(ERGO) – Qoyska Maryan Maxamed Maxamuud oo 8 qof ah ayaa ka mid ah 4,000 oo qoys oo bishii mar taleefoonnadooda ay ugu soo dhacdo lacagtan oo ah $70. Qoyskeeda ayay ka caawisay dhinacyada cunnada iyo waxbarashada.
Hay’adda WFP ayaa u billowday bishii Janaayo ee sanadkan. Tan iyo markaas waxaa u sahlanaatay in ay si joogta ah u helaan cunnada labo waqti maalintii, halka markii hore ay ku adkayd in ay helaan hal waqti.
Maryan waxay sheegtyay in uu ka yaaraday walwalkii badnaa ee ka haystay hubanti la’aantii dhinaca cunnada inkastoo ay xustay in lacagtan aysan ku filnayn carruurteeda, hooyadeed oo waayeel ah iyo nin la dhashay oo dulsaar ku ah.
“Ma nagu filna, laakiin sidee la yeelaa. Wixii Ilaahay ku siiyo waa lagu mahdinaa. Ilmo iyo hooyaday oo waayeel ah baa guriga ii jooga. Ma ku filnaanayso, laakiin Alle ayaan ku shukrinaynaa,“
Qoyska Maryan bishii May ee sannadkii hore ayay ka soo barakaceen deegaanka Ceel-wareegow ee gobolka Shabeellaha hoose, kaddib markii ay u adkeysan waayeen abaarta iyo colaadda ka jirtay tuuladaas.
Dadkan oo isugu jira carruur, haween iyo waayeel ayaa ka soo barakacay tuulooyin badan oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose sida Ceel-wareegow, Buulo-naagey, Lambar 60, Mushaane iyo kuwa kale oo hoos taga degmada Qoryooley, kolkii ay waayeen roobkii ay ku tacban lahaayeen beeraha iyo biyaha webiga oo yaraaday, taas oo sababtay inay culeys ku noqoto helidda nolol-maalmeedka qoysaskooda.
Ka hor barakaca qoyska Maryan waxay ku tiirsanaayeen shaqo xoogsi ah saygeedu uu qaban jiray. Lixdankii maalinba mar waxay ka heli jireen lacag u dhaxeysa $20 ilaa $25, taas oo raashin kooban u goyn jirtay.
Labo ka mid ah carruurteeda oo ku jira dugsiga hoose iyo dhexe ee tuuladeeda ayay ku bixisaa bishii $10. Waxay sheegtay in markii hore ay ku dhib badanayd helidda lacagta waxbarashada, balse lacagta bishii mar taleefoonka ugu soo dhacda ay ka caawisay.
Cabdulqaadir Cabdullahi Caddaani ayaa sidoo kale ka mid ah dadka ka faa’iidaysanaya kaararka lacagta ay ugu soo dhacdo.
Ninkan oo qoyskiisu yahay 9 qof ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in uu ka soo kabanayo cunno xumo sababtay in carruurtiisu ay gaajo ku seexdaan.
“Raashiinkii murug naguma haayo hadda. Hay’adda waan ka codsaneynaa inay noo sii waddo,’’
Wuxuu fursad wanaagsan u arkaa lacagta billaha ah ee loo billaabay, taasi oo uu helay bishii labaad. Wuxuu sheegay in ay ka caawisay nolol-maalmeedka oo ciriiri ku ahaa qoyskiisa markii hore.
Wuxuu xusay in uu iska dhaafay shididka geedaha oo dantu ku qasabtay si uu u maareeyo nolosha qoyskiisa.
Inkastoo dhinaca cunnada laga taageeray qoyska Cabdulqaadir waxaa haysta biyo yari iyo hoy xumo. Wuxuu sheegay in ay ku hoydaan guri cooshad ah oo qoraxda iyo qabowga aan ka difaaci karin.
Biyaha ayay qoyskiisu u arooraan masaafo qiyaastii u jirta 10 km, halkaas oo uu ku yaallo ceel gacmeed biyaha laga helo.
Wuxuu ka soo barakacay sanadkii 2021 tuulada Macallin-Cismaan ee gobolka Shabeellaha hoose, markii ay ka dhamaadeen xoolihii uu dhaqanayay oo ari u badnaa.
Lacagta loo billaabay Cabdulqaadir iyo qoysaska kale wuxuu qorshuhu yahay in ay socoto muddo labo sano sida uu sheegay maamulka magaalada Marka oo hay’adda WFP ay u soo wakiilatay lacagtan.
Cabdullaahi Shaacir ah guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada Marka ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in markii ay gudbiyeen hay’adaha samafalka xaaladda cunno xumo ee haystay dadka soo barakacay iyo kuwa abaarta ku xoolo beelay ay ka soo jawaabtay WFP.
Wuxuu tilmaamay in ay ka maamul ahaan ay qaateen doorka xulista dadka lacagta la siiyo. Wuxuu intaas ku daray in ay xusheen dadka ugu daran ee aan dabka shidan karin.
Gobolka Shabeellaha Hoose ee Koonfurta Soomaaliya waxaa uu kamid yahay gobollada ugu wax soo-saarka badan dalka, balse dadka deggan waxay dhibane u noqdeen aafooyin ay ka mid yihiin colaado sokooye iyo abaaro saameyn ku yeeshay noloshooda.










