Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo

Radio Ergo by Radio Ergo
November 14, 2023
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Masiibooyinka, Wararkii u Danbeeyay
0
Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xaawo Maxamuud Salaad iyo shan carruurteeda ah oo ay dhashay oo ku hoy beelay dab baabi’yay deegaanka Milxo ee gobolka Sanaag ayaa ku hoyanaya geedaha hoostooda tan iyo 14 bishii Sabteembar ee sanadkan.

Waxay ka mid yihiin 1,150 qoys oo hantidoodii uu dabku galaaftay. Xaawo waxaa isku biirsaday cunno xumo iyo hoy la’aan, markii ay ka gubteen saddex qol oo ka sameysnaa jiingad iyo labo dukaan.

Waxay sheegtay in 24 saacba hal waqti oo ka mid ah ay helaan cunno bisil. Waxaa ku caawiya qoys ay daris yihiin oo dhaqaale ahaan dhaama. Waxay ka walaacsan tahay nolosha aabbeheed oo 80 jir ah isla markaana ay xannaanayso, kaas oo aan u adkaysan karin qoraxda, qabowga iyo cunno xumada ay wajahayaan.

“Dhir baa la harsadaa. Waa meel kaliil qorax ah, bacad ah. Gogol lama haysto. Dhar la gashto lama haysto. Hoy la galo lamahaysto.”

Waxay tilmaamtay in nolosha qoyskeedu uu ku tiirsanaa ganacsiga ka gubtay oo u dhigma lacag dhan $30,000. Waxay tabcaysay muddo siddeed sano ah. Waxay ku billowday $650 oo ay ka amaahatay bangi ku yaalla Puntland.

Waxay sheegtay in ganacsigeeda ay ka heli jirtay maalintii faa’iido lacageed oo dhan $50 ilaa $70. Dhaqaalahan ayay ku dabbari jirtay nolol-maalmeedka qoyskeeda iyo waxbarashada labo ka mid ah carruurtooda.

Iskuulkii ay dhigan jireen ardaydan ayaa ka mid noqday goobaha ku basbeelay dabka baabi’iyay deegaanka Milxo. Xaawo waxay kali ku tahay korinta carruurteeda oo wajahaya duruuf nololeed. Aabbohood ayay ka tageen dhowr sano ka hor.

Waxay xustay in si guud nolosha dadka deegaanka uu u saameeyay dabka, kuwaas oo u baahan gurmad deg-deg ah.

“Cabashadeena ugu weyni ay tahay hoy la,aan. Hoy la,aan iyo hanti la’aan baa iskugu kayo darsan tahay.”

Dabka saameeyay nolosha qoyska Xaawo ayaa la sheegay in uu ka kacay meherad cunnada lagu kariyo, kaas oo ku fiday qaybo badan oo ka mid ah magaalada. Maamulka deegaanka Milxo ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in guryaha ku yaallay tuulada oo u badnaa cooshado ay u nugleeyeen magaalada dabka baabi’iyay.

Cabdikariin Axmed Cali oo ah aabbaha todobo caruur ah wuxuu ka mid yahay dadka qasaaraha ka dhaxlay dabka. Qoyskiisa ayaa xaalad nolol-xumo ku wajahaya duleedka deegaanka Milxo oo ay u barakaceen, markii hoygoodii oo ka koobnaa saddex qol oo jiingad ah uu basbeelay.

Wuxuu la degay qoys xoolo-dhaqato ah oo ehello yihiin, kuwaas oo ka taageera dhinaca cunnada, balse weli xal uma helin dhinaca hoyga. Carruurtiisa waxaa gabaad u ah geedaha hoostooda. Waxay ka galaan qorraxa iyo qabowga.

Deegaanka Milxo wuxuu ku lahaa saddex dukaan oo mid ka mid ah ay u yaalleen qalab harqaan oo dharka uu ku tolayay. Dhaqaalaha uu ka helayay ayaa door fiican ka ciyaarayay nolol-maalmeedka qoyskiisa. Wuxuu sheegay in hantida ka gubtay ay ku qiimaysnayd $11,000.

“Anigu saddex meheradood baan ku lahaa meesha laba meelood oo la iga shaqaynaayey oo midi hargaaqanka dharka lagu tolo taalay ayaa ku gubatay. Lama qiyaasi karo qasaaraha I soo gaaray.’’

Wuxuu sheegay in uusan hayn qorshe uu kaga dabaasho xaaladda nolol-xumo ee la soo daristay. Waxaa se uu rajaynayaa in laga caawiyo sidii uu uga soo kaban lahaa qasaaraha soo gaaray hantidiisa.

“ Dad deggan meesha oo dukaamo lahaa oo qoysas ah oo intii timaadaba ummad iyagu wax siin kara bay ahaayeen. Haddase iyagii baa barakac ah. Wax Alle wax ay haystaan ma jirto noloshoodu waa wax kala dhiman habeen iyo maalin bay ka la tahay.”

Deegaanka Milxo ee gobolka Sanaag waxay degmada Laasqorey u jirtaa 27 km. Dadka ku nool ayaa ku tiirsanaa ganacsiga noocyadiisa kala duwan. Sida uu sheegay maamulka Laasqoray oo deegaankan uu hoostago in ka badan 700 oo dukaan ayuu baabi’iyay dabku.

Cabdikariim Yuusuf Jaamac oo ah guddoomiyaha Laasqoray ayaa raadiyow Ergo u sheegay in uu meesha kala soo kulmay xaalad Bini’adamnimo oo aad u daran.

Wuxuu sheegay in qoysaska hoy la’aanta ah qaarkood ay gaarsiiyeen bacaha roobka, maacuun iyo kiilooyin cunno ah oo qoyskasta la siiyay.

Intaas wuxuu ku daray in ay wadaan dedaalllo loogu gurmanaayo qoysaska dabka ku hanti beelay.

“ Afar boqol oo qoys baan hadda gaarnay waxa aan u gaynayna waxa ay ku filan yihiin shan iyo labaatan beri todobo boqol iyo konton qoys ma aanan gaarin weli waxba lama gaarsiin, todobadii boqol ee qof ee ganacsatada ahaa ee hantidoodu burburtayna Iyana meel bay joogaan oo weli gacantu ma gaarin lakin hay,adaha dowladda iyo dadka muxsiniinta dhammaantood baaq baa noogu maqan” ayuu yiri gudomiyaha degmada laasqorey.

Dabka ka kaca deegaannada iyo suuqyada Soomaaliya ayaa sanadihii danbe noqday mid joogta. Kumanaan qoys oo ay ka mid yihiin dadka tuulada Milxo ayaa ku hanti iyo hoy beelay, kuwaas oo la daalaa dhacaya nolol-xumada ka dhalatay.

Previous Post

Dhadhabaab: Haweenay qaxooti ah oo fursad shaqo ka caawisay 120 qof oo haween u badan

Next Post

Galgaduud: Dhallinyaro macallimiin noqday oo helay dhaqaale ay ku dhigtaan jaamacaddaha

Related Posts

blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Dalag biyo la’aan awgeed u qalalay oo hubanti la’aan cunno biday beeraleyda Afgooye

September 7, 2026
Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa
Cunto-Yaraanta

Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa

September 1, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 29, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha
Cunto-Yaraanta

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha

August 25, 2026
Next Post
Galgaduud: Dhallinyaro macallimiin noqday oo helay dhaqaale ay ku dhigtaan jaamacaddaha

Galgaduud: Dhallinyaro macallimiin noqday oo helay dhaqaale ay ku dhigtaan jaamacaddaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 09-SEP-202

IDAACADDA 09-SEP-202 by Radio Ergo

IDAACADDA 09-SEP-202
Episode play icon
IDAACADDA 09-SEP-202
September 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-SEP-202
September 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-SEP-2026
September 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-SEP-2026
September 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-SEP-2026
September 5, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo