Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Galgaduud: Qoysas abaar ku xoolo beelay oo u hayaamay xeryaha Cabudwaaq

Radio Ergo by Radio Ergo
February 20, 2023
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Beledweyne: Muruq-maalkii fatahaadu saamaysay oo loo qaybiyay cunto iyo biyo

Keydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Lix kun iyo labo boqol oo qoys oo ku xoolo beelay abaarta ka jirta deegaanada Soomaalida ayaa dulsaar ku noqday qoysas horay u degganaa 11 xero oo ku yaala duleedka degmada Cabudwaaq ee waqooyga gobolka Galgaduud. Dadka oo ka kala imaanaya gobolada War-dheer, Doolo, Faafan ee dawlad-deegaanka Soomaalida iyo gobolka Galgaduud ayaa miciin bidaya in ay barakaca ku biiraan tan iyo billawgii bishaan Febraayo.

Bishaar Cali Maalin, oo ka mid ah 650 qoys oo labadii toddobaad ee la soo dhaafay ku biiray xerada Alle-aamin, ayaa hadda dulsaar ku ah qoys ay ehel yihiin oo horay u degganaa xerada. Sadex iyo toban bari oo qoyskiisa oo sagaal qof ah uu deggan yahay waxa ay hal waqti dabka wada saartaan Masago aan iidaan lahayn oo ay soo daynsadeen reerka ay martiyeen.

“Qof aan hantina lahayn hoyna lahayn dad dhanna ah oo reer awal anyar ahaa soo dul fariistay, ma’aaminsani in aan shan bari sidaan u siiwadi karno, mana aamisani haddaan ilaahay jid noofurin ama aadanaha iyo hay’aduhu aysan noo gurman, ma’aamisani in toban bari dadkaan gaari karo ama lagu sii wadi karo haddii ay hoy noqoto haddii ay biyo noqoto iyo haddii ay wax la dhadhamiyotahayba dha kasto oo ay noqotaba gees kasta oo ay tahayba haddaan ilaahay jidnoga furin.

Ninkan waxa uu qoyskiisa kala soo lugeeyay deegaanka Yamaarugle ee gobolka Doollo ee dawlad deegaana Soomaalida oo Cabudwaaq 70 km dhanka galbeed ka xiga, markii ay abaarta sadexda sano jirsatay ka dhamaaysay 250 neef oo ari ahaa oo uu dhaqan jiray.

Waxa uu sheegay in markii deegaanka looga yeeshay lacag dayn ah oo gaaraysa 10 kun oo birta Itoobiya ah xoolihina ay ka marteen uu go’aan saday in uu dadka la aado meel ay ugu yaran ka heli karaan biyo, sida uu sharraxayo.

“Annagu xoogaagaas hantida ah ayaan meesha ku haysan jirnay iyagiina markii ay dhamaadeen waxaan isdhahay meeshii biyo kuugu dhaw ama hay’ad iyo laga yaabo in ay timaado horta beel biyo leh dadka kula carar ayaan anigu isdhahay dadka horta la carar duunyo tagtaye. Waan soo

lugaynay habeenba meel iyo maalinba meel saan u soo deggaynay horta dadkii oo naftu ku jirto wan la nimid, laakiin wax kale aysan u wehlin ayaan Cabudwaaq soo galnay”

Bishaar markii uu yimid magaalada waxa uu isku dayay in uu xoogsado si uu u maareeyo nolosha reerka, balse waxa uu sheegay in uu waaya wax shaqo ah. Waxa kaliya ee uu garanayo sida looga shaqeeyo ayaa ah dhismaha guyaha oo uu iyadana ka yaqaano gaynta dhagaxda iyo dhoobada, balse uusan garayn sida loo dhiso.

Shaqo wayntiisa waxa uu u sababeeyay dhaqaalo-xumo ka dhalatay abaarta oo miyi iyo magaalaba iskusi u saamaysay si uu culeeyska uga yareeyo qoyska u martida u yahay, wuxuu maalmaha qaar dawarsi u aadaa suuqa.

Ninkan oo waligiis aan u baahan gacan dad kale ee xoolihiisa dhaqanayay waxaa uu raadiyow Ergo uga warramay dareenkiisa marka uu dadka u dansheganaayo.

“Markaan wax hasto dadka in aan ka asturanahay waan jeclaa, laakiin hadda yaxyax (xishood) waa iga soo dhamaaday, qof aan aqan inaan iraah wax iidhiib ama ilmahaan ila arag kama xishoodo hadda oo danbaa igu kaliftay. Laakiin markii hore waxaan isku quuray maahayn, haddana haddaan wax helo in aan iska ilaalsho waan jeclaan lahaa. Lakiin dan ayaa taagan, waana ku noqnoqdaa iyada oo dhan ay kaliftay. Waxaana kuu sheegayaa qof qabwayn haddaa aragto waa qof nool oo ka maarmi kara, laakiin naf dhacaysa haddii lagu dhaho waxaa celin karta suntan waad cabaysaa”.

Dhanka kale dadkii horay u degganaa xeryaha ay dadkaan ku soo qulqulayaan ayay saamayn ku yeelatay arrintaan, maadaama iyaga oo noloshooda la daalaadhacayay haddana ay marti galiyeen qoysas tiro ahaan aad u badan.

Nasro Aadan Ibraahim waxaa reerkeeda dulsaar ku noqday labo qoys oo ay qaraabo yihiin oo ka kooban 13 qof. Waxa ay sheegtay in iyada iyo

carruurteeda oo ay ku adkeed in ay hal waqti wax cunaan ay dadkan soo martiyeen.

Waxa ay xustay in iyada oo dareemaysa mas’uuliyadda ka saaran dadka soo miciin saday ay si halmar dabka ugu shiddo ay magaalada u aadaa dawarsi iyada oo naawilaysa in ay hesho cid caawisa.

Qoyska Nasro ayaa shan sano ka hor soo degtay xerada Salaamo ee duleedka magaalada Cabudwaaq markii 270 neef oo ari ah iyo labo rati ay ku waayeen abaartii 2017. Saygeedii oo uu qoysku ku tiirsanaa ayaa bishii labaad ee sanadkii hore u geeriyooday mas qaniinay.

“Aniga maskiin ayaan iska ahay oo iska agoonlay ah uma hayo awood biyo xitaa ma siin karo baadna bal iskabadaa. Marka dadka ehelka ah iyo qaraabo ayaan ku noolaa daruuf adag ayaan ku noolayn, laakiin awal anaga kaliya ayaan ahayne markaan dadkii abaata ka soo barakacay ayaa nagu soo jabay”.

Todobo carruur oo kan ugu weyn uu jiro 14 sano ayay Nasro masuul ka tahay. Shaqada dhar-dhaqidda ayay u aragtay inay biilka reer ka raadin karto kaddib geeridii odaygeeda. Balse shaqadaas ayaa iyaduna yaraatay tan iyo bishii Diseembar, oo magalada markii ay aaddo waxa ay tilmaamtay in aysan helin cid shaqo u dirsata.

Labo carruurteeda ka mid ah ayaa laga soo saaray dugsi ay dhiganayeen bishii hore markii saddex billood laga bixin waayay lacagtii laga rabay oo ahayd $16. Waxay sheegtay inaysan hadda wax baranin oo ay guriga u joogaan.

“Magaalada maanta waan aaday dadka qof kasta isaga ayaa cabaadaaya hal xabbo waan soo waayay. Waxaan sameeyay maanta dadka dariska ah waxaan ka soo helay ayaan u kariyay. Caawa wax aan u kariyo mahaayo. Ilmaha in ay gam’aan (hurdaan) maahane guriga fooda ma siin karo aniga hooyo iskabeer jilicsan ayaan iska ahay. Marka Ilaahaybaan iska sugaynaa”.

Farxaan Cabdullaahi Guuleed oo ah gudoomiyaha gudi ay ku midaysan yihiin dhamaan xeryaha lagu barakacay ee degmada ayaa Radiyow Ergo u sheegay in ilaa siddeed kun oo qoys oo horay xerada u degganaa ay tan iyo bishii hore ee Janaayo ay ku soo biireen qoysaskaan cusub.

Waxa uu sheegay in dadkan aysan helin wax gargaar ah, oo aan ka ahayn in dadkii horay meesha u degganaa ay qofba uu buushkiisa wax ka dejiyay intii uu garanayay ama ehel ah.

“Dadku markay meesha yimaadeen xilli xasaasi ah ayay la kulmeen xilli kuwii awal meesha degganaa xaaladdoodu qatar tahay ayay la kulmeen. Lama dhihi karo dadkaa wax ayaa loo qabtay waa dad dad ku kor nool, waa maato maato dulsaaran waa baahi baahi dulsaran wa waqti waqti ka dulyimid. Ilaahay ayaa waxaas shafan kara, laakiin meeshaan baahi saa’id ah iyo barakac saa’id ah dadku waxa ay qatar ugu jraan macluul. Xaaladda hadda waxaa la oran karaa xaalad bini’aaan nimo oo halis ah ayaa jirta.

Gudoomiyaha waxa uu xusay in dhawr jeer ay codsiyo u direen hay’adaha samafalka iyo maamulka Galmudug, balse aysan helin wax jawaab ah.

Agaasimaha wasaradda gargaarka iyo maaraynta Masiibooyinka Galmudug Cumar Xasan Xaaji ayaa Radiyow Ergo u sheegay in diiwaan galin ay ku sameeyeen saamaynta abaarta iyo colaadda ay ku ogaadeen in 700,000 oo qof oo ku sugan Galmudug ay abaartu saamaysay oo aysan heli-karin waxay cunaan.

waxa uu xusay in abaartu aysan saamayn deegaanada Galmudug oo kali ah, balse ay si isku mid ah ay dalka uga wada jirto. Waxa uu intaas ku daray in wasaaradda Gargaarka iyo hay’adaha samafalka ay ku hawlan yihiin sidii ay uga hor tagi lahaayeen in xaaladdu macluul isku beddesho. Dhanka kale waxa uu rajo-xumo ka muujiyay baaxadda abaarta in Gamudug ay wax ka qaban karto haddaan la helin gargaar heer caalami ah.

“Haddii xaaladdu ay saa ku sii socoto wax aan annagu wax wayn ka qaban karno maahan. Waa wax dabeeci ah oo Ilaahay ayaa wax ka qaban kara. Aad

ayaan uga calool xunnahay xaaladda ka sii daraysa hadda. Haddii gacanta la isqabsado waxaan aaminsanahay in wax badan la qaban karo. Dadka reer Galmudug iyaga waxaan ugu baaqayaa iyaga in ay gacan rasmi ah fidiyaan, oo qfkiiba qof uu babaadsho ugu yaraan”.

Dhaqaalaha ugu badan ee ay ku tiisanyihiin dadka ku nool deegaanada Galmudug ayaa ah xoolaha, kuwaas oo nacfi beelay markii ay di’iwaayeen roobabkii la filayay xil xilli roobaad oo xariir ah.

Previous Post

Galgaduud: Xoolo-dhaqato wajahaya xoolo yari iyo daaq la’aan markii ay colaad saameysay deegaanno u dhow oo daaq leh

Next Post

Garowe: Hoy la’aan iyo cunno xumo haysa qoysas ka barakacay colaadda ka jirta Laascaanood

Related Posts

Jowhar: Qoysas beeraley ahaa oo wajahaya nolol xumo markii abaar iyo colaad ay saameysay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jowhar: Qoysas beeraley ahaa oo wajahaya nolol xumo markii abaar iyo colaad ay saameysay

March 21, 2023
Jubbada hoose: Qoysas ku barakacay colaad oo cunno yari iyo hoy xumo ku wajahaya xeryo ku yaalla Afmadow
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas ku barakacay colaad oo cunno yari iyo hoy xumo ku wajahaya xeryo ku yaalla Afmadow

March 4, 2023
Dhadhaab: Gabdhaha da’da yar oo qabta shaqooyin adag si ay u maareyaan nolosha carruurtooda oo ay keligood korsadaan
Arrimaha Bulshada

Dhadhaab: Gabdhaha da’da yar oo qabta shaqooyin adag si ay u maareyaan nolosha carruurtooda oo ay keligood korsadaan

October 12, 2022
Kismaayo: Wiil ku barbaaray xeryaha qaxootiga ee Kenya oo Kismaayo ka hir galiyay ganacsi ay shaqo ka heleen dhowr iyo toban dhalinyaro ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kismaayo: Wiil ku barbaaray xeryaha qaxootiga ee Kenya oo Kismaayo ka hir galiyay ganacsi ay shaqo ka heleen dhowr iyo toban dhalinyaro ah

June 24, 2021
Jigjiga: Haween fursad shaqo ka helay warshad dhagaxa burburisa oo ku filnaaday maaraynta nolosha qoysaskooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jigjiga: Haween fursad shaqo ka helay warshad dhagaxa burburisa oo ku filnaaday maaraynta nolosha qoysaskooda

June 22, 2021
Barakacayaal ku dhibaateysan tuulooyin ku teedsan Ceelcadde
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Bakool: Qoysas ka soo barakacay tuulooyinka oo ku dhibaataysan magaalada Xudur

June 18, 2021
Next Post
Garowe: Hoy la’aan iyo cunno xumo haysa qoysas ka barakacay colaadda ka jirta Laascaanood

Garowe: Hoy la’aan iyo cunno xumo haysa qoysas ka barakacay colaadda ka jirta Laascaanood

Jawaab ka bixi Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

Radio Ergo · Radio Ergo 2020
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.

TWITTER

Tweets by RadioErgo
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2023 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2023 Radio Ergo

Go to mobile version