(ERGO) – Labo boqol iyo toddobaatan qoys oo ku nool xerada Guutaale oo shan km dhan galbeed kaga beegan magaalada Boosaaso ayaa wajahaya hoy xumo iyo cunno yari. Arintan waxaa u sabab ah kulayl daran oo xilligan ka jira dhul xeebeedka gobolka bari, kaas oo ku qasbay in badi ay awoodi waayaan qabashada shaqooyin xoogsi ah oo nolosha ay ka maareyn jireen.
Qoysaskan waxaa ku adag in maalinkii halmar dabka ay shitaan. Dadka xaaladan wajahaya waxaa ka mid ah Casar Xasan Faarax.
Wuxuu sheegay in helitaanka cuntadu ay tahay waxa ugu adag ee uu u maaro u la’yahay. Wuxuu tilmaamay in wixii ka horreeyay horaantii bishan uu ahaa nin shaqeeya toddobaadka oo dhan, haddase wuxuu shaqo tagaa asbuuciiba labo beri.
Ninkan oo 50 jir ah waxa uu ka shaqeeyaa dekadda Boosaaso oo uu raashiinka dajiyo. Wuxuu xusay in maalinka uu shaqeeyo uu ka helo siddeed Doollar, taas oo uu sheegay inaysan dabuuli karin baahida qoyska.
“Shaqada xammaaliga ah daqliga naga soo gala waa wax aan naf laheyn oo aan qoyska ku filnayn. Cuntada maalinta la soo shaqeeyo hal mar ayaa dabka la saaraa. Mar labaad ma leh, maalinka xiga ayaa lagu hirtaa. Welwelka ugu weyn ee aan maanta qabo waan baahannahay,”ayuu yiri.
Casar oo ah aabbaha toban carruur ah ayaa tilmaamay in maalmaha qaar ay reerku waayaan wax ay karsadaan. Toban oo bishan oo xaaladaas ay ku dhacday ayuu xusay in dariskoodu ay ku caawiyeen raashiin bisil.
Waxa uu sheegay in ka hor kulaylka uu shaqadan ka heli jiray bishii $160 oo ku filneyd noloshooda.
Ninkan oo ku nool xero la yiraahdo Guutaale ayaa tilmaamay in dantu qasbeyso, balse ay adag tahay in xamaali laga shaqeeyo xilligan oo heer kulka magaalada uu marayo inta u dhexeysa 39 illaa 45 digree.
“Kulayl ayaa jira aad ayana u waxaysannahay [u dhibaataysannahay] waan ku dhib qabnaa. Nin uu kiish madaxa ka saaran yahay oo dhididada oo kulayl uu sii hayo ma shaqayn karaa? Waa maya, aad ayuu noo saameeyay kuylaylka, nolol khatar ah ayaana ku jirnaa. Qaxooti aan gargaar haysan inuu kulaylka saamaynayo ama cunno yari ay qabsanayno waad og tahay,” ayuu yiri Casar.
Casar oo ahaa beeraley ayaa ka soo barakacay sanadkii 2019 bishii November deegaanka Tiyeglow ee gobolka Bakool Tan iyo xilligaas wuxuu ku nool yahay magaalada Boosaaso.
Xerada ay ku nool yihiin qoysaskan soo barakacay oo magaalada ka fog masaafo gaareysa 5 km ayaa sabab u noqotay in xoogsatada halkan ku nool ay ku adkaato inay shaqo tagaan xilli kuleylaha lagu jiro.
Cabdi Axmed Cabdi oo ah aabbaha lix carruur ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in bisha oo dhan uu shaqeyn jiray, balse hadda uu ku soo koobay saddex maalin, maadaama uusan joogteyn karin. Dhaqaalaha hadda soo gala oo $100 ah bishii oo aan ku filneyn darteed wuxuu xusay in maalinkii hal waqti ay wax karsadaan.
Waxa uu tilmaamay in helitaanka biyuhu ay ku adag yihiin. Fuustadii ayuu sheegay in lagu iibinayo qiimo gaaraya $2. Dhaqaale xumida haysata awgeed dadka shubta ayuu ka codsadaa in yar oo ay cunto ku karsadaan ama ay cabaan.
“Shan sinti ayaa jarkaagii biyaha lagu gataa. Qoyskii wuxuu isticmaali karaa shan, lix ilaa toddobo jarkaan waxay ku xiran tahay sida ay qoysasku u kala baaxad weyn yihiin. Biyaha helidooda lacag ayaan ku bixinaa. Haddaan lacag lagu bixin biyo ma helaysid oon baad u baqtinaysaa, dhar baa la dhaqanayaa, waa la qabaysanayaa, kulaylbaa jira. Biyaha in la gato waa lagu qasban yahay,” ayuu yiri.
Cabdi ayaa sheegay in cunno yarida haysata oo uusan xal u ahyn ay walaac ku hayso. Ninkan ayaa ah xamaali ka shaqeeya dekadda boosaaso oo halka uu deggan yahay u jirta masaafo 10 km ah.
Xerada waxaa uga dhisan aqal cooshad ah. Dad deegaanka ah oo dhulka iska leh ayaa qoys kasta bishii ka qaada $3 oo kiro ah. Dadka ayaa halkan soo degay bishii Juun ee sanadkii hore, markaas oo dagaal dhex maray laba ciidan ay uga soo barakaceen xero bilaash ay ku dagganaayeen oo la yiraahdo tuulo Booro, taas oo magaalada dhexdeeda ku tiilay.
“Alxamdulilah kolley dadkan aad ayey noo soo dhaweeyeen.odayaasha xaafada ayaa isku afgartay in ay xaqul shaah qof dhan oo shaqsi ah oo gurigiisa ku soo dejiyey in dayactirkiisa lagaa qaado waa anagaa isku afgaranay in aan dhahno xaqul shaahaas aan bixino si meesha naloogu nadaafeeyo sidaas darteed ayaan ku dhiibnay,” Ayuu yiri.
Waxa uu xusay in afar uu magaaladan ku noolaa, balse caqabaddu ay ka timid xeradan fog oo sanadkii ugu horeeyay xiiliga kuleyluhu ugu soo beegmay
Cabdi ayaa magaalada Boosaaso yimid sanadkii 2019, wuxuu abaar uga soo barakacay gobolka oo uu ku ahaa beeraley labo hektar oo uu abaar la tacban waayay.
Guddoomiyaha xeradan Jaamac Maxamed Cabdulle ayaa tilmaamay in qoysaska ku nool xeradan ay wajahayaan xaalad aysan waxba ka qaban karin oo ah cunno yari iyo biyo yari.
Waxa uu sheegay in maamulka magaalada Boosaaso uu ku war galiyay in dadka loo fidiyo gurmad deg deg ah, balse aysan jirin jawaab ay ka heleen.
“Waaxda arrimaha bulshada baanu tagnay dhawr jeer gobolkana waanu tagnay gobolku waraaquu nasiiyey hay’adaha la geeeyey waxna koley kama qabsoomin wax ka qabsoomay ma jirto, anagu awood haddaan u hayno wax waan ka qaban lahayn hadaan awood anagu u haysano cidba isma weydiiseen wax waan ka qaban lahayn sida xaqiidii dhabta ah markaa awood aanan u hayn weeye waa awood hay’ado ama dowlad wax ka qaban karto cid kale oo shakhsi ah oo wax ka qaban kartaa ma jirto,” ayuu yiri.
Magaalada Boosaaso ayaa sanadkiiba afar bil oo ka mid ah cimiladeedu kulu laataa. Dadka inta awoodda ayaa bilahaas aada gobolada dariska la ah gobolka Bari, waxana loo yaqaanaa xagaa bax. Markan oo kale waxaa yaraada dhaq dhaqaaqa ganacsi ee magaalada