnay, waa matagtay.”

Iskuulka ay go’doonka ku tahay ayay sheegtay inuu san lahayn xaruun caafimaad. Tani ayay xustay inay ku hayso walwal gaar ah, maaddaama ay carruurta qaar la jiifaan xanuunka koolba-aariyada.

Biyaha fatahaadda ayaa go’doon galiyay xaafadaha Kooshin, Buunda-weyn iyo Howl-wadaag. Xafadahaaan ayaa ahaa kuwa ay dadka u soo barakici jireen marka uu webiga biyo keeno.

Cabuqaadir Xassan Dhoore wuxuu ku go’doonsanyaha Laanta Doon Subagle ee xaafadda Buunda-weyn. Nolol-maalmeedka qoyskiisa ayuu uga soo dhicin jiray shaqo muruq maal ah oo uu ka soo qaban jiray guryaha la dhisaayo. Fatahaadda ayuu xusay inay meesha ka saartey shaqadiisa saddexdii toddobaad ee la soo dhaafey.

“Cuno ma jirto, subixii biyaha ayaan soo jiiraa oo magaalada ayaan soo aadaa. Koombo bariis ah gurigeeyga ma taalo. Dayn ayaan raadiyaaa, wixii aan soo helo ayaan hal mar dabka ku shubtaa. Wixii ii yaalay biyaha ayaa qaaday.”

Guriga uu deggan yahay oo ka kooban labo qol ayuu xusay in biyaha fatahaadda ay galeen. Wuxuu tilmaamay in biyo sidaan u badan uusan arag tobankii sano ee ugu dambeeyay. Halka uu gurigiisa ku yaalo ayuu sheegay inay tahay meeshii ay dadka webiga Shabeele u dhow ay u soo barakici jireen, marka uu biyo keeno.

Raadiyow Ergo ayuu u sheegay in dadkii ay deriska ahayeen ay u barakaceen dhulka taagga ah ee bannaanka magaalada.

“Ninkii maal ama dhaqaalo haystay magaalada waa ka baxay oo meel dalcad ah ayuu raadsaday. Ninkii aan wax haysan oo wixii uu maalinkii soo shaqeeysto ilmaha ku biilanayay ma bixi karaa? Dhaqaalo aan ku guuro ayaan waayay $50 ayuu gaariga dhahay, mana awoodo.”

Cabduqaadir oo ah aabaha 10 carruur ah ayaa tilmaamay in habeenkii ay mugdi ku baryaan, maaddaama korontadii ay biyaha jareen.

Biyo la’aanta jirto awgeed, qoyskiisa ayaa isticmaala biyaha fatahaadda. Ku dhowaad bil ayuu sheegay inay go’doon yihiin.

Maamulka degmada Baledweyne ayaa sheegay in qoysaskii ku haray magaalada ay wajahayaan cunno yari.

Gudoomiyaha degmada Baladweyne Cumar Cismaan Calasoow ayaa xusay in dadkii ugu badnaa ay ka barakaceen guryahooda fatahaadda ka hor. Dadka hadda go’doonka ku jiro ayuu tilmaamay inay yihiin kuwii degannaa xaafadihii loo soo barakici jiray ee biyaha soo gaari jirin.

“Dadkaasi waxaan ku wacyi galinayaa in kuwa bixi karo ay bannaanka magaalada tagaan. Alxamdulilaah, maalin walba dad ayaa baxaayo oo doomaha raacaayo. Inta aanan bixi karin, waxaa inoo qorsheeysan in lagu bilaabo raashinkii gargaarka ah ee na soo gaaray. Dad badan oo aan biyaha gaari jirin ayay sanadkan galeen.”

Fatahaadda wabiga Shabeelle ayaa saameeyn ku yeeshay guud ahaan dadkii ku noolaa magaalada Baladweyne.

Previous Post

Hargaysa: Qoysas danyar ah oo isku helay dib-u-dajin lacag bille loo siiyo iyo barashada xirfaddo

Next Post

Doomo fududeeyay isku socodka dadka ay fatahaaddu saameysay oo ka shaqo billaabay Afmadow

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shaqo la’aan ku dhacday dad xeryaha Gaalkacyo ka samayn jiray wacy-galin bulsho

July 23, 2026
Boqollaal qof oo la ildaran shuban-biyood iyo daawo yari ka jirta Jubbada hoose
Caafimaadka

Boqollaal qof oo la ildaran shuban-biyood iyo daawo yari ka jirta Jubbada hoose

July 21, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Haween barakac ah oo qoysaskooda uga saaray nolol xumo haysay xirfado ay ku shaqaystaan

July 20, 2026
Nolol xumo haysa ragga leh gaari-dameerada markii Hargaysa loo sameeyay biyo-galin
Wararkii u Danbeeyay

Nolol xumo haysa ragga leh gaari-dameerada markii Hargaysa loo sameeyay biyo-galin

July 16, 2026
Cunno xumo ka dhalatay ayax burburiyay dalag u beernaa beeraleyda Mudug
Beeraha Iyo Xoolaha

Cunno xumo ka dhalatay ayax burburiyay dalag u beernaa beeraleyda Mudug

July 15, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qorshe lagu horumarinayo Muqdisho oo shaqo la’aan biday barakac iyo danyar

July 14, 2026
Next Post
Doomo fududeeyay isku socodka dadka ay fatahaaddu saameysay oo ka shaqo billaabay Afmadow

Doomo fududeeyay isku socodka dadka ay fatahaaddu saameysay oo ka shaqo billaabay Afmadow

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 23-JUL-2026

IDAACADDA 23-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 23-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-JUL-2026
July 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-JUL-2026
July 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-JUL-2026
July 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-JUL-2026
July 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-JUL-2026
July 19, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo