(ERGO) – Toddobo boqol iyo konton qoys oo ku nool xero barakac oo ku taala deegaanka Godinlabe ee gobolka Galgaguud ayaa wajahaya cunno yari sababtay in qaarkood dabka ay shidan waayaan.
Xaaladan oo ay u dheer tahay hoy xumo waxay ku nool yihiin tan iyo bishii April ee sanadkan. Waa mid ka dhalatay markii uu istaagay gargaar raashiin iyo lacag ah oo ay ka heli jireen hay’adda WFP oo Qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada.
Cubtan Daahir Maxamed ayaa ka mid ah dadka arintan ay saameysay. Waxay xustay in dantu ku qasabtay inay tuugsato. Hal waqti ayay sheegtay in dabka ay ku shitaan raashiin ay ku caawiyaan dadka deegaanka.
Waxay tilmaantay in noloshan ay tahay tii ugu adkeyd ee soo marta muddo 12 bil ah oo ay deggan tahay xerada ay ku noo shahay oo la yiraahdo Gargaar.
“Dadka qofna lacag ayuu ku siinayaa qofna kiilooyin guriga u yaaley ayuu wax kaa siinee. Duruuftu aadbey u adag tahay.”
Cubtan ayaa sheegtay in dawarsiga ka hor ay raadisay shaqooyin xoogsi ah oo nadaafad sida dhar-dhaqista, balse ay heli weyday. Haweeneydan oo 48 jir ah ayaa xustay in caqabad kale ay tahay hoy xumo xerada ku haysata, taas oo xalkeeda maaro ay u la’dahay.
Waxay sheegtay in dabeysha xagaaga oo billaabatay bishii Luulyo ay lix jeer ka dumisay aqal cooshad ah oo ay sheegtay in markii horaba uu ahaa mid jilicsan oo aan adkeysi lahayn.
Halkan ayay tilmaantay inay yimaadeen iyagoo faro maran oo aan wadan hu’ gogol, raashiin iyo weelkii cuntada.
“Haddii ilmihii badar la’aan iyo qarqaryo iyo qorax ay iskugu darantay dhibkeeday leedahay, balse Ilahay bey leeyihiin.”
Haweeneydan oo kaligeed korisa siddeed carruur ah oo lagu furay ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in ugu yaraan labo waqti dabka ay shidan jireen inta uusan ka is taagin gargaarka ay ka heli jirtay WFP oo ahaa kaar lixdan Doollar ay ku jirto, kaas oo $15 ay ku iibsan jirtay iidaan, halka inta kale ay ku badalan jirtay raashiin 40kg ah ah oo ka kooban bur, bariis iyo sonkor.
Cubtan ayaa xerada ay ku nooshahay soo degtay bishii June ee sanadkii hore. Waxay ka soo barakacday dagaal dhexmaray ciidanka dowladda iyo Al-shabaab oo ka dhacay deegaanka Qaayib oo hoos taga degmada Baxdo.
Halkaas oo ay deegaan ku aheyd waxay ku laheyd maqaayad cunto iyo shaah ay ku gado, taas oo ay xustay in maalinkii ay ka heli jirtay $8 illaa $12.
Waxay tilmaantay in deegaanka ay uga soo carartay ari siddeed neef ah oo ay dhaqaneysay, kaas oo ay sheegtay in illaa iyo hadda aysan meel ku ogeyn raq iyo ruux. Cubtan ayaa xustay in xaaladda jirtay ay qasabtay in naftooda kaliya ay badbaadiyaan.
“Labo habeen iyo labo maalin ayaan lugeyneynay oo aan u soo soconay. Ilma yaryaraan watee markaan cabaar socono wixii cido aan aragno oo jooga ayaan la hoyanaynay. Ilmuhu markay nastaan ayaan hadane soo wadaayay. Cadakibir markaan lugta ku soo galaynay babuur ayaa na soo qaaday. Sidaas baan ku nimid.”
Qoysaska halkan ku nool ayaa ka soo barakacay dagaalo sanadkii hore in ka badan afar jeer ka dhacay deegaano Cadaado hoos taga oo kala ah Qaayib, Dhisiq-shurufle iyo Cadakibir.
Qoysaska barakaca ku ah Godinlabe ayaa ka siman cunno yarida iyo hoy xumida, waloow ay sii kala duruuf adag yihiin.
Cali Axmed Geeddi oo dadkaas ka mid ah ayaa sheegay in markii ay waayeen wax dabka ay ku shitaan uu caawinaad weydiistay dariskiisa oo ah qoysas xerada kula nool oo soo barakacay.
Hal waqti ayuu sheegay in maalinkii ay karsadaan raashiinka lagu caawiyo. Qoyskiisa ayuu xusay in xaaladan uu wajahayo muddo 11 bil ah oo uu deggan yahay halkan.
“Xaaladanadu horta waa xaalad iska adag. Ilmo saqiir ah oo kan ugu weyn uu toban sano jiro oo wax shaqeyn karo aan lagu arag, aabahood uusan shaqaynayn, hooyadood aysan u shaqeynayn, waxa ay ku nool yihiina ay tahay wax uun qof daris ah u keeno wallaahi xag ilaahay unbay ka nool yihiin ilmahaan.”
Cali oo ah aabbaha shan carruur ah ayaa sheegay in noloshu ku adkaatay markii uu meesha ka baxay bishii April raashiin uu ku qaadan jiray kaar ay siisay hay’adda WFP oo lixdan Doollar ay ku jirtay.
Wuxuu intaas ku daray in bishii xigtay ee May uu ka fariistay shaqo xoogsi ah oo dhismaha guryaha ah, taas oo maalinka uu qabto uu ka heli jiray $5 illaa $7.
Dhaawac ka soo gaaray dhagax uga dhacay lugta midig ayaa sabab u noqday inuu shaqeyn waayo. Wuxuu sheegay inuu waayay lacag dhaqtar uu ku aado. Wixii intaas ka dambeeyay waa guri joog, isaga ayaana ahaa qofka kaliya ee reerka u shaqeynayay.
“Marba ilaahay wuxuu dadkaas noogu soo dhiibo aan helnaa, laakiin ma jirto meel aan wax ka sugeyno, biil, hay’ad, cid kale iyo qaraabo waxaa inoogu roon dariskaas wax noo keeno.”
Qoyska Cali waxaa tan iyo bishii Sebteember oo ay ku nool yihiin xerada Gargaar hoy u ah aqal cooshad ah oo uu sheegay inuu ka sameysan yahay maryo, karaatoon iyo geedo leysku xirxiray.
Wuxuu ka soo barakacay deegaanka Dhisiq-shurufle. Wuxuu ahaa dareewal nolosha qoyska ka maareeya gaari nooha ah oo uu ugaday walaalkiis oo hadda ku xiran dalka Jarmalka.
Badeecadaha ayuu u kala qaadi jiray halka uu ku noolaa iyo tuulooyin ku xeeran. Gaarigaas oo matoorka ka ciladoobay, hadana yaala degmada Baxdo ayuu tilmaamay inuu waayay dhaqaale uu ku dayac tiro.
Qoysaska halkan ku nool ayaa bilaash ku hela biyaha oo ay ka dhaan sadaan tubbooyin xerada ku dhex yaalla. Ma haystaan waxbarasho iyaguna ma awoodaan in carruurtooda ay ka bixiyaan lacagta iskuulada gaarka loo lee yahay.
Cabdi-deeq Nuur oo ah guddoomiye maamulka Godinlabe u qaabilsan dadka soo barakacay ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in dhaqaale yari ay la xiriirto sababta uu u istaagay gargaarkii ay heli jireen qoysaskan.
Maamulka ayuu xusay inuusan hayn dhaqaale uu wax uga qabto duruufaha haysta dadkan.
“Warwar ayay iskaga nool yihiin oo xaalad walaa ay ku furan tahay. Dad ahaan dadkan waa kuwo iska dabo yimid oo tiro badan. Marka waxaan sameynaa qofba qofkuu ka liito ayaan niraahnaa qofkaan dabka haloo shido wuu dhimanayaa xaaladda bani’aadamnimo ayaa hayso.”
Cabdi-deeq ayaa intaas ku daray in xaaladda dadkan ay la wadaageen hay’adaha samafalka ee gobolka Galgaduud, balse aysan ka helin wax ballan qaad ah. Waloow hadda dagaal uusan ka socon tuulooyinka ay ka soo barakaceen qoysaskan, hadane waxay ka baqayaan inay dib ugu noqdaan.