Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Muqdisho: warato oo ka cabanaya culays dhanka nolosha ah iyo suuq xumo markii laga barakiciyay goobo ay ku ganacsanayeen

Radio Ergo by Radio Ergo
April 12, 2023
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Muqdisho: warato oo ka cabanaya culays dhanka nolosha ah iyo suuq xumo markii laga barakiciyay goobo ay ku ganacsanayeen

Maxamed Nuur oo ku sugan goobtiisa ganacsiga oo balbalayo yar /Rijal Cabdi/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Maxamed Nuur Xasan wuxuu awoodi la’yahay in uu bixiyo waxbarashada, kirada guriga iyo cuntadada carruurtiisa. Ninkan oo ah aabbaha siddeed carruur ah ayaa nolosha qoyskiisa ka maareyn jiray miis yar oo uu ku iibinayay suuqa degmada Xamarweyne ee gobolka Banadir.

Goobtii uu miiska dhiganayay oo ahayd meel ku beegan dukaan ayaa laga barakiciyay bishii Diseembar ee sanadkii la soo dhaafey. Wuxuu xusay in arrintan ay keentay inuu waayo macamiil badan oo ganacsigiisa ku xirnayd.

Wuxuu xusay in saddex jeer gurigiisa cunto laga karin jiray, ka hor inta aan la barakicin. Balse, hadda uu dhib ku keeno hal waqti. Culeeyska nololeed ee soo foodsaarey awgeed, wuxuu awoodi wayay inuu bixiyo $40 oo ah kirada guri jiingad ah oo uu ka degganaa degmada Kaxda.

Waxay dantu ku qasabtay inuu qoyskiisa dib ugu celiyo xero barakac ah oo ku taalla isla degmada bishii January ee sanadkan. Ninkan ayaa bishii Abriil ee 2021-kii ka soo raray qoyskiisa xero ku taalay degmada Dayniile.

“Tobanka saac oo galabnimo ayaa hal mar dabka loogu shidaa reerka. Wixii cuntadaasi nooga soo hara, quraac ahaan ayaan dib ugu cunnaa.”

Wuxuu hadda miis alaabta saaran uu ku qiimayay $300 ku iibinaya meel luuq ah oo aysan arki karin macaamiil badan oo ku taalla degmada Hodan. Wuxuu sheegay in maalinkii $2 ka badan uusan shaqeyn, halka markii hore uu galabtii la hooyan jiray lacag ka badan $10.

Saddex ka mid ah carruurtiisa oo dhigaanaysay fasalka koowaad ee dugsiga hoose ee Garasbeeley ay ka haray iskuulka bishii January ee sanadkan, markii uu awoodi waayay inuu ka bixiyo lacagtooda waxbarashada oo isku dar ahaan ah $30.

“Ilmo badan ayaa waxbarashadii ka istaagtay; laba gabadhood iyo hal wiil ayaan waxbarasho geeyay oo hadda lacagtooda aan tabar u waayay. Hadda guriga ayay iska jooggaan.”

Maxamed ayaa sheegay in sababta loo barakiciyay ay tahay in dadka ganacsatada ah ee ay ku hor iibsanayeen ay ka xumaadeen qiimaha jaban ee ay alaabta ku iibinayaan, taasi oo ay u arkeen in macaamiisha laga la wareegay.

Wuxuu tilmaamay in aysan jirin suuq loogu tala galay dadka waratada ah ee ku nool gobolka Banaadir, taas badalkeeda ay dhigtaan miisaska meelaha laamiyada ah iyo ganacsiyada hortooda.

“Meel waxaan rabnaa annaga aan wax ku gadanno, meel walba markii aan tagno waa na laga saaraya. Mararka qaar qoryo ayaa naloo soo qaadanaya meeshii aan degnaba waa kana xoog na looga saaraayo.”

Maxamed wuxuu billaabay ganacsiga waratada sanadkii 2017-kii. Waxaa soo maray sanado badan oo uu sheegay inay ahaayeen kuwo baraaro ah oo xataa fududeeyay in qoyskiisa ay ka baxaan barakaca.

Khasaaraha iyo hoos u dhaca joogtada ah ee ku yimaaday ganacsigiisa iyo kuwa waratada kale ee la midka ah ayuu u sababayay guur guurka joogtada ah ee hadba ay meel degaayaan, taasi oo keentay inay lumiyaan macaamiil ku xirnayd.

Maxamed Cabdiraxmaan Maxamuud oo ah 24 sano jir ay ku tiirsan yihiin lix carruur ah oo la dhalatay wuxuu lahaa, laba miis oo kala yaallay suuq Bacaad iyo Xamarweyne.

Ninkaan oo ka soo jeedda qoys danyar ah oo ku nool xaafadda Gubadley ee duuleedka Muqdisho ayaa sheegay in lix jeer laga raray meelihii u miiska dhigtay. Billowgii sanadkan ayuu sheegay in ganacsigii waratada uu iska dhaafey, markii uu awoodi wayay inuu sii wado, dhaqaalo la’aan awgeed.

Maxamed ayaa qoyskiisa siin jiray bishii lacag biil ah oo dhan $160. Balse, bilihii January iyo February wuxuu awoodi waayay inuu bixiyo lacagtaasi, taasina waxay keentay in hadda qoyska ay ku tiirsan yihiin hooyadiis oo aada dhar dhaqow. Waxaa ka khasaartey lacag dhan $700 oo doollar.

“Dhibaato adag ayaan ku nool nahay. Markii hore waxaan ahayn dad iska fiican oo guri i jaar ah ku jira oo aan wax dhib ah qabin. Aniga ayaa bixin jiray lacagta i jaarka guriga oo bishii $30 ahayd.”

Maalmaha Khamiista iyo Jimcaha ayuu dhigaanayay iskuul ay dhigtaan dadka waaweyn. Wuxuu maraayay fasalka 11-aad. Waxbarashada ayuu xusay inuu ka haray bishii Diseembar ee 2022-kii, markii uu awoodi waayay inuu bixiyo lacag dhan $18 oo si bille ah looga qaadi jiray.

Wuxuu tilmaamay in hadda uu ku jiro shaqo raadis oo uu doonaayo in uu noqdo xamaali ama badmaax oo ah shaqaddii uu markii hore qaban jiray uuna ka keenay lacagta uu ku sameystay ganacsigaan hadda ka kacay.

Guddiga ganacsatadada yar-yar ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir ay kala hadleen dhowr mar in la helo suuq ay ku shaqeysan karaan dadka danyarta ah. Maamulka ayay tilmaameen inuu u sheegay in suuq ku habboon loo raadinaayo.

Cali Barrow oo ka mid ah Guddi ay leeyihiin ganacsatada waratada ah ayaa sheegay in kun qof oo ka mid ah ganacsatadii waratada ahayd ay suuqa ka baxeen, halka kuwa soo harayna aysan suuq fiican haysan.

Previous Post

Burco: Qoysas xoolo-dhaqato ah oo ku noolaa miyiga gobolka Togdheer oo xoolihii iska xaraashay si ay magaalada ugu helaan nolol fiican

Next Post

Mudug: Dadka tuulada Huldooyaale oo nolol xumo wajahaya markii aanooyin qabiil dartood dab la qabadsiiyay guryahooda

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Mudug: Dadka tuulada Huldooyaale oo nolol xumo wajahaya markii aanooyin qabiil dartood dab la qabadsiiyay guryahooda

Mudug: Dadka tuulada Huldooyaale oo nolol xumo wajahaya markii aanooyin qabiil dartood dab la qabadsiiyay guryahooda

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo