(ERGO) – Dadka qaba xanuunka Albiinada ee ku nool Muqdisho ayaa wajahaya takoor ku saabsan midabkooda, taas oo keentay inay saamayso nolol maalmeedkooda. Waxaa ku adag inay shaqo iyo waxbarasho helaan si la mid ah bulshada inteeda kale.
Cilmi Bile Maxamed oo ah 25 sano jir ayaa ku jira dedaal shaqo raadin ah, balse wuxuu la kulmayaa dayro ku qotanta Albiinada oo uu ku dhashay. Wuxuu intaas ku daray in la fogeeyo beddelkii la soo dhowayn lahaa, taas oo ku abuurtay rajo xumo nololeed.
Noloshiisa ayaa ku tiirsan dawarsiga dadka oo uusan joogto u helin. Maalinka ugu badan wuxuu helaa $2. Lacagtaas ayuu sheegay in aysan nolol ahaan ku filnayn.
“bulshada marka koowaad waxaan kala kulannaa Midab takoor joogto ah, sababo la xariira inaan dadka u ekeyn. qofka haddii aad meel la fadhiisato waxaa uu ku leeyahay iga siko ha ii soo dhowaan cudur halis ah ayaad waddaa.”
Ninkan oo ah xaasle ayaa sanadkii 2018 soo galay magaalada Muqdisho, markii ay ku adkaatay nolosha magaalada Beledweyne oo ay deggan yihiin labadiisa waalid iyo saddex walaalihii ah oo sidiisa oo kale la nool Albiinada.
Wuxuu tilmaamay inuu caasimadda soo maciin bidday, markii shaqo gaari dhaqis ah uu ka helay deegaankiisa uu ku waayay takoor. Tan iyo markii uu yimid Muqdisho uma suura galin inuu shaqo helo. Waxaa ku adag tahay inuu tago suuqyada laga xoogsato caqabaha uu dadka kala kulmo awgood.
“Shaqo waa raadiyay meelwalba oo aan taggo dadka joogga waxa ay igu leeyihiin shaqeyn meysid ee orod meesha ka tag. Qof sidaasi u xanuunsan ayaad tahay noo shaqeynsid. Aniga markaasi waan iska soo baxaa.”
Xarumaha waxbarashada ayaa ka mid ah meelaha ay caqabaduhu ka haystaam. Maamuleyaasha iskuullada ayuu sheegay inay ku wargeliyaan in kaligiis aan fasal wax loogu dhigi Karin, maaddaama aysan ardeydu oggoleyn inuu la fadhiisto.
Cilmi ayaa intaas ku daray in tan iyo yaraantiisii uu jecel yahay in uu waxbarto, balse marna uusan helin fursad uu fasal ku fadhiisan karo.
Wuxuu xusay in laga aaminsan yahay qof aan waxba qabsan karin oo uu xanuunsan isla markaanaaan aan waxba baran karin.
“Ciyaalka Iskuulka haddii ay ku arkaan way ku tuuryaynaayaan. Waxay ku leeyihiin abtigiis ayaa habaaray. Midab takoorkaas ayaan ka kulannaa bulshada. Caqabado badan ayaa jira.,”
Ninkan oo xaaskiisa u diray qoyska ay ka soo jeeddo, markii uu ku filnaan waayay nolol-maalmeedkooda. Hadda keligii ayaa ku nool magaalada. Wax shaqo ah ma hayo. Waxaa ka warsugaya sida uu sheegay afadiisa, labadiisa waalid iyo walaalihiis.
Qaar ka mid ah dadka qaba Albiinada ayaa markii ay waayeen shaqooyinkii iyo waxbarasho ku dhiiraday in ay abuurtaan ganacsiyo yar yar si ay uga helaan nolol maalmeedkooda, balse dadka intooda badan waxba kama iibsadaan sababo la xariira midabkooda.
Ibraahim Sheekh Cabdullaahi oo 36 jir ah wuxuu quus ka taagan wax-soo-saarka miis ay u saaran tahay maacuun oo uu dhigto waddooyinka suuqa weyn ee degmada Xamarweyne.
Dhaqaalaha ka soo gala ayaa ku filnaan la’da isaga, xaaskiisa iyo carruurtiisa oo afar ah. wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay inuu takoor kala kulmo macaamiisha iyo dadka suuqleyda ah.
Ganacsiga ayuu xusay inuu ku bilaabay lacag dhan $600 oo uu siiyay nin ganacsade ah oo sako bixinayay sanadkii 2021.
Ibraahim ayaa sheegay in hadda maalinkii uusan ka helin ganacsigiisa wax ka badan $1 oo uu qarka u saaran yahay inuu burburo. Waxay noloshiisa ku tiirsan tahay dhaqaale kooban oo ay ku caawiyaan dad ehello ay yihiin.
Ninkaan ayaa sheegay in dadka haysta ganacsigiisa oo kale ay helaan lacag dhan $5 maalintii ama ka badan, balse isaga ay soo wajahday midab takoor keenay in aan waxba laga iibsan oo dadka ay ka cararaan.
“Waxaa hadda Miiska saaran oo dhan waa labaatan iyo Shan dollar oo wixii kasoo baxa aan ka raadinaayo biilka Carruurta. Waan iska imaansaday intii aan dadka baryi lahaa waxaa la yiri tuugmo-bilaadaan baahi kaama goyso.”
Ibraahim ayaa tilmaamay in dhaqaatiirta ay kula taliyeen in uu qaato daawooyin iyo dhar ilaalinayay badqabka maqaarkiisa, balse aysan awoodin.
“Caafimad ayaan u baahanay, waxbarasho ayaan u baahanahay, waxaa jira kareemooyin jirka la marsado ma iibsan karno, waxaa jira kuwa qorraxda laga marsado iyo qaar maqaarka ah ma awoodno, waxaa kaloo jira Ookiyaal loogu tala galay dadkeena ma awoodno.”.
Albinism-ku waa xaalad lagu dhasho oo ku jirto qeyb ama gebi ahaanba maqnaanshaha midabka maqaarka, timaha, iyo indhaha. Waa xaalad naadir ah oo la iska dhaxlo, taas oo ay carruurtu ku qaadi karaan haddii labada waalid ay qabaan. Waa mid aan la kala qaadin, taasoo la macno ah in qofka qaba uusan u gudbin karin qof kale sida uu Raadiyow Ergo u sheegay Shaafici Maxamed khabiirka dhakhtar cudurrada guud.
Wuxuu ku taliyay in la sameeyo wacyigalin guud oo ku saabsan xaaladda caafimaad ee dadkaasi oo mugdi badan la galiyay, maaddama aan bulshada loo sharraxin takoorkana oo ay keenayso aqoon la’aan.
“Cudurka Albinism-ka haddii aan ka waramo maahan cudur la is qaadsiiyo. Ma lagu kala qaado cundhuufta, taabashada ama in cunto la wada cuno, cudurkaan waxaa uu ku yimaadaa xaalad hido-side ah ama Genitag ah mana faafo. Arintaasi maahan mid la xariirta cudurka waa in dadka ay siddaasi u fahmaan oo la siiyo wacyigalin.”
Lama oga ilaa hadda tirada rasmiga ee dadkan cudurkaan qaba ee jooga Muqdisho. Dadka aan la kulannay waxaa ka muuqday duruufo gaar ah oo ay ka mid tahay dhibaato uga imaanaysa cimilada isbeddelaysa. Xilliyada qaar waxaa ku adag inay xoogsi tagaan kulaylka cadceeda oo uusan u adkaysan karin maqaarkooda awgeed.