Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato ay abaarta saameeysay oo ku nool deegaanno hoostaga degmada Badhaadhe oo ka fa’ideysanaya adeeg caafimaad oo bilaash ah

Radio Ergo by Radio Ergo
December 16, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia live news, Radio Ergo news, Somali live news, Medical camp, IDPs, Humanitarian news

Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – In ka badan kun iyo sagaal boqol oo ah reer guuraa ayaa ka faa’iidaystay adeeg cafimaad oo lacag la’aan ah oo laga fuliyay deegaanada Tosha iyo Sheeyo oo hoos yimaada Kudhaa oo ka tirsan degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose.

Kooxda fulinaysa adeegan cafimaad ayaa todobaadkii shaqeeya afar maalin oo xidhiidh ah iyaga oo qaabilaya dadka bukaan socodka ah ee aan gaari karin xarumaha cafimaadka Kudhaa oo u jirta ilaa 25km.

Nasra Maxamed Cali oo ah hoyada lix carruur ah waxay deggan tahay baadiyaha tuulada Sheeyo. Waxaa loo daaweeyey labo wiil iyo gabar. Waxaa laga daaweeyey nafaqo darro, gooryaan iyo cudurada ku dhaca maqaarka kore ee qofka. Waxay sheegtay in cunuga ugu yar oo ay da’diisa tahay labo sano iyo lix bilood u aad ula il darnaa nafaqo darro. Waxay noo sharaxday isbeddelka caafimaad ee ay ka dareemayso haataan.

“Meesha markaan geeyey waxaa la i siyey buskudka, waa la i qaabilay. Hadda wuu soo roonaaday Alxamdulillaah, sidii hore waa u dhamaa. Cafimaadkiisa hadda wuu fiican yahay, buskudkana subixii xabad ayaan siiya, galabtiina xabad. Kiniinkana waxaa loo siinayey jab jab. Miisankiisa markii hore waa u liitaa ayey dhahaayeen, hadda lakiin waa u soo kabtay ayay igu dhaheen,” ayay tiri.

Nasra ayaa sheegtay in cunuga ay u wayday cunno jilicsan oo uu cunni karo oo caanihii xoolaha ee cabi jirayna ay u waysay abaarta awgeed. Cunnada dadka waawayna ay ku adag tahay in uu cuno.

Waxay xustay in cunnugeeda u nafaqo darrada la xanuunsanaa laba bilood una weyday lacag ay ugu qaado isbitaalka Kudhaa.

“Meesha waa naga dheer tahay. Annaga meel kore ayaan deggannahay. Kudhaa hal maalin ayaa loo soconaa oo waa ay naga fog tahay. Marka hadana cunug xanuunsan inaad qaado oo aad gaysana maba la yeeli karo,” ayay tiri.

Haweenaydan ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in abaarta ay dhaafisay xoolo gaadhaya 50 neef oo ari ah iyo 60 lo’ ah. Toban neef oo ari ah oo abaarta uga soo hartay ayay sheegtay in qaar ay xanuunsan yihiin. Waxay tilmaantay in nolosha qoyskeeda ay ku tiirsanayd xoolaha ay abaarta ka laysay.

Nasra ayaa sheegtay in nolosha qoyska ay hadda ku soo kooban tay raashin ay subixii iyo habeenkii karsadaan. Waxay xustay in labo neef oo ari ah ay ku iibisay saddex milyan oo shillin Soomaali ah una dhiganta $116. Lacagtaa ayay tilmaantay inay ku soo iibsatay min 25 kg oo bur, bariis iyo sonkor ah.

Barnaamijkan Cafimaad oo soconaya ilaa bisha June ee sanadka 2023-ka ayaa loogu tala-galay in ay ka faa’iidaystaan 5,400 oo qof oo ku nool deegaanadaas uusan wali gaarin adeegyada cafimaad ee aas aasiga ah.

Aamina Xassan Cusmaan oo shan bilood xaamilo ah ayaa sidoo kale ka mid ah dadka ka faa’iidaystay adeega cafimaad ee lacag la’aanta ah. Waxay sheegtay in iyada iyo hal wiil oo ay dhashay ay xanuusanaayeen mudo toban maalin ah ayna awoodi waayeen helidda lacag ay gaadhi ay ku raacan, taasi oo keentay in xaafada ay joogan iyaga oo bukaan socod ah.

Haweneydan oo ku nool deegaanka Toosha oo 15 km u jirta Kudhaa ayaa iga warantay sida xaalkeeda cafimaad uu ahaa markii ay u tagtay kooxda wadda adeega cafimaad.

“Aniga markaan u tagaayey wadnaha waa i garaacayey. Haddaan wax yar socdo waan daalayey. Markaan tagay magaca ayey iga qoreen iyo telephone number. Waa ay i cabbireen, garabka bahashii lagu cabbiraayey ayey igu cabbireen. Kiniini ayay i siiyeen. Kiniini gudguduudan iyo mid kale oo barastamool ah. Maashaa Allaah hadda waan fiicanahay oo kiniinkii waan ku raystay,” ayay tiri.

Aamina ayaa sheegtay in iyada iyo ilmaheeda ay nasiib u yeesheen inay noqdaan dadkii ugu horreeyey ee adeegaan ka faa’iidaysta. Waxay xustay inay aad ugu faraxsan tahay in iyaga oo aan wax safar ah galin ay guryahooda iyo deegaankooda ay ku hellaan adeeg cafimaad oo dhamaystiran.

Wiilka Aamina oo sidoo kale haysay nafaqo darro ayaa la siiyay daawo iyo buskud nafaqada soo celinaya.

“Cunugga wuu iga xanuunsanaa oo wuu shubmaayey, aadna wuu u liitay. Marka daawooyin iyo waxaa ay i siiyeen buskudka lows-ka ah. Maasha Allaah waa u igu fiicnaaday,” ayay tiri.

Aamina oo qoyskeeda ka kooban yahay lix qof oo afar ay caruur yihiin ayaa sheegtay in ay noloshooda ku tiirsan tahay 15 neef oo ari ah. Waxay xustay in abaarta ay ka laysay 20 neef oo lo’ ah iyo 70 neef oo ari ah.

“Markii hore magaalada uunbaa la soo aadi jiray oo waxay ahayd inaad cunugga soo qaado magaalada aad keento, kaddib ayaa nala dhihi jiray buskudka u soo noqo. Hadda lakiin Maasha Allaah xaafadaheena ayaa na loogu keenna,” ayay tiri.

Adeegan caafimaadka oo ah mid bilaash ah ayaa waxaa fulinaysa hay’adda Somali Aid.

Aadan Saalax Axmed oo ah mas’uulka hay’adda u qaabilsan fulinta mashruucan ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in barnamijkan looga dan leeyahay in adeeg caafimaad lagu gaarsiyo xoolo-dhaqatada ay abaarta saameeysay. Wuxuu xusay in deegaanada ay ka fulinayaan adeegan aysan lahayn xaruun caafimaad, sidoo kale na ay ka durugsan yihiin magaalada.

Aadan ayaa sheegay in abaarta daba dheeraatey ay dhaxalsiisay xoolo-dhaqatada cunno yari, taasi oo keentay inay kororto kiisaska nafaqo darrada ee carruurta. Wuxuu xusay in markii ay arkeen baahida loo qabo adeeg caafimaad ay go’aansadeen inay fuliyaan barnaamijkan. Waa kan Aadan oo sharaxaya qaabka ay u shaqeyaan.

“Isbuucii horta afar maalmood ayaa laga tagaa meesha. Labba maalmood Toosha la gaaraa, halka labada maalin kale aan aadno Sheeya. Waxyaabaha ugu wayn ee aan la kulannay waa nafaqo darrada carruurta, xanuunada neef mareenka ku dhaca sida burikiitada iyo hargabka,” ayuu yiri.

 

Previous Post

Gobolka Liibaan: Qoysas ku barakacay dagaal oo cunno yari iyo hoy xumo wajahaya

Next Post

Ganacsato ay saameeysay ballaarinta waddooyinka Galkacyo sanad ka hor oo soo kabasho saameyay

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Ganacsato ay saameeysay ballaarinta waddooyinka Galkacyo sanad ka hor oo soo kabasho saameyay

Ganacsato ay saameeysay ballaarinta waddooyinka Galkacyo sanad ka hor oo soo kabasho saameyay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo