(ERGO) – Iskaashato beeralay ah oo ka kooban 20 koox ayaa markii ugu horraysay dheefsanaya wax-soo-saarka dhul-beereed cusub oo ay ka samaysteen duleedka tuulada Bohol Shanaad ee degmada Faafi oo ka tirsan ismaamulka Gaarisa county.
Beeralaydan oo ah dadka deegaanka waxay ahaayeen xoolo-dhaqato ku cayroobeen abaarihii gobolka Waqooyi Bari ka jiray labadii sano ee la soo dhaafay.
Waxay ku midoobeen magaca Tawakal. Waxay hadda ku tiirsan yihiin raashin iyo khudaar ay goosteen bartamihii bishii Juulyo. Nuur Barre Cali oo ka mid ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegay inay tahay markii ugu horraysay ee uu dheefsado beer uu tabcay oo 18 hektar ah.
20 Juulyo ayuu goostay 20 kiish oo digir ah, 10 kiish oo galay ah iyo saddex tan oo qare ah. Qoyskiisa oo horay ula legdamayay biil maalmeedka ayaa hadda hela raashin ku filan.
Ninkan ayaa xusay in uusan muhiim badan siin jirin beeraha, balse hadda uu ogaaday nacfiga ku duugan. Nolosha qoyskiisa ayaa isbeddeshay markii uu dalagga u soo go’ay.
“Dad wax suuq laga soo iibiyay ku tiirsan ayaan ahayn. Hadda laakiin badarkii aan soo goosanay ayaan afka ku haynaa oon cunaynaa. Qado iyo qurraac iyo casho saddexda waqti wanaagsan in wax la cuna waan cunaa, taas ayuu soo kordhiyay ayuu yiri.”
Nuur oo ah labo xaasle korsada 9 carruur ah ayaa xusay inay qoysaskiisu ay ku tiirsanaayeen toddobaatan neef oo lo’ ah. Lixdan ka mid ah waxay uga dhinteen baad la’aan labadii sano ee tagtay. Waxaa u soo haray toban neef oo uu sheegay inaysan ku filnayn nololmaal meedkooda.
Ninkan ayaa tilmaamay inay dantu ku qasabtay inuu rajo ka raadiyo wax-soo-saarka dhulka oo u noqotay il dhaqaale oo kaafisay.
“Boqolkiiba boqol hadda ayaan ka fiicnahay. Niyada ayaa ii dhisan oo hadda niyaddaydu way dhisan tahay, maaddaama beertu tahay beer wayn. Qayb waxaan ku abuurnaa roobka qaybna biyaha matoorka.”
Nuur ayaa xusay inuu tiigsi sare ka leeyahay wax-soo-saarka oo uu dhadhansaday. Wuxuu sheegay inuu dhiirigelin ka haysto dowladda cusub ee Kenya oo xilligii ololaha ballan-qaadday inay taageeri doonto beeralayda.
Inkasta oo uu ku faraxsan yahay tacabka uu galiyay beertiisa haddana waxaa jirta sida uu xusay caqabad ka haysata dhanka waraabka, taas oo ay keentay sicir-bararka ku yimid shidaalka. Wuxuu ka hadlay dhibaatada ka haysata biyaha.
Qoysaskan isku rogay beeralayda ayaa tacabka uga faa’iidaystay xilli roobaadkii guga oo deegaanka si wanaagsan uga da’ay bilihii May Juun iyo horraantii Juulyo iyo ceel biyood uu ka caawiyay Bankiga Adduunka oo ay ka heleen dhiiri gelin.
Sahra Muhumed Shuuriye waxay si la mid ah Nuur ka faa’iidasatay tacab ay galisay beerteeda. Waxay 24 Juulyo goosatay 5 kiish oo digir ah 10 kiish oo galay ah iyo 3 tan oo qare ah.
Waxaa u dheer inay subax walba suuq geyso yaanyo, kabsar-caleen, barbarooni iyo noocyo kale oo khudaar ah. Waxay sheegtay in khudaarta ay ka soo gurto beerteeda ay maalinle uga soo gasho $14.
Wax-soo-saarka ayaa horseeday in aysan ka welwelin hubanti la’aan cunno oo soo food saarta qoyskeeda.Waxay xustay in tacabka u soo go’ay ay kaga maarantay raashinkii iyo khudaarta ay soo gadan jirtay oo ku adkaa.
“Waxaan uga baahanahay magaalada ma jirto. Suuqa inta hada beertu ii bilaabatay mar aan tago mar iigu danbaysay ma garanayo.”
Waxay xustay inaysan horay fahan fiican uga haysan beeraha, khubarro deegaanka ah oo ay la tashatay ayaa ku caawiyay doorashada abuurka wanaagsan. Dhulka ay beeraha ka dhigatay ayaa ah dhul ay qabsatay oo geed qaaday.
Haweenaydan oo ah qofka keliya ee u shaqeeya qoyskeeda oo ka kooban 12 qof ayaa horay ugu tiirsanayd dukaan yar oo ay ku lahayd xaafadda ay ka deggan tahay tuulada Bohol shanaad kaas oo ay ku gadi jirtay raashin iyo khudaar ay soo daynsato, balse aan kafayn jirin baahida qoyska.
Sahra ayaa intaas raacisay inay sii wadi doonto tabcashada beerta, maaddaama waqtiga lagu jiro uu yahay mid adag oo aan laysku hallayn karin dhaqashada xoolaha oo keliya.
“Nolasheena in aan wax kale ku badalo ayaan diyaar u nahay maadaama aan waynay xoolihii meel aan ku dhaqno. Waayo cunigii in aad biisho ayuu rabaa xoolihiina in la biilo ayay rabaan, markaa ma awoodo in aan xoolo iyo caruruutii isla biillo.”
Sahra iyo qoyskeeda waxay noloshoodu ku tiirsanayd 48 lo’ ah oo ay isla deegaanka Bohol Shanaad ku dhaqanayeen. Saddon iyo lix ka mid ah lo’daas waxay ku waayeen abaartii jiilaalkii la soo dhaafay. Hadda waxaa u jooga 12 neef.
Dadkan beeralayda noqday oo aan aqoon hore u lahayn tacabka ayaa si ay uga gudbaan culeysyada waxay go’aansadeen inay is garabsadaan.
Waxay iska caawiyaan falida, oodidda, ilaalinta iyo goyinta beeraha. Sidoo kale waxay wadaagaan abuurka si aysan u waayin intooda aan gadin karin.
Faadumo Yussuf Sooyaan waxay kamid tahay dadka sanadkan ku baraarugay in ay beer tabcadaan, waxay sheegtay dadaal kaddib in ay u suuro gashay helida raashin iyo khudaar ku filan nolosha qoyskeeda oo aan heli jirin cunno deeqda.
Ka sokow nacfiga ay ka hesho beerteeda waxaa u dheer inay wax badan ka fahantay beer falashada. Waxay xustay in hadda wixii ka danbeeya ay si joogta ah u tabcan doonto beerteeda oo u noqotay il dhaqaale oo dabooshay baahiyihii ay la hardamaysay.
Beerteeda waxay abuurtay bishii Abriil ee sanadkan. Waxay guratay bartahimihii bishii Juulyo. Waxay goosatay 18 kiish oo digir ah, 25 kiis oo galay ah iyo 2 tan oo qare ah.
“Wax wayn ayaa isbadalay nolashayda si fiican ayay isu badashay. Beer horay ma qabin muhiimaddeeda ma ogayn, balse hada waan arkay waxay ku turan tahay.”
Qoyska Faadumo oo ka kooban yahay 8 qof waxay ku tiirsanaaayeen shaqo aan joogta ahayn oo uu qaban jiray wiil ay dhashay taas oo dakhliga ka soo gala uusan ku filayn baahida qoyska.
Sidoo kale waxay lahaayeen 28 neef oo ari ah. 16 oo ka mid ah waxay ka raaceen abaarta. Hadda waxaa u joogta 12 neef.
Qoysaskan beeralayda isu beddelay ayaa sheegay inay dhul beerashada ay ku dhiiri gelisay wax la’aan ku dhacday iyo baahi ay dareemeen markii xoolihii isha u ahaa ay ka dhamaadeen.
Iskaashatadan oo tiro ahaan dhan 220 qof ayaa ku faraxsan faa’iidada ay ka heleen beeraha inkastoo ay jirto caqabad ka haysata dhanka biyaha sida ay xuseen. waxay hay’addaha samafalka iyo dawlada ismaamulka Gaarisa oo ay ka tirsan tirsan yihiin ka codsadeen in laga caawiyo dhanka waraabka beeraha iyo ka daawaynta cayayaanka waxyeeleeya.










