Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Muqdisho: Qoysas cunno yari iyo hoy xumo ay iskugu darsameen markii daad ku soo rogmaday uu saameyn ku yeeshay

Radio Ergo by Radio Ergo
July 17, 2023
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Muqdisho: Qoysas cunno yari iyo hoy xumo ay iskugu darsameen markii daad ku soo rogmaday uu saameyn ku yeeshay

Awliyo Aadan oo sinta ku haysa cunigga ugu yar carruurteeda/Naciimo/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qoyska Aadan Axmed Nuur oo 10 ah ayaa muddo labo bil ah ku hoyanaya bannaanka xerada Siigaale oo ku taalla magaalada Muqdisho. Daad ka soo rogmaday War u dhow ayaa dumiyay gurigoodii oo cooshad ahaa.

Waxay ka mid yihiin in ka badan 500 oo qoys oo ku noolaa xeradaas, kuwaas oo wajahaya hoy xumo iyo  shaqo la’aan sababtay cunno yari.

Carruurta Aadan waxaa gabaad u ah bacda roobka oo nin ganacsade ah uu ku caawiyay, taas oo labo uu u kala gooyay. Qayb ayuu dhulka ka xijiyaa halka inta kale uu dhaxanta ka huwiyo xilliga habeenkii.

Qabowga ka jira dhulka ay dageen oo bannaan ah waxaa u wehliya dhibicda roobka xagaaga oo ku da’aya magaalada Muqdisho tan iyo bishii May ee sanadkan. Daadadka ka dhasha biyaha roobka oo joogto ah ayuu sheegay in ay halis ku yihiin carruurtiisa oo u nugul in ay qaadaan.

“Ilmaha daadka ayaa ka ilaalinayaa. Meeshan War weeye oo mool ah. Webi way ka wayn tahay.

Cunno miyaan soo dhiciyaa. Ilmihii miyaan oggaada. Rafaad baan iskaga jiraa hadda. Culays wayn baan ku qabaa roob in uu da’o. Meel dab lagu shito maleh. Biyo ayaa meel walba yaalla.”

Wuxuu tilmaamay in waqtigiisa oo dhan uu ku bixiyo badbaadada carruurtiisa si ay uga samata-baxaan daadadka socda, taas oo meesha ka saartay shaqo uu u kallihi jiray subax walba. Waxay ahayd dhisidda gurayaha.

Shaqadan ayuu ka heli jiray maalintii lacag dhan $5. Wuxuu ku dabbari jiray cunnada qoyskiisa oo labo waqti dabka shidan jiray, hayeeshee, hadda taasi meesha way ka baxday.

Wuxuu xusay in uu ku tiirsan yahay raashin uu daynto marna uu ka baryo qoysas daris la’ah. Cunnada uu helo mararka qaar ayuu sheegay in uusan haysan maacuun uu ku karsado, markii roobkii u danbeeyay oo da’ay 1 bishan uu ka qaaday dhar iyo agabka cunnada oo uu kala soo baxay xerada.

“Roobka ayaa iska qaadaya adigoo jiiftid alaabta. Ilmaha hal xabbo oo sinsiyeeri ah uma hayo. Joodari uma hayo. Bac yar Ayaan gogol camal ugu dhigaa.”

Wuxuu sheegay in labadii bil ee u danbeeyay dukaan uu ka qaadan jiray raashin uu 24 saacba mar carruurtiisa u karin jiray uu ku yeeshay $40. Milkiilaha iska leh ayaa ku xujeeyay in lacagta uu iska bixiyo si dayn kale loo siiyo.

Arrintan ayaa nolosha ku sii adkaysay qoyska Aadan, maaddama uusan haysan lacag uu daynta iskaga gudo ama uu ku iibsado raashinka qoyskiisa.

Aadan ayaa kaamka Siigaale barakac ku ahaa tan iyo billowgii sanadkii 2020. Wuxuu ka soo barakacay deegaanka Jire ee gobolka Hiiraan. Abaar ka dhacday ayaa saameyn ku yeelatay beer 4 hiktar ah oo dalag uu ku beeran jiray. Waxay sidoo kale ka dishay 40 ari ah.

Qoysaska biyaha roobku ay saameeyeen waxay iskugu jiraan kuwa ay u dhisnaayeen aqallo cooshado ah iyo qaar daganaa guryo qadiimi ah oo aan helin wax dayactir ah muddo dheer, kuwaas oo qoysaskii daganaa ay ka barakaceen.

Awliyo adan iyo carruurteeda oo 5 ah ayaa ka mid ah. Waxaa bannaanyaal ka dhigay biyo galay guri sar ah oo ay daganayd muddo ka badan 10 sano, kaas  oo ku dhex-yaalla xerada Siigaale.

Daadka ayaa sii dumiyay qaybo ka mid ah guriga ah oo ah mid duugoobay. Waxay sheegtay in ay ka barakacday, markii biyuhu ay galeen isla markaana ay ka cabsatay in uu ku dumo.

Carruurteeda uma hayso gabaad ay qorraxada iyo qabowga ka galaan. Intaas waxaa u dheer cunno yarida. Xaaladdan ayay ku jiraan muddo ku dhow labo bil. Barakaca ay gashay  wuxuu galaaftay shaqo xoogsi ah oo ay magaalada u aadi jirtay.

“Waayadan dhar-dhaqow ma aadin xitaa shaqo la’aan iyo adduun baa isku keen helay. Waxkasta waa eber. Dharkii biyaa naga qaaday. Alaabtii sidoo kale.”

Awliyo ayaa sheegtay in bartamihii bishii Juun ay caawin ka heshay mid ka mid ah dadka deegaanka oo dhaqaale ahaan dhaama. Wuxuu siiyo  kartoon baasto ah iyo 10 kiilo oo bur, sonkor  iyo bariis iskugu jiray, balse inta badan raashinkaas maysan calfan qoyskeeda.

Hawwenaydan oo ayaa sanadkii 2011 ka hor ka soo barakacday deegaanka Alxamdulillaah oo ku yaalla gobolka Shabeellaha hoose, markii ay abaar saameysay noloshooda.

Qoysaska ku jiray kaamka Siigaale ee dib u barakacay iyo kuwii daganaa saraha duugoobay ee u dhow ayaa horraantii bishii April ee sanadkan lacag ay iska aruuriyeen waxay ku sameyteen carro-tuur ay uga gollahaayeen in ay iskaga moosaan daadka sanad walba gala xerada.

Abdiqaadir Cali Weheliye oo ah guddoomiyaha xerada Siiigaale wuxuu ahaa hoggaamiyiha guddigii qaabilsanaa sameynta carro-tuurka.

Wuxuu sheegay in lacag dhan $700 oo la aruuriyay dadkaas lagu hirgaliyay ciid lagu gooyay meelihii daadadku ay ka soo gali jireen xerada.

“Waxay iska aruuriyeen hal doolar qaarna labo doolar. Way iska carro-tuureen, si aysan biyuhu u soo galin ayay iskaga xayndaabeen. Roobkii haddii uu yimid daab wayn baa ka dhashay roobkii baa qaaday.”

Xerada laga barakacay ee Siigaale oo ku taal dhul jooggiisu hoose ayaa u nugul biyaha roobka gaar haan kuwa ka soo rogmada warta siigaale. Qoysaska barakacay ayaa inoo sheegay in sanadkii labo ama saddex jeer ay biyo uga cararaan guryahooda.

Arrinta ku cusub sanadkan ayaa ah qashin soo raacay daadka oo buux dhaafiyay xerada, kaasi oo wiiqay rajada ay dib ugu laaban karaan xerada qoysaska barakacay haddii uusan maamulka gobolka Banaadir uusan xal u helin.

Previous Post

Mudug: Qoysas ku cayroobay abaarta oo billaabay dhaqashada Shinida oo il-dhaqaale u noqotay

Next Post

Kismaayo: Gabar da’yar oo shaqada sawir-qaadista ka maareysa nolosha qoyskeeda oo dan yar ah

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Kismaayo: Gabar da’yar oo shaqada sawir-qaadista ka maareysa nolosha qoyskeeda oo dan yar ah

Kismaayo: Gabar da’yar oo shaqada sawir-qaadista ka maareysa nolosha qoyskeeda oo dan yar ah

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo