(ERGO) – Maxamuud Faarax Nuunow waa aabbaha toddobo carruur ah. Waxaa waxbarasho la’aan ka ah saddex ka mid ah oo dhiganayay iskuulka Bar oo ku yaala degmada Dayniile. Iskuulka oo ay si bilaash ah wax uga baranaayeen 102 arday oo ka soo jeeda qoysas barakac ah ayaa ku burburay daad ka dhashay roob ka da’ay Muqdisho 28 bishii Abriil.
Ninkan ayaa xusay in dhammaan carruurtiisa ay guriga joogaan, maaddaama uusan awoodin inuu geeyo iskuul lacag ah. Wuxuu tilmaamay in xaafaddiisa ay ku yaallaan iskuullo si gaar ah loo leeyahay, kuwaasi oo bishii lagu dhigto $10.
“Macalinka waxaa uu leeyahay lacag uma heysaan sidee ilmaha wax ku baraa, sidaas ayay ilmaha waxbarasho la’aan ay ku noqdeen. Waxaan rabnaa in ilmaha wax naloo baro oo ay mustaqbal yeeshaan.”
Maxamuud oo ku shaqeysta gaari gacan uu alaabaha uga qaado dukaamada ku yaalla degmada Dayniile ayaa maalinkii hela lacag ay ugu badan tahay $5, taasi oo uu ku dabbaro nolol maalmeedka carruurtiisa. Qoyskiisa ayaa ku nool guri ka sameeysan baco iyo cooshado oo ku yaalla xerada Walaweyn, halkaasi oo deggaan u ahayd labadii sano ee la soo dhaafey.
Shaqadiisa ayuu sheegay inaysan u saamaxeeyn in uu ka bixiyo waxbarasho carruurtiisa. Iskuulka Bar ayuu sheegay inuu nafis ku qabay oo hadda aad uga walwalo mustaqbalka carruurtiisa. Wuxuu xusay in dhismihii iskuulka uu dumay oo agabkii ardayda wax lagu barayayna uu daadka la tagay. Wuxuu tilmaamay in halkii uu iskuulka ku yaalay ay waddo noqotay. Waxbarasho la’aanta carruurtiisa ayuu sheegay inay ku hayso walwal oo habeenkii mararka qaar uusan ka seexan karin.
“Hadda ilmaha duurkaa ayay iska soofayaan [ciyaarayaan] oo iska aadayaan maalintii. Maqribkii ayay imaanayaan. Saxriir iyo silac ayay ku noolyihiin ilmaha oo waxbarasho ma haystaan. Waxan rabnaa in nala caawiyo oo waxbarasho naloo sameeyo.”
Maxamuud iyo qoyskiisa waxay sanadkii 2020-kii ka soo barakaceen gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan duleedka magaalada Jowhar. Dukaan yar oo ay u saarnayd alaab uu ku qiyaasay kun doolaar ayuu sheegay inuu ku waayay fatahaadda webiga Shabeelle. Arrintan ayaa ku qasabtay inuu Muqdisho u soo barakaco.
Iskuulka Bar waxaa xerada Walaweyn ka hirgaliyay ururka macallimiinta Soomaaliya bishii Diseembar ee 2020-kii. Iskuulkan ayaa ka koobnaa afar qol oo jiinkad ah. Barayaasha iskuulka ayaa ahaa ardayda barata kulliyadda macalinimada jaamacadaha Muqdisho ku yaalla. Waxay ku shaqeeynaayeen si mutadhawacnimo ah.
Ururka oo gacanta ku haayay iskuulka ayaa u sheegay waalidiinta inay raadinayaan deeq iyo cid ka caawiso dib u dhisidda xaruunta, maaddaama aysan iyaga hadda gacanta ku haynin qarashkii ku bixi lahaa.
Qaar ka mid ah waalidiinta ayaa sheegay in aysan qabin rajo ah in dib loo soo celiyo iskuulkii ay carruurtooda sida bilaashka ah wax uga baranayeen.
Shamso Xasan Xuseen waxaa ku dhowaad bil waxbarasho la’aan ka ah saddex carruur ah. Waxay xustay in waxbarasho la’aanta ubadkeeda ay murug ku hayso.
Haweeneydan oo deggan xerada Walaweyn waxay nolosha carruurteeda ku maareeysa shaqo dhar dhaqis ah oo ay magaalada ka soo qabato. Waxay xustay in maalinkii marka ay ugu badantahay ay soo hesho afar dollar. Lacagtan ayay tilmaantay inaysan u kala go’eyn waxbarashada carruurta iyo biilka qoyska.
“Saddex cunug ayaa i baranaayay iskuulka, hadda dhammaantood wax ma bartaan guriga ayay ii jooggaan oo wax ma qabtaan. Aniga ma haayo tabar aan wax ku baro, wiilasha ayaa waxbaraanayay, gabadhaha wali waa ay yar yihiin.”
Shamso oo ah hooyada afar carruur oo agoon ah ayaa xerada soo degtay sanadkii 2020-kii, xilligaasi oo ay ka soo barakacday duuleedka Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose. Waxay xustay inay ka soo barakacday aano qabiil. Guri ay magaalada ka deganayd ayay tilmaantay in collaadda looga gubay.
Waxay codsatay in laga caawiyo dhismaha iskuulka, si ay carruurta u sii wataan waxbarashadooda.
“In ay wax ii bartaan oo aad waxbarasho noo keentaan, iskuul noo keentaan, buug iyo qalimaan na siisaan ayaan jeclaan laheyn. Meel ma garanayaan haddii ay meel garanayaan way soo qaraaban lahaayeen, aniga ayaa qaraab aada si aan ilmaha u nooleysto.”
Maxamuud Cabdi Maxamed oo ah maamulaha iskuulka ayaa sheegay in ardayda ay guryahooda joogaan, tan iyo 28-kii bisha Abriil, xilligaasi oo uu iskuulka dumay. Daadka roobka ka dhashay ayuu xusay inuu la tagay jiingadii fasalada ahaa, kuraastii ay ardayda ku fariisanaayeen iyo sabuuraddii wax lagu baraayay.
Sida uu maamulaha xaqiijiyay, ardayda iskuulka wax ka baranaysay ayaa ka kala imaan jirtay ilaa todobo xero oo ku yaalla degmada Dayniile.
“Hadafkeenu markii hore wuxuu ahaa inaan dadkaan caawinno oo aan waxbarno, walina waan sii wadi doonnaa dadaalkaasi. Waxaan rajo ka qabnaa inaan heli doonno goob aan wax ku barno carruurtaasi barakaca ah, aad iyo aad ayaan uga welwelsanahay wixii aan soo wadnay laba sano in maanta ay noqdaan wax aan shaqeyneyn. Waalidintii mar walba oo ay nala soo hadlaan waxa ay noo sheegaan in ay si weyn u tabaayaan waxbarashadii oo walaac xoog leh ay qabaan.”
Waxaa uu xusay inay jiraan ballan qaadyo ay ka heleen dad ganacsato ah iyo jaamacado kuwaasi oo u sheegay inay ka caawin doonaan dib u dhisidda iskuulka, balse aysan weli waxbo soo gaarin.