Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Ku dhawaad 400 oo qoys oo daadad ay ka qaadeen guryo cooshado ah oo dhisnaa

Radio Ergo by Radio Ergo
April 7, 2023
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Dhadhaab: Ku dhawaad 400 oo qoys oo daadad ay ka qaadeen guryo cooshado ah oo dhisnaa

Diini iyo carruurtiisa oo fadhiya bannaanka gurigiisa/Bashiir/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qoysaskan oo daggan meelo bannaaan oo ka baxsan xeryaha ma haystaan guryo, musqulo iyo adeegyada aas-aasiga u ahaa nolashooda. Waxaana intaas u dheer in qaarkood ay ka barakacaan roobka Gu’ga oo xeryaha Dhadhaab ka billowday 24 bishii Maarso.

Waxaa ka mid ah dadka roobku saameynta ku yeeshay Diini Cali Cismaan oo noloshu ku sii adkaatay, markii uu roobku qaaday aqallo ulo iyo maryo ka samaysnaa oo bannaanka xerada Xagardheer ku yaallay.

Ninkaan oo lugaha naafo ka ah ayaa xusay in xilli saq-dhexe uu daad galay daashash saddex ah oo ay daganaayeen isaga iyo saddex xaas oo uu qabo waxaana biyuhu ay galaafteen dhammaan agabkii yaallay.

“Hadde roobku waxuu noqday wax faro ka bax ah oo ilaahay xaggiisa ka imaaday. Guryaha dunsan waa kuwaas aniga ayaa is kaleh. Raashinkii ciyaalka, budadii iyo burkii kuli way naga qoyeen. Waan gaajaysanahy guryihiina nin hada ii dhisayo.”

Diini oo aabbe u ah 13 carruur ah oo kan ugu wayn uu jiro 14 sano wuxuu sheegay in rajo xumo badan uu kala kulmay imaanshaha xeryaha oo uu ka filanayay nolol wanaagsan.

Wuxuu intaa ku daray in uusan helin tan iyo marka uu yimid xeryaha kaalmo dhaafsan warqadda aqoonsiga qoxootinimo nolashiisuna marba marka ka danbeysa ay sii adkaanayso.

“Waxaa dhacday afur inaan wayno annagoo bishii ramadaan ku jiro kaddibna dad gaari wata ay noo imaadeen ayna na siiyeen nuskiilo timir ah taasaana ku afuray xalay iyo habeen hore.”

Ninkan iyo qoysaskiisu waxay ahaayeen beeralay ku tiirsan dalagga uga soo go’ayay beer ay ku lahaayeen tuulada Haraale oo hoos tagta Degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe.

Qoyska Diini waxay xerada Xagardheer yimaadeen 28 bishii Agoosto ee sanadkii 2022. Wuxuu nasiib u yeeshay inuu ka mid noqdo dadka helay aqoonsiga qoxootinimo oo lagu qaato raashin kooban oo la siiyo dadka ku nool xeryaha Dhadhaab.

Xaawo Mansuur oo ka mid ah dadka dhawaan yimid xeryaha waxay ka mid tahay dadka roobabka da’ay ay saamaynta nolal xumo ku reebeen.

Haweyneydaan waxaay sheegtay in qoyskeeda hadda ay dulsaar ku yihiin dad danyar ah oo wax yar uga soo horreeyay xeryaha.

Daash yar oo markii horeba u nuglaa dabeysha iyo qoraxda ayay tilmaantay in uu hadda ka burburiyay daadadkii ka dhashay roobabkii xooganaa ee ka da’ay xeryaha.

“Inta markii aan imid guri ay isiiyeen dad ehello aan nahay oo aan dulsaar ku ahaa wuu dumay. Hadda bannaanka ayaan taaganahay. Guri malihi musqul malihi raashina ma haysano gaajo ayaa jirto ani iyo ciyaalku banaan cidlo ah ayaan fadhinaa. Bac iyo alaab ma haysano rafaad aduun baan qabnaa.”

Xaaawo oo hooyo u ah 8 carruur ah ma aysan mahadin imaanshaha xeryaha Dhadhaab. Waxay sheegtay in ay la kulantay nolal ka adag tii ay ka soo carartay.

Xaawo waxay xustay in 4 caruur ah iyo ninkeedii ay kaga timid deegaankii ay ka soo barakacday isla markaana aysan xiriirkooda helin in muddo ah.

Sida ay Radiyow Ergo u sheegtay waxay ahaayeen beeralay ay nolashoodu ku tiirsaneed cunooyinka ka baxa beer ay sheegtay in ay ku lahaayeen gobolka Jubbada dhexe.

Abaar ku dhufatay deegaankeeda ayaa sabab u noqday in beerteeda ay u weysay biyo, taas oo nolosha ku sii adkaysay ugu dambeyna waxaa ay go’aansatay in ay u soo diga-rogoto xeryaha Dhadhaab oo ay kala kulantay wax ka duwan filashadeedii.

“Rafaad, gaajo iyo biyo la’aan ayaa Kenya keentay. Dad walaal ah oo muslim ah ayaa noo danqaday sidaas ayaana ku imaanay.”

Qoyska Xaawo oo ka soo barakacay tuulada Baladul-kariim ee gobolka Jubbada Dhexe. Waxay xerada qoxootiga ee Dhadhaab yimaadeen 18 bishii Maarso ee sanadkan.

Shariif Aadan Cabdille waa gudoomiyaha xaafada tobanaad ee xerada Xagardheer oo u dhaw halka qoxootiga cusub deegaanka u ah, wuxuu sheegay in meelaha ay deggan yihiin oo ah dooxyo biyo-mareen ah ay si iskood ah u dageen horayna ay dulsaar ku ahaayeen xaafadda uu maamullaha ka yahay.

“Cali garoob iyo calalo meelaha laga soo uruuriyay oo laysku xir xiray ayay ku hoyan jireen roobkii ayaa ku da’ay. Hadda guryihii way wada dumeen nolashooduna halis ayay ku sugan tahay.”

Burburka roobku uu u gaystay guryihii ay ku noolaayeen dadkan waxaa u dheer sida uu sheegay Shariif in aysan haysan biyo nadiif ah oo ay cabaan qoysaskaan.

Dadka daggan biyo-mareenka dhaca duleedka xaafadda tobnaad oo ah 380 qoys waxay ka soo qaxeen gobollada Jubooyinka, Bay, Bakool iyo Gedo.

Previous Post

Gedo: Xoolo-dhaqato iyo daanyeerro ku diriraya miyiga tuulada Garas-duulan oo abaar daran ay ka jirto

Next Post

Jarar: Beeraley wajahaya dhaqaale xumo iyo rajo beel markii uu daad ka burburiyay beerro u tacbanaa iyo guryihii ay ku noolaayeen

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Jarar: Beeraley wajahaya dhaqaale xumo iyo rajo beel markii uu daad ka burburiyay beerro u tacbanaa iyo guryihii ay ku noolaayeen

Jarar: Beeraley wajahaya dhaqaale xumo iyo rajo beel markii uu daad ka burburiyay beerro u tacbanaa iyo guryihii ay ku noolaayeen

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo