Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Muqdisho: Haween soo barakacay oo ganacsiyo loo maal geliyay ka faa’iideystay

Radio Ergo by Radio Ergo
September 5, 2023
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Muqdisho: Haween soo barakacay oo ganacsiyo loo maal geliyay ka faa’iideystay

Faadumo Aadan Warsame oo u cabbireysa Macaamiisheeda sokor/Mohamed-Khadar/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Boqol haween ah oo barakaca ku ah afar xero oo ku yaalla Garas-baallay iyo Kaxda ayaa wax-soo-saar beddelay noloshooda iyo midda qoysaskooda ka hela xarumo ganacsi oo loo maalgeliyay bishii Febraayo ee sanadkan.

Haweenkan oo gudaha xeryahooda ku dhex ganacsada ayaa maalinle u hela dakhli baahiyahooda daboolay. Waxay ka maarmeen shaqooyin xoogsi ah sida dhar-dhaqid, kuwaas oo aysan ka helin jirin biil ku filan.

Haweenkan oo lagu soo xulay inay qoysaskooda u yihiin hoggaan, waxay isugu jiraan kuwo haysta carruur agoon ah, kuwo ubadkii lagu furay iyo in kale oo danyar ah. Hadda waxay ka walwal la’ yihiin cunnada carruurtooda.

Waxaa ka mid ah haweenkaas Faadumo Aadan Warsame oo dhaqaale nolosha qoyskeeda kaafiyay ka heshay dukaan ay ku iibiso raashin iyo bagaash oo uga dhex furan xerada Xaq-dhowr oo ku taalla degmada Kaxda.

Haweeneydan 44 jir carmal ah waxay ku faraxsan tahay ganacsigeeda oo ka fududeeyay culeysyo ka haystay maaraynta nolosha carruurteeda oo keligeed ay la daalaa-dhacaysay. Balse hadda maalgelinta ayaa u keentay isbeddel nololeed.

“Dabkeygu ma damo. Qofka haduusan garab laheyn wuu walwalaa ma ogtahay? Marka mar haday maalgelintu wax noo keentay xoogaa walwalkii waaba iga ba’ay sow ma ahan.”

Shuruudaha haweenka lagu soo doortay waxaa sidoo kale ka mid ah inay horey u lahaayeen ganacsiyo yaryar, balse waxay qarka u saarnaayeeen in albaabada loo laabo daqli la’aan darteed.

Faadumo ayaa tilmaamtay inay maalgelinta dhaxalsiiyay yididiilo nololeed iyo kalsooni nafeed. Waxay ka hadlaysaa sida loogu caawiyay inay yeelato dukaanka ay saaran tahay badeeco ay nolosha ka soo saarato.

“Qof baa bagaash kaligiisa dalbaday. Qofaa raashiin kaliya dalbaday. Qof ba riyadiisa ayuu dalbaday iyo wixii uu markaa isleeyahay way kuu gadmayaan. Waana ii gadmeen, quutul daruuriga iyo waxa bagaashka waxaa gadmi og quutul daruuriga.”

Haweeneydan ayaa ganacsideeda maalinle uga hesha shan ilaa toban doollar oo faa’iido ah. lacagtaa waxay u qeybisaa labo. Meel waxay u dhigtaa dukaanka halka xirmada kalena ay ku bixiso nolol maalmeedka qoyska.

Marka laga tago in dukaanka loo maal-geliyay waxay sidoo kale qaadatay tababar maanta u suura gelisayay sida ay aaminsan tahay inuu ganacsiyeeda soo saaro dhaqaale hab nololeedka qoyskeeda beddelay.

Haweeneydan ayaa ka hor maal-gelinta noloshooda  qoyskeeda ka soo saaran jirtay miis qudaar ah oo buulkeeda ay hor dhigan jirtay. Waxay ka heli jirtay ugu badnana saddex dollar. Waxay xustay inay ku dhib qqabtay helidda masruufka.

Faadumo waxay hadda subax walba u shaqaqo tagtaa dukaan yare buulkeeda u jira labaatan tallaabo. Macaamiisha ganacsigeeda ayaa u badan barakacayaasha, waxayna wajahdaa caqabad dayn ah.

Faadumo Aadan hooyadeed oo da’ ah iyo carruurteeda oo kala ah labo wiil iyo afar gabdhood waxay colaad iyo abaaro uga soo barakaceen deegaanka Yaaq Bari Weyne ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dukaan ayay ku laheyd halkaas, hayeeshee badi uma suuragelin inay soo qaadato badeedacii u taallay sabab la xariirtay inay wayday gaadiid u soo qaada. Sannadkii 2019 ayay soo gaartay xerada ay ku nooshahay oo ku taalla degmada Kaxda.

Mashruuca waxaa maal geliyay xafiiska dawladda Jarmalka u qaabilsan iskaashiga dhaqaalaha iyo horumarinta ee loo soo gaabiyo BMZ kaas oo mashruuca hay’adda NAPAD ay fulinayso u soo mariyay Terre des hommes (TDH).

Safiyo Cabdi Macallin oo 25 sano jir ah waxay ka mid tahay haweenka helay fursadda maalgelinta. Qol jiingad ah oo dhabarka dambe ee buulkeeda ah ayay ku iibisaa darmaha la falkiyo, dambiilaha iyo agab dhaqameed kale oo ay yaraanteedii ka baratay hooyadeed.

“Awal saan ayaad noqonee isma dhaheynin horumarkanaa gaaree haddana waxaan ka sii rajeynayaa in ay gacanta sidii ay ii qabatay iyo ka daran inay iiga sii qabato.”

Markii uu ganacsigeedu helay maalgelinta, waxaa isbeddel dhaqaale ku yimid daqliga ay ka hesho. Maalintii waxaa uga soo xarooda lacag u dhaxeysa 8-12 doollar, taas oo ka caawisay inay qoyskeeda u hesho cunno saddex waqti ah.

Ka hor maalgelinta wax soo saarkeeda ayaa koobnaa, waxa ay ku dhex sameyn jirtay buulkeeda, kaddibna waxay ku wareejin jirtay xaafadaha ku teedsan xerada ay ku nooshahay.

Lacagta maalgelinta loogu sameeyay ayaa u fududeysay inay hesho agabkii lagama maarmaanka u ahaa ganacsigeeda islamarkaana ay kireysato meel u gaar ah.

“Lacag $350 ayaa la iigu soo adeegay. Waxaa soo gatay, Caaw, maliiqo, aw-faardo, rinjiga cawda lagu kariyo, ulalka babiska, cirbadooyin, dun iyo maxaar, wax allaale waxaan u baahnaay way ii soo iibisay hay’adda Nabaad.”

Haweeneydan ayaa sheegtay in saygeeda oo horay u ahaa god qode uu hadda kala shaqeeyo ganacsigeeda. Waxay ku taameysaa inay  xarunteeda cusub ka hesho dhaqaale mustaqbalka u suurageliya inay ka baxaan nolosha barakacnimo.

Safiyo Cabdi Macallin waxay iyada, seygeeda, hooyadeed, aabbaheeda iyo walaalaheed ay ka soo barakaceen tuulada Ooflaawe oo qiyaastii ilaa 80 km dhanka galbeed uga beegan magaalada Baydhabo. Waxay ahaayeen qoys ladan oo tacban jiray beer labo hektar. Abaar soo noq-noqotay ayaa sababtay inay isaga soo tagaan.  Danta ayaa ku qasabtay inay ku soo biiraadan 2021 xerada Al-hidaaya oo ku taalla deegaanka Garasbaaley.

Haweenka helay fursadan waxaa loo maalgeliyay ganacsiyo kala duwan oo lagu saleeyay fahamkooda iyo rabitaankooda.

Previous Post

Awdal: Xoolo ku sumoobay geedka Garanwaaga oo ay cunayn markii ay daaq kale waayeen

Next Post

Gaarisa: Qoysas ku cayroobay abaarta oo u weecday beero falashada oo soo kabasho u noqday

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Gaarisa: Qoysas ku cayroobay abaarta oo u weecday beero falashada oo soo kabasho u noqday

Gaarisa: Qoysas ku cayroobay abaarta oo u weecday beero falashada oo soo kabasho u noqday

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo