(ERGO) – In ka badan 12 kun qoys oo dhammaadkii Oktoobar ku barakacay dagaal dhex maray qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ayaa hadda cunno yari iyo hoy xumo ku wajahaya degmada Gura dhaamoole ee gobolka Libaan, halkaas oo ay ku soo barakaceen.
Qoysaskan ayaa iskugu jira beeraley iyo xoolo dhaqato. Waxay sheegeen inay ka soo carareen xoolo ay dhaqanayeen iyo beero u tacbanaa oo noloshoodu ay ku tiirsaneyd.
Cabdiraxmaan Cusmaan Xuseen oo qoyskiisu ka mid yahay dadka soo barakacay ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in fara marnaan halkan uu yimid konton casho ka hor.
Wuxuu xusay in cunno yaridu ay tahay culeyska ugu weyn ee haysta. Hal waqti ayuu sheegay in maalinkii ay karsadaan raashiin ay ku caawisay xukuumadda deegaanka Soomaalida.
“Qoyskeygu subixii afar saac ayuu dabka shitaa, illaa iyo berri waqtigaas oo kale ayaan ku sugnaa. Ilmaha habeenkii gaajo ayay la ooyaan, ileen xilli ka xilli ayay wax cunaan halmar. Dowladda ayaa na siisay kontan kiilo oo bariis ah, kontan kiilo oo sonkor ah iyo saddex liiter oo saliid ah, intiina hadda wey sii dabar go’eysaa waxaa ka haray waxaan toban beri nagu sii filnaan karin, wax kalana ma haysano. War war weyn ayay taasi nagu haysaa, “ayuu yiri Cabdiraxmaan.”
Cabdiraxmaan oo ah labo xaasle waa aabaha toddobo carruur ah. Wuxuu tilmaamay in hu’ iyo hoyba aysan wadan oo ay ka soo carareen. Labadiisa qoys ayuu sheegay inaysan haysan meel ay ka galaan qoraxda iyo qabowga habeenkii.
“Dhibaato adagbaa na haysata, geedo aan isku dhajinay hoostiis ayaan degganahay. Shareec nooma saarna, gogol ma haysano, roobkii deyrta ee da’ayay korkeena ayuu ku dhammaaday, meel aan galno maleh, waxbana ma soo qaadanin, “ayuu yiri Cabdiraxmaan.”
Wuxuu intaas ku daray in Oromadu ay soo weerartay xilli habeen ah oo saacaddu aheyd kow iyo tobankii fiidnimo tuulo uu ku noo laa oo la yiraahdo Alla Soomay.
Wuxuu sheegay in dantu biday in isla xilligaas ay soo barakacaan iyagoo xambaarsan carruurta inta aan socon karin. Sagaal saac ayuu xusay inay u soo lugeynayeen halka uu imika ku nool yahay.
Cabdiraxmaan ayaa tilmaamay in nolosha qoysaskiisa uu ka maareyn jiray dukaan hatida tiilay ay aheyd $15,000 kun, kaas oo uu ku iibin jiray raashiin iyo bagaash iyo beer. Wuxuu intaas ku daray inuu lahaa beer hal hekter ah oo bishii September uu ku beertay galley. Wuxuu xusay in hantidaas uusan rajo ka laheyn ay oo dhacday kooxdii weerarka soo qaaday.
“Aniga waxaa leyga gubay sidoo kalana leyga boobay alaab aan markaas soo adeegay asbuuc ka hor oo dukaan ii tiilay, taas oo aan ka soo gatay Doolow Ethiopia. Beertii waxaan maqlay in xoolo ay ku fasaxeen oo iyaduna ay baaba’day. 17 sano ayay nolosheenu ku tiirsaneyd hantidaas oo wax kale kamaan shaqeysan jirin, “ayuu yiri Cabdiraxmaan.”
Qoysaskan ma garanayaan xilliga ay ku noqonayaan deegaanada laga soo barakiciyay oo kala ah Alla Soomay iyo Dibda-ami oo ka tirsan gobolka Liibaan.
Waxay degeen dhul magaalada bannaankeeda ah, halkaas oo ay ka dhisteen aqallo ka sameysan ulo iyo maryo leysku dhejiyay.
Ardo Muxumed Liibaan oo ka mid ah dadka soo barakacay ee halkan ku nool ayaa sheegtay in noloshu ay ku adagtahay. Waxay xustay in labaatan casho ka hor uu ka dhammaaday raashiin dowladdu ay siisay oo ahaa bariis iyo sonkor konton kiilo ah.
Waxay hadda ku tiirsan yihiin raashiin ay ku caawiyaan qoysas soo barakacay oo wali isticmaalaya raashiinkii dowladdu siisay. Ardo ayaa tilmaantay cunno yarida ay u sii dheertahay hoy xumo.
“Wax cunno ah oo guriga noo yaalla oo aan haysano malahan, dadka waxaan ka helno ayaan hal waqti dabka ku shidanaa haddii ay ugu badato. Wax hoy ah oo aan ku hoyano malahan. Bannaan ayuu roobku noogu da’aa oo aan joognaa. Qabowbaa jira, qoraxbaa jirta intaasba uma adkeysan karno. Waxaan ku soo barakacnay meel cidlo ah oo bannaan ah. Dhar la,aan ayaan soo cararnay gogol manaan soo qaadan, “ayay tiri Ardo.”
Ardo ayaa sheegtay in ka hor barakaca uu qoyskuudu ahaa mid ladan oo noloshoodu ay ku tiirsaneyd beer ay sheegtay inay u soo go’i laheyd bishan December iyo dukaan ay xustay inay ku iibin jirtay dharka iyo raashiinka. Waxay sheegtay inaysan war u hayn in la dhacay ama la gubay hantidaas. Waa tan iyadoo sharaxeysaa.
“Beertu 15 hektar ayay aheyd waxaa iigu beernaa yaanyo, basal, baradho, cambe iyo moos. Guryo shan qol ah oo baraako ah ayaa ii dhisnaa. Dukaan waan lahaa wax walba ii yaaleen. Adigu dukaanka waxaan ku qiyaasi karaa hantida tiilay illaa toban kun oo Doollar. Waxaas waxba hadda faraheyga ugama jiraan, “ayay tiri Ardo.”
Ardo ayaa intaas ku dartay inaysan fileyn in nolosha barakaca ee hadda ay ku jirto, taas badal keedna ay ka fakareysay faa’idada ay ka heli doonta dalagyada u beerna. Wax walba ayayse sheegtay inay is badaleen markii habeen lix saac la soo weeraray tuulada ay daganeyd oo la yiraahdo Dibda-ami. Labo iyo toban saac ayay xustay in qoyskoodu uu u soo lugeynayay halka ay hadda ku nool yihiin.
Madax xafiiseedka Khataraha Masiibooyinka ee degmada Gura dhaamoole Axmed Maxmed Xuseen ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in xukuumadda deegaanada Soomaalida ay hal mar raashiin u qeybisay qoysaskan, kaas oo uu sheegay in loogu talo galay in muddo bil ah ay is ticmaalaan.
Wuxuu intaas ku daray in dowladdu aysan u awoodin quudin joogto ah, balse ay sameyneyso inta ay awooddo.
“Waxaan u qeybinay 3,500 oo kiish oo bariis ah, 3,500 oo kiish oo sonkor ah iyo 584 kartoon oo saliid ah, waxaan u gaarsiinay siday u kala darnaayeen. Qeyla dhaan ayaan u dirnay hay’ado badan oo qaarkoodba ay soo booqdeen qoysaskan si xaaladooda ay u qiimeeyaan, “ayuu yiri Axmed.”
Axmed ayaa intaas ku daray in xukuumadda deegaanku ay diyaarisay bustayaal iyo saddex kun iyo shan boqol oo teendho oo loo talo galay in dhanka hoyga looga taageero qoysaskan.
Wuxuu intaas ku daray in qoysaskan deg deg loo soo barakiciyay, dowladuna aysan u sii diyaar garoobin, taasina ay adkeysay xaaladda.
Dhulka laga soo barakacay qoysaskan ayaa ah mid ku yaalla xuduudka ismaamulada Oromada iyo Soomaalida, kaas oo la haanshihiisa ay isku haystaan labada maamul.










