(ERGO) – Nuur Aadan Maxamed oo 36 jir ah wuxuu awood u yeeshay in uu ku filnaaday maaraynta nolosha qoyskiisa oo ka kooban 8 qof, markii uu furtay tukaan lagu iibiyo dharka bishii Luulyo ee sanadkan.
Wuxuu ka mid yahay 48 dhallinyaro ah oo ganacsiyo kala duwan furtay. Waxay ka faa’iideysteen barnaamij lagu magacaabo Dalbile oo ay maalgalisay hay’adda UNFPA. Wuxuu midkiiba ka helay $2,000.
Nuur oo aan horay u haysan il-dhaqaale wuxuu hadda nolosha qoyskiisa ka maaraynayaa lacagta ka soo gasha dukaankiisa, taas oo u dhaxeysa maalintii $10 ilaa $15. Wuxuu sheegay in ay meesha ka baxday walwalkii ka haystay helidda cunnada carruurtiisa.
“Hadda qoyski saddexda waqti waa la helaa. Carruur yaryar oo aan raashinka cuni karin ayaa xaafadda joogta oo markii hore caano markii loo waayo biyo iyo sonkor ayaa la iskugu qasi jiray hadda waxaas ma jiraan waxii loo baahdo tukaanka ayaa laga qaataa”
Nuur ayaa xusay in shaqadan cusub ay u sahashay qoyskiisa oo horay u degganaa xerada dadka soo barakacay ee Kabbaaso oo ku taalla duleedka degmada Dolow inay ka baxaan nolosha barakacnimada. Waxay kireysteen guri laba qol ah oo ku yaalla xaafadda xerada ku dhaw. Waxa uu bishii dhiibaa $50.
Ninkan inuu ku filnaaday maareynta nolosha qoyska waxaa u sii dheer inuu ka maarmay ku sii tiirsaanaanta gargaarka hay’adaha samafalka oo u ahayd isha kaliya ee ay ka heli jireen raashinka muddo todobo sano ah oo ay barakac ahaayeen.
Ka hor inta uusan helin caawintan wuxuu sheegay in markii ay waayaan gargaarka hay’adaha uu magaalada Doolow uaadi jiray shaqo xoog si ah oo ah dhismaha guryaha. Shaqadaas oo aan joogto ahayn ayuu maalinta uu helo waxaa ka soo geli jiray lacag aan ka badnayn $3, taas oo aan ku filnayn noloshooda.
“Maalin wax hel, maalin wax waay ayaan ahaa haddana maanta, waxaan ahay qof ganacsado ah oo dukaan leh. Ama wax waay ama wax heltii ma aha nolosheyda maanta meel ayay ku tiirsantahay.”
Qoyska Nuur ayaa ka soo barakacay bishii Abriil ee sanadkii 2015 miyiga degmada Qansax-dheere ee gobolka Bakool markii abaartii sanadkaas ay ku dhaafeen 240 ari ah iyo 63 neef oo lo’ ah. Tan iyo xilligaas wuxuu halgan ugu jiray sidii uu uga bixi lahaa nolosha saboolnimada taas oo hadda uu aaminsan yahay in uu jid keeda hayo.
Dhaqaalaha maalinlaha ah ee ka soo gala dukaankiisa ayuu sheegay in uu qaar uu keediyo, wuxuu uga golleeyahay in dhawaan uu dukaanka ku soo kordhiyo qeyb kale oo lagu iibiyo badeeco cusub.
“Dukaanki hadda mardhow waxaan rabaa inaan kasii furo oo raashinka lagu iibiyo oo hadda waanba qorsheeyay oo waan diyaariyay. Lacagta aan ku furi doono waa faa’idadii iiga soo xarootay dharki aan ku bilaabay labada kun ee doollar.”
Barnaamijka ay dhallinyaradan ka faa’iidaysteen waxaa iska kaashaday xarunta hal-buurka tiknoloojiyadda ee Irise hub iyo sanduuqa Qaramada midoobay ee wax-qabadka dadweynaha ee loo yaqaan (UNFPA).
Waxaa sanadkan ka faa’iidaystay dhallinyaradan oo iskugu jira 43 wiil iyo 5 gabdhood oo dhamaantood ku nool xerada Kabbaaso ee degmada Doolow. Waxay ka soo jeedaan qoysas abaarahii dalka soo baray ku xoolo beelay.
Lacagtan oo la siiyay bishii December ee sanadkii 2022 ayay ku shaqo billaabeen bishii koobaad ee sanadkan. Tan iyo markaas waxaa laga dareemay isbaddal dhanka nolosha ah qoysaska ay ka soo jeedaan.
Maxamed Cali Xasan waxa uu xerada ka furtay xarun daabacda buuqaagta shantii bishii koobaad ee sanadkan, markii ay wadajir u heleen lacagta isaga iyo gabar ay iskuulka isla dhameeyeen sanad dugsiyeedki hore, oo ay xarunta ku midoobeen.
Ganacsigaan ayay xusheen maadaama ay ogaayeen in xerada aysan lahayn meel lagu iibiyo agabka waxbarashada, taas oo ay hadda buuxiyeen. Macaamiil badan oo ay heleen ayaa u sahashay in ay maalintii faa’iidaan lacag u dhaxaysa $15- $20. Dhaqaalaha ay helaan oo ay kala qayb sadaan ayaa kaalin wayn ka qaadatay nolosha qoysaska ay ka soo jeedaan.
Qoyska Maxamed oo ka kooban 11 qof ayaa ayuu sheegay in ay ku tiirsan yihiin meheradda uu ka soo shaqeeyo. Wuxuu intaas ku daray in uu ka maareeyaa waxbarashada labo carruur ah oo la dhalatay. Da’yarkan wuxuu ku faraxsan yahay kaalinta uu ka qaatay nolosha reerka.
“Marki hore qof dhalinyaro ah oo foom foor ah ayaan iska ahaa oo wax camal ah ma jirin. Aniga ayaaba xitaa xafada culeys ku hayay. Markii dambe hadda waxaan gaaray heer in wiil iyo gabar yar oo ila dhashay oo dugsiga hoose dhigta aan waxbrashada ka bixiyo.”
Maxamed oo 24 jir ah ayaa sheegay in marka laga soo tago in uu kaalin ka qaatay nololsha qoyskiisa uu isagu xitaa dareemo in uu ka soo kabtay culaysyo badan oo uu la kulmi jiray xilligii uu baagamuudada ahaa, maadaama uu helay qadhaale uu ku qabsan karo baahiyihiisa goona ah.
Ninkan meheraddiisa waxaa bartay oo ku soo xirmay bahda waxbarasha ee ku nool xerada iyo nawaaxigeeda sida uu sheegay. Waxa uu hadda aaminsan yahay inuu ka dagay walwalkii uu ka qabay mustaqbalkiisa danbe. Wuxuu xusay in uu ka soo kabsaday nolol xumo daran oo uu ku jiray intii uusan ganacsiga samaysan.
Sanadii 2017 ayuu qoyska Maxamed ka soo noqday xeryaha qaxootiga ee dalka Itoobiya oo ay galeen 2011 xilligaas oo abaar ahayd ay baad iyo biyo la’aan uga marteen 300 oo ari ah oo ay ku dhaqanayeen miyiga magaalada Garbahaarey. Qoyska ninkan oo barakac ah muddo ka badan toban sano ayaa hadda ku jira nololshii ugu fiicneed tan iyo markii uu shaqo billaabay.
Dhallinyaradaan shaqo abuurka loo sameeyaay ayaa ka mid ahaa 105 dhallinyaro ah oo imtixaan u galay sidii ay caawintan uga faa’iidaysan lahaayee. Imtixaan laga qaaday oo ku saabsanaa fahamka ay ka haystaan ganacsiga iyo hal-abuurka ay leeyihiin ayay noqdeen kuwa keenay dhibcaha ugu sarreeya, sida uu sheegay Barre Maxamed oo ah guddoomiyaha ururka dhallinyarada degmada Doolow oo iyagu soo xulay dhallinyarada.
Bare ayaa sheegay in barnaamijkan u jeedkiisu uu ahaa sidii dhallinyarada shaqo la’aanta ah kana soo jeeda reereha saboolka ah ay u heli lahaayeen fursad ay noloshooda ku beddelaan. Wuxuu intaas ku daray in tirada oo yareed ay keentay inay haraan dhallinyaro badan oo danaynaysay in ay ka faa’iidaystaan caawinta.
“Barnaamijka Dalbile wuxuu ahaa tartan furan. Dhalinyarada si furan ayay kaga qeyb qaateen. Qof kasto oo dhalinyaro ah baan u furnay. Kadib aqoontooda ayaa lagu soo kala xushay. Imtixaanka kadib ayaan Dal-bile waxaan u soo xulnay inuu kamid noqon karo qofka marka la arko hab fikirkiis, hab ganacsigiisa, iyo wax soo kordhintiisa. Qofba waa si garaadkiisa oo dadku Alle isku mid kama dhigin. Marka sidaas ayaan ku soo xulnay.
Xeryaha degmada Doolow ee gobolka Gedo waxaa ku ku kumannaan dhallinyaro ah oo aan hayn wax shaqo ah. Saboolnimada qoysaskooda ayaa walwalka badan ku haysa. Mashruuca Dalbile oo deegaanno kale oo dalka ah ka socda ayaa tajo u abuuray dhallinyaro badan nolosha quus ka taagnaa.