Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Mashruuca nadaafadda Dhagaxbuur oo fursad shaqo abuur u noqday qoysas soo barakacay iyo danyar helidda nolol-maalmeedku ku adkaa

Radio Ergo by Radio Ergo
November 3, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Mashruuca nadaafadda Dhagaxbuur oo fursad shaqo abuur u noqday qoysas soo barakacay iyo danyar helidda nolol-maalmeedku ku adkaa

Fardowso oo ka mid ah dadka shaqo abuurka ka helay mashruuca nadaafada Dhagax-buur/Cabdiraxmaan Cusmaan

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Labo kun saddex boqol afartan iyo saddex qof oo iskugu jira danyar iyo dad colaad iyo abaar uga soo barakacay deegaannadooda ayaa ka faa’iideysanaya fursad shaqo abuur oo ay ka heleen mashruuca nadaafadda magaalada Dhagaxbuur ee gobolka Jarar.

Barnaamijkan oo billowday bishii May ee sanadkan wuxuu socondoona muddo saddex sano ah. Waxaa gacanta ku haysa xarunta damaanad qaadka cuntada ee dowlad deegaanka Soomaalida, taas oo taageero dhaqaale ka helaysa bangiga adduunka.

Dadka shaqadan subax hore u kallaha waxaa ka mid ah Fardowso Shariif Xasan iyo saygeeda. Waxay si wada jir ah toddobaadkii u shaqeeyaan afar maalin ka mid ah iyagoo gura qashin sidoo kalana jara geedka Garanwaaga oo ku badan Dhagaxbuur.

Fardowso iyo saygeeda wuxuu qofkiiba mushahar ahaan u helaa bishii $50. Lacagtan ayaa caawisay qoyskan oo 7 qof ka kooban in ay ka baxaan xaaladdii cunno xumo ee haystay.

Sidoo kale saddex ka mid ah carruurta Fardowso oo waxbarashada ku jira ayaa helay agabka ay wax ku dhigtaan oo markii hore ay ka arradnaayeen.

“Farxad aad u wayn bay iiga dhigan tahay iyo mooraal waayo markii hore hooyo waxba ma haysan. Meel aan carruurta ugu kaco maanan haysan. Ilmahayga iskuulka umaanan helayn qalinka iyo buugga. Biyo maynaan helayn, ka bacdi markan xoogsaday oo fadhiga ka kacay waxaan noqday qof la aamini karayo iminka, raashinka nalama amaahin jirin, balse hadda qof mushahar qaadanaya ayaan ahay oo wanaagsanoo la aaminayo,” ayay tiri.

Qoyskeeda oo ka mid ah danyarta Dhagaxbuur ayaa ka hor shaqadan heli jiray maalintii hal waqti waxay cunaan iyo biyo dadka dariska la ah ay ku caawin jireen.

Shaqada dhagax jabinta oo aan joogta ahayn ayaa aabbaha qoyskan uu ka soo saari jiray lacagta ay ku iibsan jireen raashinka halka waqti ay quudan jireen.

Hadda se qoyskan wuxuu awood u yeesheen in labo ama saddex waqti ay helaan cunnada ay dabka saartaan.

Saddex ka mid ah carruurta Fardowso oo bilaash wax uga barta iskuulka hoose iyo dhexe ee Dhagaxbuur fasalladiisa 5-aad iyo iyo 7-aad ayay ka bixisaa lacag ay ku dhigtaan maaddooyin ay bixiyaan iskuullo gaar loo leeyahay.

“Maaddaama ilmihii waxbaranayaan malcaamadda 200 ($2) baa bishii la qaadayaa. Pravite-kay dhigtaan bishii 200 ($2) baa laga qaadayaa. Kombiyuuutarka 200 ($2) baa la qaadayaa. Marka horta waxbarashaduu iga fayday, hooyo xoogsanaysa baan ahay ilmahayga in ay aqoon bartaan baan rabaa,” ayay tiri.

Hooyadan iyo haweenka kale ee nadaafadda ka shaqeeya ayaa ah kuwa ugu badan ee fursaddan shaqo abuur ka faa’iideysta. 1,352 qof ayaa dumar ah halka ragguna ay yihiin 691 sida uu sheegay Abshir Axmed Faarax oo madax ka ah mashruucan.

Wuxuu xusay in xog aruurin kooban oo ay ka sameeyeen Dhagaxbuur bishii koobaad ee sanadkan ay ku oggaadeen in haweenku ay ragga kaga firfircoon yihiin u soo dhicinta nolol-maalmeedka qoysas dhaqaale ahaan liita, taasi oo keentay in ay badiyaan tirada dumarka.

Wuxuu tilmaamay in marka ay soo gabagabeeyaan mashruuca nadaafadda ee Dhagaxbuur in ay siin doonaan dadka shaqeeya lacag $600 ah oo ganacsiyo yar yar ay ku sameysan karaan.

“Qofka shaqada uu doorto ama haddii uu xoolo ka ganacsanayo, haddii uu beer ka ganacsanayo, haddii uu xabuub ka gancanayo. Wuxuu ka ganacsanayo ayaa hadhow loogu sameyn doonaa shaqo abuur iyadoo lagu baddelayo noloshooda laguna barayo adkaysiga shaqo iyo qoysku in uu shaqo abuur sameysan karo oo xooggiisa uu wax ku maali karayo,” ayuu yiri.

Dadka rajaynaya in lacagtaas ay wax wayn u goyn doonto waxaa ka mid ah Fardowso Shariif oo mushaharka ay ku shaqeeyaan iyada iyo saygeeda $20 ka mid ah kaydisa si ay ugu biiriso lacagta loo ballan qaaday shaqo abuurka kaddib.

Waxay sharraxaysaa qorshaheeda mustaqbalka.

“Waxaan ku sameysan doonaa meherad, meheraddaas bagaash baan dhigan, sonkor, daqiiq iyo wixii shacabku iibsadaan baan dhigan, ka bacdi mooraalkayga markaas buu soo kacayaa oo dadka oo dhan baa igu soo wada hiranaya,” ayay tiri.

Filashadaas iyo ka faa’iideysiga shaqo abuurka Fardowso waxaa la wadaagta Fowsiya Salaad Cumar oo sanadkii 2018 ka soo barakacday colaad miyiga dagmada Tuliguuleed ku dhexmartay qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada.

Lacagta ay ka hesho shaqada nadaafadda oo bishii ah $50 ayay sheegtay Fowsiya inaysan soo dhaafin cunnada qoyskeeda inkastoo walwalkii ka haystay helidda cunnada ka hor shaqadan uu ka dagay.

“Anigu waan iskaga roonahay kollay barakac baan ahay iyo baahanayaasha dadka ugu jilicsan ma gananeysaa? Waan iskaga fiicanahay oo saaxiibbul ciyaal ahayoo ciyaalkayga inta aan bisha soo shaqaysanayo meheraddii aan wax ka soo qaataba way isiisaa, markaa ka dib intaan qaato (mushaharka) baan iska bixiyaa,” ayay tiri.

Qof ay helo yihiin ayaa ka caawiyay helidda shaqadan, kaas oo ku xiray howl wadeennada mashuuca nadaafadda Dhagaxbuur.

Waxay sheegtay in lacagta ay ka hesho shaqada nadaafadda ay rajadooda soo nooleysay carruurteeda oo 6 ah iyo aabbahooda oo waayeel ah, kuwaas oo mararka qaar qadi jiray in ka badan 24 saac.

Waxaa se ay ka cabaneysaa hoy xumo ay wajahaysay tan iyo markii ay barakaca ku timid Dhagaxbuur. Magaaladan duleedkeeda waxaa uga dhisan aqal cooshad ah oo roobabka da’aya ay jilciyeen.

“Daadad baa socda habeenkii oo dhan siduu daad hadba dhan noo weecinayo buu waagu noo baryaa, markii roobku da’o. Haddii aad aragto inta ciyaal ah ee joogta iyo meesha aan galo waad qiiroon lahayd,” ayay tiri.

Abshir Axmed Faarax oo madax ka ah mashruuca nadaafadeed ee shaqo abuurka laga helay ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in u jeeddada ay ka leeyihiin barnaamijkan uu yahay in dad danyarta ah iyo kuwa soo barakacay lagu dhiirigaliyo in ay xooggooda maalaan halkii ay noqon lahaayeen gargaar sugayaal.

Wuxuu tilmaamay in si gaar ah ay u xusheen dadka aan shaqada haysan isla markaasna helidda cuntada ay ku adagtahay.

“Qofka in uusan dabka shidan karin baa shuruudda kow ka ah, qoyskaas noloshiisa waa nolol aad u hoosaysa ayay ka dhigan tahay. Xoogga ugu badan waa dumarka. Laakiin dadka ugu badan ee waddooyinka bannaynaya ama Garanwaa goynaya ama waxyaabaha culculus qaadaya waa rag,” ayuu yiri.

Wuxuu xusay in shaqo abuurkan ay sameeyeen uu wali fursad siinayo dadka u baahan in ay ka faa’iideystaan, kuwaas oo shuruudo ay ku xireen da’dooda iyo qoys kasta inta qof ee heli karta.

“Soomaalidu waa iska dhal badan tahay. Waxaa laga yaabaa in dhowr iyo toban carruur ah leeyihiin. Laakiin dhowr iyo tobankaas afarta da’doodu 18 ka sarreyso ayaa mashruucan ka faa’iideysanaya,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in mashruucan nadaafadeed sababta loogu xushay Dhagaxbuur in uu yahay geedka Garanwaaga oo ku badan iyo qashinka ka saaridda magaalada oo u baahatay howl gal ballaaran.

Previous Post

Galmudug: Lix kun oo arday oo waxbarasho la’aan ah markii ay u xirmeen iskuulladooda

Next Post

Cunno yari haysa dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee ku soo barakacay Muqdisho

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Cunno yari haysa dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee ku soo barakacay Muqdisho

Cunno yari haysa dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee ku soo barakacay Muqdisho

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo