(ERGO) – Bulshada ku nool degmada Baargaal ee Gobolka Bari ayaa hab isku tashi ah waxay ku dhisteen Isbitaalka degmada, kaasi oo horay u ahaa goob caafimaad (MCH) bixiya adeegyo kooban. Bulshada ayaa kala kulmi jiray adeegyada kooban ee uu MCH-ka bixin jiray caqabado. Dadka u baahda qalliimada, sida haweenka uurka leh ayaa loo qaadi jiray Boosaaso oo 355 km u jirta Baargaal.
Xaawo Xasan Maxamed waa hoyada lix carruur ah oo ku nool degmada Baargaal. Laba ka mid ah ilmaheeda ayay dhibaato kala kulantay xilligii foosha, markii ay wayday adeegyo caafimaad oo ay u baahnayd. Saddex maalin ayay ku foolanaysay Baargaal. Qoyskeeda oo iska dan yar ah ayay sheegtay inay intaa u raadinayeen lacag ay ugu kireyaan gaari loogu qaado magaalada Bosaso oo qalliin loogu sameeyay. Waxay sharraxaysa caqabadihii ay kala kulantay safarkeeda.
“Koomo ayaan jidka ku soo galay. Waddada dhibaato caafimaad daro ayaan kala sii kulmay, kaadida iyo ilmaha uurka ku jiray ayaa isku darsamay waan tabcaanay. Markii dambe qalliin ayaan ku dhalay oo gabar ayay noqotay. Dhibkaasi ma mareen haddii deegaankayga uu ka jiri lahaa waagaas adeegga hooyada uurka leh,” ayay tiri.
Haweeneydan ayaa sheegtay in si la mid ah ay caqabad ka martay cunugii ka horreeyay gabadhan dhowaan lagu qallay sanadkii 2018-kii. Waxay tilmaantay in muddo lix maalin ah ay gurigeeda ku foolanaysay, iyadoo aanan helin daryeel caafimaad. Qoyskeeda ayay sheegtay in dhowrka beri ay xanuunsanayd ay sidoo kale ku howlnayeen soo uruurinta lacag ay ugu kireyaan gaari u qaado isbitaalka guud ee magaalada Boosaaso. Balse, gaariga oo aan weli magaalada ka bixin ayay sheegtay inay ku dhex dhashay, kaddibna sidaa gurigeeda loogu soo celiyay.
Xaawo ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay inay aad ugu faraxday dhismaha isbitaalkan oo dib loo furay dhamaadkii 26-kii Ogoosto ee sanadkan.
“Markii dib loo dhisay isbitaalka, Axlmdulih waxaan ka helay adeeg caafimaad, carruurta iga xanuunsata waan gaystaa, si bilaash ah ayaa dawada la igu siiyaa, waxaan oga baahdo adeeg caafimaad waan helaa. Markii dhowaan qalliinka lagu sameeyay hooyada xaamilada ahayd waxaan soo xusuustay dhibaatooyinkii aan ka soo maray adeeg la’aantii ka jirtay deegaanka. Waxaan is iri maalintaas haddii aad heli lahayd adeegga maanta jira, ma kugu dhici lahayn dhibaatadaas,” ayay tiri.
Muuse Cabdiraxman Maxamed oo sidoo kale ku nool deegaanka Baargaal ayaa sheegay in gabar walaashiisa ah ay ku umul raacday jidka, iyadoo ku sii jeeda isbitaalka guud ee magaalada Boosaaso. Wuxuu xusay in ummuliso dhaqameedka deegaanka ay wax u qaban wayeen, maaddaama ay u baahnayd qalliin.
Waddada isku xirto deegaanka Bargaal iyo magaalada Boosaaso oo ah mid burbursan ayuu sheegay inay waqti ka qaaday. Safarka labada deegaan ayuu tilmaamay inuu qaato toddobbo sacadood oo kaamil ah. Walaashiisa ayuu sheegay inay ku soo booday kallamsiya (eclampsia), kaddibna ay dhexda uga geeriyootay iyada iyo cunugii ay uurka ku wadday.
“Nin dhallinyaro ah oo aan waxbo haysan oo lacag $400 oo gaari lagu kireynaya soo deynsaday oo xaaska ka dhimatay ayaan la kulmay. Aniga inta aan ogahay, ilaa shan dumar ah oo halkan laga qaaday ayaa waddada ku ummul raacay,” ayuu yiri.
Muuse ayaa xusay in sidoo kale adeegyada caafimaadka sida qalliinka iyo baaritaanada ay u aadi jireen magaalada Boosaaso oo ah meesha ugu dhow oo ay ka heli karaan adeeg caafimaad. Balse tan iyo intii isbitaalkan la furay wuxuu tilmaamay in baahidaasi ay meesha ka baxday.
“Adeegyadii caafimaadka oo dhan isbitaalka ayaan ka helnaa oo si bilaash ah ayaan deegaankanaga ugu helnaa. Caqabaddii hoyadii la qaadayay oo dhibka badan laga marayay waa laga baxay oo meesheeda ayaa hadda lagu fulinayaa qalliinka. Isbitaalka dhismihiisa si weyn ayaan ugu faraxnay, ka deegaan ahaan iyo ka qof ahaanba,” ayuu yiri.
Dhismaha isbitaalka Bargaal oo qaatay muddo sanad ah waxaa xariga laga jaray 26-kii Ogoosto. Lacagta ku baxday dhismaha oo ah $125,000 ayaa waxaa bixiyay dadka deegaanka oo kaashanaya qurba joog ka soo jeeda isla deegaanka Bargaal. Hay’adda badbaadada carruurta ee Save the Children ayaa ka caawisay dadka deegaanka qalabeeynta isbitaalka.
Bootaan Muuse Maxamed oo ka mid ah guddigii billaabay qorshaha dib u dhiska isbitaalka Baargaal ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in dadka deegaanka ay u arkeen in baahida caafimaad ee haysatay ay uga gudbi kareen dadaal wadajir ah. Tani ayuu sheegay inay keentay in guddi ay sameeystaan, kaasi oo loo xil saaray inuu dadka deegaanka lacag ka soo uruuriyo, si loo ballaariyo xaruunta MCH-ka ahayd. Wuxuu xusay inay ku guleysteen inay ku soo kordhiyaan dhismaha 17 qol.
“Magaaladu MCH ayay lahayd, lakin baahida ayaa keentay in la helo wax ka wayn oo ah isbitaal, taasi oo caqabad nagu ahayd. Dadka ku xanuunsada magaalada gaar ahaan hooyada uurka leh haddii loogu baahdo adeeg caafimaad waxaa loo qaadi jiray magaalada Bosaso, waana midda keentay in si isku tashi ah dadku ay ku dhistaan Isbitaal,” ayuu yiri Bootaan.
Isbitaalka Bargaal waxaa 24-kii September ee sanadkan lagu sameeyay qalliinkii ugu horreyay oo ahaa hooyo uur leh. Qalliinka ayaa noqday mid lagu guuleystay.
Dr. Raaqiyo Maxamuud Maxamed oo ah maamulaha Isbitaalka Bargaal ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay inay ka howl galaan 20 qof. Waxay xustay in adeegyada ay bixiyaan ay bilaash yihiin. Waxay tilmaantay in isbitaalka uusan weli bixin adeegyadii oo dhan, balse u daboolay baahidii dhalliinka qalmada ahayd oo ay dumarka uurka leh dhibaato weyn ku qabeen.
Daqtaradda ayaa sheegtay inay weli warqad caafimaad u qoraan dadka kale ee aysan xaaladooda caafimaad wax ka qaban karin.
Degmada Baargaal ayaa dhacda dhanka xeebta bariga fog ee Puntland, iyadoona lagu tiriyo inay ka mid tahay deegaanada loo yaaqaan gaari waaga ee uusan tagin wax Laami ah.