(ERGO) – Shan kun oo arday oo dhigata 43 Iskuul oo ku yaalla gobolka Mudug ayaa bishii saddexaad helaya raashin qado iyo quraac isugu jira.
Wasaaradda waxbarashadda Galmudug oo kaashanaysa hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa quudintan siisa ardaydan oo ka soo jeeda qoysas sabool ah oo aan awoodin in ay helaan cunto ku filan.
Madiino Cabdulqaadir Xasan oo deggan xerada Carafaad ee duleedka Gaalkacyo waxaa isuulka hoose iyo dhexe ee Camuud oo quudinta laga bixiyo u dhigta lix carruur ah. Haweenaydan oo qoyskeedu uu 15 qof ka kooban yahay ayaa sheegtay in arrintan ay wax wayn ka beddeshay noloshooda.
“Si fiican ayay wax iskaga beddeleen ciyaalka. Habeenkii cashadooda ayay helaan oo waalidka wixii uu soo qaraabo ayaa loo kariyaa. Subaxii iskuulka quraac ayay ka helaan, quraacdaas oo ah mushaari isku dheelli-tiran iyo qado bariis kalluun leh. Marmarr cabitaan ayaa loo qasaa, mar canjeelaa loo dubaa iyo suqaar. Ilmihii wax jirkoodii soo kabsaday ayay u ekaadeen.”
Madiino ayaa tilmaamtay in markii ay carruurteeda u wayn jirtay quraac iyo qado oo heli jirtay oo keliya hal mar oo ay habeenkii waxa dabka u saarto. Waxay cunno yarida darteed bishii siddeedaad ee sanadkan iskuulka uga bixisay saddex carruurta ugu yar marki ay awoodi waayeen in iyaga oo baahan ay lugeeyaan.
Waxay sheegtay in ay dib ugu celisay kowdii bishii Sabteember oo cuntada loo billaabay ardayda. Waxay intaas ku dartay in quudintan ay ku faraxday oo ay ka baqaysay in ay ilmuhu iskuulka nacaan oo ay darbi jiif ka noqdaan baahida darteed.
“Waxaan ka cabsannay haddii wax barasho la’aan ay nooga waynaadaan in ciyaalada darbi jiifka ah iyo koolo dhuuqa iyo tuugada iyo wax yaalahaas ay naga noqdaan ayaan ka cabsannay. Waxaan doorbidnay markaas in aan gaajada ku samirno ilaahaa keenay. Hadda carruurtaydu waxa ay taagan yihiin heer dhexe shanaad lixaad ilaa iyo wax ka hooseeya yay joogaan.”
Haweenaydaan ayaa sheegtay in muddo lix sano ah oo ay barakac ku ahaayeen xeradan ay ku adkeed in ay hal mar xitaa wax karsadaan. Waxay ku tiirsanaayeen aabbaha reerka oo magaalada u aada xamaalka dajinta gawaarida rarka keena. Wuxuu ka soo helaamaalintii $3-4 oo aan joogto ahayn, taas oo aan ku filayn qoyskan oo ballaaran.
“Reerkeena koonbo iyo labo nama deeqdo afar koonbo ayaan ku shubaa digsigaas. Afartii koonbo sadexdii dollar ee la keenay markaan ku gado saliidii ayaa maqnaan karta sonkortii ayaa maqnaan karta ilmaha caanahoodii ayaa maqnaan karta dhuxushii ayaa baqan adiga reer kuma filna sadex doollar iyo shan dollar, laakii waxaa la dhahay “sidee laf loo xagtaa carabna uu ku badbaadaa”, marka sidee wax ku fududaan karaan ayaa la yeelaynaa.”
Madiino waxa ay sheegtay in ay awoodi waayeen in ay bixiyaan fiiga iskuulka oo min arday $5 ahaa balse mamulka iskuulku uu ugu deeqay in ay carruurtu bilaash ugu dhigtaan markii ay u dan sheegteen.
Maamulaha iskuulka hoose dhexe ee Camuud Cali Cumar Mooge oo la hadlay Raadiow Ergo ayaa sheegay in tan iyo markii la billaabay quudintaan ay wax badan iska beddeleen xaaladda ardayda iskuulka oo gaaraysa 132 arday.
Waxa uu xusay in markii mashruucaan iskuulka laga hirgeliyay ay qabteen 50 arday oo cusub, kuwaaas oo ka soo jeeda qoysas danyar ah oo loo keenay in ay quudinta ka faa’iidaystaan. wuxuu tilmaamay in ka hor inta aan arrintaan bilaaban ay ku rajo xumaayeen sii jiritaanka iskuulka
“Iskuulkaan inta badan waxaan qabaa in uusan jireen sababtoo ah hadda 35 arday oo iga tagtay oo kaamka jogtay ayaa hadda ii soo laabatay, labaatan kale oo iyaguna iska war-wareegi jiray oo marabno iskuulka dhihi jiray ayaa hadda soo galay. Marka baahi aad u wayn ayaan u qabnay iskuulku maba jireenba jiritaan kiisa ayaa qatar gali lahaa.”
Siciido Cismaan Cali oo keligeed korisa 8 carruur ah oo aabbaha reerku uu yahay waayeel aan guriga dhaafin ayaa ka mid qoysaska arrintaan noloshooda ay wax ka badashay. Waxa ay carruurta biilkooda iyo waxbarashada 5 ka mid ah ay ka maarayn jirtay sambuus bisil oo ay suuqyada magaalada Gaalkacyo ku wareejiso.
Waxay xustay in suug xumada ka dhalatay sicir-bararka iyo abaaraka ay ka soo saari waysay faa’iido ku filan, taas oo ku riixday in ay ilmaha iskuulka ka saarto bishii 8 ee sanadkan. Siciido ayaa horaantii bishii la soo dhaaftay shantooda dhib ugu celisay iskuulka hoose, dhexe iyo sare ee Cabdulaahi Ciise markii maamuluhu la wadaagay xogta quudinta carruurta.
Waxa ay sheegtay in hadda $4-5 oo ay suuqa ka soo hesho ay u kala qaybiso cashada reerka iyo qarashka iskuulka oo bishii $30 ah.
“Wax wayn ayaa is badalay dadkii aan daynta u raadin jiray ayaa iga fududaaday meeshii nus kiilo canjeelo ah aan duban jirnay rubac ayaan hadda qasannaa qadana maba karsho habeenkii ayaan dabka canbuulo saarannaa marka wax wayn ayaa iga yaraaday. Wax wayn ayaan ilmaha ka gartay oo is badal ah qoyskana dhaqaalaha ayaa nagu soo kordhay waxbaa naga fududaaday adiga kala bar ahaan qiyaasta.”
Qoyskan oo hadda deggan gudaha degmada Gaalkacyo ayaan lahayn il dhaqale oo aan ka ahayn sanbuuska Siciido suuqa la aado. Waxaa lagu leeyahay $280 oo dayn ah oo ay baqaar raashin uga soo qaaday inta aysan quudintu billaaban. Waxa ay tilmaantay in maalin kasta ay $0.5 meel u dhigto si ay iskaga guddo.
Maryan Cabaas Xasan oo ah madaxa wasaaradda waxbarashada ee mashruucan ayaa Raadiyow Ergo in u jeedka arrintaan laga leeyahay uu yahay garab istaagga waalidiinta danyarta ah ee aan wada awoodin qarashka waxbarashada iyo cunnada carruurta.
Waxa ay xustay in hay’adda iyo wasaaraduba ay ogaadeen in dadka danyarta ah ee ku sugan xeryaha iyo magaalooyinka aysan haysan cunno ku filan, maaddaama gobolka Mudug uu ka mid yahay gobollada abaartu aadka u saamaysay ee dadkeedu ay ku tiirsan yihin xoolaha nool.
“Baahiyihii gobolka ka jiray iyo iskuulada dhibaatadooda ayay ku salaysneed sida loo soo kala hormariyay iskuulba iskuulkuu ka baahi badan yahay ayaa jaanis la siinayay. Iskuul walba waxa uu ku xiran tahay waxa uu qaadanayo tirada ardada uu haysto ardaydaas ayaa loo xisaabinaa. Waxaana rajaynaynaa in iskuulada jaaniskii laga rabay ay ka soo baxaan oo ardaydu soo bataan, insha allaah.”
Maryan ayaa sheegtay in hadda la billaabay wajigii koowaad ee quudinta oo socon doonta muddo shan bil ah, ka dibna ay qorshaynayaan wajiga labaad marka uu kan dhammaado.










