Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

Burco: Qoysas xoolo-dhaqato ah oo ku noolaa miyiga gobolka Togdheer oo xoolihii iska xaraashay si ay magaalada ugu helaan nolol fiican

Radio Ergo by Radio Ergo
April 11, 2023
in Masiibooyinka, Wararkii u Danbeeyay
0
Burco: Qoysas xoolo-dhaqato ah oo ku noolaa miyiga gobolka Togdheer oo xoolihii iska xaraashay si ay magaalada ugu helaan nolol fiican

Kawsar Jaamac oo dhex fadhida mehradeeda magaalada Burco/Sidiiq Yuusuf Khalaf/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Waa xilli ay qorraxda kulushahay isu socodkana uu yar yahay. Dadka intooda badan magaalada waa ay ka xoroodeen si ay u soo yara nastaan, maaddaama ay tahay bil Ramadhaan, balse Maryan Cismaan waxay dhex fadhidaa mehrad yar oo ay ku leedahay deegaanka Ina-Afmadoobe oo 65 km u jirta Burco.

Haweeneydan ayaa dukaanka ku furatay lacag ay ka heshay 50 neef oo ari ah oo ay ku dhaqanaysay miyiga Ina-Afmadoobe. Ariga ayaa guud ahaan looga iibsaday $1,500. Lacagtan ayay sheegtay in $400 oo ka mid ah ay ku soo iibsatay jiingadda ay ku dhisatay guri. Halka $200 ay isaga bixisay daymo lagu lahaa, inta kale na ay ku billowday ganacsigan. Waxay iibisaa alaab bagaash ah, cunto iyo khudrad.

Maryan oo ah hoyada shan carruur ah ayaa xustay inay go’aansatay in ariga ay iibiso, markii ay abaarta soo noqonoqotay ay ku nacfi beeleen.

“Waxaanu ahayn xoolo-dhaqato. Xoolahayagu mar bay ahaayeen 200 neef oo manfac noogu filan, sida ay abaaruhu u soo noqnoqonayeen 70 ayuu ku soo uruuray. Marka aan arkay in noloshii hoos u sii socoto ayaan go’aan saday inaan wixii ka iibsamaya iibiyo.”

Labaatan neef oo xoolaha uga soo haray ayay sheegtay in toban ka mid ah ay la soo guurtay, halka tobanka kale ay uga soo tagtay dad ay ehel yihiin. Waxay qorsheeynaysaa inay iibiso marka ay abaarta ka soo kabtaan, kaddibna ay dukaankeeda ku ballaariso. Goobta ay wax ku iibiso ayay xustay inay ugu jirto kiro oo bishii laga qaado $12.

Maalinkii ayay sheegtay inay ganacsiga ka faa’ido lix doolaar. Waxay hadda ku rajo weeyntahay inay carruurteeda iskuul iyo dugsi ku darto, markii ay u aruurto lacag fiican.

“Qorshaygu waa inaan dib ugu noqon miyigii ee aan halkan iska degganaado oo caruurtu wax i barato. Dabakaayadan socodkeedu ma badna, haddana halkan ayaan isaga haysanayaa oo miyigii abaartu ku soo noqnoqonaysay ee arigu xayeeshaayey ee waxaad ka cunto iyo waxaad ka xirato aanu midna lahayn ku noqon maayo.”

Maryan oo ay ka muuqato farxad iyo isku filnaasho ayaa sheegtay in qoyskeeda ay hadda dabka u shiddo saddexda waqti maalinkii, halka marka hore ay hal waqti oo subixii ama habeenkii ah ay dabka shidan jireen. Haweeneydan oo isbar-bar dhigtay nolosha miyiga iyo tan magaalada ay tilmaantay in miyiga uu qofka xoolo-dhaqatada ah dhib badan ka maro maareeynta xoolaha, gaar ahaan xilliyada abaarta oo marba ay xoolaha meel ula hayamaan.

Dadka xoolo-dhaqatada ah ee soo xaraashaya xoolahooda, si ay magaalooyinka nolol fiican uga helaan ayaa sanadihii u dambeeyay ku soo kordhaaya gobolka Togdheer. Dadkan oo aan tiro sugan laga hayn ayaa si iskooda ah u soo degayaa magaalooyinka ku dhow.

Kawasar jaamac oo ah hooyada lix carruur ah, waxay labo bilood ka hor ka timid deegaanka Shaansha Cade oo Burco 95 km kaga beegan koonfur galbeed. Waxay sheegtay in abaarta ku soo noqnoqotay gobolka ay ku kalliftay inay iska soo xaraashto 35 neef oo ka mid ahaa 50 ari ah oo ay ku dhaqanaysay deegaankaasi, halka inta kale oo u gadmi weyday ay uga soo tagtay qoys ay qaraabo yihiin.

Waxay hadda nolosha qoyskeeda ka maareeysaa mehrad yar oo ay ku hor furatay guri jiingad ka sameeysan oo ay ka deggan tahay magaalada Burco. Dhulka ay guriga ku dhisatay waxaa ugu deeqday walaasheed.

“Arigii midba waxbaa la iga siistay, kuwa $30, qaar kale na $40. Adigu marka la isku soo celceliyo $1400 ayay i noqotay. Magaalada kun doolar ayaan la soo galay; afarboqol waxaan ku dhistay jiingad iyo guryo cooshada ah. Intii ii soo hadhay ayaan ku furtay meheradan.”

Kawsar oo ay ka muuqato firfircooni ganacsi ayaa xustay inaanay dib ugu noqonayn miyiga oo ay mudada dheer ku soo noolayd. Waxay tilmaantay in miyiga uusan hadda mustaqbal iyo hiigsi lahayn, abaaraha soo noqnoqday awgeed.

Haweeneydan oo ganacsigeeda maalinkii ka faa’iiddo shan doolaar ayaa ku han weyn inay carruurteeda waxbarashada ku darto. Waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in tan iyo markii ay Burco soo degtay ay nolosheeda isbeddel xooggan ka dareemayso.

Saleebaan Maxamed oo sidoo kale ka mid ah xoolo-dhaqatada magaalada u soo guurtay ayaa wuxuu Burco ka furtay maqaaxi shaax iyo cunto lagu iibiyo.

Ninkan oo ah aabbaha 8 carruur ah ayaa ka soo guuray deegaanka Shaleeli oo 85 km u jirta Burco. Wuxuu xusay in 120 neef oo ari ah oo uu deegaanka ku dhaqanayay uu iska iibiyay, markii ay abaar ka bixi weyday.

Saleebaan oo aad ugu faraxsan noloshiisa cusub ayaa sheegay in 6 carruurtiisa ah uu geeyay dugsi iyo iskuul, billowgii sanadkan.

Inkastoo ay dadka xoolo-dhaqatada ah ee ka soo xaroonaayo miyiga ay ku faraxsanyihiin nolosha ay ku haystan magaalada, haddana dadka qaar ayaa u arka in arrintan aysan ahayn mid wanagsan.

Cali Cabdi oo 75 jir ah, wuxuu ka mid yahay odi dhaqameedyada Soomaaliyeed ee ku nool miyiga. Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in xoolo-dhaqatada magaalada soo galaayo ay wax weyn u dhimeeyso wax soo sarkii reer miyiga lagu yaqaanay. Wuxuu xusay in arrintan uu isaga u arko qorsho xumo, maaddaama mehrad magaalada laga furay ay xilli walbo kala kici karto oo marnaba lagu beddelan karin xoolaha.

Previous Post

Jarar: Beeraley wajahaya dhaqaale xumo iyo rajo beel markii uu daad ka burburiyay beerro u tacbanaa iyo guryihii ay ku noolaayeen

Next Post

Muqdisho: warato oo ka cabanaya culays dhanka nolosha ah iyo suuq xumo markii laga barakiciyay goobo ay ku ganacsanayeen

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Muqdisho: warato oo ka cabanaya culays dhanka nolosha ah iyo suuq xumo markii laga barakiciyay goobo ay ku ganacsanayeen

Muqdisho: warato oo ka cabanaya culays dhanka nolosha ah iyo suuq xumo markii laga barakiciyay goobo ay ku ganacsanayeen

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo