(ERGO) – Qoyska Aadan Axmed Nuur oo 10 ah ayaa muddo labo bil ah ku hoyanaya bannaanka xerada Siigaale oo ku taalla magaalada Muqdisho. Daad ka soo rogmaday War u dhow ayaa dumiyay gurigoodii oo cooshad ahaa.
Waxay ka mid yihiin in ka badan 500 oo qoys oo ku noolaa xeradaas, kuwaas oo wajahaya hoy xumo iyo shaqo la’aan sababtay cunno yari.
Carruurta Aadan waxaa gabaad u ah bacda roobka oo nin ganacsade ah uu ku caawiyay, taas oo labo uu u kala gooyay. Qayb ayuu dhulka ka xijiyaa halka inta kale uu dhaxanta ka huwiyo xilliga habeenkii.
Qabowga ka jira dhulka ay dageen oo bannaan ah waxaa u wehliya dhibicda roobka xagaaga oo ku da’aya magaalada Muqdisho tan iyo bishii May ee sanadkan. Daadadka ka dhasha biyaha roobka oo joogto ah ayuu sheegay in ay halis ku yihiin carruurtiisa oo u nugul in ay qaadaan.
“Ilmaha daadka ayaa ka ilaalinayaa. Meeshan War weeye oo mool ah. Webi way ka wayn tahay.
Cunno miyaan soo dhiciyaa. Ilmihii miyaan oggaada. Rafaad baan iskaga jiraa hadda. Culays wayn baan ku qabaa roob in uu da’o. Meel dab lagu shito maleh. Biyo ayaa meel walba yaalla.”
Wuxuu tilmaamay in waqtigiisa oo dhan uu ku bixiyo badbaadada carruurtiisa si ay uga samata-baxaan daadadka socda, taas oo meesha ka saartay shaqo uu u kallihi jiray subax walba. Waxay ahayd dhisidda gurayaha.
Shaqadan ayuu ka heli jiray maalintii lacag dhan $5. Wuxuu ku dabbari jiray cunnada qoyskiisa oo labo waqti dabka shidan jiray, hayeeshee, hadda taasi meesha way ka baxday.
Wuxuu xusay in uu ku tiirsan yahay raashin uu daynto marna uu ka baryo qoysas daris la’ah. Cunnada uu helo mararka qaar ayuu sheegay in uusan haysan maacuun uu ku karsado, markii roobkii u danbeeyay oo da’ay 1 bishan uu ka qaaday dhar iyo agabka cunnada oo uu kala soo baxay xerada.
“Roobka ayaa iska qaadaya adigoo jiiftid alaabta. Ilmaha hal xabbo oo sinsiyeeri ah uma hayo. Joodari uma hayo. Bac yar Ayaan gogol camal ugu dhigaa.”
Wuxuu sheegay in labadii bil ee u danbeeyay dukaan uu ka qaadan jiray raashin uu 24 saacba mar carruurtiisa u karin jiray uu ku yeeshay $40. Milkiilaha iska leh ayaa ku xujeeyay in lacagta uu iska bixiyo si dayn kale loo siiyo.
Arrintan ayaa nolosha ku sii adkaysay qoyska Aadan, maaddama uusan haysan lacag uu daynta iskaga gudo ama uu ku iibsado raashinka qoyskiisa.
Aadan ayaa kaamka Siigaale barakac ku ahaa tan iyo billowgii sanadkii 2020. Wuxuu ka soo barakacay deegaanka Jire ee gobolka Hiiraan. Abaar ka dhacday ayaa saameyn ku yeelatay beer 4 hiktar ah oo dalag uu ku beeran jiray. Waxay sidoo kale ka dishay 40 ari ah.
Qoysaska biyaha roobku ay saameeyeen waxay iskugu jiraan kuwa ay u dhisnaayeen aqallo cooshado ah iyo qaar daganaa guryo qadiimi ah oo aan helin wax dayactir ah muddo dheer, kuwaas oo qoysaskii daganaa ay ka barakaceen.
Awliyo adan iyo carruurteeda oo 5 ah ayaa ka mid ah. Waxaa bannaanyaal ka dhigay biyo galay guri sar ah oo ay daganayd muddo ka badan 10 sano, kaas oo ku dhex-yaalla xerada Siigaale.
Daadka ayaa sii dumiyay qaybo ka mid ah guriga ah oo ah mid duugoobay. Waxay sheegtay in ay ka barakacday, markii biyuhu ay galeen isla markaana ay ka cabsatay in uu ku dumo.
Carruurteeda uma hayso gabaad ay qorraxada iyo qabowga ka galaan. Intaas waxaa u dheer cunno yarida. Xaaladdan ayay ku jiraan muddo ku dhow labo bil. Barakaca ay gashay wuxuu galaaftay shaqo xoogsi ah oo ay magaalada u aadi jirtay.
“Waayadan dhar-dhaqow ma aadin xitaa shaqo la’aan iyo adduun baa isku keen helay. Waxkasta waa eber. Dharkii biyaa naga qaaday. Alaabtii sidoo kale.”
Awliyo ayaa sheegtay in bartamihii bishii Juun ay caawin ka heshay mid ka mid ah dadka deegaanka oo dhaqaale ahaan dhaama. Wuxuu siiyo kartoon baasto ah iyo 10 kiilo oo bur, sonkor iyo bariis iskugu jiray, balse inta badan raashinkaas maysan calfan qoyskeeda.
Hawwenaydan oo ayaa sanadkii 2011 ka hor ka soo barakacday deegaanka Alxamdulillaah oo ku yaalla gobolka Shabeellaha hoose, markii ay abaar saameysay noloshooda.
Qoysaska ku jiray kaamka Siigaale ee dib u barakacay iyo kuwii daganaa saraha duugoobay ee u dhow ayaa horraantii bishii April ee sanadkan lacag ay iska aruuriyeen waxay ku sameyteen carro-tuur ay uga gollahaayeen in ay iskaga moosaan daadka sanad walba gala xerada.
Abdiqaadir Cali Weheliye oo ah guddoomiyaha xerada Siiigaale wuxuu ahaa hoggaamiyiha guddigii qaabilsanaa sameynta carro-tuurka.
Wuxuu sheegay in lacag dhan $700 oo la aruuriyay dadkaas lagu hirgaliyay ciid lagu gooyay meelihii daadadku ay ka soo gali jireen xerada.
“Waxay iska aruuriyeen hal doolar qaarna labo doolar. Way iska carro-tuureen, si aysan biyuhu u soo galin ayay iskaga xayndaabeen. Roobkii haddii uu yimid daab wayn baa ka dhashay roobkii baa qaaday.”
Xerada laga barakacay ee Siigaale oo ku taal dhul jooggiisu hoose ayaa u nugul biyaha roobka gaar haan kuwa ka soo rogmada warta siigaale. Qoysaska barakacay ayaa inoo sheegay in sanadkii labo ama saddex jeer ay biyo uga cararaan guryahooda.
Arrinta ku cusub sanadkan ayaa ah qashin soo raacay daadka oo buux dhaafiyay xerada, kaasi oo wiiqay rajada ay dib ugu laaban karaan xerada qoysaska barakacay haddii uusan maamulka gobolka Banaadir uusan xal u helin.