Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Muqdisho: Qoysas ka barakacay xeryo u nuglaa daadka markii ay maqleen digniinta El Nino

Jibril Osman by Jibril Osman
October 20, 2023
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Masiibooyinka, Wararkii u Danbeeyay
0
Muqdisho: Qoysas ka barakacay xeryo u nuglaa daadka markii ay maqleen digniinta El Nino

Axado oo u guurtay deegaan 6 km u jira xeradii ay ku nooleed/Rijal Abdi/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Saddex boqol iyo lixdan iyo shan qoys oo deganaa xeryo ku yaalla degmooyinka Dayniile iyo Hodan ayaa wajahaya cunno xumo, markii ay ka barakaceen guryahoodii. Waxay sheeegeen in ay ka barakaceen digniinta El Nino.

Qoysaskan ayaa deganaa dhul biyo fariisid ah oo horay roobabka ay u saameyn jireen. Cabdulqaadir Cali Maxamed oo saddexdii bisha Oktoobar qoyskiisa kala barakacay xerada Daawaale ee degmada Hodan ayaa degay xerada Yaasmiin ee deegaanka Garasbaaley.

Wuxuu sheegay inuu maareeyn la’yahay nolosha qoyskiisa. Ninkaan oo gaari-gacanle ah waa aabbaha shan carruur ah oo midka ugu weyn da’ ahaan uu jiro 12 sano. Cabsida uu ka qabo daad saameyn ku yeesha ayaa ku qasabtay in uu ka barakacay xerada uu ku noolaa.

“Roobka haddii uu yimaado xataa meel aan ka galno ma leh. Biyaha waxaan ka soo qaadanaa meel 3 km noo jirta. Jirgaan ayaan dhabarka ku soo qaaddnaa, kaas ayaa habeenkii dhan waxna lagu karsadaa musqulna lagu isticmaalaa iyo inta aan cabno.”

Dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha ka shaqeeya ka digista khataraha ayaa soo saaray digniin la xariirta halista roobabka El-niino oo ka curtay gobollada dalka qaarkood, kuwaas oo la sheegay inay waddaan daadad saameyn ku yeelan kara dadka.

Cabdulqaadir sababtaas darteed ayuu u barakacay. Wuxuu sheegay in wiil uu dhalay ayuu sanadkii hore ku waayay daad ku soo rogmaday xeradiisa. Ninkan waxuu xusay inay mar walba jirtay halis ku xeeran nolosha carruurtiisa, maaddama gurigiisa uu u dhowaa biyo-dageenka warta-siigaale oo xilli roobaad kasta ay biyo ka soo rogmadaan. Wuxuu tilmaamay in digniintu ay ku dhiiri galisay ka fogaanshaha qatarta daadadka.

“Waxaan ka maqlay Raadiyaha iyo yacni digniinta ay bixinayaan maamulka gobolka Benaadir, saas aan ku maqalnay. Marka hadda ka hor roobkii hore cunug uu iga qaaday. Cabsidaasi darteed ayaa uga cararay meesha. Duurkaanaa soo degnay.“

Ninkaan ayaa deganaa guri Jiingad ah oo ka kooban laba qol, kaas oo uu dhistay 2021, markii uu nin ganacsade ah lacag $800 sako ahaan uu ugu caawiyay. Wuxuu u qaadan la’yahay sida ay maanta noloshiisa tahay, maaddaama uu ahaa qof xaafadda uu degganaa si weyn looga garanayay oo xitaa lagu taageeri jiray raashiin uu u karsado carruurtiisa.

Wuxuu ahaa xoogsade ay dadka deegaanka badi u yeeran jireen, si uu ugu qaado agabyada ay rabaan in loo geeyo meelo kala duwan isaga oo ka heli jiray maalinkii ugu yaraan $4. Wuxuu rejo ka qabaa inuu mar un dib ugu laaban doono xeradiisii. Haddii ay wax iska beddelaan duruuftii uu uga soo barakacay.

Labo ka mid ah carrurtiisa oo 12 sano jir iyo 10 sano jir ayaa si bilaash ah wax uga baran jiray iskuulka hoose dhexe ee Hodan oo ku yaalla degmada Howlwadaag gaar ahaan agagaarka Sigaale, waxay dhiganayeen fasalada labaad iyo seddexaad ee dugsiga hoose.

Hal toddobaad carruurtiisa ma aysan aadin iskuul, sababta wuxuu ku sheegay in uusan bixin Karin lacagta baabuur raaca ee tagidda iyo soo laabadka iskuulka oo maalinkii ah lacag  dhan saddex doollar.

Ninkaan ayaa ka soo barakacay sanadkii 2017 gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan degmada Qoryooley, markii uu dagaal u dhaxeeyay labo qabiil oo ka dhacay deegaankaasi uu ku waayay beer afar hiktar oo ay uga baxaayeen noocyada kala duwan ee khudaarta.

Barakaca qoysaskan ayaa bilowday dhamaadkii bishii September, balse tiradii ugu badneyd waxay barakaceen kowdii October, markii maamulka gobolka Benaadir uu ku wargaliyay dadka deggan meelaha ay biyaha ku soo rogmadaan inay ka guuraan.

Faay Maxamed Cali oo ah hooyada lix carruur oo agoon ah ayaa ka mid noqotay qoysaska ay arrintaan saameysay. Xerada Walaweyn oo degmada Hodan ku taalla oo ay daganeyd ayey ka guurtay markii ay maqashay digniinta, maaddaama ay ku taallay meel godan ah oo u nugal inay biyaha ku kaydsamaan.

Faay oo u barakacday xerada Daryeel oo ku taalla degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.  Waxay halkaas kala kulantay hoy xumo iyo biyo yari. Meel bannaan oo xerada ka tirsan ayaa gabaad u ah, waxay ku seexdaan habeenkii walwal joogta ah, maaddaama ay la kulmi karaan halis amni-darro.

Haweeneydaan oo nolosha qoyskeeda ka dabarta nadaafadda guryaha iyo dhar dhaqista oo ay ka shaqeyso ayaa xustay in guuritaanku uu saameyay dhaqaalaha ay ka heli jirtay shaqadeeda.

Waxay tilmaantay in masaafo dhan lix kilo mitir ay ka durugsan tahay xaafadihii ay u shaqo tagi jirtay, taas oo hadda hakisay howlaheeda shaqo.

Tani waxey ku qasabtay in maalmaha qaar aysan shaqo tagin, sidaana ay ku weyso lacag $3.5 ah oo celcelis ahaan ay hesho maalinka ay shaqeyso sida ay u sheegtay Raadiyow Ergo.

“Magaalada wey ii dhoweyd. Hadda laamigii waa iga fog yahay. Inaan salaadii aan soo kaco soo lugeeyo ay danta igu kalifee oo ciyaalkii aan sidaas wax ugu raadiyo. Dad macaamiil ah oo dhar loo dhaqayo waxyaalahaas ayaan lahaa. Hadda meeshii saa’id ayaan uga dheeraaday.”

Faay tan iyo markii ay ka soo guurtay degmada Hodan waxay dulsaar ku tahay qoys kale oo barakac ah oo iyagaba wajahayay duruufo adag oo dhanka nolosha ah. Ninkeeda ayaa u geeriyooday sanadkii 2022 markii uu xanuun dhanka wadnaha ah uu ku soo booday ayaa kali ku ah xiligaan barbaarinta carruurteeda oo midka ugu weyn uu jiro 15 sano halka kan ugu yarna uu yahay lix sano jir.

Axado Isaaq Dhaayow waxay ka mid tahay dadka ku baraarugsan halista roobka, maaddaama ay degganayd war-biyoodka Igadabagee ee degmada Dayniile. Waxay si dhab ah u qaadatay farriinta digniinta, ugu dambeyna way ka guurtay halkii ay ku noolayd.

Qoyska Axado waxay ku nool yihiin xerada Xarameyn ee deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho. Iyada iyo carruurteeda oo gabdho ah waxay shanti habeen ee la soo dhaafay la soo jeedeen cabsi ay ka qabaan tuugada oo xili kasta dhib u geysan kara.

Waxay sheegtay in xeradii ay ka soo barakacday ku heysatay hoy, biyo, iyo caawin ay ka heli dadka deegaanka marka ay wax uga baahato.

Nolosha hadda ay wajahayso ayay ku tilmaamtay in ay tahay tii ugu adkeyd sannadihii la soo dhaafay. Waxay sugeysaa inta ay wax iska beddelayaan duruuftii digniinta, kaddibna ay rajo ka qabto in ay dib ugu laabato xerada ay ku noolayd.

“Meesha aan degay hadda wax aan ku heysto oo ilaahay abuuray ma leh, banaan aan seexdaa guri dhan ma heysto, waan u calool xumaaday hoy la’aanta iyo inaan bannaaka jiifsanno. Qabow iyo qarqaryo. Busto ma heysto, bac ma heysto, wax aan heysto oo ilaahay abuuray ma leh.“

Haweeneydaan oo ah hooyada afar carruur ah waxay shaqdeedu ahayd ka shaqaynta nadaafadda suuqa Dayniiel oo bishii ay ka heli jirtay $60, taas oo ay ku dabarto nolosha carruurteeda.

Qoysaskaan oo horay ugu dhib qabay maaraynta nolosha qoysaskooda waxay markale dhibane u noqdeen digniinaha roobabka ee ku qasbay inay ka barakacaan xerayahay ay la qabsadeen noloshooda.

Previous Post

Mudug: Qoysas ku xoolo beelay abaarta oo xirfad bilaash lagu baray ku helay dhaqaale baddelay noloshooda

Next Post

Doolow: Dhallinyaro helay maal-galin ganacsi oo daboollay baahida qoysaskooda

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Doolow: Dhallinyaro helay maal-galin ganacsi oo daboollay baahida qoysaskooda

Doolow: Dhallinyaro helay maal-galin ganacsi oo daboollay baahida qoysaskooda

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo