Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Garowe: Hoy la’aan iyo cunno xumo haysa qoysas ka barakacay colaadda ka jirta Laascaanood

Radio Ergo by Radio Ergo
February 21, 2023
in Wararkii u Danbeeyay
0
Garowe: Hoy la’aan iyo cunno xumo haysa qoysas ka barakacay colaadda ka jirta Laascaanood

Caasho iyo carruurteeda oo hortaagan qol ay siiyeen qoys ay marti u tahay/Cabdiweli Maxamed/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – In ka badan 17,000 oo qoys oo ka soo barakacay colaadda ka jirta magaalada Laascaanood tan iyo 5 bishan ayaa xaalad hoy xumo iyo cunno yari ku wajahaya geedaha hoostooda, masaajidda iyo xarumaha danta guud ee ku yaalla magaalada Garowe.

Waxaa ka mid ah qoyska Maryan Isaaq Cabdiraxmaan saddex ah. Waxay barakac ku yihiin xerada Jilab oo Garowe u jirta 3 km, halkaas oo ay tageen 13 bishan Febraayo.

Waxay sheegtay in ay la joogaan qoys ay ehelo yihiin oo horay ugu noolaa xerada. Cunno hal waqti ah ayay la wadaagtaa maalinti. Waxay ka walaacsan tahay in dadka ay dulsaarka ku noqdeen aysan dhaqaale ahaan wax badan dhaamin.

“Gabar aan waxba haysan baan ku soo degay. Saaka xoogaa canjeelo ah bay ii dubtay. Magaaladay ku jirtaa habeenkii uun bay imaaneysaa. Waxay itiri jallaato baan wareejiyaa habaryaray waxba ma haysto,”

Maryan qoyskeedu ma haysto hoy. Waxay gabbaad ka dhigteenn geed qurac ah oo ku dhinac yaalla aqal cooshad ah oo u dhisan qoyska cunnada ka caawiya.

Buste ay la soo barakacday ayay dhaxanta ka xijisaa carruurteeda oo midka u yar oo wiil ah uu jiro saddex bil. Waxay sheegtay in aysan u hayn cunno ku filan iyo caano midna.

“Subixii canjeelada aan cunno ayaan casirkii ku gaarnaa ilmaha yarna caanihiisa intii u danbeysay baa ku jirta. Caawa iyo berri subixii haddii ay ii gaarto nasiib baan leeyahay,”

Maryan waxay tan iyo sanadkii 2012 ku noolayd magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo nolol cusub ay ka billowday, markii amni xumo ay uga soo tagtay gobolka Gedo oo qoyskeedu uu ku nool yahay.

Waxay sheegtay toban sano ka dib in nolosheedu ay is baddeshay isla markaana ay meesha ka baxday shaqo xoogsi ah oo qoyskeeda ay ku maarayn jirtay.

Waxay ku xisaabtami jirtay maalintii lacag ka badan $6 oo ay ka heli jirtay macaamiisha ay guryaha iyo dharka ay u nadiifin jirtay.

Maryan waxay Laascaanood ku leedahay guri labo qol ka kooban oo ka sameysan alwaax iyo jiingad la isku dhisay. Waxay tilmaantay in ay kala soo baxday oo kaliya xilligii dagaalku billowday carruurta iyo dharka ay huwadaan.

“Iska rogo reer ay ku guurayeen baan iska soo raacnay. Waxaan ku iri war bal nasii qaada. Lacag xitaa cid nawaydiisay ma jirto,”

Qulqulka dadka naftooda kala soo baxsanaya colaadda Laascaanood ayaa si joogta u imaanaya Garowe iyo tuulooyin hoostaga. Guddiga gurmadka misiibooyin ee Puntland wuxuu sheegay in qiyaastii 200 ilaa 300 boqol qoys ay maalin walba yimaadaan gobolka Nugaal.

Caasha Aadan Cali iyo carruurteeda oo 12 qof ah waxay barakac ku yihiin magaalada Garowe tan iyo 9 bishan Febraayo.

Qoyskan ayaa marti galin ka helay mid ka mid ah dadka deegaanka. Ciriiriga ka jira qol ay dageen wuxuu sababay in Caasha afar wiil oo ay dhashay ay habeenkii seexdaan masjid ku yaalla magaalada, kaas oo dadka soo barakacay ay hoy ka dhigteen.

Cunnada ay helaan waxaa ka taageera dadka dariska la ah iyo qoyska ay la joogaan oo si doo kale ku caawiyay agab ay cunnada ku karsadaan.

“Afar qoys baanu isku dulsaaranahay guri reer leeyahay. Waliba reerkii horay u degganaa baan dusha ka fuulnay, cunto iyo dhar waxaas kamaanan fekarayn ee nafteenna ayaan madfaca kala dhuumanaynay,”

Haweenaydan iyo saygeeda waxay ku kala irdhoobeen colaadda Laascaanood. Waxay sheegtay in aysan meel ku ogayn inkastoo ay dedaal ku bixinayso sidii ay u heli lahayd akhbaarta nolol iyo geeri midda uu ku sugan yahay.

Ka hor barakaceeda waxay la hayd meherad ay ku iibin jirtay khudaarta iyo raashinka, halkaas oo ay ka soo saaranaysay nolol-maalmeedka iyo waxbarashada carruurteeda.

“Raashinkii iyo khudaartii iyagoo bartii ku xirxiran baanu ka cararnay. Wax war ah waan ka hayaayoo waa dhulkii ay xabbaddu la tagtay haddii la doonana la bililaqaystay,”

Ganacsigeeda waxaa si maalinle ah ay uga helaysay faa’iido lacageed oo dhan $12, taasi oo hadda meesha ka baxday. Lacagtan qayb ka mid ah ayay dhigaalsan jirtay si ay ugu bixiso shan ka mid ah waxbarashada carruurteeda.

Caasha oo ka soo barakacday guri shan qol ka kooban waxaa lagu leeyahay $300. Waxay ku soo raacday gaari iyada iyo carruurteeda keenay magaalada Garoowe.

Caasha fursad uma helin in ay ka mid noqoto 500 qoys, kuwaas oo maamulka Puntland uu dajiyay guryo ku meel gaar ah, halkaas oo lagu siiyo labo waqti oo ka mid ah maalintii cunno bisil ah sida uu Raadiyow Ergo u sheegay Cawil Maxamed Xirsi agaasimaha hay’adda gurmadka musiibooyinka ee Puntland.

Wuxuu tilmaamay in shacabka Puntland qaarkood ay kala qayb qaateen dib-u-dajinta iyo cunno siinta dadka ka soo barakacay colaadda Laascaanood.

“Dadku hadde waa tiro badan yihiin oo hal mar baahi lama dabooli karo. Dadka reer Carmood aad bay u amaanan yihiin. Guryo ayay banneeyeen. Qofkii u yimaada gurigaas buu dagayaa. Cuntadiisana waa u diyaar,”

Puntland ayuu sheegay in aysan lahayn awood ay ku wada caawin karto dadka soo barakacay. Wuxuu farriin u diray dadka deggan magaalooyinka waawayn ee Puntland.

“Shacbiga Puntland waxaan u sheegayaa in dadka soo barakacay aan guryaha kiro looga qaadin haddii laga qaadayana wax kooban oo yar laga qaado. $300 iskama bixinkaraan oo guri ah,”

In kabadan 24,000 oo qoys oo ka soo barakacay magaalada Laascaanood ayaa labadii toddobaad ee u danbeeyay tagay deegaannada Puntland sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray guddi ay puntland u saartay tiro koobka dadka imaanaya Puntland.

Previous Post

Galgaduud: Qoysas abaar ku xoolo beelay oo u hayaamay xeryaha Cabudwaaq

Next Post

Somaliland: Dadka la nool cudurka HIV AIDS oo ay soo foodsaartay daawo la’aan iyo cunno xumo

Related Posts

Jowhar: Qoysas beeraley ahaa oo wajahaya nolol xumo markii abaar iyo colaad ay saameysay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jowhar: Qoysas beeraley ahaa oo wajahaya nolol xumo markii abaar iyo colaad ay saameysay

March 21, 2023
Kismaayo: Warshad soo saarta dhuxul macmal ah oo door ka qaadanaysa yaraynta jaridda lagu hayo dhirta
Arrimaha Bulshada

Kismaayo: Warshad soo saarta dhuxul macmal ah oo door ka qaadanaysa yaraynta jaridda lagu hayo dhirta

March 21, 2023
Nugaal: Reer guuraa ay nolol xumo ku hayso tuulada Doonta oo ay ku xayiran yihiin
Wararkii u Danbeeyay

Nugaal: Reer guuraa ay nolol xumo ku hayso tuulada Doonta oo ay ku xayiran yihiin

March 13, 2023
Cali: Walaalkey oo ka baxay Dhadhaab ayaa ku jiray tahriibeyaashii ku dhintay badda Mediterranean-ka
Arrimaha Bulshada

Mudug: Xoolo dhaqato xirfado ay barteen kaga shaqaysta deegaanka Xeero-dhagaxley

March 12, 2023
Muqdisho: Qoysas barakac ah oo hoy la’aan ku wajahaya xeryaha degmada Dayniile markii guryahoodii uu dab ka gubay
Masiibooyinka

Muqdisho: Qoysas barakac ah oo hoy la’aan ku wajahaya xeryaha degmada Dayniile markii guryahoodii uu dab ka gubay

March 9, 2023
Yoontoy: Qoysas dib u abuurtay beerahooda markii ay heleen agab webiga biyo uga soo jiida oo ku shaqeya tamarta cadceedda
Beeraha Iyo Xoolaha

Galgaduud: Beeraley dhib ku qabay helidda biyaha roobka oo laga taageeray ceelal ku shaqeeya soolarka

March 7, 2023
Next Post
GABAR 16 JIR AH OO LA NOOL AIDS OO SHEEGTAY IN LA TAKOORAY

Somaliland: Dadka la nool cudurka HIV AIDS oo ay soo foodsaartay daawo la’aan iyo cunno xumo

Jawaab ka bixi Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

Radio Ergo · Radio Ergo 2020
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.

TWITTER

Tweets by RadioErgo
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2023 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2023 Radio Ergo

Go to mobile version