Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Kismaayo: Gabar da’yar oo shaqada sawir-qaadista ka maareysa nolosha qoyskeeda oo dan yar ah

Radio Ergo by Radio Ergo
July 18, 2023
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Kismaayo: Gabar da’yar oo shaqada sawir-qaadista ka maareysa nolosha qoyskeeda oo dan yar ah

Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Saabiriin Cabdishakuur Cabdiraxmaan oo 14 sano jir ah ayaa awoodday in ay daboosho baahida cunno iyo tan waxbarasho 8 carruur ah oo la dhahay iyo hooyadeed, markii ay billowday in ay ku shaqayso xirfadda sawir-qaadista bishii Abriil ee sanadkan. Labadii bil ee la soo dhaafay ayay ka heshay shaqadan in ka badan $500.

Dhaqaalahan ayaa ka caawiyay qoyskeeda in ay helaan saddexda waqti ee maalintii cunno ku filan, taasi oo markii hore ku adkayd. Qoyska Saabiriin waxay horay ugu tiirsanaayeen $100 oo dalka dibaddiisa ay uga soo diri jirtay habaryarteed. Lacagtan ayay hakisay, markii dhaqaale xumo ay soo wajahday.

Saabiriin ayaa sheegtay in baahidaas ay dabooshay lacagta sida maalinlaha ah uga soo gasha shaqdeeda. Waxay ka heshaa dadka u tamashle taga goobaha lagu nasto ama munaasabadaha.

Waxay ka qaaddaa sawirro halkii xabbo ay ku hesho lacag dhan nus-doolar.  Fursaddan shaqo ayaa qoyskeeda u horseeday in ay ka baxaan ciriirigii dhaqaale xumo ee haystay.

“Annaga ahaan lacagtan aan hadda shaqaynayo wax badan ayey noo taraysaa. Meelo badan oo nolosheenna ay haaf haaf ka ahayd ayay daboolaysaa, sida biyaha, Korontada reerka, khudaartii cuntada lagu Karin lahaa oo markasta ay u baahanayaan. Inta aan hello waxaan ku buuxiyaa waxyaabaha qoyskayga ka dhiman.”

Waxay tilmaamtay in xaaladdu ay ku adkayd qoyskeeda ka hor inta aysan billaabin shaqada sawir-qaadista. Waxaa ay xustay in xiliyada qaar uu ka go’ijiray raashinka iyo caanaha ilmaha, taasi oo hadda meesha ka baxday.

Lacagta ay shaqaystay $300 oo ka mid ah waxay ku bixisay raashin ay u soo iibisay qoyskeeda, kirada guriga ay deggan yihiin oo bishii ah $75 iyo waxbarashadeeda iyo tan shan ka mid ah walaalaheed.

Saabiriin Waxay dhigata fasalka toddobaad ee dugsiga hoose iyo dhexe ee Iftin. Waxaa ku wehliya labo gabdhood oo la dhashay, kuwaas ku jira fasallada shanaad iyo lixaad.

Mid kamid ah ayaa maamulka iskuulkooda uu u oggolaaday in lacag la’aan ay wax ku barato. Waxaa jira saddex wiil oo ay sidoo kale dabbarto lacagta ay ku dhigtaan dugsi qur’aanka.

“Horta dugsiga haddii ay ugu badato $15 ayaan bixiyaa iskuulkana waxaa waaye $22. Labo waa nagala qaadaa halna waxaa la dhahay cafis waaye.

Waxay sheegtay Saabiriin in iskuulkan ay ka hareen bishii afaraad ee sanadkan, markii hooyadeed oo leh miis ay ku iibiso lowska, xanjo iyo waxyaabaha macmaanka ay ku filnaan waysay bixinta lacagta waxbarashadooda.

Saabiriin oo si bilaash ah ku baratay sawir-qaadista ayaa sheegtay in xiiso badan badan u qabtay xirfaddan, balse aysan ku fekarin in ay lacag badan ka hesho ku shaqaynteeda.

Waxay ku faraxsan tahay in ay isla kowsadeen barashada xirfaddii ay jeclayd iyo dhaqaalaha muddada kooban uga soo xarooday.

“waan yeeshay. Lakiin waxii dad ii yimaada waxaan idhaahaa sawirro marabtiin. Haa markay dhahaan lacagta intii  ay wataan  ayaan ka qaadaa. Lakiin ugu badnaan $10, $15, $20-ka waan hellaa maalintii.”

Waxay sheegtay in Bishii Juun ay heshay faa’iidada lacageed ee ugu badan, markii hal toddobaad gudihiis loo wada dabaaldeggay maalmaha xorriyadda iyo ciidul-adxaa.

Intaas waxay ku dartay in ay si joogto ah u shaqaynaysay asbuucaas iyadoo ay saacidday fasaxa iskuulkeeda ee maalmahaas.

Hadda waxay si buuxda u shaqaysaa Jimcaha iyo Khamiista, halka maalmaha kale ay galinka danbe shaqayso, maaddama galinka hore ay qaadato duruusta iskuulkeeda.

Dhaqaalaha ay hesho ayay qayb ka mid ah dhigaal-sataa. Waxay rajaynaysaa in ay ku iibsato qalab ka caawiya shaqadeeda inkastoo ay la halgamayso nolol-maalmeedka qoyskeeda oo masuuliyad ay iska saartay iyada oo da’yar.

Saabiriin oo ah curadda qoyskeeda wuxuu aabeheed dhintay 6 sano ka hor, markii Doon uu naaquude ka ahaa ay kula qaliban tahay badda. Waxay sheegtay in uu ahaa kalluumeyste inta badan waqtigiisa ku bixin jiray sidii uu ugu soo dhicin lahaa carruurtiisa nolol-maalmeedka.

Caqabado badan ayay xustay in ay ku gadaaman yihiin buuxinta booska aabbeheed. Waxaa ka mid ah shaqada ay ku billowday yaraanta oo dadka qaar ay ku dhaliilaan iyo xirfaddeeda sawir-qaadista.

“Dadka badankood waxay I dhahaa gabar sawir qaadaysa maxaa waaye. Markaas baan dhahaa hadda arka. Laakiin ha u malaynin wiilasha kaliya in ay qaadi karaan sawirraan. Qof waba ayaa baran kara xirfaddan. Magaalooyinka kale waa laga heli karaa gabdho sawiraan qaadda, balse Kismaayo ahaan dadku waxay dhahaan gabar sawir qaadaysa waligeen maanan arag. Kuwa waxay dhahaan shaqadan aan jeclahay iska dhaaf kuwana way i dhahaan horay u soco.”

Qalab ay ku shaqayso Saabiriin waxaa ku caawiya mid ka mid ah dhallinyarada ku shaqaysta xirfadda sawir-qaadista, maaddama aysan weli awood dhaqaale u helin in ay iibsado kaamero.

Waxay naawilaysaa in laga taageero helidda agabkan si ay u hormariso shaqadeeda una daboosho baahiyaha qoyskeeda.

“Horta waxaan rabi lahaa in la ii gado qalabkii aan ku shaqayn lahaa oo sawirrada aan ku qaadi lahaa, sida kaamiro iyo IPhone-kii. Hadda badanaa dadku waxay barteen Iphone. Waxay ku dhahayaan kaamiro maxaan ku falaynaa Iphone ma haysaa? .”

Waxay ka mid tahay 15 qof oo kaligeed ay dumar ka tahay, kuwaas oo uga shaqaysta Kismaayo xirfadda sawir-qaadista.

Saabiriin waxay sheegtay in ay ku rajo wayn tahay hormarinta xirfaddeeda iyadoo ku garab wadda dedaalladeeda waxbarasho.

Waxay aaminsan tahay in ay iskaabayaan waxbarashada iyo shaqadeeda, maaddama dhaqaale xumo la soo darista ay ka hor istaagi karto sii socoshada waxbarashadeeda sidoo kalana nolosha qoyskeedu uu dayacmayo.

Previous Post

Muqdisho: Qoysas cunno yari iyo hoy xumo ay iskugu darsameen markii daad ku soo rogmaday uu saameyn ku yeeshay

Next Post

Beeralay ku nool gobolada Baay iyo Bakool oo saddex sano kadib dib ugu soo laabtay beerahoodii oo ay abaar uga barakaceen

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Luuq: Qoysas laga caawiyay dhul beereed biyo leh oo ay noloshoooda isbeddeshay markii ay goosteen dallagyadii ugu horreeyay

Beeralay ku nool gobolada Baay iyo Bakool oo saddex sano kadib dib ugu soo laabtay beerahoodii oo ay abaar uga barakaceen

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo