(ERGO) – Boqol iyo kunton xoolo-dhaqato ah oo ku nool deegaanka Beeyo-liibaan ee gobolka Awdal ayaa wajahaya in dhibaato caafimaad oo xoolahooda ay kala kulmeen cunista geedaka Garanwaaga, markii ay waayeen daaq kale abaarta darteed.
Guuleed Cilmi Warsame wuxuu ka mid yahay xoolo-dhaqatada arrintaas ay saameysay. Wuxuu sheegay in bilihii July iyo Agoosto ay ka dhinteen in ka badan 40 ari ah iyo saddex dameer oo uu raranayay, halka 12 kalana ay ka xanuunsanayaan.
Kunton ari ah oo u hartay ayuu xusay in uu waqti galiyo sidii aysan u quudan lahayn geedka Garanwaaga. Wuxuu u la yahaamay miyi qiyaastii u jira deegaankiisa 9 km, halkaas oo uu ku yar yahay geedka ay xanuunka ka qaadeen sida uu sheegay.
“Dhimashada xoolaha waxaan u sababaynayaa geedka Garanwaaga ah. Neefka gowsihii uu ku guraamsan lahaa ayaa iswaydaaranaya. Dhuunta wuu ka bararayaa. Garbaha iyo lugaha danbe way kala dheeraanayaan. Neefku marka uu galin liito wuu iska dhimanayaa. Bishaan waxaa iga dhimatay 17 neef.”
Wuxuu tilmaamay in roob la’aanta ka jirta deegaankiisa muddo 7 bil ah ay sababtay in xooluhu ay waayaan daaqii ay ku noolaan lahaayeen, taasi oo keentay in ay cunaan Garanwaaga oo markii hore aysan ku dhiiran jirin.
Qoyska Guuleed waxaa gadiid u ahaa shan dameer oo uu raran jiray. Saddex ka mid ah ayaa xanuunku uu ka dilay bishan Ogoosto. Labada u soo hartay mid ayuu sheegay in uu xanuunsan yahay.
Wuxuu ka walaacsan yahay halka dameer ee u haray in xanuunku galaafto, kaas oo ceel 3 km u jira uu uga soo qaato biyaha ay qoyskiisu isticmaalaan.
“Waxay samaynayaan Garanwaaga marka ay bil isticmaalaan in garbuhu isku dhagayaan oo neefkii uu foorarsanayo. Marka rarka la saaro uu dhididayo uuna istaagaayo. Marka ma dhaqaaqi karo.”
Wuxuu sheegay Guuleed in xoolaha ka xanuunsan uu siiyay daawada Antibiotic, taasi oo ay ku la taliyeen dhakhaatiir deggan dagmada Lughaya. Intaas wuxuu ku daray in weli aysan waxtarin xoolihiisa.
Xanuunka haleelay xoolaha Guuleed ayaa saameyn ku yeeshay qoyskiisa oo 11 qof ah. Labadii bil ee la soo dhaafay waxaa hoos u dhacay cunnadii ay heli jireen beec la’aanta ku dhacday xoolihiisa darteed.
Wuxuu sheegay in uu ku tiirsan yahay raashin aan badnayn oo toddobaadkiiba mar ay ku caawiyaan dad ay ehello yihiin.
Dhibaatada cunno xumo ee haysa qoyskiisa waxay soo jiitamaysay tan iyo billowgii sanadkan oo abaar ay hayso deegaankiisa, balse waxay ka sii dartay markii dayn badan oo lagu yeeshay uu bixin waayay.
“Bari dhaweed markii ay $1000 marayso ayuu dukaanku iga joojiyay, dabadeed meelahaa wixii Ilaahey iiga qoro sida qaraabada ayaan ku wax uga helaa. Waxaas baa lagu nool yahay, qofku wixii uu ka shaqaynayay ama uu ku noolaa markii uu xumaado waxay Soomaalidu tiraahda; Nin iyo wixiisu way isku egyihiin.”
Wuxuu tilmaamay in ay qorshihiisa koobaad ay tahay badbaadinta xoolaha u haray oo uu geeyay miyi uu ku yar yahay geedka Gawanwaaga iyo daawaynta kuwa ka xanuunsan, maaddama il-dhaqaale oo kale iyo xirfad toona uusan lahayn.
Guuleed xanuunka haya xoolihiisa waxa la qaba xoolo-dhaqatada tuulada Beeyo-liibaan oo hoostagtay dagmada Lughaya ee gobolka Awdal, kuwaas oo ka cabanaya xoolo yari uu xanuunku biday.
Mahdi Maydal Idiris oo ka mid ah wuxuu xanuunku ka dilay tan iyo bartamihii bishii July 44 neef oo ari ah iyo hal geel ah. Wuxuu sheegay in uu u baqayo 66 ari ah iyo sagaal geel ah oo u haray.
Geedka Garanwaaga oo ku badan deegaankiisa ayuu xusay in marka xooluhu joogteeyaan cuniddiisa uu ku sababayo burbur ku yimaada afka iyo lafaha. Waxaa u wehliya dibiro iyo neefka oo tabartu ka dhamaato.
“Xoolihii markii ay daaq kale waayeen geedkan in ay cunaan baa u noqotay muhiim. Geedkaas ayaa isticmaalkiisu ku badan yahay geedkiina dhibkaas buu keenay. Bishan u danbeysay waxaa iga dhimatay soddon ari ah bishii ka horaysayna waxaa iga dhimatay dhowr iyo labaatan neef. Ariga ayuu ku dhacayaa geelana wuu ku dhacaya dameerahana wuu ku dhacay.”
Mahdi qoyskiisa oo 12 ah waxay ku tiirsanaayeen caanaha geeliisa oo loo suuq gayn jiray dagmada Lughaya, hase ahaatee bishii u danbeysay caano lagama helin. Wuxuu sheegay in 6 lix ka mid ah geela u haray uu xanuun yahay, halka ariguna abaartu ay nacfi la’aan ka dhigtay.
“Geela caloosha ayaa yaraanaysa. Calool istaag wax la yiraahdo ayaa ku dhacaya. Neefku wuu kogayaa cad yeelan maayo caanana yeelan maayo.”
Bakhaar ku yaalla tuuladiisa ayuu ka daynta kiilooyin raashin ah oo uu dabka u saaro carruurtiisa. Wuxuu sheegay in lagu leeyahay lacag dayn ah oo muddo sanad ah uu ku qadanayay raashin, taas oo walaac ku haysa.
“Aniga waxaa laygu leeyahay $700. Inkastoo aan raashinka qaato haddana waa dayn lagugu leeyahay marka aad qaadato raashin oo aad iska bixin waydo lacagtii keen ayaa kuu taalla. Halistaas baa jirta oo dadka naga haysta.”
Dr Maxamed Muxumed Mayrane oo bartay cilmiga xannaanada xoolaha ayaa Radio Ergo u sheegay in dhibaato caafimaad oo wayn ay xooluhu ka la kulmaan Garanwaaga haddii ay kaligiis quud ka dhigtaan, maaddama ay ku jirto bakteero halis ku ah neefka caloosha ka buuxiya.
Taas baddelkeed ayuu tilmaamay in xiliyada daaqa badan jiro xoolaha uu u leeyahay faa’iido caafimaad sida vitimins jirka neefka uu u baahan yahay, balse ay muhiim tahay in xaddi yar laga siiyo.
Intaas wuxuu ku daray in uu naafeeyo neefmareenka xoolaha aadka u cuna. Dr-ka ayaa xusay in cabashada xoolo-dhaqatada ay soo gaartay isla markaana uu siiyay qaarkood talo ku saabsan sida ay xoolaha u badbaadsan karaa.
“Qodobka labaad haddii dhimasho ay jirto inta badan dhimasho ayay sheegaan oo waxay leeyihiin xoolaha ayaa naga dhimanaya, sidaas la ajligeed si xoolaha aysan uga dhamaan waa in ay raraan oo meel daaqsin leh ama geedkan uu ku yar yahay ay xoolaha u raraan.”
Soomaliland ayuu ku boorriyay in dhakhaatiir ay u dirto deegaan ay ku nool yihiin xoolaha ku sumoobay geedka Garanwaaga. Waxaa se uu ku la taliyay xoolo-dhaqatada haddii ay waayaan gacan dowladeed in xoolaha ay siiyaan dawada Oksada iyo Antibiotic, kuwaas neefka kala diriri kara bakteeriyada iyo caalka.










