Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Ganacsato ay saameeysay ballaarinta waddooyinka Galkacyo sanad ka hor oo soo kabasho saameyay

Radio Ergo by Radio Ergo
December 22, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Ganacsato ay saameeysay ballaarinta waddooyinka Galkacyo sanad ka hor oo soo kabasho saameyay

Qaar ka mid ah ganacsatadii ay saameeysay ballaarinta waddooyinka Galkacyo oo hor mar dhaqaale sameeyay/Mahad Macalin/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Faadumo Nuur Xuseen oo ah hoyada lix carruur ah waxay nolosha qoyskeeda ka maareysaa dukaan ay ku tosho kuna iibiso baati. Dukaankan ayay ku furatay kun dollar oo ay ka heshay hay’adda UNHCR, kaddib markii ay dowladda hoose ee Galkacyo ay ka rartay goob yar oo ay ku ganacsanaysay oo waddada hareeraheed ahayd.

Haweenydan oo ka mid ah afartan ganacsato oo lacagta lagu caawiyay dukaamo ku furtay ayaa sheegtay in afar ka mid ah carruurteeda ay ku dartay waxbarashada. Saddex ka mid ah carruurta ayay sheegtay in bishii ay ka bixiso min $10, halka midka afaraad ay ka bixiso $5. Waxay Raadiyow Ergo uga warrantay sida ay ku hesho lacagta ay waxbarashada uga bixiso carruurteeda.

“Harqaan yar ayaan leeyahay oo dhar ay i suran yihiin. Wixii Alle naga siiyo baan wax ku kala dabaraa, haddii ay tahay biilka reerka iyo waxbarashada carruurtaba,” ayay tiri.

Faadumo ayaa tilmaantay in ganacsigan ka hor ay ahayd guri joogto uu guriga u yaalay harqaan ay dadka xaafada dharka ugu toli jirtay. Balse, markii ay aragtay in dhaqaalaha ka soo galo u san u goyn biilka reerka, waxay go’aansatay inay magaalada u dhowaato. Waxayna shaqadeeda ka sii billaabatay meel hareeraha waddada ah, taasi oo ay ka rareen dowladda hoose ee Gaalkacyo, markiii wadada la balaarinayey.

Waxay ka mid ahayd 40 ganacsato oo waddada dhinaceeda wax ku iibinayay, kuwaa oo mid walbo ka mid ah la siiyay $1,000, si ay meel kale uga furtaan ganacsi.

Faadumo ayaa xustay in ganacsigeedii hore iyo midka hadda u farqi weyn u dhaxeeyo, gaar ahaan faa’idada maalin laha ah ee ay ka kahesho. Waa tan iyada oo ka waramaysa farqiga ganacsi ee ay dareemayso.

“Ganacsigayga isbeddel weyn ayaa ku yimid. Manta waxaan ahay qof dhaqaalo haysta oo haddii la yiraahdo cunugaagii waxaa laga rabaa warqad, ama lacagtii bisha iskuulka bixin karo. Waxaan soo maray, xilli ay igu adkayd bixinta lacagta waxbarashada carruurtayda,” ayay tiri.

Haweenaydaan ayaa tilmaantay in maalinkii ay ganacsigeeda ka hesho $2-$3 oo faa’ido ah. Dukaanka ay ku ganacsato ayay sheegtay in bishii kiro ahaan looga qaado $15.

Cabdirisaaq Xuseen Yuusuf oo ah aabbaha afar carruur ah ayaa sidoo kale ka mid ah ganacsatadii waddada laga raray ee lacagta heshay. Wuxuu xusay in lacagtii la siiyay u ku ballaaristay ganacsigiisa, haddana u leeyahay dukaan u ku iibiyo alaabta bagaashka iyo badadrka nuucyadiisa kala duwan.

Ninkaan ayaa tilmaamay in labo kamid ah carruurtiisa oo iskuulka laga soo buriyay, markii u dhiibi wayay lacagtooda waxbarashada ayaa sheegay in hadda u dib ugu celiyay, maddaama u haysto il-dhaqaale oo u ku dibbiri karo waxbarashadooda.

“Markii aan ganacsigayga dib u furtay, wixii igu horreysay ee aan sameeyay waxay ahayd inaan carruurta iskuulka dib ugu celiyo. Hadda Alxamdulilah, waxbo iga ma maqno oo lacagtooda waxbarashada dhib la’aan ayaa ku bixiyaa bil walbo,” ayuu yiri.

Ninkaan ayaa xusay in waxbarashada carruurtiisa ay bishii uga bixdo $30 oo isugu jira fiiga iskuulka, buggaagta iyo qalimaantooda. halka mid kale oo uu 3 bilood ka hor geeyey dugsi quraana uu ka baxsho 10 doolar. Intaas waxa uu ku daray in isha dhaqaalaha uu kazoo galo uu yahay tukaanka, waxa uu sheegay in ganacsigaan ka hor uu la shaqeyn jiray dhalinyaro kale oo ganacsi ku jira oo uu biilka reerka ka heli jiray.

Cabdirizaaq ayaa tilmaamay in lacagtii u helay ay wax weyn ka beddeshay ganacsigiisa.

“Ganacsigayga waxaa iska badalay markii hore waxaan ku shaqaysanayey meel maherad ah ay alaabtu i taalay oo xitaa iskafaallo aan lahayn. Alaabta dhulka ayay iska taali jirtay. Hadda dukaankan iskafaallo aan alaabta saarto ayuu leeyahay, sidoo kale meel suuq ah oo fiyaalo ah ayuu ku yaalaa oo dadka ay iga iibsanayaan si fiican,” ayuu yiri.

Cabdirisaaq ayaa sheegay in maalinkii marka ay ugu yartahay u ka faa’ido meharadiisa $3, taasi oo u ku dabbaro nolosha qoyskiisa. Wuxuu xusay in qoyskiisa ay ku adkaatay helista cunno ay hal waqti karsadaan, markii laga raray meeshii hore ee u ku ganacsanayay. Wuxuu tilmaamay in hadda ay qoyska noloshooda u ku filnaaday, tan iyo intii u ganacsigiisa dib u billaabay, billowgii sanadkan.

Canab Xasan Cali oo ah hoyada 14 carruur ah ayaa sheegtay in lacagtii la siiyay ay ku ballaarisay ganacsigeeda. Waxay hadda iibisaa dhar iyo qudaar. Waxay xustay in $350 oo ka mid ah lacagta ay isaga bixisay dayn lagu lahaa.

Waxay tilmaantay in nolosha ku adkaatay markii ganacsigii ay ku lahayd hareeraha waddada laga raray, maaddaama ay ahayd isha keliyah ee dhaqaale ee u reerka lahaa. Qoyskeeda ayay sheegtay inay ku adkayd helidda cunno ay hal waqti karsadaan, balse hadda oo ay ganacsigeeda ka hesho faa’ido $5-$10 ah maalinkii, waxay xustay inay saddexda waqti ay dabka shitaan.

Canab ayaa sheegtay sababta lacagta loo siiyey inay tahay inay kamid ahayd dadkii laga raray hareeraha wadooyinka la dhisayey.

Agaasimaha ganacsiga iyo dhiiri gelinta maalgashiga ee dowladda hoose Bashiir Ciise Geedi ayaa sheegay in lacagta maal galinta ah ee la siiyey dadkaan aysan ku xirnayn wax shardi ah. Wuxuu tilmaamay in lacagtasi ay ahayd mid ay dowladu ku caawinaysay dadkii jidka ku ganacsanayay ee ay saameeynta ka soo gaartey dhismaha waddada.

Agaasimaha ayaa tilmaamay in dadka ka faaidaystay oo ahaa 40 qof lagu soo xushay inay ahaayeen dadkii la raray, kuwooda ugu liitay dhaqaale ahaan.

“Dadkaas la soo xulay waxaa kamid ah 5 qof oo naafo ah, dadka kalana waxay ahaayeen dad ganacsato yaryar ah kuwaas oo xilligii dawladu cusbayd meelahii la burburinayey dhismahii soo galay ee ay ku ganacsanayeen iyo dad kaleeto dan yar ah oo iyanaguna magalada qeybo kamid ah ku ganacsanyey. Marka 40 qof bay ahaayeen dadki ka faa’idaystay maalingalintan,” ayuu yiri.

Previous Post

Xoolo-dhaqato ay abaarta saameeysay oo ku nool deegaanno hoostaga degmada Badhaadhe oo ka fa’ideysanaya adeeg caafimaad oo bilaash ah

Next Post

Cadaado: Xoolo-dhaqato sanad kaddib ku soo laabtay deegaanadooda oo ay uga guureen qashin xoolaha ka dilayay

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Qashinka laga fogeeyo magaalada oo dhibaato ku haya xoolo-dhaqatada hareeraha Cadaado

Cadaado: Xoolo-dhaqato sanad kaddib ku soo laabtay deegaanadooda oo ay uga guureen qashin xoolaha ka dilayay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo