Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Somaliland: Dadka la nool cudurka HIV AIDS oo ay soo foodsaartay daawo la’aan iyo cunno xumo

Radio Ergo by Radio Ergo
February 22, 2023
in Wararkii u Danbeeyay
0
GABAR 16 JIR AH OO LA NOOL AIDS OO SHEEGTAY IN LA TAKOORAY
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Ku dhawaad afar boqol oo qof oo la nool cudurka HIV AIDS ayaa deegaanno ka tirsan Somaliland ku wajahaya dawo la’aan iyo cunno yari saddexdii bil ee la soo dhaafay. Arrintan ayaa timid markii ay dhaqaale la’aan u xirmeen xarumo si bilaash ah looga caawin jiray oo uu gacanta ku hayay ururka Talo-wadaag.

Geeddi Aadan Muuse oo aan magaciisa saxda ah qarinay wuxuu la halgamayaa sidii uu quud maalmeedka ugu heli lahaa qoyskiiisa oo ka kooban toddobo carruur ah iyo hooyadood. Ninkan ayaa sheegay inay ku adkaatay maaraynta nolosha qoyskiisa tan iyo dhamaad bishii Nofeembar ee 2022, markaas oo ku beegan xillgii ay shaqooyinkii joojiyeen xarumihii uu ka heli jiray kaalmada.

“Waxaan ku qabnay nafaqo hadday tahay. Haddii ay taakulo kale tahay wax badan ayaan ku qabnay ilaa carruurta xannuunsanaya gaar ayay wax u lahaayeen. Sida ay nooga xirmeen dabba maanan shidan,”

Wuxuu raadiyay shaqo nolol-maalmeedka qoyskiisa uu ku maareeyo, balse wuxuu tilmaamay inuu ku hungoobay, markii la oggaaday inuu la noolyahay xanuunka HIV AIDS. Arrintaasi waxay ku keentay niyad iyo quus.

Dadka ugu dhaw xigtadiisa ayuu tilmaamay inay dayriyeen, markii uu dhibbane u noqday cudurka. Wuxuu sheegay in aysan jirin cid ka caawisa nolol-maalmeedka qoyskiisa.

“Meel carruurtiiba qatan tahay qof wayn waxba ma helayo. Xannuunka i haya feker ayaa ii dheer,”

Siddeeddii sano ee la soo dhaafay wuxuu shaqaale ka ahaa mid ah mid ah xarumaha ururka Talo-wadaag. Dadka laga helo cudurka HIV AIDS ayuu siin jiray dhiiri galin ku saabsan in aysan ka niyo jabin nolosha.

Wuxuu bishii mushahar ahaan u heli jiray $15, taas oo ka caawin jirtay daryeelkiisa iyo nolol-maalmeedka qoyskiisa.

“Kirada ayay iiga filnaayeen. Biyaha ayay iiga filnaayeen. Caafimaadka ayay iiga filnaayeen. Nooc kasta ayay iiga filnaayeen oo ay ii qaban jireen,”

Marka laga tago kaalmada uu waayay Mahdi wuxuu sidoo lumiyay saaxiibadii ay ku kulmi jireen xarumaha ururka Talo-wadaag. Waxaa go’ay xiriirkii ay lahaayeen iyo iskaashigoodii, balse inta uu ka war hayo wuxuu sheegay inay dhibbane u noqdeen duruufaha noloshada.

“Qaar baa inay dhinteen iyo in kale aanan war ka hayn. Qaar baan dawarsada. Danta ayaa u geysay,”

Ninkan oo ahaa dable ka tirsan ciidanka militariga ayaa shaqada laga ruqseeyay 2015, markii laga helay cudurka.

Labo ka mid ah carruurtiisa oo dhameeyay iskuul sare ayuu sheegay in uusan u awoodin lacagta jaamacadda oo rajadiisu ahayd in ay galaan bishii Janaayo.

Dadka la nool xannuunka HIV AIDS oo ka siman takoor ay kala kulmaan bulshada haddana kuwa ku nool deegaanada Somaliland waxaa u dheer shaqo joojinta ku timid ururkii keliya ee u doodi jiray.

Ismahaan Cali oo sidoo kale magaceeda saxda ah aan qarinay waa hooyada afar carruur ah oo la nool HIV-AIDS. Qoyskeeda waxaa saamayn taban ku yeelatay xirmidda xarumihii ay ka heli jireen taaageerada. Waxaa ka joogsaday raashin ay carruurta bille ugu heli jiray iyo dawooyin si bilaash ah lagu siin jiray.

Waxaa ku soo furtay maaraynta nolosha qoyska iyo daryeelkeeda caafimaad. Waxay billowday iyadoo wejiga qarsanaysa inay hadba xaafadaha magaalada u aaddo dhar dhaqid. Cunno hal waqti ayay heshaa maalinta ay soo dhaqdo dhar.

“Qof shaqeynaya oo ciyaalkiisa korsada ayaan ahaa gacan ilaahay mooyee gacan kale oo iga saraysay may jirin, dadkii u dhawaa ee talo wadaag aad ugu xidhnaa ayaan ahaa, noloshayadu waa siiro”

Sababta ay u istaagay shaqada ururkii caawin jiray waxaa lagu sheegay dhaqaale la’aan ka dhalatay Covid-19 iyo xukuumadda Somaliland oo kabkii ay siin jirtay u weecisay gurmadka abaaraha sida uu raadiyow Ergo u sheegay Cali Cabdi Hugur madaxa mashaariicda ee ururka Talo-wadaag.

Shaqooyinka ay qaban jireen xarumaha ururka ee xirmay waxaa ka mid ahaa la talinta dadka laga helay cudurka, isku guurinta lamaanaha xanuunka la nool, quudinta qoysaska ay ka soo jeedaan, kala ilaalinta ilmaha iyo hooyada AIDS la nool si aanu ilmuhu qaadin cudurka xilliga dhalmada.

Waxaa intaas u weheliyay isku keenidda dadka cudurka la nool si ay isku dhexgalaan, balse hawlahaas oo dhan ayaa u joogsaday dhaqaale la’aan.

“Imika haba yaraatee wax taakulo ah oo la siiyaa ma jirto. Wax aan u qabanaa ma jirto. Meel kale oo loo tilmaamo oo maanta la yiraahdo halkaas wax ka raadsada ma jirto, barnaamijkii isku xirka ee dadku inay is helaan halkaasi ayuu ku xirmay. Cid ilaa hadda wax u qabatay oo dadkaasi caawisana ma garanayo,”

Wuxuu sheegay in dhibbaneyaasha cudurka la nool in aysan haysan nolol iyo xasilooni ay bulshada ku dhex galaan si ay u shaqeystaan iyadoo ay meesha ka baxday kaalmadii ay heli jireen, taasi oo halis u horseedi karta.

Previous Post

Garowe: Hoy la’aan iyo cunno xumo haysa qoysas ka barakacay colaadda ka jirta Laascaanood

Next Post

Muqdisho: Gabar shaqo ku wayday waxbarashadeedii jaamacadda oo furatay xarumo dharka lagu dhaqo

Related Posts

blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 4, 2026
Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 2, 2026
Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

May 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
Next Post
Muqdisho: Gabar shaqo ku wayday waxbarashadeedii jaamacadda oo furatay xarumo dharka lagu dhaqo

Muqdisho: Gabar shaqo ku wayday waxbarashadeedii jaamacadda oo furatay xarumo dharka lagu dhaqo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-JUN-2026

IDAACADDA 04-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-JUN-2026
June 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-JUN-2026
June 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 31-MAY-2026
May 31, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo