(ERGO) – Laba boqol iyo kontan qoys oo 25 bishii Janaayo ku biiray 14 xero oo ku yaalla degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa wajahaya cunno xumo biyo yari iyo hoy la’aan
Qoysaskan oo ka soo cararay colaad u dhaxaysa ciidanka dawladda iyo Alshabaab waxay dulsaar ku yihiin qoysas horey barakaca ugu ahaa duleedka magaalada oo la-daalaa dhacayay nolol maalmeedka.
Nimco Ibraahim Axmed oo uu qoyskeeda ka kooban yahay 8 qof waxay dheriga iyo hoygaba la wadaagaan qoys deggan xerada Sooya. Waxay helaan cunno hal waqti ah maalintii.
“Dadkaan la degnay baan iskala nool nahay. Koley dabkooda waa shitaan annagana waan iskaga dhex jirnaa,”
Qoyska Nimco iyo qoysaska kale ee la midka ah waxay ka soo barakaceen tuulooyinka Jana-Cabdalle, Guba Kibir, Canjeel, Miido iyo Harboole oo kala Hoos taga Afmadow iyo Kismaayo.
Barakaca qoysaskan waxaa sababay saan-saan colaadeed oo ka taagan deegaanadooda. Waxay sheegeen inay ka cabsadeen in lagu dul dagaalamo.
“Meel Collaad ka jirto macaan ma yaalo, sidaas awgeed ayaan ula soo cararnay ilmaha,”
Nimco iyo qoyskeeda ma haystaan wax hoy ah oo ay ka galaan dhaxanta habeenkii iyo qorraxda. Maalintii waxay harsadaan geedo ku dhexyaalla xerada halka hebeenkiinna ay ku hoydaan buul si ku meel gaar ay u siiyeen dadka ku nool xerada.
“Buushashka barakacayaasha ay dhistaan oo kale ayaa ii dhisan oo maryo iyo geedo madaxa la isu galiyey ah,”
Nimco iyo qoyskeeda waxay ka soo barakaceen tuuladda Miido oo 25 km u jirta Afmadow iyagoo aan haysan wax gaadiid ah. Haweeneydan waxay la dhibtoonaysa korin carruurteeda oo agoon ah.
Qoyskan ayaa ku tiirsanaa beer shan hektar ah oo ku baxda biyaha roobka, taas oo ku taalla deegaanka ay soo guureen. Waxaa ugu beerna dalagyo bisayl ku dhawaa, balse rajo kama qabaan inay ku laabtaan sababo amaan dartood.
Dadka magaalada Afmadow ayaa boqol qoys oo ka mid ah barakaca cusub u aruuriyay raashin gaaraya 20 kiish oo isugu jiray bur, bariis iyo sonkor iyo saliid ay cunnada ku darsadaan sida uu raadiyow Ergo u xaqiijiyay Axmed Salaad oo ah madaxa guddiga barakaca u qaabilsan Jubbaland degmada Afmadow.
Koox isugu jira dhallinyaro, haween iyo culimo ayaa muddo toddobaad ah xaafadaha, masaajidda iyo suuqa degmada ka dhex waday olole ujeedkiisu ahaa in dabka loo shido dadka barakaca ah oo u badan haween iyo carruur.
Aadan Sheekh Cabdi Cali oo ka soo barakacay tuulada Saatu oo shan km u jirta Jana-Cabdalle oo hoos tagta Kismaayo ayaa sheegay in raashinkii yaraa ee la siiyey qoyskiisa uu ka dhamaaday. Wuxuu xusay inay gaajo ku seexdaan.
Xerada Abaq-banbow oo ka mid ah xeryaha ku yaalla duleedka Afmadow ayaa isaga iyo qoyskiisa ay ku biireen kowdii Febraayo. Wuxuu sheegay in xerada aysan ugu tagin dad iyaga wax dhaama. Wuxuu intaas ku daray inay helaan keliya biyo ay soo dhaamiyaan hay’adaha iyo maamulka degmada.
Qoyska Aadan oo ka kooban 12 qof waxay ku sugan yihiin hubanti la’aan dhanka cunnada ah. Nolosha barakacnimada ayuu sheegay inay ka fursan waayeen, markii ay ciidamo isku hor fariisteen tuuladoodii.
“Biyo waa naloo keena. Gawaadhi baa nookeenta oo biyahaas baan is cabnaa. Wax kale oo wax nasiiyana maanaan arag. Wax nagu xisabtama,wax meel nadajiya iyo wax wax noo keenaba ma jiraan,”
Qoyska Aadan Sheekh Cabdi wuxuu ku tiirsanaa beer toban hektar ah oo ku baxda biyaha roobka. Beerta hadda waxaa ugu beernaa gallay iyo digir. Waxay qorshanayeen inay goostaan, balse colaadda ayaa ku qasabtay inay ka soo tagaan.
Madaxa guddiga barakaca Jubbaland Axmed Salaad Xassan ayaa sheegay in aysan wali dadkan gaarsiinin wax gaar-gaar ah, balse ay diiwaan galiyeen si ay xogtooda ula wadaagaan hay’adda samafalka.
Axmed ayaa xusay inay maalinba maalinta xigta ay soo badanayaan dadka soo barakacaya oo xeryaha yimaada iyagoo lugaynaya isla markaanna wata carruur yaryar oo ay wejiyadooda ka muuqato gaajo iyo dhibkii safarka.
“Mahaystaan buste ama maro ay iskaga dadaan qabowga habeenkii. Dadbaa laba beri iyo sadex bari dabkoodu dansan yahay oo xaladoodu daran tahay,”
Xiisadda colaadeed ee gobolka dhawaan ka soo cusboonaatay ayaa laga cabsi qabaa inay sii kordhiso dhibaatooyinka bani’aadannimo ee ka jira gobolka oo horey dadka deggan ay u saamaysay abaar raadaysay noloshooda.