(ERGO) – Ku dhawaad afar boqol oo qof oo la nool cudurka HIV AIDS ayaa deegaanno ka tirsan Somaliland ku wajahaya dawo la’aan iyo cunno yari saddexdii bil ee la soo dhaafay. Arrintan ayaa timid markii ay dhaqaale la’aan u xirmeen xarumo si bilaash ah looga caawin jiray oo uu gacanta ku hayay ururka Talo-wadaag.
Geeddi Aadan Muuse oo aan magaciisa saxda ah qarinay wuxuu la halgamayaa sidii uu quud maalmeedka ugu heli lahaa qoyskiiisa oo ka kooban toddobo carruur ah iyo hooyadood. Ninkan ayaa sheegay inay ku adkaatay maaraynta nolosha qoyskiisa tan iyo dhamaad bishii Nofeembar ee 2022, markaas oo ku beegan xillgii ay shaqooyinkii joojiyeen xarumihii uu ka heli jiray kaalmada.
“Waxaan ku qabnay nafaqo hadday tahay. Haddii ay taakulo kale tahay wax badan ayaan ku qabnay ilaa carruurta xannuunsanaya gaar ayay wax u lahaayeen. Sida ay nooga xirmeen dabba maanan shidan,”
Wuxuu raadiyay shaqo nolol-maalmeedka qoyskiisa uu ku maareeyo, balse wuxuu tilmaamay inuu ku hungoobay, markii la oggaaday inuu la noolyahay xanuunka HIV AIDS. Arrintaasi waxay ku keentay niyad iyo quus.
Dadka ugu dhaw xigtadiisa ayuu tilmaamay inay dayriyeen, markii uu dhibbane u noqday cudurka. Wuxuu sheegay in aysan jirin cid ka caawisa nolol-maalmeedka qoyskiisa.
“Meel carruurtiiba qatan tahay qof wayn waxba ma helayo. Xannuunka i haya feker ayaa ii dheer,”
Siddeeddii sano ee la soo dhaafay wuxuu shaqaale ka ahaa mid ah mid ah xarumaha ururka Talo-wadaag. Dadka laga helo cudurka HIV AIDS ayuu siin jiray dhiiri galin ku saabsan in aysan ka niyo jabin nolosha.
Wuxuu bishii mushahar ahaan u heli jiray $15, taas oo ka caawin jirtay daryeelkiisa iyo nolol-maalmeedka qoyskiisa.
“Kirada ayay iiga filnaayeen. Biyaha ayay iiga filnaayeen. Caafimaadka ayay iiga filnaayeen. Nooc kasta ayay iiga filnaayeen oo ay ii qaban jireen,”
Marka laga tago kaalmada uu waayay Mahdi wuxuu sidoo lumiyay saaxiibadii ay ku kulmi jireen xarumaha ururka Talo-wadaag. Waxaa go’ay xiriirkii ay lahaayeen iyo iskaashigoodii, balse inta uu ka war hayo wuxuu sheegay inay dhibbane u noqdeen duruufaha noloshada.
“Qaar baa inay dhinteen iyo in kale aanan war ka hayn. Qaar baan dawarsada. Danta ayaa u geysay,”
Ninkan oo ahaa dable ka tirsan ciidanka militariga ayaa shaqada laga ruqseeyay 2015, markii laga helay cudurka.
Labo ka mid ah carruurtiisa oo dhameeyay iskuul sare ayuu sheegay in uusan u awoodin lacagta jaamacadda oo rajadiisu ahayd in ay galaan bishii Janaayo.
Dadka la nool xannuunka HIV AIDS oo ka siman takoor ay kala kulmaan bulshada haddana kuwa ku nool deegaanada Somaliland waxaa u dheer shaqo joojinta ku timid ururkii keliya ee u doodi jiray.
Ismahaan Cali oo sidoo kale magaceeda saxda ah aan qarinay waa hooyada afar carruur ah oo la nool HIV-AIDS. Qoyskeeda waxaa saamayn taban ku yeelatay xirmidda xarumihii ay ka heli jireen taaageerada. Waxaa ka joogsaday raashin ay carruurta bille ugu heli jiray iyo dawooyin si bilaash ah lagu siin jiray.
Waxaa ku soo furtay maaraynta nolosha qoyska iyo daryeelkeeda caafimaad. Waxay billowday iyadoo wejiga qarsanaysa inay hadba xaafadaha magaalada u aaddo dhar dhaqid. Cunno hal waqti ayay heshaa maalinta ay soo dhaqdo dhar.
“Qof shaqeynaya oo ciyaalkiisa korsada ayaan ahaa gacan ilaahay mooyee gacan kale oo iga saraysay may jirin, dadkii u dhawaa ee talo wadaag aad ugu xidhnaa ayaan ahaa, noloshayadu waa siiro”
Sababta ay u istaagay shaqada ururkii caawin jiray waxaa lagu sheegay dhaqaale la’aan ka dhalatay Covid-19 iyo xukuumadda Somaliland oo kabkii ay siin jirtay u weecisay gurmadka abaaraha sida uu raadiyow Ergo u sheegay Cali Cabdi Hugur madaxa mashaariicda ee ururka Talo-wadaag.
Shaqooyinka ay qaban jireen xarumaha ururka ee xirmay waxaa ka mid ahaa la talinta dadka laga helay cudurka, isku guurinta lamaanaha xanuunka la nool, quudinta qoysaska ay ka soo jeedaan, kala ilaalinta ilmaha iyo hooyada AIDS la nool si aanu ilmuhu qaadin cudurka xilliga dhalmada.
Waxaa intaas u weheliyay isku keenidda dadka cudurka la nool si ay isku dhexgalaan, balse hawlahaas oo dhan ayaa u joogsaday dhaqaale la’aan.
“Imika haba yaraatee wax taakulo ah oo la siiyaa ma jirto. Wax aan u qabanaa ma jirto. Meel kale oo loo tilmaamo oo maanta la yiraahdo halkaas wax ka raadsada ma jirto, barnaamijkii isku xirka ee dadku inay is helaan halkaasi ayuu ku xirmay. Cid ilaa hadda wax u qabatay oo dadkaasi caawisana ma garanayo,”
Wuxuu sheegay in dhibbaneyaasha cudurka la nool in aysan haysan nolol iyo xasilooni ay bulshada ku dhex galaan si ay u shaqeystaan iyadoo ay meesha ka baxday kaalmadii ay heli jireen, taasi oo halis u horseedi karta.