Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Mudug: Qoysas ku xoolo beelay abaarta oo xirfad bilaash lagu baray ku helay dhaqaale baddelay noloshooda

Radio Ergo by Radio Ergo
October 19, 2023
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Mudug: Qoysas ku xoolo beelay abaarta oo xirfad bilaash lagu baray ku helay dhaqaale baddelay noloshooda
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cumar Maxamed Xuseen oo 30 jir ah wuxuu ka walwal la’ yahay inuu  qoyskiisa u helay il dhaqaale. Wuxuu shaqo ku helay farsamada korontada oo si bilaash ah uu kaga bartay Machadka farasmada Gacanta oo ku yaalla Gaalkacyo. Wuxuu sheegay inuu kaaliye u noqday korontiistayaal xirfaddan u shaqaysta bishii Janaayo ee sanadkan.

Ninkan ayaa  hadda si iskiis ah uga dhex shaqaysta guryaha iyo xafiisyada xaafadaha magaalada. Wuxuu maalinle u helaa ugu yaraan shan doollar. Wuxuu sheegay inuu shaqadan ka dhaxlay kalsooni iyo isku filnaano dhanka nolosha ah.

“Markii hore ee aan aqoon xirfadan iyo hada noloshayda aad bay u kala duwan tahay. Noloshayda aad baan ugu beddelay, Ani hadda shirkad uma shaqeeyo anigoo shirkad ka madax banaan baa shaqaystaa, Dakhliga hadba waa si,.”

Wuxuu barashada xirfadda billaabay markii uu iskuulka ka ogaaday dhallinyaro kale. Wuxuu xusay  in isla xilligaas ay ku dhalatay inuu kasbado xirfad si ay uga caawiso helidda nolol maalmeedka qoyskiisa. Cumar ayaa bille u hela lacag gaaraysa 300 doollar. Wuxuu sheegay inuu shaqooyin dheeraad ah helo bilaha qaar.

Wuxuu intaas raaciyay in isaga oo bilooyin keliya dhiganaya iskuulkan uu billaabay ku shaqaynta xirfadda korontada. Wuxuu deriska u cillad bixin jiray nalalka. Wuxuu ku shaqeystaa gelinta korontada guryaha cusub. Cumar ayaa tilmaamay in yoolka ah barashada xirfadda inay tahay mid uu la noolaa, haddana uu ku nacfinayo.

“Markaan baadiyaha ka imid oo magaalada soo galay waan jeclaan inaan barto xirfadaha gacanta, Markii hore waxaan la shaqeeyey shirkado korontada ka shaqeeyo, Dhalinyaro ayaan bartay oo Injineero ah oo aan ku xirtay dhowr bilood ayaan la shaqaynayey, waxaa jira injineero magaalada ka shaqeeya kuwaasna waan la shaqeeyaa hada qandaraas ka qaataa.”

Xirafaddan uu bartay ayaa badbaado u noqotay reerkiisa sida uu aaminsan yahay, maaddaama ay ku faa’iideen oo aysan jirin wax deyn ah oo lagu leeyahay. Wuxuu iska bixiyay daynmo ay raashin ku qaateen. Sidoo kalana wuxuu xusay inuu biilo waalidkiis oo weli miyiga ku haya xoolihii u haray.

“Markii abaartu dhacday waxaan xoolo haysanay lix tiro (600) ilaa todobo tiro (700) waxaa ka soo haray ilaa 80 neef ari ah, Geela ilaa 60 neef ayuu ahaa waxaa soo haray ilaa 20 neef oo geel ah, Xirfaddan wax badan bay wax ka bedeshay nolosha waalidka ilmahii ay dhaleen oo magaalo ka aaday oo wax u soo dirayo wax weyn ayey ka dhigan tahay.”

Cumar iyo qoyskiisa ayaa labo sano ka hor magaalada soo galay markii abaaro is xigay ay saameeyeen. Muddadaas wuxuu sheegay inuu ku jiray dedaal shaqo goobid ah, kaas oo aan u suuragelin.

Cumar oo ah xaasle korsada canug ayaa sanadkii 2021 soo galay magaalada, iyagoo fara maran. Inta aysan soo barakicin waxay deegaan ku ahaayeen miyiga Bacaadweyn oo Gaalkacyo u jirta ilaa 30 km.

Wuxuu sheegay inay ku noolaan waayeen markii xoolihii ay haysteeen ay noqdeen wax le’day iyo in weyd ah oo aan nacfi lahayn. Markii ay magaalada soo deggeen ayuu sheegay inay la kulmeen duruufo nololeed. Noloshooda ayaan ku tiirsanayd dhagax jabin uusan ka heli jirin daqli wada deeqa qoysaskiisa.

Barashada xirfadaha ayaa dhallinyarada u horseedda inay helaan shaqooyin ka caawiya inay helaan dhaqli ay ku maareeyaan qoysaskooda.

Axmed Cali Aadan 25 jir ah wuxuu saddex sano ka hor ka yimid baadiyaha Jariiban oo qiyaastii 250 km dhanka bari kaga beegan Gaalkacyo. Qoyskiisa oo ay saameeyeen abaarihii dhowaa ayaa magaalada ugu soo diray inuu u soo shaqeeyo, sidoo kalena uu wax soo barto si uu u caawiyo mustaqbalka.

Wuxuu sheegay inuu caqabado tiro beel ah uu wajahay, maaddaama uu keligiis ahaa, caawinaad buuranna uusan ka heli jirin qoyskiisa. Waxaa ku adkaatay inuu iska bixiyo biilasha iyo kirada qol uu degganaa.

Ninkan ayaa helay xogta iskuulka xirfadaha laga barto. Markii uu ogaaday inuu lacag la’aan yahay wuxuu iska diiwaangeliyay qeybta korontada. Sagaal bilood kaddib waxaa u suuragashay inuu ka qalin jabiyo bishii lixaad ee sanadkan.

Hadda wuxuu ugu shaqaystaa si madax bannaan. Wuxuu sheegay inuu kaga baxay welwelkii ka haystay helidda qarashaadka nolosha. Wuxuu bille shaqadan uga helaa lacag gaaraysaa $500.

“Markii hore waxaan ahaa qof aan waxba heli karin Caqabada koowaad i haystay waxay ahayd inaan koob shaaxa cabi Karin inaan qof Weydiisto maahane, Ma helijirin, waxaan u baahnahay ma soo gadan Karin hada waan awoodaa, Wixii isoo gala waan kala qaybiyaa qayb naftayda ku deberaa qayb waalidiinta noloshooda iyo qayb aan meel dhigto.”

Axmed ayaa sheegay in uu heer fiican ka gaaray xirfada uu bartay. Waa qandaraasle  meesha ka saaray culaysyadii haystay. Wuxuu xusay inuu bixiyo biilka qoyskiisa oo 15 qof ka kooban. Sidoo kalana uu kafaalo qaaday waxbarashada qaar ka mida walaaladiis. Geedigiisa shaqo sida uu ku billowday ayuu nala wadaagay.

“Gurigii iigu horeeyey aan lacag ka qaato Injineer baan u tagay waxaan ku iri Guriga qandaraaska koronta inaad isiiso ayaan rabaa qiimo jabana waa ku qabanayaa waana kula shaqaynayaa, Farsamada waxaan baranayey sagaal bilood 2023 ayaan dhameeyey, Xirfadan waxaan waxka baraan ilaa lix caruurta walaaladay ka mid ah.”

Soddon rag ah oo sanadkan dhameeyay barashada farsamada korontada  ayaa noloshooda iyo midda qoysaskooda isbeddel nololeed u horseeday. Maamule ku xigeenka dugsigan Maxamuud Cabdiraxmaan Kilwe ayaa xusay inay  intooda badan ka yimaadeen miyiga, isla markaana duruufo kala duwan ay magaalada ku haysteen. Wuxuu sheegay in markii ay qalin jabiyeen ay ka caawiyeen sidii ay shaqo u heli lahaayeen.

Raggan ayaa ka soo kabanaya dhibaabooyinkii ka soo gaaray abaarta. Waxay hadda isku diyaarinayaan inay inay xubnaha ka dhiman qoysaskooda ee miyiga jira ay magaalada keenaan si ay wax u bartaan.

Previous Post

Dhadhaab: Dhaqashada Shinida oo fursad dhaqaale u noqotay qoysas qaxooti ah

Next Post

Muqdisho: Qoysas ka barakacay xeryo u nuglaa daadka markii ay maqleen digniinta El Nino

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Muqdisho: Qoysas ka barakacay xeryo u nuglaa daadka markii ay maqleen digniinta El Nino

Muqdisho: Qoysas ka barakacay xeryo u nuglaa daadka markii ay maqleen digniinta El Nino

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo