(ERGO) – Saddex iyo toban kun oo qoys oo abaar galaafatay beerahooda darteed aan waxba tabcan saddex sano ayaa ka soo kabtay nolol-xumo ay wajahayee, markii ay goosteen dalaygo ay ku beerteen roobkii gu’ga oo si fiian uga da’ay gobollada Baay iyo Bakool.
Abshiro Cabdi Aadan oo 52 jir ah oo beer saddex hiktar ah ku leh degmada Diirsoor oo 11 km dhanka galbeed ka xiga Baydhabo. Waxay goosatay bishii Juun dalagyo kala ah ganleey, masaggo,digir yaanyada, koosto, barbarooni iyo qare.
Haweeneydan raashinka ka dheeriga ah quudkooda waxay u iib geysaa suuqa magaalada Baydhabo. Lacagta ay ka soo hesho ayay carruurteeda oo sagaal ah ugu soo gadaa caano, dhar iyo wixii kale ee ay u baahdaan. Waxay beertan u noqotay il dhaqaale oo ay siyaabo kala duwan uga faa’iidaystaan. muddo bil iyo toban habeen ah oo ay dalageeda goosanayaan.
“Hadda mudda deegaankaygii aan ku soo noqday ilaahay ayaa ku mahadsan beerihii waa noo aarmeen, haddana deegaankeenii ayaan ku laabanay xaaladdeena iyo nolosheenu hadda aad ayay u fiicantahay. Hadda beerteena ayaan iska tabcanaynaa iyada ayaan ku mashquul sannahay. Ilaahay ayaa ku mahadsan, gurigeeniina wan ku suganahay.”
Abshro waxaa u keydsan 15 kiish oo gallay iyo digir isugu jira. Waxay aamisan tahay inuu ku filanyahay raashinka u yaalla afarta bil ee soo socota.
Qoyskeeda oo ahaa xoolo-dhaqato beeralay ayay saamayn ku reebtay roob yari xiriirka aheyd sannadihii la soo dhaafay. boqol iyo labaatan neef oo ari ah ayaa uga dhintay baad iyo biyo la’aan bartamihii sanadkii 2020.
Farro marnaantaas darteed qoyska Abshiro sanadkas si ay u badbaadiso carruurteeda waxay barakac ku noqdeen xerada Baroodi ee magaallada Baydhabo, halkaas oo ay kala kulmeen hoy la’aan iyo cunno-xumo. Waxay dib ugu soo
laabteen beertooda 12 Maarso ee sanadkan xilligaas oo ay bilawday tacbashada beerta.
Waxay sheegtay in saddex sano oo ay ku sugnaayeen xerada iyada iyo carruurteeda ku tiirsanaayeen qoys deriskooda ah oo ay la dheri ahaayeen. Hal waqti ayay heli jireen cunno aan ku filnayn iyada oo qoysba maalin dabka shidi jiray.
“Markan Baydhabo imaadnay aad ayaan ugu rafaadnay wax natiijo ah oo aan ka helnay malahahaddana beeraheenii ayaan uga soo laabanay. Dhibaatooyinka aan la kulanay dad kurugoodii ka soo barakacay ayaan ahayn dhaxan hoy xumo iyo rafaad naguma yarayn nolosha ayaa cariiri nagu noqotay daadayaan kor u fiirinaynay (hay’ado ayaan sugaynay) hal maalin in aan dabka shidanno ayaa dhibnagu ahayd.”
Haweenaydan waxay hadda dib iskaga gudday dayn $800 ah oo ay qaadatay intii ay beerteedu tacab la’aanta ahayd. Waxay ka faa’iidaysteen qoyskan iyo 700 oo qoys oo ku deegan ah abuur ay ku caawisay hay’adda FOA Bishii Maarso markii roobabku curteen.
Arrintaas waxay u sahashay reerkan inay dugsiga Qur’aanka ku celiyaan afar ka mid ah carruurtooda oo waxbarashadoodu hakad gashay saddexdii sano ee abaarta ahayd, xilligaas oo ay barakaceen qoysaskii dusiga ay caruurtu u wada dhigan jireen.
Qoyska Abshiro malahan il kale oo daqaalo ka soo galo. Aabbaha reerka ayaa ah beeralay aan aqoon shaqo kale sida ay sheegtay. Waxay xustay in sanadkan ay qorshaynayaan inay meel dhigtaan kayd dhaqaale si ay kugu baxsadaan haddii abaar soo laabato.
Dhammaan beeralayda Baay iyo Bakool waxay ka soo kabanayaan nolol-xumadii ka soo gaartay abaarta. Cabdinuur Maxamed Aadan oo beer afar hektar ah ku leh
deeganka Rabdhuure ee gobolka Bakool wuxuu saddex sano ka dib goostay dalagyo iskugu jira raashin iyo khudaar.
Waxay qoyskiisu ka soo kabsadeen nolol xumo ay wajaheen labo sano oo ay barakac ku ahaayeen xero ku taalla degmada Xudur , halkaas oo ay uguureen markii abaartu saamaysay beertooda .Tan iyo 20 bishii juun oo ay guranayaan beertooda ayuu xusay inay dareemayaan isku filnaansho.
“Isbeddel wayn ayaan dareemaynaa raashin nagu filan iyo biyo nagu filan ayaan helnay. Sidoo kale raashinka saddex waqti ayaan isticmaalnaah.wax kasta beerta ayaan ka helnaa welwel ma dareenno, marka isbeddel aad u wayn ayaan dareenay. Hadda saan Rabdhuule ugu soo laabanay mar aan digirta dubanno, mar aan dalagyada kale isticmaalno, dabkeenu madamo hadda.”
Dalagyada u baxay oo uu beertay sanadkan ayuu galiyay dadaal badan isagoo kaashanaya beeralayda tuuladiisa oo si wadar ah beerahooda u wada beertay. Ninkan ayaa beerta sanadkan ku maalgeliyay lacag dhan $380, oo uu ka soo daynsaday ganacsato ku nool degmada Xudur ee gobola Bakool, taas oo uu sheegay inuu iska dugay.
Wuxuu sheegay in markii tacabka beertiisa uu billaabayay filashadiisa ah inuu dalag ka helidoono ay aad u yarayd, maaddama sanadihii danbe ay abaaruhu soo noqnoqdeen. Wuxuu xusay in dalagga hadda beerta u saaran uu qiyaasayo inuu bixi doono lacag dhan $4,000.
Wuxuu qorshaynayaa in dhaqaalahaas uu u kala qaybiyo biilka reerka, tacanka beerta sanadka danbe iyo in uu u kaydsado in uu ku baxsado haddii abaar dhacdo. Waxaa intas u dheer saddex ka mid ah carruurtiisa oo uu doonayo in uu kudaro iskuul sanad dugsiyeedka furmaya bisha siddeedaad ee sanadkan.
Ninkaan ayaa sheegay in qoyskiisa intii ay ku sugnaayeen Xuddur ay la kulmeen nolol cariiri ah.
Wuxuu tilmaamay inay ku adkaatay in 24kii saacba ay hal mar helaan wax ay cunaan. Cabdinuur oo horay uga shaqaysan jiray beer falashada ayaa dantu ku qasabtay in uu soo dawarsado intii uu barakaca ahaa.
Wuxuu soo helo ayuu qoyskiisa oo toban qof ah habeenkii ku cashaysiin jiray iyada oo maalmaha qaar oo uu soo waayana ay gaajo ku hoyan jireen. Ninkan ayaa ka murugaysan noloshii xerada muddadii labada sano ahayd ee ay joogeen.
“Ilaahay ayaan ka magan galnay barakac iyo inaan mar kale Baydhabo ku laabto waxaan rajaynaynaa barwaqo kale oo dadka dhan ay ku aarmaan. Ilaahay waxaan ka baryaynaa barwaaqadaan in uusan naga qaadin oo barakac nagu celin Ilaahay ayaan ka magan galnay.”
Guddoomiyaha beeraleyda gobolka Baay Cabdinuur Ibraahin Maxamed oo la hadlay Raadiyo Ergo ayaa sheegay inay tahay markii ugu horraysay oo dalag noocaan ah beeraha Baay iyo Bakool laga helo tan iyo sannadkii 2020.
Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in beeralaydu wax soo saar kooda ay u dhoofiyaan dhammaan gobalada dalka. wuxuu intaas ku daray in haddii aysan sanadkan wax beeran lahayn beeralaydu ay qarka u saarnaayeen sinay macluul u la’daan.
“Dadka labada gobol Baay iyo Bakool ku noolaa barkacayaasha magaalada Baydhabo ayay u tageen magaladii dadkii ayaa ka tan batay. Magaalo 300 kun ay ku noleed ayaa waxaa kordagay dad Milyan iyo shan boqol oo qof ka badan. Magaaladii ayaa buux dhaaftay. Dadkii deganaa ayaaba ku sigtay inay barakaayaasha ka darnaadaan. Hadda se alxamdulilaah Ilaahay ayaa noo fududeeyay roob ayaan helnay beerihii waa fiicnaadeen abuurna waa heleen.”
Wuxuu xusay in ka iskaashato ahaan ay dhibaato ku qabeen oo ay isku dayi jiren in dadka kuwa roon wax laga aruuriyo haddana lagu caawin jiray kuwa dabku ka seexdo, balse hadda ay arrintaas ka nasteen. Si ay uga gaashaantaan abaarta haddi ay soo laabato ayuu sheegay in beeralayda ay faraan inay kayd dhigaashadaan.