(ERGO) – Dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee barakaca ku yimid xeryaha Muqdisho ayaa wajahaya xaalad nolol xumo oo ka dhalatay in aysan helin karin waxyaabaha ay ku dabari karaan nolol maalmeedkooda. Dadkaan oo ka mid ah kumanaan qof oo kasoo barakacay abaaraha dalka jira soona gaaray degmooyinka Dayniile iyo Kaxda ayaa ku jira nolol ka duwan mida ay kunool yihiin dadka kale ee barakaca la’ ah.
Maadey Xasan Cabdi oo 65 jir ah wuxuu ka mid yahay dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee ku jira xerada barakaca ee Saacid oo ku taalla degmada Dayniile ee gobolka Banaadir. Maadey Waa aabbaha todobo carruur ah oo kan ugu weyn uu yahay 12 sano jir.
Waxaa uu sheegay in hadda nolol maalmeedka qoyskiisa uu ku tiirsan yahay wixii maalinkii ay soo helaan haweenka barakaca ah ee kunool xerada, kuwaasoo habeenkii markii ay soo aruuraan soo gaarsiiya waxyaabo ka mid ah cuntooyinkii ay karsadeen, mararka qaarna waxay isku soo daraan lacag dhan lix kun oo shillin Soomaali ah qofkiiba.
Maadey waxaa uu xusay in xaaskiisa ay xanuunsan tahay oo ay qabto xanuunka dhimirka oo aysan awoodin in ay soo shaqeyso asna uu yahay nin arag la, oo aan ka bixi Karin xerada, sidoo kalena magaalada aan dad ka aqoon si uu caawimaad u weydiisto.
“Horta adduunka nolol daro waa intaan ,laamigaan ma aadi karo nin indhoole ah ayaan ahay oo waliba neerfo qaba , qodaxda kama joogsan karo, ma shaqeeyo ilaa waxba uma jeedee , haddii aan damco in aan dhaqaaqo waan kufaya ,islaanta gudoomiyaha xerada waxay noo soo hesho ayaan kunool nahay, sidoo kale dadkaasi xerada kunool wixii u karsan ayaa la isla cunnaa”
Ninkaan ayaa indhaha beellay bishii April ee sanadkaan markii uu abaarta ku waayay beer uu ku lahaa degmada Awdhiigle ee gobolka Shabeellaha Hoose, taasoo aheyd hal hectar. waxaa ka baxayay noocyada kala duwan ee khudaarta Sida kabsar caleenta, Liinta iyo qaraha.
Ka hor inta aysan aragtidu ka tagin muddooyin bilooyin ah ayaa indhaha waxaa ka socday biyo, waxaa uu awoodi waayay in uu taggo goob caafimaad si wax looga qabto xaaladdiisa caafimad.
Maadey iyo qoyskiisa oo xerada barakaca ee Saacid soo gaaray bishii March ee sanadkaan, hada waxaa hoy u ah buush ay ku xiran yihiin maryo dhamaad ah, kaas oo uu sheegay in aanu ka celin karin roobka, laakiin wuxuu u yahay meel ay qorraxda ka harsadaan, dhaxantana ay ka galaan.
Waxaa uu Raadiyow Ergo u sheegay in nolol xumada dhanka helida cuntadada iyo Hoy ay u wehliso mid caafimaad, maadaama uusan awoodin in uu iibsado qalabka loogu tala galay dadka arag naafadda ka ah, sidoo kalena dadka kula taliyaan in uu cuno cuntada nafaqeysan balse uusan awoodin.
“Wax daawo ah ma heysto, umadda reer magaalka ah waxay i leeyihiin karooto isticmaal,Madax iri gaddo ayaa la i leeyahay oo ari cad ah, wax aan ku gato ayaan waayay tabar ayaa halkaasi i dhigtay , nafaqo raadi oo dadaal ayaa la yiri anigana maba iibsan karo, sidee noqonaya marka wixii indhaha u aroona oo dhan haddii anan iibsan Karin.”
Dadka baahiyaha gaarka ah ee qaba ee kunool xerada Saacid ayaa tiradoodu dhan tahay 101 qof. waxaa ay isugu jiraan waayeel iyo carruur.
Daynabo Maxamuud Yuusuf waa Kontan jir naafo ah , waxaa labadeeda lugood iyo gacan ka mid ah addimaheeda tiray xanuun ku dhacay yaraanteedii. Daynabo wax Carruur ah ma dhalin maadaama deegaanka ay kasoo barakacday ay noo sheegtay in dadka naafadaha ah aysan helin fursad guur oo takoor a la kulmaan.
Waxaa ku adag in ay hesho cuntada iyo adeegyada kale ee dadka naafadda ah ay u baahan yihiin. Hadda nolol maalmeedkeeda waxaa uu ku tiirsan yahay haweenka soo tuugsada ah ee barakaca ah iyo kuwa maalinkii shaqooyinka aan dhaqaallaha fiican laga helin magaalada u aada ee xerada kula nool.
Waxa ay Raadiyow Ergo u sheegtay in mararka qaarkood ay qado oo aysan jirin cid wax u keenta, balse biyaha oo xeradooda laga helo kaliyah ay kunoolaato hal maalin, labo maalin ilaa inta qof wax soo helay wax u keeno.
“Guriga ayaan iska joogaa wixii walaalaha ay keenaan ayaan la cunnaa , qof nool oo jira maahi waan iska noolahay, cid ii shaqeysa oo banaanka ii aadaysa ma leh, dadka kale ee xerada kunool waxay soo tuugsadaan, qaarkood waa soo shaqeystaan aniga waa iga roon yahay aniga miyaaba shaqeysan kara , maba kici karee Alxamdulaahi dadkaasi lugo ayay qabaan”
Daynabo ayaa hadda kunool guri ka sameysan cooshado iyo baco la isku kab kabay, ma jirto cid ay caawin ka hesho balse waxwaliba markii ay u baahan tahay waxa ay kusoo qabsataa in ay gurguurato.
Bishii February ee sanadkaan ayay soo degtay xerada barakaca ee Danyar markii ay kasoo barakacday gobolka Baay gaar ahaan deegaanka Goolgaduud sababo la xariira abaaraha iyo nolosha oo ku adkaatay.
Sida ay noo sheegtay 32 neef oo ari ah ayay ku heysatay deegaanka Goofgaduud balse waxaa ay ku weysay abaaraha dalka ka jira, xoolahaasi waxaa u ilaalin jiray wiil ay eedo u tahay oo hadda ay deegaankii uga soo tagtay.
Haweeynadaan labada guri ee ku dhagan waxaa kunool laba qof oo midna maqalka naafo ka yahay kan kalena uu yahay Cuuryaan. Daynabo waxay noo sharaxday xaaladda ay ku sugan yihiin dadka naafaddaha ee dariska la ah.s
“Dadka naafadaha ah ee xeryaha kunool waa dhibaateysan yihiin , waa iska nool yihiin nolol adag, xaaladda ay ku sugan yihiin maahan mid qof bilaadam ah uu ku sugnaan karo , wax nacfi ah ma helaan , waxaa alxamudullaahi in wali qaarkood ay nool yihiin”
Cabdi Daahir Cusmaan oo ah horjoogaha xerada Danyar ayaa sheegay in dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee kunool xeradooda xaaladoodu ay liidato, islamarkaana aysan helin wax gurmad ah bilihii lasoo dhaafay.
Waxaa uu sheegay in ka maamul ahaan ay dadkaan caawiyaan oo ay dadka dariska la ah xerada uga soo qaadaan cunto ka dibna ay u qeybiyaan, ayna si maalinle ula socdaan xaaladooda si qofka aan maalintaasi dabka shidan Karin loogu shido.
Waxaa uu xusay in mararka qaarkood ay arkaan baahi aysan xamili Karin awoodeeda, taasoo keenta dadka qaar ay dayac u dhintaan kuwana isbitaallo loo dhigo.
“Kuwa Liita anaga ka maamul ahaan waxaan sameynaa waxaan ka kormeernaa guryaha xaafadaha sida lagu baryay dadka degan hal xero waxay ka dhigan tahay in ay degan yihiin hal guri kii xaaladiisa liidato waan u gurnaa kii dhinta waan duugnaa wixii aan uga soo heli karno qof kale ee walaalkjiisa ah ayaan siinnaa”
Dadka Naafaddaha ee ku sugan xeryaha dadka barakacay ee degmada Dayniile ayaa codsanaya in ay helaan caawin si ay abuurtaan shaqooyin ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda, maadaama hada ay kasoo barakaceen degaankii ay shaqaddiisa yaqaaneen.
Waxa aysan sidoo kale kale haysan Gawaarida loogu talagalay dadka qaba baahiyaha gaarka, oo u fududeeyo in si dhaqsi ah ku gaaraan halka ay u socdaalayaan.