(ERGO) – Shamsa Xasan Jimcaale oo xerada Xagardheer ku leh 11 kawaan oo lagu iibiyo hilibka Geella iyo ariga ayaa shaqo abuur u samaysay 72 haween ah iyo 48 rag ah, kuwaas oo ay ku adkayd helidda nolol-maalmeedka qoysaskooda ka hor shaqadan.
Waxay iskugu jiraan kuwa qala Geella iyo qaar iibiya hilibkiisa. Waxaa ka mid ah Faduma Cismaan maxamed oo miis ganacsi ku leh xerada. Waxay ka sii macaashtaa hilib ay ka soo qaadato kawaanka Shamso.
Waxay sheegtay in ay si joogta ah u hesho maalin walba lacag dhan $3 oo faa’iido ah. Marka ay dib u celiso lafaha lacageed ee hilibka ay soo qaadato. Qoyskeeda ayaa ka baxay xaalad cunno xumo oo ay wajaheen. Waxay si joogto ah u helaan cunno ku filan saddexda waqti ee maalinti.
Waxaa caawiyay hilibka ay iibiso oo qayb ka mid ah ay u kariso. Waxaa guriga u yaalla raashin ay u soo dhigatay qoyskeeda. Khudaarta ayaa ah waxa kaliya ee bannaanka ay ka soo iibsato.
“Nolol-maalmeedka kama waayayno. Maalintii mar 300 ayaan ka helaa mara 400 ayaan ka helaa. Afar neef ama shan neef calooshooda ayay ii soo dhiibtaa. Goobta caloosha ah 20 ayaan gadanaa ama 30 hadba sidii loo arko madaxana waxaan gadaa 50 shiling.”
Dhaqaalaha ka soo xarooda ganacsigeeda waxaa u dheer lacag iyo raashin gunno ah oo ay ka hesho hay’ado gargaar. Waxay iskugu jiraan 48 kiilo oo masaggo ah, 5 litir oo saliid ah iyo 4050 shilin oo bishiiba mar ay hesho.
Ganacsigan u gaar ah ayay billowday afar bil ka hor, markii ay go’aansatay in ay ka dallacdo shaqada qalidda xoolaha oo lacag kooban ay ka helaysay maalintii. Miiskeeda ganacsi ayaa door fiican ka ciyaaray isbaddelka nololeed ee qoyskeeda.
Waxaa ku dhiiri galisay in ay yeelato miis gaar ay u leedahay haweenayda daymisa hilibka ay iibiso, taas oo markii horaba u sameysay shaqo abuurka iyadoo wajahaysa xaalad adag oo ay bidday qaxootinimada.
Waxaa ku filnaan waayay lacag ay ka heli jirtay shaqo muruq-maal ah oo aan joogta ahayn. Waxay tagi jirtay guryaha ku yaalla xeryaha Dhadhabaab si ay dharka u dhaqdo una nadiifiso guryaha.
Waxay sheegay in dhaqaale xumadii haysay ay ku reebtay uur ku taallo weli xasuusteeda baaqi ku ah, taas oo ah nolol-xumada ay wajahayeen carruurta ay dhashay oo habeenno badan gaajo ku seexday.
“Markii uu dabku iga damo sidii aysan carruurtu dariska ugu wareegi lahayn ayaan falankeeda gali jiray. Markaas ayaan dabka intaan xaadh xaadho ayaa digsiga biyo ku shubi oon dabka saari jiray. Markaas ayay caruurtu leeyihiin hooyo wixii aad karisay maad noo soo dajisid. Sugga ayaan dhihi jiray sidaas ayayna iigu seexan jireen.”
Faadumo ayaa timid xeryaha Dhadhabaab sanadkii 2008 xilligaas oo ay colaad uga soo barakacday Soomaaliya. Carruurteeda oo kaligeed ay korsato saddex ka mid ah ayaa ku jira ifasallada iskuul hoose iyo dhexe oo ku yaalla Xagardheer, kaas oo bilaash ay ku dhigtaan.
Shamsa Xasan Jimcaale oo 59 jira waa haweenayda fursadd shaqo u abuurtay Faadumo iyo qaxootiga kale eek u jira xeryaha. waxay iibinta hilibka ku soo jirtay tan iyo 1992. Dadka ay caawiso ayaa iskugu jira kuwa xerayaha dhawaan ku biiray iyo qaar sanado badan ku noolaa.
Waxay ka sharraxaysaa sida ay ku xulato dadka ay shaqada siiso iyo kuwa ay daymiso hilibka si ay faa’iido uga raadiyaan.
”Gabdhaha baahidooda ayaa ugu badan maxaa yeelay aniga dan kale kama lihiye in ay iyagu noolaadaan baan rabaa oo ay shaqaystaan, oo ay wax is taraan, sidaas daraadeed baan markii aan duruuf iyo danta haysa aan aad u la yaabo, kuwo ayaa i dhaha ciyaalkii iskuulka waa waynay waxaan buug ugu gadno waan waynay xataa waxaan siino. Sidaa markii ay i dhahaan ayaan dhahaa sow xoog iyo caqli ma lihid oo ma shaqaysan kartid ? haa waa shaqaysan karaa. Laakiin waxaan qabtaanaan kasayn, bes waxaan dhahaa soo bax.”
Ganacsiga Shamso kuma koobana xerada Xagardheer oo kaliya. Waxay 37 sariibad ama kawaan ku leedahay xeryaha Dhadhabaab, kuwaas oo ay ka howl galaan rag iyo dumar nolol-maalmeedka qoysaskooda ka hela.
Waxay sheegtay in ay xogogaal u tahay duruufta nololeed ee u wajihi karo qof ay isku biirsadeen qaxootinimo iyo nolol-xumo, taas oo ay la kowsatay markii ay ku cusbadayd xeryaha. Arrinta ayay xustay in ay ku riixday caawinta dadka aan wax haysan.
Xalimo Cumar Arbo oo 24 jir ah waxay ka mid tahay haweenka ay caawisay. Waxay ku leedahay xerada Xagardheer dukaan ay si maalinle ah ugu iibiso hilibka. Waxay sheegtay in muddo shan bil ah oo shaqadan ay ku jirto in carruurteeda oo saddex ah ay ka bexeen dhibatadii cunno xumo.
Saddex waqti oo ka mid ah maalintii ay u heshaa cunno. Waxay ku iibsataa faa’iido lacageed oo dhan 300 oo shilinka Kenya ah oo ay si joogta ah u hesho. Waxay Radio Ergo u sheegtay in ay ka soo kabanayaa daruuftii dhaqaale xumo ee haystay mudada dheer.
“Nolosheeydu wax waa ka bedalay waan dareemay maasha,allah hadda waxay ii samaysay asxaan la gudi kara ma ahan,cunto iyo baahi ima hayso iyadaa igarab qabato maalinti 200 allaha ka siiyo waxbaan wadnaha ku naqsadaa inkastoo wixii isku gaareyn 200 ama 300 marbo sii wax u helo waaye kirada iima dhammo marba kirada waa igu aruuree iyadaa u cabaada iga bixisaa hilibkii asagaa isku celceshtaa saasaa ku noolyahay’’.
Ganacsiga ay u madax bannaantahay waxaa ka caawiyay hirgalintiisa Shamso, taas oo hilibka ay ka sii macaashto ku caawisa. Xaliimo ayaa sheegtay in ay dib iskaga guddo lafaha hilibka ay soo daymato toddobaadkiiba mar.
Ka hor shaqadan carruurteeda ayay u heli jirtay hal waqti waxay cunaan mararka qaarna way qadi jiree, maaddama ay qaban jirtay shaqada dhar-dhaqista oo aan joogta ahayn.
Haweenaydan waxay ka soo barakacday sanadkii 2013 dagmada Jilib, halkaas oo abaaro ku dhuftay ay saameeyeen qoyskeeda oo ahaa xoolo-dhaqato beeraley. Waxay sheegtay in ay soo maciin bideen xeryaha qaxootiga si ay gargaar uga helaan hay’adaha ka howl gala.