(ERGO) – Faadumo Xasan Cali ayaa gurigeeda ku hesha tubbo ay ka dhaansadaan biyaha oo aanay hore u yeelan waligeed. Waxay si maalin dhaaf ah u heshaa biyaha dowladda oo aanay ka warwarin inay ka go’aan, kuwaas oo qiimo ahaan ay ku filan tahay.
Haweeneydan qoyskeedu wuxuu ka mid yahay oo 11 kun oo qoys oo ku nool deegaanka Geedeeble oo 23 km dhinaca waqooyi kaga beegan magaalada Hargeysa, kuwaas oo loo sameeyay biyo gelin bishii Diseembar ee sannadkii tagay.
Faadumo oo qoyskeeda horay booyadaha biyaha uga gadan jiray ayaa ka warrameysa farqiga u dhaxeeya biyo yaradii heystay iyo helitaankeeda hadda ee biyaha.
“Wax la is barbar dhigo karo maaha oo hadda si walba haddaan u cabo lacag ka fikiro maayo, cid sugi maayo intii kale ee jaarkayga ee aan awoodina waan u dhaaminayaa oo sadaqo ayaan ula baxaa,”
Ka hor biyo galinta bishii afar jeer ayay biyaha ka shuban jireen xoogsatada wareejiya waxaana uga bixi jirtay $37. Haddase labadii bil ee la soo dhaafay dowladdu waxay ka qaadday $7 oo kaliya.
Qoyskeeda oo 11 qof ah ayaa nolol-maalmeedka ay uga soo saarataa khudaar ay ku iibiso suuqa Hargaysa. Waxaa ay sheegtay in qoyskeeda oo danyar ah ay mararka qaar biyo la’aan noqon jireen wax ka badan saddex maalin marka ay waayaan dhaqaale ay ku shubtaan.
Maalmaha ay lacag weydo sidookalena qolada ka ganacsata biyaha ay ka soo daahaan, waxaa ay jirkaan faaruq ah la dhex wareegi jirtay qoysaska jaarka la ah si ay uga soo hesho biyihii ay isticmaali lahaayeen.
“Biyuha waxaa ay ahaayeen dhibaato igu taagan oo habeen iyo maalin i haysatay. Bal qiyaas adigoon lacag haysan markay biyihii kaa go’aan dadkii jaarka kula ahaa ay kula mid yihiin,”
Qoyska Faadumo oo deggan xaafadda Ina-aamiin waxay sheegtay in xaaladda biyaha ay ku noqotay arrin saameysay nolosheeda, maadaama ay si siman uga walwali jirtay cunnada qoyska iyo lacagta biyaha. Inta yar ee ay ka soo shaqeyso suuqa ma ahayn wax wada dabooli karay baahidooda.
Marka sidaas oo kale ay xaaladda ku noqoto waxaa ay sheegtay in khasab ay ku ahayd in dadka ay qaraabada yihiin waydiisato kaalmo.
Wakaaladda biyaha Somaliland ayaa qoyska raba in uu biyo gashado gurigooda ka qaadi jirtay lix milyan oo lacagta Somaliland ah, una dhigan $700.
Sababta ay ka lahayd wakaaladda lacagtan badan ayaa ahayd in la xadido tirada qoysaska biyaha ay siinayso, maaddaama aanay ku wada filnayn dadka Hargeysa biyaha magaalada yimaada sida uu Raadiyow Ergo u sheegay maareeyaha wakaalada biyaha Hargeysa Maxamed Cali Daarood.
Maxamed ayaa sheegay in dhammaan qalabkii iyo goobihii hore ee biyaha laga cabi jiray la beddelay. Tallaabadaas ay sameeyeen ayuu xusay inay fududeysay in dadka magaalada ku nool boqolkiiba konton ay helaan biyo ku filan isla markaana raqiis ah.
“Waan ka dhaafnay lacagtii biyo gelinta dadka ee caadiga ah ama danyarta ah,”
Wuxuu intaasi ku daray inay billaabeen dhammaadka sannadkii hore dhaam-biyood dhulka hoostiisa mara si dadka ku nool Geedeeble ay u helaan biyo qiimo jaban isla markaasna ku filan.
Booyadaha ayaa ah kuwa ugu badan ee dadka Hargeysa u dhaamiya biyaha, kuwaasi oo si joogto ah u kordhin jiray qiimaha ay ku iibiyaan foostada biyaha.
Bishii September ee sannadkii hore ayay ahayd markii u dambeysay oo ay qiimaha biyaha kordhiyaan xiligaas waxaa ay sabab uga dhigeen in shidaalka uu qaaliyoobay.
Nimcaan Faarax Maxamed waxaa uu ka mid ahaa dad ka gadooday kordhinta qiimaha biyaha oo ka qayb galay bannaabax lagu diiddanaa arrintaa, markii uu waayay lacag uu ku iibsado shanta fuusto ee biyaha oo lagu qasbay in uusan shuban karin wax ka yar. Wuxuu goostay inuu cabashadiisa muujiyo, sida uu Raadiyow Ergo u sheegay.
Waxaa ka bixin jiray lacagta biyaha iyo kirada guriga walaashii oo ku nooleyd magaalada Nairobi, hayeeshee, markii uu ku wargaliyay in lacag lagu kordhiyay qiimihii hore oo ay ku gadan jireen biyaha ayay u sheegtay in aanay awoodin lacagtaas.
Ninkan oo ah aabbaha 4 carruur ah waxaa uu xusay in qoyskiisa uu gaaray heer ay ku adkaato helista biyo ay cabaan, kuwa ay wax ku karsadaan ama nadaafada guriga ay u isticmaalaan muddo toddoba maalmood ah.
“Biyo la’aantu waxaan u mari jirnay habeenkii waan u soo saamo leyli jirnay, inta badanna booyaddaa noo keeni jiray. Booyaddana caqabado badan bey lahaayeen. Carqaladdaas waxaa ka mid ah in aan laguu keeneynin biyo nadiif ah,”
Raadiyoow Ergo ayuu sheegay inuu mararka qaar ku fikiri jiray inuu magaalada ka raro carruurtiisa, maaddaama ay magaalooyinka kale ee Somaliland ku yaalla ay uga yara wanaagsan yihiin adeegyada biyaha magaalada Hargeysa.
Markii uu go’aansaday inuu ka guuro magaalada waxaa uu waayay qarash uu ku raro qoyskiisa, balse ugu dambeyn caqabaddii ka haysatay arrintaasi waxaa xal loo helay 20 bishii December ee
sannadkii hore, markii gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Sheedaha ay isaga iyo qoysaska kale ku heleen biyo nadiif ah oo qiimo ahaanna aad u jaban.
Halkii bil qasabadda uu biyaha ka helo wuxuu ku bixiyaa $6, halka markii hore biyaha uu iibsanayay uu ku bixinayay lacag dhan $30.
Markii hore waxaa kaga bixi jirtay lacag ugu yaraan bishii $30 ah. Haddase wuxuu bixinayaa markii u horreysay lacag dhan $6 oo ah biyaha ay isticmaaleen qoyskiisa bishii hore.
Kororka tirada dadka ku nool magaalada Hargeysa ayaa u sabab ah in ay adkaato biya helista sida ay sheegtay wakaallada biyaha Soomaaliland.
Saddex mashruuc oo dadka magaalada biyo lagu gaarsiinayo ayaa horay u fashilmay, hayeeshee, kan hadda biyo ballaarinta loogu sameeyay magaalada Hargeysa ayaa noqonaya midka kaliya ee guuleystay 48 sano ee la soo dhaafay.










