Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Galgaduud: Xoolo-dhaqato wajahaya xoolo yari iyo daaq la’aan markii ay colaad saameysay deegaanno u dhow oo daaq leh

Radio Ergo by Radio Ergo
February 19, 2023
in Wararkii u Danbeeyay
0
Galgaduud: Xoolo-dhaqato wajahaya xoolo yari iyo daaq la’aan markii ay colaad saameysay deegaanno u dhow oo daaq leh

Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Faarax Cali Cumar oo 120 ari ah iyo 8 geel ah ku dhaqanaya tuulada Magyoolay waxaa tan iyo 16 bishii Nofeembar ee sanadkii hore ka baxsaday 80 ari ah iyo 25 Geel ah. Xoolahan ayaa ka galay deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud oo daaq fiican leh, balse ay ku dagaallamayaan ciidamada Dowladda iyo Alshabaab.

Wuxuu ka mid yahay 5,000 oo qoys oo xoolahooda ku celinaya deegaannada Maygaag-duub, Magyoolay, Ardo iyo Cali-wayd oo abaar ay ka jirto sida ay sheegtay wasaaradda xannaada xoolaha Galmudug.

Faarax ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in xoolaha u haray uu ku celinayo deegaankiisa oo biyo yari iyo daaq la’aan ay ka jirto, tiiyoo ay jirto in waqtigiisa ugu badan uu galiyo ilaalinta xoolaha u aray.

“Habeenkii ayaa la qabiraa. Maxaa yeelay ubadkii oo u xiran ayay ka tagayaanba. Xooluhu waa saadalinayaan dhulka. Xoolaha baahi baa qabatay. Wax dheef ah oo looga xisaabtamaa ma jiraan.,”

Xoolaha ka galay dhulka colaaddu ay ka jirto ayuu sheegay in kuwii u danbeeyay ay ka baxsadeen labo bil ka hor. Raadintooda ayuu xusay in ay ku adagtahay, maaddama uusan u bareeri karin khatarta amaan ee ka jirta deegaannada ay galeen.

“Dagaalka weli saameyntiisu way taagan tahay. Dhulka wax laga cuni lahaa oo naqu ku yaal ee tigaaddu gashay waa la isku weeraraa markasta,”

Faarax sidoo kale colaadda wuxuu ku waayay meherad uu shaaxa ku iibinayay. Wuxuu sheegay in ay ka mid noqotay hanti ay Alshabaab burburiyeen, markii horraantii bishii Oktoobar ay qabsadeen deegaanka Magyoolay, balse dib gacanta dowladda u gashay.

Maqaayaddan ayuu ka soo saari jiray nolol-maalmeedka caruurtiisa oo 11 qof ah, maaddaama xoolaha u haray ay wajahaan roob la’aan haysa muddo ka badan labo xili roobaad.

Waxay dantu ku qasabtay in raashinka hal waqti ay cunaan qoyskiisa uu qaab dayn ah uga soo qaato bakhaarro ku yaalla deegaanka Baxdo. Ganacsatada iskaleh ayuu ku la heshiiyay in uu bixin doono dayntaas marka xoolihiisa ay iib u yeeshaan.

Hayeeshee wuxuu ka walaac sanyahay xaaladda ay ku sugan yihiin xoolihiisa oo dhul daaq la’aan ah jooga iyadoo deegaan qiyaastii u jira 15 km oo daaq leh uu colaad darteed u gayn waayay.

“Dhibaato qof uma dhimana haddii neef bahaahin ah qofkii uusan badar u hayn baadkii dhulka ku yaallayna uusan daajin karin,”

Reer guuraaga uu ka mid yahay Faarax ayaa u badan qaar ka soo barakacay dhulka colaaddu ay ka jirto iyo kuwa ka soo roob raacay deegaanno kale, hayeeshee, ku hungoobay in xoolahooda ay daaq u helaan.

Dadkaas waxaa ka mid ah Xaashi Cali Maxamed iyo qoyskiisa 9 qof ka kooban. Waxa uu ka

soo ka soo hayaamay degaanka Burdiir oo 30 km u jira tuulada Laan-mareer oo uu ku dhaqanayo 160 ari ah iyo labo Awar oo uu rarto.

Deegaanka uu yimid bishii Nofeembar waxaa ka da’ay roob aan badnayn oo daaq ka dhashay ay reer guuraa badan dul dageen.

Xaashi wuxuu rajaynayay in uu u sii gudbo dhulka daaqa badan leh inkastoo colaaddu ay caqabad ku noqotay.

Xaashi intaas waxaa u dheer in qiimo sare uu ku iibsado biyo ay booyado geeyaan deegaanka uu ku nool yahay iyo xoolaha u jooga oo ay beec la’aan ku dhacday caato darteed.

“Dadka reer miyiga ah xoolaha ayay ka helaan lacagta xoolihiina wax lacag ah waa goyn waayeen, biyaha dayn ayaan ku helaa. Walaal maalintii $5 ilaa $6 ilaa $4 ayaan ku cabaa mana bixin karo,”

Wuxuu sheegay in qoyskiisa ay dabka saartaan cunnada labo waqti maalintii. Raashinka ay karsadaan waxaa ka caawiyay nin ay walaallo yihiin oo deggan Cadaado.

Agaasimaha wasaaradda xannaanada xoolaha Galmudug Dr-Saleemaan Maxamed

Saalax ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in Galmudug ay qorshayneyso sidii xoolo-dhaqtada loogu heli lahaa dhul ka caaggan colaadda oo xoola ay daaqsadaan.

Wuxuu uga digay u dhawaanshaha dhulka lagu dagaalamayo oo khatar amni ay ka jirto inta dowladdu ay ka hubineyso badqabkooda.

“Meeshu waa miineysan tahay. Qofkii in la dilo ayaa laga yaabaa. Xoolihii in laga dhacaa laga yaabaa. Marka xoolo dhaqatadu waa in ay ka joogaan halista inta xal la helayo,”

Previous Post

Jubbada hoose: Qoysas ku barakacay colaad oo cunno yari iyo hoy xumo ku wajahaya xeryo ku yaalla Afmadow

Next Post

Galgaduud: Qoysas abaar ku xoolo beelay oo u hayaamay xeryaha Cabudwaaq

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Beledweyne: Muruq-maalkii fatahaadu saamaysay oo loo qaybiyay cunto iyo biyo

Galgaduud: Qoysas abaar ku xoolo beelay oo u hayaamay xeryaha Cabudwaaq

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo