(ERGO) – Qoysaskan oo daggan meelo bannaaan oo ka baxsan xeryaha ma haystaan guryo, musqulo iyo adeegyada aas-aasiga u ahaa nolashooda. Waxaana intaas u dheer in qaarkood ay ka barakacaan roobka Gu’ga oo xeryaha Dhadhaab ka billowday 24 bishii Maarso.
Waxaa ka mid ah dadka roobku saameynta ku yeeshay Diini Cali Cismaan oo noloshu ku sii adkaatay, markii uu roobku qaaday aqallo ulo iyo maryo ka samaysnaa oo bannaanka xerada Xagardheer ku yaallay.
Ninkaan oo lugaha naafo ka ah ayaa xusay in xilli saq-dhexe uu daad galay daashash saddex ah oo ay daganaayeen isaga iyo saddex xaas oo uu qabo waxaana biyuhu ay galaafteen dhammaan agabkii yaallay.
“Hadde roobku waxuu noqday wax faro ka bax ah oo ilaahay xaggiisa ka imaaday. Guryaha dunsan waa kuwaas aniga ayaa is kaleh. Raashinkii ciyaalka, budadii iyo burkii kuli way naga qoyeen. Waan gaajaysanahy guryihiina nin hada ii dhisayo.”
Diini oo aabbe u ah 13 carruur ah oo kan ugu wayn uu jiro 14 sano wuxuu sheegay in rajo xumo badan uu kala kulmay imaanshaha xeryaha oo uu ka filanayay nolol wanaagsan.
Wuxuu intaa ku daray in uusan helin tan iyo marka uu yimid xeryaha kaalmo dhaafsan warqadda aqoonsiga qoxootinimo nolashiisuna marba marka ka danbeysa ay sii adkaanayso.
“Waxaa dhacday afur inaan wayno annagoo bishii ramadaan ku jiro kaddibna dad gaari wata ay noo imaadeen ayna na siiyeen nuskiilo timir ah taasaana ku afuray xalay iyo habeen hore.”
Ninkan iyo qoysaskiisu waxay ahaayeen beeralay ku tiirsan dalagga uga soo go’ayay beer ay ku lahaayeen tuulada Haraale oo hoos tagta Degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe.
Qoyska Diini waxay xerada Xagardheer yimaadeen 28 bishii Agoosto ee sanadkii 2022. Wuxuu nasiib u yeeshay inuu ka mid noqdo dadka helay aqoonsiga qoxootinimo oo lagu qaato raashin kooban oo la siiyo dadka ku nool xeryaha Dhadhaab.
Xaawo Mansuur oo ka mid ah dadka dhawaan yimid xeryaha waxay ka mid tahay dadka roobabka da’ay ay saamaynta nolal xumo ku reebeen.
Haweyneydaan waxaay sheegtay in qoyskeeda hadda ay dulsaar ku yihiin dad danyar ah oo wax yar uga soo horreeyay xeryaha.
Daash yar oo markii horeba u nuglaa dabeysha iyo qoraxda ayay tilmaantay in uu hadda ka burburiyay daadadkii ka dhashay roobabkii xooganaa ee ka da’ay xeryaha.
“Inta markii aan imid guri ay isiiyeen dad ehello aan nahay oo aan dulsaar ku ahaa wuu dumay. Hadda bannaanka ayaan taaganahay. Guri malihi musqul malihi raashina ma haysano gaajo ayaa jirto ani iyo ciyaalku banaan cidlo ah ayaan fadhinaa. Bac iyo alaab ma haysano rafaad aduun baan qabnaa.”
Xaaawo oo hooyo u ah 8 carruur ah ma aysan mahadin imaanshaha xeryaha Dhadhaab. Waxay sheegtay in ay la kulantay nolal ka adag tii ay ka soo carartay.
Xaawo waxay xustay in 4 caruur ah iyo ninkeedii ay kaga timid deegaankii ay ka soo barakacday isla markaana aysan xiriirkooda helin in muddo ah.
Sida ay Radiyow Ergo u sheegtay waxay ahaayeen beeralay ay nolashoodu ku tiirsaneed cunooyinka ka baxa beer ay sheegtay in ay ku lahaayeen gobolka Jubbada dhexe.
Abaar ku dhufatay deegaankeeda ayaa sabab u noqday in beerteeda ay u weysay biyo, taas oo nolosha ku sii adkaysay ugu dambeyna waxaa ay go’aansatay in ay u soo diga-rogoto xeryaha Dhadhaab oo ay kala kulantay wax ka duwan filashadeedii.
“Rafaad, gaajo iyo biyo la’aan ayaa Kenya keentay. Dad walaal ah oo muslim ah ayaa noo danqaday sidaas ayaana ku imaanay.”
Qoyska Xaawo oo ka soo barakacay tuulada Baladul-kariim ee gobolka Jubbada Dhexe. Waxay xerada qoxootiga ee Dhadhaab yimaadeen 18 bishii Maarso ee sanadkan.
Shariif Aadan Cabdille waa gudoomiyaha xaafada tobanaad ee xerada Xagardheer oo u dhaw halka qoxootiga cusub deegaanka u ah, wuxuu sheegay in meelaha ay deggan yihiin oo ah dooxyo biyo-mareen ah ay si iskood ah u dageen horayna ay dulsaar ku ahaayeen xaafadda uu maamullaha ka yahay.
“Cali garoob iyo calalo meelaha laga soo uruuriyay oo laysku xir xiray ayay ku hoyan jireen roobkii ayaa ku da’ay. Hadda guryihii way wada dumeen nolashooduna halis ayay ku sugan tahay.”
Burburka roobku uu u gaystay guryihii ay ku noolaayeen dadkan waxaa u dheer sida uu sheegay Shariif in aysan haysan biyo nadiif ah oo ay cabaan qoysaskaan.
Dadka daggan biyo-mareenka dhaca duleedka xaafadda tobnaad oo ah 380 qoys waxay ka soo qaxeen gobollada Jubooyinka, Bay, Bakool iyo Gedo.










