Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Muqdisho: Dhallinyaro fursado shaqo ka helay xarun ganacsi oo maareeyay noloshooda

Jibril Osman by Jibril Osman
August 28, 2023
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Muqdisho: Dhallinyaro fursado shaqo ka helay xarun ganacsi oo maareeyay noloshooda

Dhallinyarada ka shaqeeya maqaayadda cusub ee laga furay Muqdisho/ Maxamed Khadar Cabdi/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cabduqaadir Cabdiraxmaan Maxamed wuxuu ku faraxsanyahay inuu awood u yeeshay in qoyskiisa ay qummaati u helaan saddexda waqti cunnadeeda kaddib muddo dheer uu wajahayay xaalad adeg oo dhinaca nolosha ah.

Ninkaan oo 28 jir wuxuu sheegay in arrintaan ay u suuragalisay markii 19 bishii September sannadkii 2022 uu ka hirgaliyay Muqdisho xarun lagu sameeyo cunnooyinka fudud iyo cabitaannada.

Ka sokow inuu ku filnaaday maareynta nolosha qoyskiisa, waxaa intaas u sii dheer inuu ka maarmay ku sii noolaanshiyaha hal qol oo jiingad ah oo ay leedahay eedadiis oo ay dul saar ku ahaayeen muddo sannad iyo lix bilood. Qoyskiisa hadda waxay muddo labo bil ah deggan yihiin guri ka kooban saddex qol oo kiro ah oo bishii ka bixiyo $100.

Wuxuu tilmaamay in maalintii uu ka helo ganacsigiisa lacag u dhaxeysa 50 ilaa 60 doollar oo faa’iido ah.

“Koow waan isku filanahay raashiinkeyga iyo biilkeyga. Xattaa waxkasto loo baahdo sida Kirada, quraac, qado. Maa’shaa’Allah.”

Hirgalinta ganacsigaan oo soo martay heerar kala duwan ayuu xusay inuu ku bilaabay lacag 90 dollar oo uu ku iibiyay taleefan ay walaashiis oo ku sugan dalka Sucuudiga ay hadiyad ahaan ugu soo dhiibtay.

Lacagta oo ku yareyd xilligaas wuxuu gaari gacan ku wareejin jiray Jibsi oo ah baradho la shiilay taas oo u suuraglisay inuu meel ka dhigto 600 oo dollar oo ugu dambeyn u sahahay ganacsigaan furitaankiisa.

Cabduqaadir in ganacsigiisa uu ka caawiyay dhalinyaro kale inay noloshooda ka masruufaan waxay u tahay tusaale wanaagsan iyo hal-abuur hirgalay.

Isbeddelka nolosha ee uu ku naaloonayo ninkaan maanta wuxuu aamisan yahay inay ahayd riyo dheer oo uu ka dhabeeyay gaaristeeda.

“Waxaa jirtay kow iyo toban saac inaa soo kaco oo labaatan iyo shan kiilo oo baradho ah aan madaxeyga ku soo qaadi jiray.”

Cunnooyinka iyo cabitaannada ay iibiyaan oo ah kuwo laga isticmaalo waddamada Carabta ayuu Cabduqaadir farsamadooda uu ku soo bartay dalka Sacuudiga oo uu ku dhashay kuna soo barbaaray.

Waxaa markii hore wax ka iibsan jiray dad yar oo ka yimid wadamadaas, balse hadda wuxuu kasbaday macaamiil badan oo caasimadda joogo oo la dhacsan dhadhanka iyo tayada waxa uu sameeyo.

Cabduqaadir oo muddo 10 sanno ah xirfaddan uga shaqeysanaayay Sacuudiga ayaa Soomaaliya yimid sannadkii 2021, markii uu awoodi waayay lacagta warqadda degannaashaha dalkaasi oo aheyd saddex kun oo dollar sannadkii.

Ninkan ayaa imaashihiisa dalka kaddib ku hungoobay damaciisii ahaa inuu xirfadiisa shaqo ku heli doono. Lix bilood ayuu marar badan isku dayay inuu helo shaqo. Balse,dedaalladiisu uma hirgalin siduu u qorsheeyay. Wuxuu ku dhiiraday inuu sameysto ganacsigiisa guuleystay.

Cabduqaadir oo ah milkiilaha maqaayaddaan ayaa ku rajo weyn inuu sii horumariyo ganacsigiisa uuna ku baahiyo degmooyinka caasimadda oo dhan sida uu Raadiyow Ergo u sheegay.

Kobaca dhaqaale ee xaruntiisa ayaa Cabduqaadir u sahashay inuu shaqaaleysiiyo afar dhallinyaro ah, kuwaas oo qaabilsan dhinacyo kala duwan.

Waxay kala qabtaan sameynta cuntada, cabitaananda, geynta dalabaadka iyo lacag qabashada. Cabduqaadir ayaa xusay in maalinba sida ay u shaqeeyaan ay ku xiran tahay wax soo saarka xarunta.

Nada Ducaale Cabdi oo ah gabdha kaliya ee ka shaqeysa maqaayaddaan waxay sheegtay lacagta ay ku shaqeyso oo ah $300 inay ka caawisay in qoyskeeda iyo iyadaba ay wax badan ka tartay dhanka nolosha.

Nada oo 22 jir ah, shaqada xarunta waxay u noqotay il dhaqaalle oo wax ka beddeshay xaaladdii ay ku sugnaayeen.

Gabdhaan waxay xustay inay dhaqaallaha ka soo gala shaqadeeda ay u fuddeysay in xubnaha qoyskeeda ku garab istaagto wixii markaas ay u baahan yihiin.

Waxay tilmaantay in qoyska ay u tahay qof muhiim ah oo ka qeyb qaata biilka iyo daryeelka caafimaad ee waalidiinteeda.

Markii ay shaqo la’aanta aheyd ayay wajihi jirtay caqabado dhaqaale, taasi oo ay ku qasbaneyd inay guriga uun isaga dhex jirto sida ay sheegtay, balse wey ku adkaatay inay xaaladdaas ku sii sugnaato waxayna heshay shaqadan.

Labada duhurnimo ayay timaadaa shaqadan waxayna ka baxdaa lix saac habeenimo. Waxay qaabilsan tahay lacag qaadidda iyo in mararka ay macaamiishoodu badan tahay ay sameyso cunnooyinka fudud.

“Wax aan ku faraxsanahay oo ani hami igilinaayo subax kasta inaa usoo kaco. Usoo shaqo galo horta waa helaa, aniga waxaan ku fiicanahay u adeegidda macaamiisha.”

Waxay xustay inay jeceshahay sii joogteynta shaqada si ay mar walba nolosha qoyskeeda wax ugu biiriso.

Nada, labo wiil oo la dhashay iyo aabaheed ayaa dalka Sacuudiga ka soo laabtay 2017. Markaas oo wixii ka dambeeyay ay isku dayday inay buuxiso booska hooyadeed oo qoxooti ahaan u joogta dalka Jarmalka.

Maxamed Yuusf Suleymaan oo 29 jir ah wuxuu u arkaa go’aan wanaagsan ka shaqeynta maqaayaddaan, maadaama ay shaqadan ka caawisay inuu ku filnaado masruufka reerkiisa.

Wuxuu xusay in shaqadaan helitaankeeda ay meesha ka saartay welwel ka heystay sidii uu qoyskiisa u maareyn lahaa noloshooda, xili ay horay ugu adkeyd xal u helista duruuftaas.

“Hadda meeshii ugu fiicneyd ayaan hadda taaganhay, biilkeyga, kiradeyda, nolol maalmeedkeyga, meel ayay iga kortay. Aad iyo aad ayaan ugu qanacsanahay shaqadeyda.”

Wuxuu xusay in mar walba uu isku dayo inuu ku dedaalo sidii uu u hormarin lahaa nolosha qoyskiisa. Culeyskaas jira darted ayuu ku qasbanaaday inuu ku dhiirado shaqooyinka iyo raadintooda.

Maxamed wuxuu aamisan yahay in noloshu ay sii adkaaneyso marka aad qoys leedahay haddana aaden awood u lahayn bixinta waxyaabaha loo baahanyahay.

Maxamed waxaa uu dalka dib ugu soo laabtay sannadkii 2018 isaga oo ka yimid Sucuudiga. Balse xaaskiisa iyo isaga waxay ku nool yihiin Muqdisho.

Inkata oo Muqdisho iyo meelo kale oo dalka ka mid ah ay ka jiraan shaqooyin ay dhallinyada ka qaban karaan, haddana fursadaha lagu heli karo ayaa ah kuwa kooban oo ay ku adkaato intooda badan helistooda.

Previous Post

Galgaduud: Qoysas barakac ku tagay Godinlabe oo ka cabanaya xaalad nolol-xumo

Next Post

Awdal: Xoolo ku sumoobay geedka Garanwaaga oo ay cunayn markii ay daaq kale waayeen

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Awdal: Xoolo ku sumoobay geedka Garanwaaga oo ay cunayn markii ay daaq kale waayeen

Awdal: Xoolo ku sumoobay geedka Garanwaaga oo ay cunayn markii ay daaq kale waayeen

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo