Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Jarar: Beeraley wajahaya dhaqaale xumo iyo rajo beel markii uu daad ka burburiyay beerro u tacbanaa iyo guryihii ay ku noolaayeen

Radio Ergo by Radio Ergo
April 10, 2023
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Jarar: Beeraley wajahaya dhaqaale xumo iyo rajo beel markii uu daad ka burburiyay beerro u tacbanaa iyo guryihii ay ku noolaayeen

Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qoyska Shiine Axmed Imaan wuxuu tan iyo 27 Maarso dulsaar ku yahay reer ay ehello yihiin. Waxaa saameyn ku yeeshay daad ka burburiyay guri uu daganaa iyo dalagyo uga baxayay beer uu leeyahay.

Xaaladan ayaa qoyskiisa ku kaliftay inay ka barakacaan degmada Gunagado oo ay ku noolaayeen markii biyuhu ay la tageen qaarna aaseen aqal Soomaali hoy u ahaa, agabkii cuntada, kii jiifka iyo raashiin u yaallay.

Tuulada Afmadow oo 10 km u jirta halka uu ka barakacay ayay kula nool yihiin qoys qaraabo la ah oo ka caawiya hoyga iyo cuntada. Waloow caawinaad uu helay hadane wuxuu sheegay inaysan aheyn nolol u dhiganta tii ay ku noo laayeen.

Ninkan ayaa sheegay in rajadiisu aheyd in horraanta bishan uu goosto galley, masago, qare, yaanyo iyo basbaas uga baxayay beertiisa oo saddex hiktar ah, balse wax walba ayaa is baddelay dhammaadka bishii hore, markaas oo biyo ka dhashay roobka Gu,ga oo ka soo rogmaday dooxada Garasley degmada Gunagado ee gobolka Jarar ay cagta mariyeen beertiisa.

“Xilli diraac ahbay aheyd meel 30 km loo socdo bey biyuhu nagaga yimaadeen macnaha biyo meel kale ka soo duulay bay ahaayeen. Guud ahaan wey na saameeyeen.”

Shiine oo aabbe u ah sagaal carruur ah ayaa tilmaamay in arintan uu ka dhaxlay dhaqaale xumo iyo rajo beel sababay inuu ku filnaan waayo maareynta nolosha qoyskiisa. Qasaaraha gaaray oo uusan u hayn xal uu uga soo kabto ayaa walwal ku haya.

Waxa uu xusay in beerta oo uu tacbay dhammaadkii Nofeember uu galiyay qarash gaaraya $950 oo uu deyn uga soo qaatay ganacsato deegaanka ah. Wuxuu qorsheynayay inuu iska gudo markay u soo go’do beerta oo uu tilmaamay inuu ka filayay faa’iido siddeed laab ka badan dhaqaalaha ka galay.

“Gaari iska roge ah baan rabay inaan ka gato oo aan ku xamaasho oo ka shaqeeya dhagaxa iyo carrada.”

Shiine ayaa sheegay in deynta lagu leeyahay ay ka hor istaageyso in dib uu u tacbado beertiisa marka biyuhu ay ka baxaan, maadaama sida uu xusay uusan qaadan karin deyn kale isagoo aan bixin tii hore.

Ninkan ayaa ka mid ah beeraley gaaraya illaa labo boqol oo daadku ka burburiyay dalagyo uga baxayay dhul beereed cabirkiisu yahay 600 oo hiktar.

Beerta ayaa aheyd isha kaliya ee dhaqaale ee nolosha qoyskiisu ay ku tiirsaneyd. Musiibada saameyay ayuu tilmaamay inay ku soo beegantay xilli uu filayay inuu ka soo kabto roob yari sababtay inuusan waxba beeran labo xilli roobaad oo la soo dhaafay.

“Meeshan labo iyo tobankii biloodba mar ayaa wax la beertaa sanadkiina wey biyowday. Marka amar Ilaahay unbay aheyd. Korbaan uga soo baxnay anagoon waxba kala soo bixin.”

Beeraha daadku galay ayaa ah kuwo ku tiirsan biyaha roobka, kuwaas oo abuurka la galiyay bilihii Nofeembar iyo Diseembar ee sanadkii hore.

Axmed Cabdi Axmed waxa uu ka mid yahay beeraleyda daadku u geystay burburka hantiyeed. Wuxuu sheegay in qoyskiisu ay wajahayaan hoy xumo ayna ku nool yihiin aqal cooshad ah oo aan xajin karin qoraxda, qabowga iyo roobka, kaas oo ay ka dhisteen tuulada Afmadow oo ay ku barakaceen 28 Maarso.

Nolosha qoyskiisa ayaa hadda ku tiirsan meherad shaaha lagu iibiyo oo xaaskiisu ay furatay. Waxay ku billowday $70 oo ay ka heshay ari labo neef ah oo ay gadday, kuwaas oo ka mid ahaa 27 neef oo ay weli dhaqdaan.

Axmed ayaa xusay in hadda reerku uu hal waqti wax ku karsado lacag $2 ah oo maalinkii ay ka helaan meheradda, halka markii hore ay heli jireen cunto saddexda waqti ah oo ku filan.

Axmed oo ah aabbaha siddeed carruur ah ayaa sheegay in biyuhu si isku mid ah ay uga baabi’iyeen aqal Soomaali reerku dagganaa iyo beer afar hektar ah oo ay uga baxayeen qare, yaanyo, galey iyo masago.

Wuxuu tilmaamay in beertan oo uu tacbay bishii Diseember ay biyuhu si lama filaan ah u soo galeen isagoo ku howlan gurashadeeda.

“Awood baan u weynay inaan wax ka qabano daadkii uu guuraya unbaa na soo galay. Lafahanagii ayaan yaa Alllaa kula baxnay. Saddex hiktar oo raashiin ah iyo hal hiktar oo xabxaba (qare) ayaa shaqsiyadeyda ii baxayay. Wixii yaraa oo la haystay ee nolosha aan ku maareyn jirnay iyada unbaan ku qarash gareynay. Aad iyo aad ayay saameyn noogu yeelatay qoyskeyga.”

Wuxuu tilmaamay in qasaaraha gaaray ka sokow lagu leeyahay deyn $530 ah oo uu ka qaatay ganacsato deegaanka ah, balse xaaladda oo is baddeshay awgeed wuxuu xusay in hadda bixinteeda uusan awoodin.

Axmed ayaan weydiinay inay soo gaartay digniin bishii hore ee Maarso ay xukuumadda deegaanka Soomaalida soo saartay, taas oo dadka loogu sheegay inay ka fogaadaan dhulka godanka ah oo ay macquul tahay inay ka dhacaan daadad iyo fatahaad ay geystaan togagga iyo wabiyo mara deegaanka.

“Way na soo gaartay laakiin meel horay looga bartay fatahaado may aheyn oo fatahaado sidan oo kale ah ka dhici jireen. Wax Ilaahay keenay oo hadda hor leh buu ahaa.”

Axmed ayaa xusay inaysan rajo uga jirin dib u tacbashada beertiisa. Sababta wuxuu ku sheegay dhaqaale uu wax ku billaabo oo uusan haysan.

Xafiiska beeraha ee degmada Gunagado oo si guud qiimeyn ugu sameeyay qasaaraha ka dhashay daadka ayaa shaagay in toddobo boqol oo qoys ay ku barakaceen isla markaana uu baabi’iyay dalag ay ku qiyaaseen afartan kun oo loor oo ka soo go’ lahaa beeraha.

Maxamed Xasan Salaan oo ah madax xafiiseedka beeraha degmada Gunagad ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in xafiisku diyaar u yahay in abuur uu ku caawiyo beeraleyda si noloshoodu u soo kabato, balse caqabadda jirta ay tahay in beerihii aysan hadda u diyaarsaneyn in la beerto oo ay fadhiyaan biyo. In ay qallaan ayuu xusay in ay qaadan karto ugu yaraan labo bil.

Previous Post

Dhadhaab: Ku dhawaad 400 oo qoys oo daadad ay ka qaadeen guryo cooshado ah oo dhisnaa

Next Post

Burco: Qoysas xoolo-dhaqato ah oo ku noolaa miyiga gobolka Togdheer oo xoolihii iska xaraashay si ay magaalada ugu helaan nolol fiican

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
Burco: Qoysas xoolo-dhaqato ah oo ku noolaa miyiga gobolka Togdheer oo xoolihii iska xaraashay si ay magaalada ugu helaan nolol fiican

Burco: Qoysas xoolo-dhaqato ah oo ku noolaa miyiga gobolka Togdheer oo xoolihii iska xaraashay si ay magaalada ugu helaan nolol fiican

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-MAY-2026

IDAACADDA 12-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo