Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Jowhar: Haween danyar iyo barakac isugu jira oo beerahooda dib u tacbaday markii abuur lagu caawiyay

Radio Ergo by Radio Ergo
November 7, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Jowhar: Haween danyar iyo barakac isugu jira oo beerahooda dib u tacbaday markii abuur lagu caawiyay

Haween danyar iyo dad soo barakacay ah oo abuur lagu caawiyay /Maxamed Ibraahim/ Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Maryan Faarax Xuseen ayaa dib u beeratay beerteeda labaatankii bishii Oktoober, markii lagu caawiyay abuur ka kooban ansalaato, Koosto, barbarooni, karooto iyo Qajaar.

Waxay ka mid tahay 250 dumar ah oo iskugu jira dad soo barakacay iyo danyar. Wasaaradda beeraha ee Hirshabelle ayaa 15 Sebteember u qeybisay abuur si ay uga faa’ideystaan xilli roobaadka deyrta ee hadda billowday.

Maryan ayaa ah danyar qoyskeedu uu ku nool yahay tuulo hoos tagta magaalada Jowhar oo la yiraahdo Jowhar Soomaali. Waxay sheegtay in duruuf dhaqaale ay ka hor taagneyd tacbashada beerta.

“Dareenkeyga lama soo koobi karo maadaama dhul beereedkiina aan haysto waxaan ku beertana aan helay. Abuurkii markuu gacanteyda soo galay beerteyda ayaan ku dhaqaaqay, beerasho ayaana billaabay. Rajadeena hadda waa boqolkiiba %99, “ayay tiri Maryan.”

Beerta oo labo hikter ah waxaa kala shaqeeya ninkeeda iyo carruur ay dhashay.

Maryan ayaa tilmaantay in markii ugu dambeysay ee ay tacbato beertan ay aheyd bishii Agoosto ee sanadkii 2021, xilligaas oo fatahaad ay ka goysay dalagyadii ugu beernaa oo ay xustay inay galisay lacag $100 ah

“iyadoo dalagii iigu yaallo oo goosa shadii wax yar ka dhinayd ayay biyo soo galeen. Gacmo maran ayaan uga soo baxay meeshii. Webiga si dhaqso ah ayuu noogu soo fatahay. Waxaa iigu beernaa galley,digir iyo qudaar, “ayay tiri Maryan.”

Maryan oo ah hooyada toddobo carruur ah ayaa sheegtay in arintaas ay ka dhaxleen niyad jab iyo dhaqaale xumo saameyn ku yeelatay oo aysan wali ka soo kaban.

Qoyskeeda ayaa hadda ku tiirsan dhaqaale yar oo ka soo gala qoryo uu ninkeedu soo guro iyaduna ay suuqa ku iibiso.

“Gaari dameer aan lee nahay ayaa odaygeygu uu qoryo ku soo guraa. Qoryahaas ayaa wixii naga soo gala ama labo Doollar ahaataa hadba wixii naga soo gala ayaan nolosha ku maareynaa. Hal wakhti ayaan wax karsanaa waayo labo waqti iyo saddex waqti nooma goyso,“ayay sheegtay Maryan.”

Maryan ayaa xustay in sidoo kale ay dhaqdaan 27 neef oo iskugu jira ari iyo lo’. Abaarta ayay sheegtay in 76 neef ay uga dhinteen bartamihii sanadkan, markii xooluhu ay waayeen daaq iyo biyo ku filan.

Haweenka abuurka la siiyay ayaa ku nool tuulooyin hoostaga magaalada Jowhar oo kala ah Kalundi, Buray, Baaray iyo deegaanka Jowhar Soomaali.

Qof kasta waxaa la siiyay abuur afar nooc ah oo mid kasta uu caddadkiisu yahay 250 garaam. Waxa intaas wehliya oo lagu caawiyay sunta cayayaanka disha iyo macdan nafaqo siisa carrada si dalagu habsami ugu koro, sida ay noo sheegeen haweenka ka faa’ideystay.

Iisho Aadan Cabdi ayaa ka mid ah haweenka la caawiyay. Waxay tilmaantay in markii ay heshay abuurka ay durba bilowday ka shaqeynta beer ay leedahay oo hal hikter ah, taas oo ku taalla deegaanka Baaray oo qoyskeedu uu barakac ku yahay. Waxay ku rajo weyntahay in dalagyo fiican ay uga soo go’aan labo bil ka dib.

“Haddii badarkan ii baxo oo waxaas aan meesha ku abuuray oo dhan ii baxaan yaaba heli kara waan isku filnaaneynaa, baahi waa na deysay. Hadda rajadeena ma xumo. Abuurkaas nala siiyay inuu baxo oo badbaado ayaan ku duceysaneynaa,“ayay tiri Iisho.”

Iisho ayaa ah hooyada siddeed carruur ah oo agoon ah, iyaga ayaana kala shaqeeya beerta oo ay tacabka ku billowday tobankii Oktoober.

Fatahaad uu sameeyay webiga Shabeelle ayay sheegtay in sanadkii 2021 ay ka burburisay beertan oo ay dalagyo uga baxayeen iyo guri jiingad ah oo ay deganayd oo uga dhex dhisnaa. Waxay xusay in dhacdadaas kaddib ay awoodi weyday inay tacbato beerta, dhaqaale yari darteed.

“Fatahaadaas ayaa anaga na xaalufisay. Biyihii wixii ii abuurnaa oo ahaa digir, bocor iyo galey webigii ayaa eber ka dhigay. Lacag la’aan iyo beer la’aan ayaa nagu dhacday, “ayay Iisho tiri.”

Qoyska Iisho waxaa hoy u ah aqal cooshad ah oo uga dhisan tuulada ay ku noo shahay. Noloshooda ayaa ku tiirsan caawinaad ay ka helaan dad qaraabo ah.

“Aniga wiil aan eedo u ahay oo Xamar jooga ayaa asbuuciiba wuxuu isoo diraa labo boqol oo kun oo shillin Soomaali ah ama ama boqol iyo kontan kun. Islaan kaloo aan walaalo nahay oo magaaladan joogta iyadana konton ayay isiisaa. Intaas ayaan ku

tiirsanahay oo maalinkii halmar aan wax ku karsanaa. Wax kale oo meeshaan aan ku hayno ma jiraan,“ayay Iisho tiri.”

Wasiir ku xigeen wasaaradda beeraha iyo waraabka Hirshabelle Maxamed Bashiir Qaasim oo la hadlay Raadiyow Ergo ayaa xusay in abuurka iyo waxyaabaha kale ee ay ku caawiween haweenkan uu qiimahoodu gaarayo $150 inta qof kasta la siiyay, taas oo ahayd mid aysan awoodin.

“Qoysaskan abuurka la siiyay waxaan ku xulanay inay ahaayeen haween tacban jiray qudaarta. Si ay dib noloshooda ugu kabaan oo ay wax u soo saartaan ayaan abuurkaas ugu kaalmeynay. Sidoo kale waa haween danyar ah oo qaarkood ay ogoon haystaan, taasi waa sababta aan ku dooranay, “Ayuu yiri wasiir Maxamed.”

Wuxuu intaas ku daray in barnaamijkan uu maalgaliyay midawga yurub ayna wasaaradda kala shaqeysay hay’adda CEFA oo ka shaqeysa arrimaha beeraha.

Previous Post

Dadka ku nool magaalada Baargaal oo si isku tashi ah ku dhistay isbitaal

Next Post

Mudug: Quudin ka socota 43 iskuul oo sahashay in waxbarashada lagu celiyo carruur cunno yari looga saaray

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
Next Post
Mudug: Quudin ka socota 43 iskuul oo sahashay in waxbarashada lagu celiyo carruur cunno yari looga saaray

Mudug: Quudin ka socota 43 iskuul oo sahashay in waxbarashada lagu celiyo carruur cunno yari looga saaray

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 21-APR-2026

IDAACADDA 21-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 21-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo